Dukumintiyo Laga Heley Gurigii Usama Bin-Laden oo Muujinaya Codsiyo Al-Shabaab Soo Jeediyeen (Muxuuse ka Yiri?)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Dukumintiyo laga helay gurigii uu deganaa Usama Bin Laden oo ahaa hogaamiyihii ururka Al-Qaacida ee sanadkii hore lagu dilay magaalada Abottabad ee wadanka Pakistan ayaa muujinaya xiriiro dhanka fariimaha ah oo ka dhexeeyey hogaamiyaha Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane (Mukhtaar Abuu Zubeyr) iyo Bin Laden.

Waraaqahaasi mid ka mid ah oo warbaahinta qaarkeed faafisay ayaa waxaa ku xusan qoraal codsi ah oo Axmed Godane u diray Bin Laden ka hor geeridiisa inuu ugu sheegayo in Shabaabka ay damacsan yihiin inay dhistaan dawlad Khilaafo Islaami ah oo ka talisa Soomaaliya maadaama inta badangobolada dalka ay xilligaasi Al-Shabaab ka talinayeen, hase yeeshee Osama Bin Laden oo farriintaasi maalmo ka dib uga soo jawaabay Axmed Godane ayaa ka digay in Al-Shabaab ay ku degdegaan qorshaha sameynta dawlad.

Jawaabtii Bin Laden

Bin Laden wuxuu jawaabtiisa diidmada dawlada Al-Shabaab ay soo jeediyeen ku sababeeyey labo arimood oo uusidanusharaxay-

1- Waxaan idinku boorinaya inaad dulqaad iyo adkeysi yeelataan, waxaana idinku waaninayaa inaad isaga baxdaan qorshaha dawlad iyadoon weli la helin kalsoonida dadka, sidaasi ayuu Bin Laden ku yiri warqadiisa. “Marka hore waxay cadawga siineysaa marmarsiinyo ay ku soo duulaan oo ay dalkiina ku qabsadaan markaasna waxaa adkaaneysa nolosha dadka”, ayuu yiri Bin Laden,

2- Bin Laden wuxuu kaloo soo jeediyey arin labaad oo ah in xooga la saaro in dadka dhaqaale ahaan loo horumariyo, loona ogolaado Soomaalida in hay’adaha gargaarka ay takuleeyaan, waayo dalkiina waa faqri dadkiinuna gaajo ayey u le’anayaan dagaalada dheeraaday ee Soomaaliya ka jira dartood, ayuu ku yiri Bin Laden fariinta.

Hab dhaqanka Al-Shabaab

Hogaamiyihii hore ee Al-Qaacida Sheekh Osama Bin Laden wuxuu kaloo wax ka taabtay aragtida uu xilligaasi ka qabay hab dhaqanka Al-Shabaab isagoo dhowr arimood ku dhaliilay kuna taliyey inay joojiyaan.

Wuxuu farriinta Bin Laden ku sheegay in Shabaabka iyo hogaankooda ay dadka Soomaalida kasbadaan “Marka aad heshaan kalsoonida dadkiina markaas iyaga ayaa idin miisaami doona oo idinku qiimeyn doona waxa aad tihiin” ayuu kula taliyey gaar ahaan Axmed Godane oo jawaabta ay ku socotay.

Arin kale oo warqada Bin Laden ku sheegay waxay ahayd inuusan jecleysan sida qalafsan ee Al-Shabaab u fulinayeen xukunada dadka ka dhanka ah ee ad adag, kuwaasoo uu kula taliyey inaysan ka tarjumeynin Sunnada Nabiga [SCW] islamarkaana wuxuu tusaaleeyey Axaadiis dhowr ah isagoo u sheegay in sida ay u wadeen ay ku jireen wax badan oo khalad ah.

Sida ku cad farriinta, Bin Laden uma aqoonin Al-Shabaab xubin ka tirsan Al-Qaacida oo markaasi uu isaga hogaaminayey, waxaana kooxda kaliya ee Bin Laden toos uga tirsaneyd waxay ahayd Al-Qaacida Jasiirada Carbeed oo fadhigeedu yahay Yemen, waxaana Bin Laden Al-Shabaab uu kula dhaqmi jiray sida koox ay ‘saaxiibo yihiin’ oo kaliya, wuxuuna siin jiray dhaqaale ay ku hawlgalaan.

