Yuusuf Indhacadde oo Wareysi Gaar ah Siiyey RBC Radio (Dhageyso)
Muqdisho (RBC) Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade oo ka mid ahaa siyaasiyiinta sida weyn kaga soo horjeeday qodobada qaar ee Dastuurka cusub ayaa markale shaaca ka qaaday inuu ku qanacsan yahay dastuurka cusub ka dib markii sida uu sheegay wax laga badalay qodobada qaar ee horey ee uu horey u dhaliilay.
Indhacade oo mar soo noqday wasiiru dowlaha wasaarada Gaashaandhiga ee Soomaaliya horeyna uga tirsanaa Maxkamadihii Islaamiga ee burburay ayaa Raxanreeb u sheegay inuu la kulmay madaxweynaha dowlada KMG Shariif Sheekh Axmed iyo raysul wasaaraha C/weli Gaas ayna ka wada hadleen arimaha Dastuurka.
“Sidoo kala waxaan la kulanay gudiga madaxa bannaan ee Dastuurka waxaana isku afgaranay in Dastuurka loo geeyo dad qubaro ah oo ay culumaa’udiin ka mid yihiin oo waliba laga saaro wixii khaldan ee ku jira.”Ayuu yiri Indhacade.
Yuusuf Indhacde ayaa sidoo kale wuxuu ka hadlay shirarka looga soo horjeeday Dastuurka ee maalmahaanba ka socday magaalada Muqdisho isagoo eedeeyey dad uu ku sifeeyey kuwo leh dan gaar ah oo ku ganbanaya in ay ka soo horjeestaan dastuurka cusub.
“Waxaad moodaa in shirarkii socday si kale loo badalay oo xildhibaano loogu doodayo, shirarkaana markii hore ujeedkooda sidaa ma ahayn, waxay ahayd in wixii khaldan aan saxno.” Ayuu yiri Yuusuf Indhacade.
Siyaasiga Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade wuxuu ugu baaqay dadka ka soo horjeeda dastuurka in ay is dajiyaan ay isla markaana haatan Dastuurka laga saaray qodobadii la diidanaa loona baahanyahay in aanan wax walba la diidin iyadoo aanan wax sabab ah la keenin. Indhacade wuxuu kaloo wax lagu deg degay ku tilmaamay banaanbaxyo dhowaan culimada qaarkood ku baaqeen.
DHAGEYSO WAREYSIGA YUUSUF INDHACADDE
Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho











Sayn lo`aad ama xunbo ku jirtey ama xaar.dadka waxaa ugu liita kaan shaley xasuusan,
Dulmigana u yaqaan marka uu dantiisa gaar ahaaneed uu waayo.kkkkkk
kkkkkkkkkk ar indhacade go;aan yeelo ama wax diid oo ku adkayso ama marka hore afkaaga hayso
Gibil Cadii Ow gabdhahoda Fuul-fuuli jiray iyo Biyihii Wabiga Ow dadka ka gadi jiray Aa lo balan qaday in lagu naqo Baaf Qandha Qur-quri dheh Qanfoolxuma badan Daan qalocan.
indhacade waa qof oo haysta afar walxood oo bililiqo ah darajo jeneraal uu sheegto ,beeer bililiqo ah,siyaasi ,waana been waxa uu siyaasad ka ogyahay ma jiraan,sheekh,oo wax uu diinta ka yaqaan ma jiraan oo dadkii oo dhacay ayaa dadka jooga
waa doqon u baratay wax uu san shaqeysan kan dadka haladhaafiyo tuuga
Kkkkkkk indhacade xagelooracaa,asagianbameel,kut
osnaynine
kkkkkkkkkk Indhocade waa shaqsiga aan raadiyo inaan dhagaysto maxaa yeelay waa shaqsiga kaliya oo meel walba soo galay si uu madax ku noqdo,waxa uu ku jiray arimihii caydiid iyo isbaroyinkii xaafadaha muqdisho,wadaadadii oo shariifka madax ka ahaa,hadana waa kanaa waa foodo socoto runtina aad baan ugu qolaa,runtii soomaliyey daawada indhocade xaaladaha uu somaray ruwaayad uma baahnid hada waxaan rabaa inaan isku xir xiro xaladihii oo somaray qudbooyinkisa oo marxalad kala duwan leh waxay noqon wax aad u qosol badan.