Boosaaso matahay casumada ganacsigga Soomaaliya! W/Q Jaabir Gaceyte


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Boosaaso matahay casumada ganacsigga Soomaaliya!
Jaber Gaeyte
yaarabi-janah@hotmail.com
Juunyo 14 2012

Waxaan ku bilaabayaa Eebe wayne magacii naxariis iyo nabadgalyo nabi Maxammed korkiisa ha ahaato intaakagadaal.

Jaabir Xuseen Gacayte

Qormadaan waxaynu ku eegidoonaa dhacdo ka dhacday Boosaaso kun sagaalboqol iyo kontonaadkii, waxaan kaloo ku eegidoonaa markii ay burburtay Dawladii dhexe ee Soomaaliya sida ay umartigalisay dhamaanba dadkii kuyimid qaxa hanti iyo nafbeelkaba watay.

Sida aan horayba usoosheegnay waxaa kun sagaalboqol iyo kontonaadkii ka dhacay magaaladda  Boosaaso dhacdo taariikheed, dhacdadaas ayaa kutimi qiirro wadaninimo waxayna keentay in reer Boosaaso ayku caanbaxeen wadaninimoda taasoo taariikhda Soomaalida baaldahab ah kagashay.

Maanso uu tiriyay AUN Abwaan kii leegada lana oran karro halyaygii halgamayaasha  Cali Xuseen Xirsi markay waqtigaa ku beegnayd ayuu gadaal kagga hadlayaa ninkaan Boosaaso ku ruuxgo’ay lana aasiwaayay.

Dadoowse maqal ninduliqaaday waxilawdanbeeye’e

xaquhaduu kusoo dago ninna duugimaayo’

qabrigiina loo diidyoo ku dabooliwaayo’

waxdabayshu nookeentay in dhurwaa daliigaye”

Waxaa ka muuqda tuducyadaan waa qiiro wadaninimo oo dad Soomaaliyeed ficil ahaan u sameeyeen mana aha kutiri kuteen sidda Axmed Faarax Idaajaa kawarinayo abwaan Cali Xuseen Xirsi oo uu kahayo afkiisa dhacdadaan inay dhacday.

Reer Boosaaso inay taariikhda sharaf iyo wanaag kugalaan ayaa hiyigoodu ahaa  marwalbona waxay utaagnaayeen qaranimadda Somaaliya waxaana tusaale u ah, halgankii ay ugaleen dib udajintii dadkii Soomaaliyeed ee qaxa ku yimid.

Boosaaso waxay noqotay magaalo Soomaaliyeed waxaana sabab u ahaa waa dadkii deegaan ahaan kasoojeeday oo iyagu ka dhigay magaaladda meel loowada simanyahay halka magaalooyinka kale qaar judhiiba haybsooc lagga bilaabay.

Hadaba dhacdooyinkaas oo dhami waxay ku tusinaysaa inay u qalanto magaaladda Boosaaso magaalada ganacsiga Soomaaliya, waliba dastuurka laggu dhigo sidda wadamada horuumaray oo kalle magaalooyin loogu khaasyeelay ganacsiga tusaale ahaan. New York, Dubai, Shanghai IWM.

Dawlada Soomaaliya iyo Puntland wali makawada hadleen arinkaas in magaalada Boosaaso laggadhigo xarunta ganacdigga Soomaaliya maxaase hortaagan inay kawada hadlaan, maalinkasta waxaan maqlaynaa Puntland oo diiday Dastuurka manaku aragno doodku saabsan Boosaaso.

Waxaa kaloo iyana nasiibdaro ah in Airport-ka Boosaaso ladhamaystiri waayay waana sababaha keenay dib udhaca magaaladda waxaana sababteeda iskaleh oo la’orankaro inuu joojiyay madaxwaynaha Puntland Mr-Faroole, waxaa kaloo 3 goor la kordhiyay canshuuta ganacsigiina dib u dhigay, nasiibdaro waxaa ah awooda madaxwaynuhu inay horumarka ladagaalanto.

Waxaynu kusoo gunaanadaynaa meerisyo uu tiriyay AUN Abwaan Cali Xuseen Xirsi.

