Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin: Salaadiinta Puntland Badankood Way Joogaan Shirka Muqdisho (Dhageyso Wareysi)
Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!
Muqdisho (RBC) Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin oo ka mid ah hogaamiye dhaqameedyada reer Puntland ee ka qeybgalaya shirka odayaasha dhaqanka ee ka socda magaalada Muqdisho ayaa maanta wareysi gaar ah oo uu siiyey Shabakada Raxanreeb wuxuu ku sheegay in odayaasha beelaha Puntland badankood ay joogaan shirka ka socda Muqdisho.
Ugaas Xasan ayaa warsysiga uu siiyey Shabakada Raxanreeb ayuu ku sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in shir looga hadlayo aayaha ummada Soomaaliyeed lagu qabto Muqdisho, wuxuuna sheegay in isbedel weyn iyo rajo nabadeed uu ku arkay magaalada Muqdisho isagoo xuday inuu arkay dhismayaal laga dhisayo caasimada iyo dadkii oo yididiilo muujinaya.
Ugaaska oo aanu weydiinay sida dadka reer Puntland u arkaan shirka odayaasha ee Muqdisho maadaama maamulka Madaxweyne Faroole uu dhowaan sheegay in shirka ay ka bexeen odayaashooda ayuu ku jawaabay;
“Annaga runtii telefoono badan baan helnaa iyo emailo oo dalka reer Puntland ama gudihiisa ama dibadda [nalooga soo diro] dadku 90% shirku siduu u socdo iyo midnimo Soomaaliyeed iyo qaranimo Soomaaliyeed in dib loo soo celiyo dadku aad iyo aad bey raali uga yihiin”.
Isimada Puntland
Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin oo aan weydiinay in isimada Puntland ay shirka u dhan yihiin isimada Puntland ayuu kaga jawaabay;
“Isimada Puntland intii badneyd waa joogtaa, tiadii nala siiyey waxaan filayaa saddex isim ayaa dib u noqday iyaguna waxay yiraahdeen ergada baan soo raaceynaa. Ma dhihi karo cid baa ka maqan.”.
“Waxaa la isku khaldaayo waxaa weeye nidaamka beelaha iyo nidaamka dawlada. Nidaamka beelaha waxa weeye beeluhu waa joogaan shirkuna waa ka raali. Dawlada Puntland siyaasiyiin baa metesha iyagaana xaq u leh inay wixii ay saluugayaan ay sheegaan” ayuu hadalkiisa ku sii daray Ugaas Xasan.
Ugaas Xasan wuxuu soo dhoweeyey in talada Soomaaliya dib loogu soo celiyey dhaqanka kadiob markii 22 sano dalka ay ka dhacayeen dagaalo sokeeye taladuna ay gacanta ugu jirtay hogaamiyaasha siyaasadda oo kaliya. Wuxuuna tilmaamay ugaasku in cida kaliyaee talada dalkaku haboon inay ka talabixiso ay tahay dhaqanka.
Dhanka kale Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin ayaa sheegay in iyaga dhaqan ahaan ay kaalintooda tahay xulista ergada 825 kadibna loo gudi doono ansixinta dastuurka cusub iyo baarlamaankacusub, wuxuuse xusay in arimuhu intooda badan ka go’aan lixda saxiixayaasha qariirada roadmap-ka.
HALKAAN GUJI OO KA DHAGEYSO WARIGA
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho














[...] Follow this link: Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin: Salaadiinta Puntland Badankood Way Joogaan Shirka Muqdisho (Dhageyso Ware… [...]
masha allaah runtii ugaas Hassan ugaas Yasin wuxuu u hadlay si sharaf leh . wa sax dawlada Puntland iyada u qaabilsan wixii siyaasad ah ee ku aadan shacabka Puntland . Isimada Puntland waxay umada Puntland u qaabilsanyihiin dhanka dhaqanka wana arin shacabka reer Puntland ay caan ku yihiin … Ugaas xasan ugaas yasiin runtii si qadarin leh ayeey shacabka Puntand kuugu mahad clinayaan .
Dawad Puntland ee Somaliyeed ha noolato, Isimada Puntlad ha nooladeen.