Sagaal bilood ka dib dhimshadii Bin Laden ayaa Ayman Al-Dawaahiri oo la wareegay maamulka Al-Qaacida ogolaaday in Al-Shabaab ay xubin ka noqoto Al-Qaacida, iyadoo Axmed Godane oo hogaamiya Al-Shabaabka uu soo dhoweeyey kuna tilmaamay in dagaalka Jihaadka uu guuleystay.

Fariimaha Axmed Godane iyo Bin Laden waxay u muuqdaan kuwo niyadjebinayey markasta Godane iyo saaxiibadiisa ku dhow oo qabay fikirka ah in deg deg loo dhiso dawlad khilaafo Islaami ah oo ay Al-Shabaab madaxweyne ka tahay, hase yeeshee talada Bin Laden ayaa sababtay in qaabkii ay wax u rabeen- oo dabcan taageerana kaga rabeen Bin Laden uusan dhaqangelin.

RBC Radio

 

Share

22 Responses for “Dukumintiyo Laga Heley Gurigii Usama Bin-Laden oo Muujinaya Codsiyo Al-Shabaab Soo Jeediyeen (Muxuuse ka Yiri?)”

  1. dhenged says:

    osama islamka aduunka oo dhan dhib buu u keenay
    sida yahuuda buu dhagadhaa dheer yahay hadaanahay somali waxa uu baray caruurta iyo haweenka wax magaratada baa noogadaran , isqarxis , qof muslin oo laqalo maanta wuu hayaa

  2. mohamoud says:

    SC ninkn dhegned sheeganaya hadlakaga foosha xun uma qalmo inaa soomali ilaahay kaa dhigay madadkii gaajada diinta kaga baxay baa tahay adi kolba hadlkaga islamnimo kama muuqatee dib isugu laabo plz

  3. Kalmeey says:

    War duf Alla ku badye islaamka been haka sheegin islaamku waa diinu nasteexa wal amni

  4. Taliye says:

    Dhenged, Islaamku aduunka barwaaqo, guul iyo Cadaalad ayuu u keenay… Laakiin adigu maxaad tahay? muslim mise gaal?.. Hadii aadan jeclayn Islaamka anaga ayuu nooga muhiimsan yahay waxkasta ee adiga amaan noosii…………… Oo nabad gali diintayada…………….

  5. kaafi says:

    dhenged islamka aduunka oo dhan dhib umakeenin kalimadaasna waa eray xun ee ilaahay ooga tawbadkeen islaamka dhib adunka umakeenine kufriga iyo kufaartaa aduunka dhib u keenay waxaadna u baahan tahay kalasaar urur islaamka katursan wax waad kashegikartaa lakiin islaamka maya waa diin kabax maxaa yeelay ilahay ayaa soo dajiyay islaamka waxaan kheyr iyo badbaado ahayna lama iman aduunka alqaedana inay khaladaad leeyihiin waankugu raacsanahay

  6. QARDHAAWI says:

    Dhenged@ SUBXAANA LAAH! Sxb islaamku u ma keenin dhib aduunka ee shaqsiyaad si qaldan wax u turjumtay ayaa dhibta keenaye ee ALLE u noqo waad dambabtaye.

    ALLE NA WAA NAXARIIS BADANE CAFIYA ADOONKIISA QALDAMAY…….

  7. Wadani says:

    Dhenged islamka wax haka sheegin duliyaho ma galad tahay waa maxay sida ad u hadleyso hubsimo u yelo qoraladaada iyo hadalkada

  8. dhenged says:

    Adeer nin dad muslin isku Qarxinahayo oo leenahayo aniga muslin uma aqaano jihaadna lama dhaho waxaas i dinkaa u baahan kaas in ilaah aad ka barisaan dambiga ween uu kagalay ilaah iyo dadka muslinka uu nila wadaajin Adeer alqaacida iyo shabaab ficilkooda muslin ma ah
    ANIGA ILAAHEEGA WAA ALAH RASUULKEEGA WAA MUHAMED CSW . kitaabka ilaah
    shareecada aa minsanahay wixii kuxad guba oo diinta siqalad dadka u barahayo taageerimaayo
    OSAMA IYO URUR KIISA ALQAACIDA ARGAGAXISADA shabaab islam bay laayaan ee gaalo ma laayaan