“Dhuloowyaaku daafici dadkaagii xumaayaye

Canbarkii dushaadana raggkalaa iskadaaqa’e

Dahabkaad lahaydbaa dibadloogasaara’e

Ilmakaadareertiyo waxdhanbaad dadaashaye

Oo aadnadidisaye waalagu dayacaye

Haddii aadan duriyadaada diirku kuudhaqaaqayn

Oo ayyan waxaadooni duhurkuudhamaynayn

Dacwigaaga igadaa waxba haydagaagine”.

(Boosaasooy Dacwigaaga igadaa waxba haydagaagine.)

Jaabir Xuseen Gacayte

Geedka Dhamasa Hoostiisa

Fb. Jaber Gaeyte

==========================================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags: ,

22 Responses for “Boosaaso matahay casumada ganacsigga Soomaaliya! W/Q Jaabir Gaceyte”

  1. ali says:

    Maqaal kaan runtii kuma arko wax cilad ah oo aan ka eheen halka meel ee quraago ka leeyahay-Dawlada Soomaaliya iyo Puntland wali makawada hadleen- taasoo micnaheedu yahay puntland doowlad madaxbanaan in ay tahay.Runtii waa wax laga xumaado wadankii somali weyn beri lays ku oran jiray soomali badana ay gud u gashay si layskugu keeni lahaay in maanta intii xurta eheed lakala gooygooynayo.Qalad ulama jeedo laakin waxaan jecelahay waxaas hadii dhagaheena ku bataan waxaa dhaceeysa marka danbe in aan aamino in somali=konfur oo kaliya waana shax gumaystuhu inuu dajiyay.Walaalayaa wax walba oo dhaca yaynaan ka tanaasulin soomalinimadeena.Qoraaga waxaa leeyahay boosaaso waa ay u qalantaa in ay noqto magaalada ganacsiga soomaliyeed amaba xataa caasimada soomaliyeed.

  2. [...] View the original here: Boosaaso matahay casumada ganacsigga Soomaaliya! W/Q Jaabir Gaceyte [...]

  3. Axmed daacad says:

    Asc RBC iyo qoraagaba iyo somali oo dhan , BOOSAASO weligey ma imaa balse sida muuqata waa magaalo safka hore kaga jirta korriinka iyo kobaca dhaqaale ee magaalooyinka kale ee SOMALIA guud ahaan gaar ahaan PUNTLAND , weyna u qalantaa iney noqoto caasimadda ganacsiga somaliyed balse waxey ila tahay iney qaadaneyso waqti badan in dastuurka lagu qoro waayo dadku markey wada fariistaan oo wada cunteeyaan beey tashadaane annagu waa tan danteennii naloo yeerinayo puntland , somaliland iyo koonfur-ba , balse markeynu hurdada katoosno oo aynu danteenna garanno bosaso waa laxaal marin balse xilligan hadeynu arinkaa galno berrito addis ababa yey isu uruursan cawaantii 6-da ahayd+mahiiga

  4. Gundiid says:

    Uma malesynayo in eye u qalanto…..puntlandna somaliweeyn ma soo dhaweeyn…..qoxooti somaliweeyn a ma soo dhaweeyn AMA ha noqdaan koonfurta balse Somali badan oo reer jigjiga ah ayeey ku xadgudbe somalinimadoodana meel uga dheceen codowgoodana kal-kaaliye u noqday intaasna waxaa dheer xabsi iyo jirdil loo geeysto shacabka somalida ogadenia

  5. somali says:

    airportka Garowe iyo kan gaalkacayo iyo kan Boosaaso kuli waa qabyo. Marka mawaxaa hortaagan Faroole in ladhamaystiro? Mise faroole waxa uu hortaaganyahay kan Boosaaso oo kaliyoh? qoraalkaaku wax macna ah ma samaynaayo, hadii aadan kajawaabin labadaa su aalood. anigu waxaan kuu arkaa reer bari raba in uu faaniyo Boosaaso oo timair iyo kaluun isku cunay oo ay qorxdii kululay oo xeeta ku dhacday! waxaa layiri reer bariga cadawgoodu waa reer Puntland, ma fiiriyaan waxaa ka socda Mogadisho ama Hargaysa ama aduunka kale. waxa kaliyah oo ay fiirsadaan Garowe iyo Gaalkacayo.

