Augustine Mahiga oo Afar Kooxood u Kala Qeybiyey ‘Qaswadayaasha’ (Wareysi+Sawiro)
Muqdisho (RBC) Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augustine oo maanta wareysi siiyey Shabakada Raxanree ayaa sheegay in afar kooxood ay ka kooban yihiin wax uu ku tilmaamay qaswadayaasha caqabada ku ah qorshaha roadmap-ka.
Danjire Mahiga ayaa wareysigan ugu horeyn ku sharaxay saddex marxaladood oo uu soo maray geedi socodka lagu hirgalinayo heshiiska roadmapka kuwaasoo soo bilawday bishii Sebtember ee sanadkii hore markii la saxiixay qorshaha roadmap-ka, taasoo ay ku xigtay sidii heshiiska saxiixayaasha ay sameeyeen looga dhigi lahaa mid dadku u wada dhan yihiin.
Haddaba wareysiga Raxanreeb la yeelatay Danjire Mahiga wuxuu u dhacay sidan;-
RBC Radio: Dr. Mahiga illaa hadda in ka badan sagaal bilood ayaa laga joogaa markii la saxiixay heshiiska roadmap-ka loo yaqaano kaasoo ay sameeyeen lixda saxiixayaasha, maxaa noo sheegi kartaa oo guul ah oo laga gaaray?
Mahiga: Qorshaha tubta qariirada [roadmap-ka] wuxuu soo maray saddex marxaladood; mida koowaad waxay ahayd in la qeexo dhabaha la qaadayo iyo in laga fhigo habka wax loo wadayo mid loo dhan yahay oo dadkoo dhan ku jiraan, wuxuu soo bilawday bishii Setembar sanadkii hore markii aan saxiixnay roadmap-ka si loo dhameeyo waqtiga ku-meelgaarka ah iyadoo la isu keenayo dhamaan dadka ay TALADU ka go’do inay ka soo wada qeybgalaan saxiixayaasha. Waxaan sidoo kale ku soo darnay qeybaha bulshada rayidka shirkii aan u qabanay bishii ku xigtay si ay u taageeraan roadmap-ka, taasi waxay ahayd marxalada koowaad. Kadib waxaangalnay marxalada labaad oo ah inaan diugu noqono isla markaana ahmiyado u kala yeelno hawsha, kaliyase maahee in la kala hormariyo laakiin waxay sidoo kale ahayd in la qeexo hay’adaha dawladeed ee la rabo inay bedelaan ku-meelgaarka, taasina waxaan ku qabanay shirarkii Garowe 1 iyo Garowe 2, waxaan soo baxay heshiiska Mabaadii’da Garowe.
Hadda waxaan ku dhexjirnaa marxaladdii saddexaad, waxaa noo haray wax ka yar 65-maalmood si loo soo afjaro ku-meelgaarka. Marxaladan ugu dambeysa waxaa jira hawlo muhim ah oo la rabo in la qabto; Hawsha koowaad waxay ahayd in odayaasha dhaqanka la keeno Muqdisho waxayna ku lug yeelanayaan soo xulista Golaha Dastuuriga. Golaha dastuuriguna waa kuwa ansixinta dastuurka cusub yeelanaya, dastuurkaasoo qabyo ahaa tan iyo toddobadii sano ee la soo dhaafay.
RC Radio: Danjire Mahiga, arinta odayaasha dhaqanka waxaa ka jira buuq fara adan.. waxaa jira qabaa’ilo ka cabanaya in oday dhaqameedkoodii la ilaaway amaba ogaal looga tagay, taasi sow ma noqon karto caqabad kale?
Mahiga: Odayaasha dhaqanka waxay hadda joogaan halkan iyagoo ka wakiil ah beelahooda, jufooyinkooda iyo xitaa jufo-hoosaadyada beelaha, waa iyaga kuwa noqonaya isha sharciyadeed, marka uusan jirin doorasho toos ah odayaal dhaqameedku waa wakiilada ugu muhimsan ee shacabka Soomaaliyeed, waxay noo dhisayaan Golaaha Dastuuriga, sidoo kalana waxay soo xuli doonaan baarlamaanka cusub. Baarlamaanka cusub wuxuu soo dooran doonaa MADAXWEYNE CUSUB oo soo dhisi doona xukuumad iyo raysul wasaare cusub.