  9. Garaad says:

    CAJIIB!
    Horta yaa huba in warkani dhab yahay? Mise waynu iska rumaysanaa?
    Al Shabaab runtii marka dhinac kasta laga qiimeeyo, aniga oo kamid ah dadka diinta jecel, haddana qiimayn marka lagu sameeyo halkay ka bilaabeen ilaa hadda halkay marayaan, dhibaato mooyaane faa’iido may dhalin. Taasina waxay keentay in ay maanta Somalia cadawga u loogaan oo meel baas oo abataqan ah ka tuuraan mafsadada ay sameeyeen iyo ishaacada ay Islaamka ka sameeyeen ayaa ka weyn waxay doonaan ha rabeene, taasi waxay shaki galinaysaa in ay daacad ahaayeen oo ay meeshan uu la martay iyo in ay ahaayeen yihiinna dad qorsheyaal kale watay! Allahayow na astur. Allahumma Arinal Xaqa Xaqqan Warsuqnattibaacah, wa arinal xaqqa Xaqqan warsuqnajtinaaba! Allow laba talaba tii roon

  10. muuse says:

    Marka hore waxaan shaki weyn ka qabaa war qadahan in ey sax yihiin .maxaa yeelay waa xog laga helay cadowga muslimiinta {mareykanka}.tankale kuwiinaan faalooyinka kaqoro mujaahidiinta madhahdaan Alle ha unaxariisto .laakin calmaaniyiinta baqtiyo ayaad naxariis u barisaan marka xaalkiin ma fiicno.

  11. sorry dhegned islam wax haka sheegin duf ku bax iyo cuduro la garan waayey waayo diinta xakh ah oo barwaaqada iyo guusha iyo ixtiraamka ka shaqaynayso baa caynaysaa miyaadan cadaabta Alle aadan ka baqayne waa arkaysaa cawaaqib xumo wayne

  12. kariimow says:

    dhenged alla ku cadaabye kaqaad diinta faraha jaahilyohow adigaa dhega dhaardheere wax magarad yohow maan gaabka ah bilaa diinta ah diinta islaamku waa {????? ???????? ???? ?????}
    waa mid ami islaamkuna waa mid kasarayya waxa aad lasintay sida yuhuuda oo kale ee ugu damayntii waxaan ku leeyahay qof muslima ayaad tahaye ilaahay unoqo oo ilaahay dembi dhaaf weydiiso ilaahayna haku so hanuuniyo qofku dembi waa galaa lakin dembi dhaaf la,aan lagu dhaafi mayee ilaahay kacabso oo ilahay dembi dhaaf weydiiso

  13. xidig says:

    sorry sorry waxaa ah wax laga xumaado inu islaamka waxka sheego ninkan dhanged la baxay ilahy haku soo hanuuniyo plz waxad ku hadlaysidna iska fiiri hadi kale meshi fircoon ayaad maraysaa walaahi ,, ilahyna waa ku jeedaa,

  14. xidig says:

    dhanged nasiib xumidaa markaad islaanimada wax ka sheekaysid waan ka xumahy inaad raacdid wadada ehlu naarka .. lkn waxad shqaysatid waad helysaa hadaad islaamka wax ka sheegtid aduunku ayuu ilahy kugu cadaabaya ,, ama aakhiro ,,,,,, dhib wa ku danbeeyaa

  15. Abu Dalha says:

    Asc. Salaan kadib, waxaan la hadlayaa ninka kor ku magacaaban (Dhenged), Walaale waxaan ku lee yahay diinta Islaamka waad ka baxday, ee waxaan kugula talinayaa in aad Towxiid aad mar labaad ku soo noqoto, koleey waxaan islee yahay JAAHILNIMO ayaa kaa saartay Diinta, ee mar labaad ku dhawaaq Towxiid, ILAAHAYNA dambi dhaaf warso, kana qoomamee wixii kaa dhacay, inta NAFTU hadda kugu jirto. Wa bil-laahi Towfiiq