  6. Jaale says:

    Koley magalaada Bossaso waa magaalo Somliyeed waana ku farxaya horumaarkeeda. Waxeeysa ku talin laaha in casimaada laga soo raaro Garowe oo magaalo yar ah lagana dhigo Bossaso oo magaalo weyn oo Ganacsi.

  7. Amina says:

    Waan salamay ina Xuseen Gacayte,@somali kaluunka iyo timirta aad cayda ka dhigayso waa waxa dad isku dhaafeen,waxa tahay baan u gartay kuwa sanka inta qabsadaan afka gelin jiray kaluunka G Bari waa dhulkii uduga waa meeshay ka timi magaca Punt,waana Gobolka ugu weiyn Somaaliya oo dhan wuxuu le’eg yahay dowr Gobol oo oo laysku daray Waxana Alah ugu deeqay Bada Cas, Iyo Bada Hindiya, Maydigii,ama Beeyadii,Timirtii,Kaluunka noocyada ugu fiican,Beerihii,durduradii,iyo weliba biyo dhacyada buuraha, Xoolihii noolaa,dooxooyin,Macdan dabiici ah,shidaalkii teeda kale waa dad xadaarad leh oo daariikh soo jireena leh,adeer Bari aqoon darraa kaa haysee bal tagoo soo yara daawo, Boosaaso waa Beled beryo lagu nastaayoo lagu baahi beelaa, ruuxii bukaan qaba durba kuba boskoodaa.

  8. dulmane says:

    KKKKK ACWW:Somali hadalkaagu wa cajiib ma waxaad ka waddaa reer bariga ma garan karaan wixii qaldan?Anigu waxaa ay ila tahay arrimaha uu ka hadlay qoraagu in badan oo uu xaqiiqda ka booday in ay jiraan.Tusaale ahaan Punland somali badan in ay soo dhawaysay,arrintaa waxaan qaadan lahaa marka Puntalnd sida ay u soo dhawaysay ay ugu socoto,balse soo dhawayn ma ahan in dadka qaarna xabashi loo dhiibo,qaar la xirxiro,qaar la dilo,qaarna laaluush lagu soo daayo inta la dhaco waliba inta aan sheegayo waa ay dhaceen marka dadka Puntland tagay waa dad ay nafi waday meel ay tagaan waayay dhibkaana la kulmay.Qaranimadii Somaliya Puntland waa jiraan ragga halkaa ka soo jeeda wanaageeda ragaas ayaa iska leh laakin yaa bedelay?siyaasiyiin Puntland ka dhashay aaminsan in itobiya la hoos joogo waa deganka kaliya ee sidaa aaminsan marka Somalinimada aad sheegtay anigu iima muuqato,Sidoo kaloo Puntaland shidada dalkan ku habsatay iyagaa bilaabay ofcourse mucaarad waa la noqon karaa laakin waddo khladan suno fool xun oo qabiil ku salaysan ayay inoo bilaabeen waana la raacay.Ta Bosaso ma u qalantaa magaalo ganacsi anigu waxaa ay ila tahay MAYA sababtoo ah maamulka ka jira iyo dadka degaanka intuba saaxiib uma noqon karaan sababtoo ah waxaa ka dhex guuxaya in waxkastaa oo ay gacanta ku dhigaan kaligood leeyihiin marka Bosaso aannu u dayno xarunta ganacsiga Puntland halkaasoo ah isha kaliya ee Puntland dhaqaale mamulku ka helo,waxaa jira magaalooyin dekeado leh ama 3 xadudu kuyal amam dadkoodu ka dhib yar yahay ka boosaso,balse Bosaso oo aan si fiican u aqaan wax badan ayaa iska bedelay ma hubo hadii koofur caadi ku soo noqoto in ay hawshaa sidaa sii ahaan doonto

  9. suhuur says:

