Al-Shabaab iyo Ciidamada Ethiopia oo Ku Dagaalamay Duleedka Yurkud


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Wararka naga soo gaaraya gobolada Baay iyo Bakool ayaa sheegaya in dagaal la isku habeensaday uu shalay gelinkii dambe dhexmaray ciidamada Ethiopia ee ku sugan goboladaasi iyo kuwa ururka Al-Shabaab.

Dagaalkan oo bilawday shalay galab soona gaaray illaa xalay fiidkii ayaa ka dhacay deegaano u dhexeeya Yurkud iyo Bardaale halkaasoo la soo sheegayo inkhasaare dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay.

Saraakiisha Ethiopianka iyo kuwa ururka Al-Shabaab kama hadlin illaa hadda faahfaahinta dagaalkan, hase yeeshee warar laga helay dad deegaanka ku sugan ayaa sheegaya in dhulkii lagu dagaalamay ay gacanta ku hayaan ciidamada Ethiopia oo fariisimo ka dhigtay.

Waxaa degan xaalada degmooyinka Yurkud iyo Bardaale oo deegaanka dagaalka uu ka dhacay aad ugu dhow.

Dhanka kale dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay wadaan ciidamada Ethiopia iyo ururka Al-Shabaab ayaa si weyn looga dareemayaa degmooyinka gobolka iyadoo dad rayid ah oo deegaanka kusugan ay xaqiijiyeen in ciidamo iyo gurmad ay deegaanka lagu dagaalamay ay ku soo fool leeyihiin.

 

RBC Radio

Share

Tags:

Leave a Reply