Way jirtaa jahwareer ka taagan YAA AH ODAY dhaqameed, waxaan u saarnay guddi dhexdhexaadin ah oo soo kala cadeeya odayaasha saxda ah iyo kuwa kale, waayo qaar ka mid ah odayaal dhaqameedka ayaa waxaa soo farsameystay siyaasiyiin. Waxaa kaloo xaqiiqdii jira muran ka taagan odayaasha qaarkood laakiin waa mid qoyska dhexdiis ku saleysan ama qabiilada waana inay iyaga isxaliyaan, Qaar kale oo odayaasha ka mid ahna maba aysan imaan waayo waxay ka cabsadeen Al-Shabaab, sidaasi darteed dadka ay wakiilada u soo dirsadeen waa in la qiimeeyaa.
RBC Radio: Hadda waxaa socda kulamadii oday dhaqameedyada, dad badana waxay sheegayaan in oday dhaqameedyada ay saameyn weyn oo muuqata ku leeyihiin siyaasiyiin iyo qabqablayaashii dagaalka hore ka mid ah kuwaasoo raba inay ka mid noqdaan baarlamaanka iyo dawlada cusub taasi adiga khatar ma u aragtaa?
Mahiga: Tani waxaan u arkaa khatar weyn waana in si deg deg wax looga qabtaa. Golaha dastuuriga waa muhim, waxaana hadda odayaasha dhaqanka u sameyneynaa xogheyn ka caawisa sidii ay u diyaarin lahaayeen habka waxsoo xulida iyo guddi farsamo oo dusha kala socda in dadka la soo xulayo ay yihiin kuwo buuxiyey shuruudaha laga rabo xubinta ka mid noqoneysa Golaha Dastuuriga oo ah shuriuidihii lagu soo saneeyay shirkii Garowe kuwaasoo noqonaya dhamaan shuruudaha horyaala haddii ay yihiin xubnaha Golaha Dastuuriga ama xubnaha baarlamaanka cusub.
Waxaanu ula soconaa si taxadar leh si aysan dadkan ugu soo dhexdhuumanin kuwa qaska iyo xumaanta jecel. Cid walba oo isku dayda inay wiiqdo hannaanka ama ama isku dayda inay saameyn xun ku yeelato odayaasha dhaqanka waxaa loola dhaqmi DOONA SI ADAG waxaana loo qaadanayaa fal qaswadanimo ah.
RBC Radio: Laakiin Dad badan ayaa weli ku wareersan cida loola jeedo QASWADAYAASHA, waa kuma qaswade, ma waxaad ula jeedaan xubnaha baarlamaanka DKMG ah oo aad horey digniinta ugu jeediseen mise waa qabqalayaasha dagaalka ee raba inay xukunka ku soo laabtaan, Tani wareer weyn ayaa ka taagan?
Mahiga: Waan kugu raacsanahay……….. Waxaa jira qafar nooc oo ah qaswadayaasha; kooxda koowaad waa qaswadayaasha ku dhex jira hay’adaha DFKMG ah amaba gobolka ku sugan kuwaasoo raba inay dhabarka ka jabiyaan geedi socodka, ujeedkuna wuxuu yahay inay waqti kale sii krorsadaan si ay meesha u joogaan amaba waxay rabaan inay caqabad noqdaan.
Kooxda labaad waa qaswadayaal fursad-doon ah, kuwan kuma dhexjiraan hay’adaha DFKMG ah laakiin waxay eeganayaan fursada ugu wanaagsan ee ay qas ku abuuri karaan si ay uga faa’ideystaan tabar darnaanta dawladda, waxay sameynayaan inay canshuurta la baxsadaan ama ay laaluush bixiyaan amaba si kale ay saameyn u yeeshaan.
Kooxda saddexaad waa qaswadayaasha istiraatijiiyada, waxaan ula jeedaa qabqablaasha dagaalka ee hore; waxay iyagu diyaar u yihiin inay adeegsadaan rabshad iyo hub si ay di ugu soo laabtaan- ma ahan inay sida hadda wax yihiin ay rabaan ee waxay doonayaan sidii hore [awoodii qabqablayaasha dagaalka] ay dib u soo celiyaan. Hadda way isdiyaariyeen, waxay dib boorka uga jafeen maleeshiyooyinkooda. Waxay aad uga soo horjeedaan shuruudaha lagu xiray hogaanka cusub.