    KKKKKKKKKKKK ku somali qofka wato adigu hadaad cadow u aragto reer muqdisho iyo reer hargeysa maxaad qoraaga karabtaa asagana kow rabow cadow u arki karaa shiikh mustafe muxaadiradiisii ayaaba igu soo dhacday markaan labadiina feker fiirshay shiikhu waxow jiri soomaalidu waa neef digsi madaxa loo gelshay neef hadaad digsi madaxa ugeliso waxow arkaa uun hareera hiisa intaas waxdhaafsan ma arkikaro ayaga lee cadow isku ah cadowkale inay leeyihiin maba aaminsana waa dad qabyaaladu dilooday soomaalidu

  10. Anugu fikir ahaantayda waa ay uqalantaa sababtoo ah somalia dhinac walba waxbay kala soo dagaan boosaso sida
    RER PUNTLAND
    SOMALILAND
    KONFURTA
    OGADENIA
    marka maxa udiiday inay noqoto caasumada ganacsiga somalia@ninka yiri dadku kusoo qaxay puntland waa lugu xir xira wana lugu laayaa sxb aniga reer puntland ah sidaan ugu noolahay ayay ugu nool yihiin dadka FORUM ka ah Lkn waxan usheegayaa dadka yaan naluku dirin oo masaakiintaas iskaga nool wadankeena yaan la layne by by

  11. somali says:

    Reer barika waa dad hami yar, dagaal aan aqoon, cadowgoogi, waa reer Puntland. Tusaale, 1991 markii dagaalka qabaligaa kasocday gaalkaco, waxaa ku yimaadeen gurmad, markii hal nin ka dhintay, bay waxay yiraahdeen, boowe hebal madhitay, mid kalaa yiri haa, isgiii baa wuxuu yiri boowe ma durba. markaasay dagaal kabaxeem. waxaa gaalkacayo xoreeyin reer growe iyo reer mudig. markii cada muse wadaxwaynaha ka ahaa puntland, oo laqasaday laascoonood. ciidamada punland waxu ahaayeen reer bari am reer qardho, markii xabdii socoray 5 daqiiqo ayey soo carareen, iyagaana tagnikada watey. dadbaa raba in ay puntand bubiyaan jooga xamar iyo hargaysa. marka reer barigu taas ma arkaan laakiin waxay fiirsadaan oo kaliya waa Garowe iyo galkacayo oo ay cadaw u arkaan.

  12. Yusuf Ibrahim Dhegataag says:

    OGAADA, OGAADA, OGAADA

    Labada qolo oo Somalia laga dhisi waayey oo burburka Somalia ku naaxay in Somalia isoo noqoto diidayana waa la yaqaan. Maa runta laysu sheego.

    1. Waa hargeysa iyo ********* – oo hantidii Somaliand gacanta ku dhigay, hargeysna dadka ka sheegta.
    2. Waa Garoowe iuyo ********* oo iyaguna ah haddaan cagaha soo dhigay. Adduunkii Pukhland-na isku fuuqsaday. \

    Bal idinku labadaas qolo soomalinimo ka hela illeyn waa baqtiyaayena haddeey Somaliweyn isu booddo meel ma mari karaan. Weliba Ciise Muuse waa niman weligood ilbax ahaa oo wax dhacsan kara.

