52 Sano Kadib 26 Juun 1960. W/Q Dr. C/fataax Warsame Maxamed (Bayle)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

52 Sano Kadib 26 Juun 1960
Dr. C/fataax Warsame Maxamed (Bayle).
Agole205@hotmail.com
Juunyo 26 2012

Waxaa soo baxday cadceedii xoriyadda, waxaana noo daday hogoshii gobonimada, xili subax ah oo ay naacaw udgoon iyo roob yar oo shuux ah ay ka da’ayaan magaaladda hargaysa gudaheeda ayaa calankii ingiriiska oo qoyan waxaa lagu soo tuuray ciidda, waxaana la saaray calan aad u qurux badan oo u’eg cirka oo aan caad lahayan dhexdana ay kaga taal xidig cad oo shan gees ah.

Damaashaad farxad iyo dabaaldag aanan halkaan ku soo koobi karin ayaa ka dhacay fagaarayaasha waawayan ee magaaladda hargaysa, wax yar aan ku xasuusiyee abwaabkii waynaa C/laahi Suldaan Timacade(a.n) ayaa tixdaan ku wayan qalbiyadda ummadda soomaaliyeed waxa uu ka tiriyay subaxaas calanlka hoostiisa, tixdan oo aad u dheer waxaan kaa xasuusin karaa qaybtaa yar oo runtii aan is leeyahay waa ku filan tahay xusuusin, abwaanku wuxuu yiri:-

Subciyay oo ka duceeyaya
Ka sideetan sabaaney
Calankaanu sugaynaye
Sahankiisa ahaynoow
Seermawaydo hilaacdayow
Sagal maanta daroorayoo
Siigadii naga mayrayow
Saqdhexaanu ahayne
Kii soo saaray cadceeddow
Samada kii u’ekaaye
Xiddiggaa mid la siiyayow
Saaxirkii kala guurye
Sareeyoow ma nusqaamoow
Aan siduu yahay eegno’e
Kaana siib kana saar.

Dadka reer hargaysa iyo dhamaan ummadda reer waqooyi farxadii ay heleen iyo gobanimadii ay qaateen ayga oo kaliya iskuma aysan koobin ee waxay soo qaadeen calankaas quruxda badan ee aan kor ku soo sheegay waxayna afar cisho gudahood soo gaarsiiyeen walaalahood soomaaliyeed ee koofurta ku noolaa, waxay ka taagee lix saac oo habeenimo 1 luuliyo 1960kii magaaladda Muqdisho, waxaa kale oo ay ogolaadeen in waqooyi iyo koofur ay noqdaan waddan kaliya oo soomliyeed lehna hal asataan iyo hal calan, waxay wax ka dhisee dawladii oo ay qaytooda ka qaateen madaxwaynana waxaa loo doortay Md. Aadan Cabdule Cismaan (Aadan Cade) A.N.

52 sano kadib 26 juun 2012ka

Hadaba maanta oo ay ka soo wareegtaay waqtigaas qiimaha iyo quruxda badnaa muddo nus qarni ka badan qiyaastii waa 52sanno, ayaan ku sifayan karaa calanka Soomaaliya gabal maro ah oo cirka oo aan caadlahayan u’eg xiddig san gees ahana ay dhexda kaga taalo laakiin aan wax qiimo ah lahayan, dadkii is jeclaa ee soomaaliyeed reer waqooyi iyo reer koofurna midba meel cidlo ah ayuu taagan yahay, dalkii waa burburay, dadkii waa qaxay, dawlad rasmi ah oo al taaban karo ma jirto, amaanku faraha ayuu ka baxay, dhalinyaro hubaysan dhinacaydoonaan ha ahaadaan ayaa dadkii iyo dalkii isku haysta, burcad badeed ayaa badii looga cararay, bariga ayaa asagana la nabaad guuriyay, meel fiyowba ma jirto ayaan oran karaa

Gunaanad.