Waxaa jira koox afraad oo ah qaswadayaasha, kuwani ma joogaan gudaha Soomaaliya ee waxay joogaan qurbaha, kuwani waa shar waana khatar mararka qaar, waayo waxay qasayaan oo ay sumeynayaan maskaxda dadka Soomaaliyeed iyagoo qoraalo ku soo qora website-yada ama maqaalo ay daabacaan ama noockasta oo afmiinshaarnimo ah si ay dadka u khaldaan oo ay u marin habaabiyaan iyagoo sheeganaya xoriyad hadal laakiin xaqiiqdii waxay qasayaan dadka.
RBC Radio: Maxay tahay talaabada laga qaadi doono kooxahan aad ku eedeysay inay wax qasayaan?
Mahiga: Digniin ayaan u dirnay, waana garaneynaa kuwa ay yihiin laakiin waa in baaritaan lagu sameeyaa, Waxaana loo xilsaaray baaritaankooda iyo dib u eegistooda guddiga cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea. Mardhow haddii ay waxyaabaha ay wadaan sii socdaana kuma ekaaneyno digniin guud oo kaliya ee waxaanu ku wargalineynaa inaanu la socono waxay sameynayaan. Laakiin nasiib wanaag markii digniinta guud aanu soo saarnay, si muuqata ayay hoos ugu dheceen noocyada qaswadayaasha!.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho












QASWADAH KOOWAAD, IYO LABAD WAA UN, DAWLAD GABLEEDYADA DADKA MADAXDA U AH SIDA FAROOLE IYO SILANYO, IYO KUWA KALE OO YAR YAR EE KAJIRA FROM GALKACYO TO MOGDISHO. QASWADYAASHU WAXAY U SHEQEEYAAN ETHIOPIA, USA, WAXAASE UGU DARAN ALSHABAB OO U SHEEQEEYA USA IYO DAWLADAKALE OO AH ARAB. KUWAAS OO DOONAYA IN AY DADKA SOMALIYEED DIINTA NACSIIYAN SI AAN WALIGEED DAWLAD ISLAMIC AH UGA DHALAN SOMALIA LOONA YIRAHDO WAA KUWII OO KALE EE HAN NOOSOO DHAWAYNINA WAXA DIIN SHEEGANAYA, WALALAY WAKE UP. ISKANA QABTA CADAWGA UGU DARAN EE DIINTA RABA IN AY IDIN NACSIIYAAN.
WAR KAN MAA LA SOO QABTO GACAN KU DHIIGLAHAAN HADAAD RUN SHEEGAYSO HALKA AAD JOOGTO KA CODSO IN LAGU DHAQO DIINTA AAD HAYSATO MASAAKIINTAAS DAWLADA IYO SHARCIGA LOO KALA DEJINAAYO BEENTA KA DAA
Ilaahay afka kuma gooyo madaxweyne mihgo dalka tuugta somalidaa ka ilaali oo aan wana laga cuni karin.iyana aqoon sida loonoolado
ASCaleykum afarta uu sheegey asagaa madax u ah, hadalkiisana waxaa ka muuqda amar iyo bah bah aan meelna gaarayn weli ma’uusan baran Somaali alow yaaku yiraa ugaalidaadii iskaga laabo ugali =soor nooca keega u eg ee caleenta lagu cuno. Waqti kuumaharin iskaga carar meesha ruufyaanimadaada nagala tag iyo xaarkaaga musqilihii qaadi waayeen, Somaali wuxuu moodey in lakala jebin karo. Afrikada kale ee huruda Somalida waxeey kula dirirsan yihiin waa Muslinimda iyo kartida illaah SWT siiyey insha’laah waalaga baxayaa xaalada maanta lagu jiro niyadeenu majebin mana jebi doonto intuu imaanku nagu jidho sc.
Maxa Mahiiga loo Weydiin waayay Qaabka iyo Sharciga u baneeyay in Road Map ka lagu Badalo … Raad Raaci _ Cahdi Qarameedki oo Imbegaati lagu soo Yagleelay … ! ? Kaasi oo Sharciga Cahdi Qarameedki aha …
Waxaan halkan ka raali gelinayaa ummada Soomaaliyeed ee uu gafka iyo aflagaadada la daba taagan yahay ninkan kibray.