  13. aad iyo aad ayaan usalaamayaa dhamaan dadka fikirkooda meeshan ku soo qoray waxaan leeyahay qoraaga waa mahadsan yahay waxaana aan oga mara kacayaa boosaaso in ay tahay magaalo somali wayn magaalo ganacsi waxaan ku dhashay miyiga marqaan wayne oo ka tirsan dhulka somalida ay haysato ethopia waxaan ku hana qaaday koonfurta somaliya khaasatan dagmada jamaame markii uu adlku bur buray waxaan ku socdaalay meelo badan oo ay somalidu dagan tahay sida waqooyi galbeed bar- bara hargaysa boorama , jigjiga dhagaxbuur , qabdi dahare wardheer , galaadi galdagoob , gaalkacyo, garoowe boosaaso , koonfutrta waxaan tagay baladwayne muqdhsho kismaayo intaa waxaan maray intii burburku dhacay waxaan mid walba u leeyahay khibrad iyo hab nololeed waxay boosaaso ii ahayd magaalo nin dhalin yaro ah oo somali ku noolaada mida ugu rajada badnayd ugu nolasha wacan ,
    waxaa aan aad u xasuustaa hees uu tiriyay nin fanaan ah oo somali ah oo aan markaa aan caan ahayn hadase dadku wada yaqaan waa shay mire dacar waxaa uu ku lahaa timo jare meel u dhow gaaca heestiisu waxay ahayd rajo aan tiiga san jiray waxaa mira heeda ka mid ahaa
    boosaaso waa balad adoon bukaan qabin abryo lagu nastaa oo lagu baahi beelaa
    waxaa sidaa boosaaso ka dhigay dadka somaliyeed oo ay hormood ka yhiin dadkeeda waxaan ka wadaa dadka reer waqooyi bari adeerayaal tuulo walba iyo dagmo walba oo dhukaa ka mida ah nimcada ilaahay waa nabad adkuna waa siman yahay adeer ninkii ku diidan oo aan waxuu kuu diidan yahay aan aqoonn oo dulmi in uu kaa galo mooyee aan somalinimo iyo islaanimo midna aan kuugu daynayn adeer waxba ha u cataabin oo waxba ha fahansiinin cajiib mooryaan garay iyo u sc dadna u gafi maayo walaahi oo rabi igu og yahay wax jira ayaa sidaa ah waxaana ii mara kacaya axmed diiriye odaga beelah ********* ayaa qiray oo sheegay in wiilashiisu boossao ganacsi ku haystaan asguna muqdisho wasarada gaashaandhiga qaranka somaliya uu u qabo in reero leeyhiin halkee idiin raacnaa dadoow hadii dariiqii aad ka habowdayn wabilaahi toofiiq

  14. Amina says:

    @somali ma tihid nin reer Puntland cad kuleh sida iiga kaa muuqata,hadaad tahay nin u dhashay P/land saxaafada kama caydeen Puntland dadkeeda ee Adeer orod oo shaqa yeelo,Puntland iyo Goboladeedana shaqadaada maaha ee bax meelahaada aad.

  15. Fayood says:

    Ascw. Warniman yahow marka hore isqaboojiya! Puntland waa Puntland! Ninka xamar ka yimid ama koonfur waan garan karaa haduu diido in Boosaaso noqoto magaaladii ganacsi ee Soomaaliya. Laakiin hadaad katimid ama Gaalka’yo ama Garoowe waa kuu dulinimo hadaad uquuri la’dahay Boosaaso waxay uqalanto. Anigu nin reer Garoowe ayaan ahay waana soo dhawaynayaa horumarka magaalo kasto oo kutaal Puntland. Heck, magaalo kasto oo ku taal Soomaaliya. Hadaba iska ilaawa reer bari baan dagaalami karin iyo Garowe iyo Galka’yo ayey ka masayrsan yihiin. Viva Puntland!

  16. Runti wa maqaal aad iyo aad an ugu farxay wayo wuxu ka hadlaya magaladan ku sokoray wa bandar qaasim ama bosaso wa magaalo u qalanta casumada ganacsiga somaliya lkn qoragu wuxu sheega in magalada bosaso dadkeedu ay can ku yihiin wadaniyad wana run hadana wuxu leyah may puntland ku gorgortanto in laga dhigo caasimada ganacsiga runti arintasi ma ahan fikir wanagsan wayo waxay wax u dhimaysa wadaniyadi lagu yaqanay reer bosaso wa hadi bosaso lasiyo wax an lasiin magalooyinka kale ee somaliya ama puntland ..waxan u xisa new bosaso, lanta hawada, baladle, raf iyo raaxo, biya kulule, nadka, xafatu carab, golciise iyo dab manoonyah .

