Suldaan Axmed Aadan Maxamed Shooble: Waxaa Meesha Ka Socda Waa Maanta i Qor Beri Aan ku Qoree (Dhageyso)
Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!
Muqdisho (RBC) Suldaan Axmed Aadan Maxamed (Suldaan Shooble) oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee gobolada Jubbooyinka isla markaana ka qeybgalaya shirka odayaal dhaqmeedka uga socda magaalada Muqdisho ayaa ka cawday faragelin beelaha Jubbooyinka uga imaaneysa madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole.
Suldaan Shooble oo wareysi gaar ah Shabakada Raxanreeb ku siiyey madasha shirka odayaasha ee magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay in beelaha Jubbooyinka dega ee heyb wadaagta la ah beelaha Puntland xaqooda ay waayeen ka dib markii la sheegay in odayaasha qeybtooda uu soo qorayo maamulka madaxweyne Faroole.
“Waxaan ku eedeyneynaa dawlad goboleedka Puntland iyo wasaaradda arimaha gudaha,waxaa laga soo xulay Puntland, xoog iyo awood ayeyna u sheegteen” ayuu yiri Suldaan Shooble.
Suldaan Shooble wuxuu ku cawday in wasaaradda arimaha gudaha DKMG Soomaaliya ay u sahashay Puntland in qeybta beelaha Jubbooyinka laga soo xulo deegaanada Puntland, isagoo sidoo kalana ku dhaliilay beesha caalamka inay sidaasi raali ka noqdeen.
“Dad jira ayaa nahay deegaan haddii la yiraahdana deegaan jiraan nahay, gobolkeenu cadaw baa heysta ilmaheena iyo dadkeenii waxaan uga soo dhex baxnay iyagoo ku dhex jira oo waxay noqoneysa aan la ogeyn … inaan ummada aayahaheeda ka talino.” ayuu yiri Suldaanka.
Wuxuu suldaanku ugu baaqay DKMG ah iyo beesha caalamka in dib loogu noqdo habka beelaha wax loogu qeybiyey si loo gaaro xalka dalka iyo dadka loo raadinayo.
‘Isii aan ku siiyo’
Suldaan Shooble ayey wareysigiisa shaaca ka qaaday arin uu ku tilmaamay nasiib darro oo ah in odayaasha dhaqanka iyo siyaasiin xilal ka haya dawlada ay kala iibsanayaan jagooyinka iyadoo odayga loo ballanqaadayo in liiska odayaasha lagu daro isaguna taasi bedelkeeda uu siyaasiga u fududeeyo danahiisa xildoonka ah ee gaarka ah.
“Waxaan u aragnaa dadka la soo xushay dad heshiis lala soo galay oo ah maanta aniga ku qoraya berina aniga I soo qor taasna waan uga digeynaa bulsha caalamka.” Sidaasi waxaa yiri Suldaan Axmed Aadan Maxamed Shooble oo u waramay Raxanreeb.
Suldaanku wuxuu sheegay in meesha ay u yimaadeen ka talinta aayaha Soomaaliyeed loona baahan yahay in odayaasha ay qaataan masuuliyadooda. Wuxuuna sheegay in weli ay dhiman tahay xulista ergooyinka 825 ee ansixin doona dastuurka cusub kuwaasoo iyaguna ay ka mid noqon doonaan.
HALKAAN KAWADADHAGEYSO WAREYSIGA
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho












faroole hadana ma taas buukeenay Jubbooyinka in uu soo fara gashto waleee meeshii moorgan maray ayaad mari doontaa Jubbooyinka puntland shaqo kuma lahan faraha halaka baxdo waa iga talo marka shabaab laga saaro cidii heeysan jirtay uun baa heeysan doona
[...] Read the original post: Suldaan Axmed Aadan Maxamed Shooble: Waxaa Meesha Ka Socda Waa Maanta i Qor Beri Aan ku Qoree (Dhage… [...]
Asc walee afdhibiijo wuu kibray haduu keenayba in uu dalka gees kagees ku amartaagleeyo khaatumo ha istaagto hadaan casharkuudhigin adiyo tuugtaada lama ilaawana aadwadato 1 kayahay ina calishire
Dheexaan dhawaqaye dhagbaan jalaq la isiine ee walee dhunkaal noqotay hajaddii aad dib dhigataaye.