Mahiiga mugdi baad ku jirtaa ee iftiinka arag. Anagaa qurba joogta ka mid ah umaddeenana u sheegna waxa xun iyo waxa saxda ah. Haddaad Xamar iyo laba shariif maamushid iyo masaakiinta xamar joogta, qurba joogta iyo qoraaladooda ma maamuli kartid. Waxay ila tahay maba aadan garan waxa ay tahay “xuriyada illaahay qofka siiyay ee ah inuu fikirkiisa cabiro” Xitaa haddaan si qaldan wax u qorno amaba dhaliilno dawlada iyo adigaba waa xornimo aan xaq u leenahay ee orod oo Tanzania isaga laabo.
runtii mahiige waxa uu kahadlaayo waa wax dhaba markii xaqiiqda laga hadlaayo ,waxaadna moodaa hadalkiisa hadal xog ogaalnimo kusalaysan ,wariyaha su’aalaha waydiiyey ,wa wariye dhaba waxa uuna tos u’abaaray muhiimada isna kama leexan .waxaad na hadalkiisa moodaa inuu yahay nimay ga’go antahay shaqada uu hayo inay rumowdo waayo waxa uu ka hadlaayo wa wax jira. waxaad na moodaa dhab ahaan in soomaaliya waji cusub gashay ,soomaalidu intay faanka iskadayso iyo dadbalaa baanu nahay war waxba maahidin hadad wax tihiin 20sano oo burbur iyo qax dhib mustabal xumo wax barasho la’aan saqiiro dhianaaya hooyooyin ooyaaya madfac dhacaya ma’inaan daawateen qabiilna macaabudeen ,dadku inaad dawlad noqotaan buu rabaa idina marabtaan cay iyo afxuo iyo dil baad raadinaysaan.
Mahiiga asaga qaswade ah o afaara An loodirsan galay
jaale madaxwayne Mahiga
mahiiga inta uu dhaba xaarayo in soomaali kabaxdo kumeelgaar iyo dawlad wanaag waa ilasaxanyahay hadaba waxaan talo kusoojeedinlahaa hadalbadan haamo malaga buuxshee,in soomaali qarannimadeedii sooceshato oo laga baxo kumeelgaarka aanan meelna lagu gaari karin oo la’iska dhaafo muranka iyo aflagaadada oo laga fakaro dhibaatada waddankeenu uu kujiray 22 sano oo wiilkii maanta soddon jirkaa uusan aqoon dawladnimo iyo waxay tahay ,adagtahayna in lafahamsiiyo qaran iyo dawlad waxay tahay ,kuwaas sodonjirkaa oo ah nambarka uugu badan soomaaliya oo ah xoogii iyo caqligii iyo aqoontii soomaaliyeed uu yahay wiilkaa soddon jirkaa oo aan aqoon qaran waxuu yahay kaas oo kusookoray mugdi jaahilnimaa xaasadnimo qabiil iyo dhac iyo xaqir iyo jirri cudur maskaxeed iyo mid nafsadeed iwm.haddaba soomaalaay isdaba qabo oo wax allaale waxii qarankaaga aad kusoocelinkarto oo kumeel gaarka looga bixi karo aan wada doono—wabillaahi toowfiiq
Wlhi ambassador mahiga anugu waan ku raacsanahay arintaas war qof dowlad nimo kula doonaya waxa aad ku mucaaradid waa jaahilnimo iyo qabiil@somali doon ninka la baxay shimbir baa tehee wadankaagii ayaad soo gubtay saa dad wadamadood ku haysataa wlhi adoo lugu bikro jabiyay ayaa muqdisho lagaasoo tarxiilayaa adaa qaswadayaasha kow ka ah somalida ninka wadanka gubaya ayay geesi iyo wadani uyaqaanaan SHIT FOWQAL SHIT
Qabqable dagaal inuusan soo noqon oo gandheri (gunner) dambe uusan Baarlamaan soo gelin yaa dacwo ka qaba? Maxaa Mahiga loo xagxaganayaa? Maxay tahay danta Soomaalinimo iyo tan qaran ee ku jirta in qabqable dagaal isbaddel kasta isbaaro u dhigto si uu saaxadda siyaasadda ugu sii jiro?
mahiga tuugtuug dhalay oo shaxaad doon ah wuxuu soomaaliya u joogaa in uu soomaalida iskudiro
allowyaa shabaab gacanta u geliya qoorta haka gooyaane.
afarta qaswade waa faroole, laba shariif iyo c/weli gaas waxaa soo shaneeya laaluush qaate mahiga
Weger,warba caadi ayuu ku dhanyahay, tolow ma la waayey mid mahiga meel inaga saara.? Bye