ASCaleykum masha’allaah Ugaas Xasan Ugaas Yasiin illaah SWT hakuu barakeeyo caqligaaga saafiga ah, waa sax wax kasta nidaam bay leeyihiin in laysku qaldana maaha nidaamka beelaha waa sistem gaar ah oo sharaf leh mana aha in sharafta laga qaado waxaana hormuud ka ah isimada waana in looga danbeeyo raggaas soo jireenka ah. Nidaamka dawladana waa siyaasad hadba meel u jeesata oo guurguurta kuma wanaagsana in loo adeegsado dano gaar ah, waxaana sharaf ah in la dhowro nidaamka isimada soo jireenka ah oo magaca ku leh goboladaas salama caleykum.
Waxaan qabaa umada soomaaliyeed in aduunkii oo dhami layaaban yahay umad isku diin ah isku af ah isku dad ah oo aan lahayn wax haba yaraatee iyaga laga sugo oo heshiis ah. dhanka kale dagaalamaya uun mudo hada sii amraysa 22 sanadood hadana wax aan qiimo lahayn ay ku dagaalamayaan oo ah nin shaqadiis hal shaqo oo shaqooyinka kamid ah oo ah madaxweeyne mar idhaha!!!! dadkii soomaaliyeed dal iyo dibad waa ku baabasan yihiin sharaf malaha oo xuquuqmalaha waa umad dayacan oo dayacaa isbaday. dawlad malaha soomaalidu kumana talajiraan in ay cadawgooda iska celiyaan oo noqdaan dal iyo dad jira oo dhexdooda gacmaha isqabsadaan.
soomaalida markaad eegto in aduunyadu qasabto oo sanooyin badan sidaa madaxa looga garaaco oo shisheeye ku sii dhexjiro mudo dheer mooyee malaha wax rajo ah haba yaraatee oo ka imanaysa dhexdooda inay heshiiyaan gartaan macnaha nololi tahay iyo dawlad nimo tan lagama sugayo soomaali. waa nasiib daro ilaahay faraj khayr leh ha inoo furo.
ugaas xasan iyo beldaaje ismaciil ayaa ii muuqda ********************** ugaas xasan si wanagsan ayuu u dhigay waa in lakala saaraa dhaqanka iyo dawlada … siyaasada iyo isimada waa in lakala saaraa dadka iyo dalka idiinkaa u maqan ugaas
salaanka dib Ugaasku muxuu ulajeedaa dalka reer putland?
War wax khalad ah kuma aan hadline maxaad u tiraysaan commentskayga,kuwa meesha ka caytamaba ma tirtaane.Waxaan rabaa uun inaad ii sheegtaan ugaaska meesha aad ku waraysateen,hadaanan aqoon ma ceebaa?,mise deyrkii makaan gubay?.
oday baxmudug;wuxuu kuu sheegayaa dastuurka sida ku qoran ilyn waxna ma akhrisaan fahamkuna waa idinku yaryahaye waana ugaaskayaga aan aadka uga danbeyno taladiisa iyo fikirkiisaba.
ASCWW,
Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin Allah ha barakeeyo. Sharaf iyo wanaag iyo Xushmad ayuu mudan yahay isaga iyo Ugaasyada kaleba. Ilaahay baa mahaddeeda leh in Ugaas Xasan iyo inta la midka ahi weli ku jiraan guud ahaan Soomaali iyo gaar ahaan reer Bari. Ilaahay cimriga ha u dheereeyo iyo caafimaadkaba. Raxanreebna waa ku mahadsan yihiin inay soo waraystaan.
Mansha allah Marka Kowaad Ilaah Ba Mahad Leh Marka Xigana wxa Mahad Leh Ugaas Hassan Ugaas Yassin O si Diraan O Macquul Ah U waramey Wxuuuna SheEkay In Qabiilada dhamaan soomaliyeed mesha u dhanyihiin wxa kale u shekay talada Puntlnad in ay ka godo Dowlada wa rayi fcn Ugaasku wx jira yuu shekay Ilahey Hayska dayee Amiin amiin
Suldaan garaase waa suldaan beeleed. Dr firdhiye faroole ayaana u yeedhay. Madaama ay isku subclan yihiin. Isimada kale ee *************************** ka qaybgalay ayaad ayey u mahadsan yihiin. Waana muwaadinin soomaliyeed iyo isimada kale ee ka socda maamulka khaatumo state of somalia. Guul ayaan leenahay hartiga isimadooda.
Ha noolaado Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin
maa shaa alah aad iyo aad ayuu ugu mahdsanyahay ugaasku
waa rintis waaye waxa uuu kahadlayo
waxan ka muuqata hadaladiisa in ugasku
oo doonayo midnimo iyo xalsoomaliyeed
uggaas xassan guull ayaan leenahay isaga iyo isimada kaleba