  17. sihaam says:

    @ somali been hasheegin reerbari waa p/landka laha hadlayo. p/landina waa reerbariga laga hadlayo xagee ukalawadaa p/land iyo reerbari mise aqoontaadaba sidaa ugaaban? reerbari dagaal looma t
    ilmaamo loomana bilaabo dagaalna wax lagu faano maahaee waawax laga faano oolaga yaqyaqsado.@dumiyena run masheegin oowalaal p/land waxay martigalisey kuwii qarxinayey ,kii dika qorshaysan wedey,kiiqaska somali kasocdey walaaqayey, hadee kaa hadii lasoo qabtey maaha in loo naxariisane waa laxirin oo waliba waa inasagoo nool la ololiyo.cid raali ka ah inamxaaro loodhiibo majirto mana ilayo ineey dhacdey arin saxana maaha sidaasi qabiilka aadleedahay reer p/land baa bilaabey oo wado foolxun ubilaabey somali walaal miyaadan lasocon somali lagumaado oo qabiil lagu gumado in reer p/land u horeeyeen. mase kacaankeenii barakeysnaa ayaa n qabiil inoo bilaabin oo isagu dadkiisi dib ugusoo noqon,ninkii raga ee ladhibaa dabcan wuu kacayaa ama qabiilki garab haka helo aaba kuwa kale ururki kacdoonkuna reer kaliya maaheene kadib ayaa lakala baxay somali wixii xaqdaro kacaanka katabanayeey wey kudhamaayeen kadib ayaa loo kala furfurtey ssdf, snm, usc hadaad wax lasocotodumanoow dulmiye adigu hanoqon hada dhabta kahadal hadaadan taariiqda lasocona anagaa kubareynee soqaado buug iyo qalin.hal ilaad wax ku aragtaaye fur labadaba.sc.

  18. runtii bosaso way u qalantaa casimadda somalia waana magaalo dhaqaale horumarkeeduna waa masha allah bosaso for ever

  19. Mansha allah axmad c/lahi jamac fiish walaal waxad runta ka shegta magalada boosaaso waxadna tah nin yaqaan. Anigu waxan ku dasha magalada kismaayo xafada calanley waxan in badan sojoge magaloyinka bosaso galkacyo, goldogob, kismaayo qardho iyo dagmada bookh ee ismamulka somalida itoobiya hadana waxan ku nolah kenya walahi magalada kaliya e an ku riyoda wa boosaaso inkasto magalada kismayana tahay meel tariikh ah lkn suashu waxay tah reer bari, reer mudug iyo reer nugaal maxa lokalaqadaya bosaso wa casimada ganacsiga puntland garoowe wa casimada qaranka puntland galkacyo wa casimada dufaca qaranka puntland dhamantoodna wa dhulkeni cudgoona.

  20. Somali says:

    Anigu waxaan ka horjeedaa Hadalka uu qoruhu, yiri oo ah boosaSo airporkeeda waxaa hortaadan in la dhamays tiro faroole. Bidaha reerbari ah. Bide cay ikama ah laakiin reer barigaa qofkii ayan aqoon oo gobkale ka yimi waxay dhahaan ari boowe bidaa yimi. Kuwa ku yaalA grow iyo gAalkaco ma faroole ka soo horjeed in la dhameryo?marka anigu ka soo horjeedo in boosaaso noqoto caasumada ganacsiga.

  21. Aw Malaaq says:

    Qoraagu ma baran habka loo qoro afkii hooyadii soo bartey, waxaan u malaynayaa inuu yahay nin qurbaha ku korey oo aan fursad u helin inuu barto Far-soomaaliga. Wuxuba waa jaantaa rogan iyo ereyo isku wada xiran. Hakad , joogsi iyo ereyo kala soocan midna ma maleh.

    Tixaha uu soo qorey ma saxana, waxay u egtahay inuusan tixmaal xeeldheer ahayn.

    Tan kale, Boosaaso waa magaalo Soomaaliyeed oo qadiim ah, xeebna ku taal, waxay Carabtu ku magacaabi jireen ama loo yiqiin waayihii hore ” BANDAR QAASIM”. Xiriir fiican oo beec-mushtar ah bey la lahayd dunida carabta iyo Hindiya. Boosaaso waa dhul Soomaaliyeed ee ceeb malaha, waan ku faraxsanahay horumarkeeda.

    Tan kale qoruhu hadduu amaaney Boosaaso waxba kuma jabna, hayeeshee wuxuu iska indha tirey dhibaatooyinka xanuunka leh ee uu maamulka Faroole u geystey Soomaalida u soo barakacdey Boosaaso. Boqolaal qaxooti reer Koonfur ah baa lagu laayey waddooyinka Boosaaso, boqollaal kale xabsiyadey ka buuxaan. Cooshadahaa lagu gubaa qaxootiga. Waa la xaqiraa dadnimadooda.