Waxaan maqaalkaan oo aan ugu talagalay xuska 26ka juun 2012ka kusoo koobayaa Dawladda DKMG ee saldhigeedu yahay caasimadda dalka soomaaliyeed ee Muqdisho oo dhawaan la bilawday wada hadalka Somaliland waa inay ka dhabeeyaan oo ka mira dhaliyaan wadahadalkaas oo hadda si fiican ku bilowday, markoodana ay qaadaan calanka quruxda badan ee ay walaalahood 52 sano ka hor u keeneen, oo ay geeyaan Magaalada hargaysa oo ah caasimada labaad ee dalka soomaaliyeed.

Sidoo kale walaalaha Somaliland waa inay diyaar u noqdaan haddii koofuri dagi wayday inay hantaan hogaanka dalka soomaaliyeed halka ay ku fikirayaan inay ka go’aan walaalahood Soomaaliyeed.

By. Dr. C/fataax Warsame Maxamed (Bayle).
Agole205@hotmail.com
Tel. 254713521856 Nairobi Kenya.

==========================================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Share

Tags: ,

8 Responses for “52 Sano Kadib 26 Juun 1960. W/Q Dr. C/fataax Warsame Maxamed (Bayle)”

  1. ceelbooc says:

    very good maaqaal,
    aniguse waxaan qabaa in somaliland cod loo qaado oo intii rabta somaliya inay raacdana sida goboladaan soke lasoo jaro intii rabta inay ka huleelaan oo cagohooda ku istaagaan waa in layiraahdaa hortiin furan,
    xalku waa taas hadaysan somaliya u baahnayn oo ay ka maarmeen somalida kalana uuma baahna, hadii tigree qabsado iyo waxaan lagaranayn waxaa ku xigi doonta weedhii ahayd maxaa iiga gidhiisha,

  2. [...] See the article here: 52 Sano Kadib 26 Juun 1960. W/Q Dr. C/fataax Warsame Maxamed (Bayle) [...]

  3. hogol says:

    maansh alah

  4. M.wadani says:

    Soomaaliya ha israacdo, mahadsan dr.beyle wa maqal wadaninimo kudhehantahay. Insha alah walalahena waqoyi ayaga aya calanka nogu hortagay ciida somaliya hadana kama rajayneno calanki ay tagen waqtigas in ay kubadashan midkale hanaga tagine cadka iyo canaha aynu wada qeybsano. Ilxumada les kuma nacee. Midnimada somaliya wa mida no horsedi karta hormarka jiritankena.

  5. HargeysaawiMan says:

    walaahi wali maan moodayn soomaalida ku jiraan rag samatalisa oo garanaya waxay somalinimadu tahay, dad garanaya waxa laysu yahay iyo inaan meelna lakala tagayn, Qoraagu si farshaxinmo leh oo aqooni ku dheehan tahay ayuu u soo dhigay Calansaarkii waxaaban ismooday inaan taaganahay goobtaa berta xoriyada siduu u sharaxay qoraagu. mar waan farxay marna waan murrugooday.
    mar waan farxay oo waxaan xusuustay sidaynu ahaan jirney iyo kalgacalkii somalinimada ka dhaxayn jirey xiisihii laysu qabay iyo waayihii lixdankii jirey, hadana murugo ayaa i qabatay markaan soo xusuusto dhibaatadii laga dhaxlay kacaakii lugooyo iyo sida maanta soomaalidu isu nacday ee aanay isugu diir naxayn , naxligii jabhaduhu Abuureen ayaa iyaguna damqasho kugu abuurayaa markaad dib u dheehatid.burburka dalkii soomaaliyed ku dhacay iyo kadeedka maanta taagan.