  16. Young_salman says:

    Asc salan kadib xayawanka labaxay dhenged Dullow oo duf kubaxee diintayda mcn ee barwaaqo, guul iyo Cadaalad ku dhisan wax haka sheegin. Anigu waxad tahay ma,aqan lkn waxan ku sheegay hadaaad gaal tahayna ilaah hakusoo hanuunsho.Nabigeena galada wuu uduceen jiray ee musan habari jirin. hadaad muslim tahayna ogow hadalada qarkod diinta waa looga baxa marka dib isugu noqo.

  17. Xasan says:

    Ninka Dhenged isku sheegayaa hadalka uu yidhi diinta wuu kaga bixi karaa ee Allaah ha u soo laabto oo ha ka istaaqfurulaysto.
    Dadka waxmagaratada ah sidiisa oo kale ayaa u malaynaya in Islaamku dhibaato u keenay Muslimiinta. Wax ma ka taqaannaa cahdigii uu islaamku xukumayey adduunka inay gaadheen xaddaaradda iyo tacliinta maanta lagu faano ee aad u maleynaysid in reer galbeedku keeneen.
    Taariikhda Islaamka dib ugu noqo oo akhri, markaas ayaad ogaan doontaa xaqiiqda.

  18. Madagaskar says:

    Dhanged waa sarqansanyahay

  19. hogol says:

    ninka wata dhenged@ waxan filaya inaan sifiican loo fahmin oraahdiisa oo somalidu seef laboodnimo qaadayso anigu hadaan sheego sidaan u fahmay wuxu ula jeeda osama aya dhib u keenay islamka aduunka ku nool balse ula ma jeedo islaamka aya aduunka dhib u keenay sida dadka qaar u fahmeen wayo qof islam ah ma oran karo islam aya dhib soo kordhiyay marka wax aan hubsano waxana ka rajayana qoragu inuu waadixiyo waxa uu ula jeedo

  20. xirsi says:

    Islaamku waa diinteena wana wax aad u qiimo badan, laakiin soomaalida badideedu islaamka ma qaadi karto, fiiri hadda intiina u jawaabtay Dhenged kuli waxaad ku xukunteen inuu islaamka wax ka sheegay, meeshana waxaa ku qoran Osama,Osama waa qof islaama in wax laga sheegaana ma banaana laakiin in Islaamkaa dhib keenay la yiraahdo waa arin khatar ah oo keeni karta gaalnimo, halka haddii la yiraahdo Osama dhib keenay ay noqon karto danbi qof laga galay ee aanay ahayn danbi islaamka laga galay.

    Marka waxaad belaayo ku dhigteen degdeg iyo ka fiirsasho la,aan, waxaad wax ku xukumaysaan waxay hubin,Idinkaa Islaamka caayaya oo meel kaga dhacaya waayo? waxaa tihiin dad koriin xumaystay oo jimsi ahaan iyo caqli ahaanba naaqus ka ah, waana sababta dadka soomaaliyeed ee masaakiinta ah maalin walba laysaga laayo iygoon la hubin inay danbi galeen iyo in kale, haddii xaakimku ma hubsade noqdo maxaa dhacaya, Islaamku marna cay iyo ceebtoona malaha, waa Dastuurkii Allah Adduunka u soo dejiyey laakiin wuxuu rabaa dad karti iyo awood u leh inay ku dhaqmaan waxna ku dhaqaan.

  21. dhenged says:

    aniga islamka wax ka ma sheegin ee waxa aan waxka sheegay ninkaa osama islamka aduunka dhib
    buu ukeenay saas ayaan ulajeeday dadka qaarkii taagerayaasha alshabaab argagaxisada af lagaado wasakh bay ku hadleen ayaga aan hubsan laakiin waxaa u mahadnaqayaa hal nin oo hubsiino
    iyo deganaan ku gartay qoraalkeega ninka labaxay HOGOL inta i xukuntay igu xukuntay
    inaa diinta kabaxay waa ku degdeg teen waa gef

Leave a Reply