    Haddey reer Puntland islaayaan dhexdooda waxaa lagu masabitaa oo loo fidyeeyaa(Madax furasho) qaxootiga looma ooyaanka ah si loo raalligeliyo beelaha Puntland si aaney dhexdooda isugu dhicin amaba dadku ugu kicin maamulka.

    Waa maamul dulmi ku dhisan oon caadil ahayn. Akhristow ma ogtahay in ruux bilaash loo dilaa debigeedu uu la mid yahay adoo laayey basharka oo idil. Haddii aad nooleyso ruux keliya ay u dhiganto, Allaah agtiisa adoo nooleeyey basharka oo idil. Gumaadka qofka muhaajirka ama musaafirka ah (ibnu sabiil) dembigeedu boqol jeer buu ka culus yahay kan muqiimka ah ( deegaanka u dhashey).

    Magaalo dulmi iyo cadaalad xumo taqaan ama dhiig dad aan waxba galabsan in badan lagu daadshey waxaa u dambeeya halaag, hur iyo baaba ‘.

    Haddaba waa loo baqaa mustaqbalka Boosaasadii bilicsanayd haddiiba dadkeeda ay raalli ka yihiin waxa ka dhacayaa halkaas. Xaasidnimo igama aha, hayeeshee laakiin taariikhda iyo waayaha dib u raac.

    Soomaaliya maxaa dumiyey? Xamar aaway, maxaa ku dhacay ? Rabbigey muxuu u ciqaabey Soomaaliya iyo dadkeeda? Waa dembi iyo dulmi badanoo ay geysteen maamulladdii mutrafiinta ahaa ee uu dalku soo marey iyo dadweynaha oon dab yar shidin. Xaqa oo la duudsiyo, xaqdaro dad loo ciqaabo ama loo laayo, naxriis darro caam noqotey iyo xumaan oo idil ayaa dhxalkaan reebey.

    Boosaasooy iska qabo daalimiinta maamulkaada haaya si ubadkaadu ugu noolaado nabad iyo barwaaqo ma guuraan ah.

    Waa waano walaaltinimo iyo xumaan la dirir…. waxaan sheegey waxay gocotey laabtaydu.

  22. Fayood says:

    @ Aw Malaaq, runtii ninyahow matihid nin cadaaladda udhow! Sida aad uhadlaysidna waxaa kaa muuqata nin reer koonfureed ah oo looga bartay inay ceeb uraadiyaan cid walba oo aysan raali ka ahayn. Qoraaga qoraalkiisa anigu kuma arko wax ceeb ah. Ma yahay “profesional Journalist” umalayn maya inuu sidaa uhadlay; laakiin waxaan oran karaa waa nin ra’yigiisa dhiibtay, sax iyo khalad! Hadaad fiirisid dad badan oo “webka” wax ku qoranna in badan ayuu dhaamaa. Tan ah Boosaaso dadbaa lagu jirdilaa ama lagu dulmiyaa waa been aan raad lahayn oo anaa tagay indhahaygana ku arkay! Xaramka hadaad tagto waxaa hubaal ah in dad lagu dilo taas macnaheedu maaha reer Maka ayaa ku hishiiyey!! Dunida reer galbeedka magaalooyin walba habeen walba hal qof ayaa lagu dilaa. Boosaaso dad waa lagu dili karaa waana lagu dhici karaa laakiin dadku uma soo qaxeen meel maalkooda lagu boobaayo! Ninkii nabad raba “is welcomed” Runtii dadka Boosaaso qasaya waxay u badan yihiin dadkii udhashay. Fiiri xamar dadkaagu waxay kusameeyeen dariskoodii iyo gabdhihii Soomaaliyeed. Hadalkii oo koobaan “my brother” hadii lagu soo dhaweeyey laguna cafiyey ha isku dayin falal xun sida argagaxisada iwm! maxaa yeelay dadkii ayey ka caraysiinaysaa! Mahadsanid.

Leave a Reply