    Gayigii Soomaaliyeed markaan sidaa isha u mariyey waxay isoo baxay inay dadkeeni noolyihin waqti lasoo dhaafay , waa lakala fogyahaye dadka qaar ayaa nool 1960 wxii ka horeeyay gabayadooda gubaabadoodu waxay ku salaysan tahay tolaay reer Hebelaay leh>
    Qaar waxay nool yihiin 1960 ilaa 69 oo waxay aamin san yihiin anaga ayuunba somaliya u talinayna iyo anaga ayaa wax ahaan jirney iyo Cadoow ku cunay ama ku ciideeyay>
    qaar ayaa nool 1969-80 waxay lasoo taagan yihiin kacaanki malaaig buu ahaa somali siyaad wali loo direy ayuu ahaa waxbuu dhise hada intu dumiyey iyo eelkuu reebay arki maayaan .
    Kuwo kale ayaa nool 1980-91 oo dabada haya jabhadihii ninkii iyaga la fikiri waa mujaahid kii kasoo horjeedaana waa faqash kuwaa hore ayay lidi ku yihiin wixii kacaan sheegta waa la nacdalayaa garan maayaan siyaad tagye wax dhaama keena.

    waxaan kusoo gabagabaynaa hadalkayga : Soomaaliyeey Sooyaalka wax ka barta ee isaga ha noolaanina , maanta ka faaidaysa iyo wakhtiga la jogo oo wixi hore saamax lakin ha ilaabin, Bari iyo Siiyaalkana usii qorshaysta.

    Maansadii Hadraawi ee ugu danbaysay ee KALA_GURAN tuducyo ka mid ah aan kusoo khatimo:
    Arrinteennu gocashiyo,

    Galgal iyo fudaydiyo,

    Ma galoof la olol baa?

    Ma samaha ka guur baa?

    Gabgabteennu xiisiyo,

    Ma gabiib istaagbaa,

    Galgalkiyo xig xigashadu,

    Ma Galbeed-ku-dayashaa,

    Iyo gaal isu ekayn?

    Taladeennu gubashiyo,

    Mayska gees lo’aad baa?

    Ma habeen gadood baa?

    Dabadeed gar waa’ baa?

    Nolosheenna goofkiyo,

    God madow ku tuur baa?

    Gurdan-raaca ubadkiyo,

    Gulufkeenna kala lumay,

    Gashigeenna weli maqan,

    Horta godobta yaa qaba?

    Dhaqan-garaca yaa siday?

    Hadmuu beesha soo galay,

    Go’nay go’ina weynnoo,

    Gurrac bayna daashee,

    Gawdiidka lagu jabay,

    Galabsiga maxaa dhalay?

    Maxaa geydha yoontiyo,

    Gabayooxa ina baday?

    Mici good ma fududee,

    Maskaxdaa gidaadoo,

    Gudhay oo basaastoo,

    Damqashada ka guurtee,

    Lafa-geriba jebinnee,

    Goormaa la talantalay?

    Gunnimayna haysee,

    Miyaynaan gob noqon karin?

  6. qabqabsey says:

    hadii uu c/laahi suldaan timo cade noolaan lahaa maanta waxa uu odhan lahaa kii bluug ahaa ee na baabi yoow sidaad tahay aragnee ,kaa tawxiidka leh baan sitaaye kana siib ka tawxiidka leh na saar.

  7. Aw Malaaq says:

    Soomaaliland ma goosan ee way isgiijisey.
    Beladu Soomaali oo idil bey wada taabatey hayeeshee isku si looma waajihin furdaaminteeda.
    1- Gobollada qaar baa taag darnaayo la tun jilicsadey(Gobollada Koonfureed) oo dhac, boob, xasuuq, kufsi, barabixin, barakicin iyo halaag oo idil lagula kacay oo wax la diley, wax badaha ku le’dey, wax gaajo iyo cudur u dhintey, wax gudaha ku barakacay oo isir nacayb iyo gumaad kala kulmey gobolladii ay u bara kaceen (sida Puntland iyo Galmudug ).

