Ciidamada Dowlada Oo Ka Hortagay Walxaha Qarxa oo Lagu Diyaarinayay Guri Ku Yaala Magaalada Beledweyne


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Wararka ka imaanya magaalada Beledweyne ayaa waxay sheegayaan in guru lagu diyaarinayay walxaha qarxa oo ku yaala magaaladaasi in ay ogaadeen ciidamada dowlada ka dibna ay gudaha u galeen gurigaasi.

Gurigaan ayaa waxaa la sheegayaa in uu ku yaalo xaafada loo yaqaano kooshin ee magaalada Beledweyn, isla markaana markii ay ogaadeen ciimada dowlada ay galeen, inkastoo la sheegayo in ay halkaasi ka baxsadeen kooxihii qaraxa diyaarinayay.

Ciidamada dowlada ayaa markii ay tageen guriga waxay halkaasi ka soo qabteen milkiilihii guriga la sheegay in lagu samaynayay walxaha qarxa waxayna ciidamada dowlada ay u taxaabeen xabsiga.

Saraakiisha dowlada ee gobalka Hiiraan ma sheegin in soo qabteen walxaha qarxa laakiin waxay sheegayaan in ay ka hortageen Qaraxyo la abaabulayay oo ay fashiliyeen.

Xaalada magaalada Beledweyne ee xarunta  gobalka Hiiraan ayaa waxa la sheegayaa in ay haatan tahay mid degan iskastoo la dareemayo dhaq dhaqaaqyo ciidan.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

1 Response for “Ciidamada Dowlada Oo Ka Hortagay Walxaha Qarxa oo Lagu Diyaarinayay Guri Ku Yaala Magaalada Beledweyne”

  1. [...] See more here: Ciidamada Dowlada Oo Ka Hortagay Walxaha Qarxa oo Lagu Diyaarinayay Guri Ku Yaala Magaalada Beledwey… [...]

Leave a Reply