Baarlamaanka Puntland oo Maanta Ansixiyey Xeer Fasaxaya In Saddex Xisbi Siyaasadeed Ay ka Shaqeeyaan Puntland


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Garowe (RBC) Fadhi ay maanta isugu yimaadeen mudanayaasha baarlamaanka Puntland ayaa lagu ansixiyey xeerka axsaabta badan kaasoo ogolaanaya in saddex xisbi siyaasadeed ay ka hawlgalaan deegaanada maamulka uu ka taliyo.

Xeerkan oo mudadan ay wadeen diyaarintiisa guddi ka tirsan baarlamaanka Puntland ayaa ugu dambeyntii maanta cod loo qaaday iyadoo 37 mudane oo ka tirsan baarlamaanka ay ‘HAA’ ugu codeeyeen xeerkaasi.

Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland C/rashiid Maxamed Xersi oo natiijada kaga dhawaaqay gabagabadii kulanka ayaa sheegay in xeerka axsaabta badan uu yahay ansax wixii maanta ka dambeeya.

Xeerkan oo la filayo inuu dhaqangalo doorashada cusub ee madaxtinimada Puntland ayaa sheegaya in kaliya saddex xisbi ay ka shaqeyn karaan deegaanada Puntland.

Waxaa sidoo kale jirta in xisbiyada tartami doona looga baahan yahay in ay helaan ugu yaraan 500 xubnood oo wakiilo ah oo uu ku yeelanayo gobolada kala duwan ee maamulkaasi.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share

1 Response for “Baarlamaanka Puntland oo Maanta Ansixiyey Xeer Fasaxaya In Saddex Xisbi Siyaasadeed Ay ka Shaqeeyaan Puntland”

  1. qabqabsey says:

    Uma malaynayo in aad samayn kartaan taa .

Leave a Reply