    2- Qaarna waa kuwa u taagan weerar joogta oo ay Soomalia ka degi la’dahay ilaa maantadan. Xasuuq iyo barakicin ka dib waxay xoog kula wareegeen dhul iyo hanti dad kale leeyahay ooy weli xoog ku haystaan( Waa gobollada dhexe sida Galmudug, Ximan iyo Xeeb, Iyo Kooxda isku magcawdey Ahlusunna). Maadaama ay nasiib u yeesheen dhul lama degaan lama degaan ah oo ay noloshiisu adagtahay waxay fursad lama dhaafaan ahi u arkaan dagaallada sokeeye si ay u milkiyaan dhulka barwaaqada ah ee koonfurta.
    3-Qaarna maamul bey samaysteen, difaac adag bey galeen si ay ku badbaadshaan dadkooda , walow ay jiraan xurgufo iyo kala tabasho beelaha iyo deegaamada maamulladaas xaydaabkooda ku jira (sida Soomaaland iyo Puntland).
    Soomaaliland oo uurgumaar iyo ciil daran ka dhaxashey dagaalladii arxan darrada ahaa ee dhexmarey dawladdii Milliteriga ahayd iyo SNM ayaa caradii kula duldhacdey Koonfur oo idil.. Maadaama dawladdaas laga xukumaayey Xamar oo awaamirta oo idil ay ka soo fulayeen, Xamarna ay koonfur ku taallo ayaa arrinkoodu isugu biyashubtey “QORI IYO QIIQIISA WAA LA ISLA TUURA”.
    Koonfur iyo dhibteeda naga tuura ee aan danahayga raacano bey yiraahdeen.Danahooda wuxuu galey in la sameeyo maamul ka madax bannaan Soomaalida inteeda kale , waxaana loo bixiyey Soomaaliland.
    Fikirka goosashada ma jirin markii hore ee ay dirirtu socotey. SNM(Somali National Movement) oo ah Dhaqdhaqaaqa Wadinga ee Soomaaliyed, ma ku arkaysaa Somaliland, gooni isutaag iwm. Maya waxay SNM u diriraysay dawlad dimuqraadi ahoo cadaalad iyo horumar u horseeda qarankii Soomaaliyeed ee marnaba mabda’ooda kuma jirin in lakala googooyo Soomaaliya.
    Markey Xamar noqotey meel aan khayr ka soo socon, ee ay mooryaantii ka timid gobollada dhexe ay u soo taagantahay boob iyo dhulballarsi oo aaney u ogolayn nolol nafley aan iyaga ahayn oo Xamar inta loo qaybiyey tobaneeyo khad cagaaran ay isu rogtey holac naareed. Dad cawaan ah oo aan kal naxa lahayn baa ciidda la simay Xamar iyo magaalooyinka kale ee koonfureed, ruuxi nuuxsadaaba ay xabbaddu ku taal.
    Soomaaliland markaasey ka rajo beeshey Koonfur inay nabad noqoto oo heer wax lala wadaagi karo gaadho. Fikirka gooni isu-taaggu markaasuu dhashey. Waana la hirgeshey oo nabad iyo caano ayey ku noolyihiin Soomaalida woqooyi maanta.Xataa haddaan loo aqoonsan dawlad madax bannaan, laguma khasaarin ee waa meel kala dambayni ka jirto oo ay dad miyir qaba ku noolyihiin. Koonfurna weli ma xasiloona, mar waa cali iyo caydiid,mar waa mooryaan, mar waa dagaal ooge, mar waa maxaakim, marna waa Alshabaab. Xataa Alshabaab haddii laga adkaado yaa u taag heli doona dadkii Gobollada Dhexe ka yimid oo aan marna ogolayn inay dib ugu laabtaan guryahooda, oo ay soo celiyaan hantida iyo dhulka ay booliga ku haystaan.

    Sidaas darteed, Soomaaliland eed malaha , waxaana hubaal ah haddey arkaan dad miyir qaba oo wax lala wadaagi karo ,habkii lixdankii iyo hilinkii gobannimo seegi maayaan.

  8. saleban says:

    somaliland allow dhowr waa maalintii ay xornimada ka qaadatay gumaystaha maanta iyo maalintaas waa laba maalmod oo is leh in sha allah somaliland oo dal madax banan ah baynu arki

Leave a Reply