Xaajigii muxuu erayo wayn riday……………
markii aan dhageystey CODKA qofka hadlaya iyo SAWIRKA meesha ka muuqda waa isu key qaban waayeen aniga .. CODKA aan maqlayana uma eka SULDAAN HARTIYEED ,, ee waxaan u fahmey qof suldaanka sharaftiisa iyo sharafta hartiga wax u dhimaya iney soo diyaariyeen sheekada,, WAXAAN LEEYAHEY,, sheekadaasi kaa socon meysee,, (jiib noom taani)
ASC,
Geesi Geesi Dhalay DR, Faroole kartidaas inaad leedahay waa waxaan Mudada kuugu kordhinay, kuwa halkaan hadalada aan u Qalmin PL ku qoraayana waxaan u sheegayaa, meel kasta oo qof reer PL ah ku nool yahay waxaa ka mas´uul ah Dowladiisa,iyagaana u matalaayo danaha Umaddaas ha noqdaan kuwa Degen Garoowe ama Buuhoodle ama Jubooyinka. Ilaahayoow Dowladayada inoo dhaaf oo kuwa cadowga ku ah ka qabo. Aaamiiiin.
Wabilaahi Towfiiq.
Waxaan katanaasulay in aan la ficiltamo soomaalida aan ka dhashay sababtoo ah 22 sanadood dagaal iyo qabyaalad iyo hunguri iyo macno daro in laysu dilo oo aan dawlad nimadii hanan wayno ayaa igu filan mudadu aad ayay u badan tahay walina ma arko rajo ah inaynu isdaba qabano sidan aqli maha.
Soomaalida dhib baahaysta mana xalisankaraan dhibkooda sidaasaan isaga daayay in aan la ficiltamo.magaalada kismaanyo oo ah jubooyinka dadkeedu malaha dawlad iyo maamul sida puntland oo kale ah markaa ma sinaan karaan laakiin hada haduu u hirgalo maamulkaa AZANIA waxay tiigsan karaan walaalahood puntland oo mudo dheer ahaa dawlad.
Soomaaliya guud ahaan waa dad walaalo ah waxay isku haystaan oo dawlad nimo isugu diidaan majirto oo aan ka ahayn badawnimo aqoondaro.ilaahay waxaan uga baryayaa in uu quluubtooda isu soo jeediyo oo ay midoobaan dalkooda difaacdaan shisheeyaha ka faa iidaysanaya meel uga soo wada jeed sadaan oo dadkooda dibada iyo gudahaba dhiban caawiyaan oo dawlad dhistaan.dagaal waan ka haray nabad baan qaatay waayo 22 sanadood igu filan-
Jubuuyinka yaa iskaleh dhiiga hannnagu karrinina
waa gobol ******* puntland baana ka arimindoonta
Intii isbaaroooyinku haysteen miyaad caqlisateen oo
Is dhahdeeen dadkaan baa iskaleh hadalkayguna waa xaqiiqda
AMA booda AMA caytama gacanta ********** Kama foga hadda
Haddii idaan bililiqo Rabin wali tiri guryaha kuyaal kismanyo
Yaa iska leh majority gooda iska daa cidda hadda dagan
AMA Kiro ayaykudagan yihiin AMA biliqo
asc . suldaan arintaad ka hadashey waan kugu garabtaaganahey iskana celi dadka aan matalin jubooyinka danaheena hadaan nahey jubooyinka cida katashaneysa ama mataleysa waa adiga iyo raga degan.
K k k k k k ala maxa dad xanunsan adunka joga sxb m/weyne faroole puntland iyo kismayo wa iskugu mid asagana wax laga waydinaya wayo labaduba wa dagankisa lkn wa inu talada waxka siya odayasha reer jubbada, morgana allah ka soko wa ninki idin badbadiyay 91 allah ba dadka balariyay degankana ku beray cidna kama rarikarto
ma tima jare sare xaad oo kalaa tahay suldaanow mise dhowrkii maalmood oo hoolka shirka wada joogteen buu ku qaadsiiyey cudurkiisa’ dhaqan iyo hido midna uma lihin suldaan ama isim harti ah in uu meel yar oo hoose ka qeyliyo ama cad guneed u dhawaaqdo walow kuwo yar yar kaaga horeeyeen in laga qaadona howshoodii socoto.hartina inta reer ey yihiin waa la yaqaanaa meelkasta oo degaana isimo guud bay leeyihiin.puntland baana la hoostagayaa halkaas bayna arintu ka godaaye.iska naso hadaad suldaan tahayna dadka howgu soo hormarine aashaa suldaan.xaadna nin shaqeysta buu ahaa 91kii ka hor oo tima jare sare xaad buu lahaa nin gacan dhaqso badan iyo sheeko badan oo wax jira iyo waxaan jirin oo been u badan daldala marka iska ilaali la joogistiisa iyo la sheekeysigiisaba.
Suldaankaan wax fican buu ka hadlay,faroole ma ahan in uu arrimaha Jubooyinka soo faragashado waana ku khaldanyahay,Haddan nahay Dadka daga Joboyinka waan tageersanahay suldaanka Beesha Harti khaasatan beesha Wadalmuge suldaan shaqadada wado wixii ka horyimadana cagta mari…
dadkii haysan jiray ma waxay bedeleen kuwii u dhashay oo ab ka ab deganaa