Ciyaaraha Koobka Horyaalka Jaaliyada Soomaaliyeed oo Si Habsami Leh uga Socda Magaalada Jeddah (Sawiro)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Jeddah (RBC) Magaalada Jeddah ee dalka Boqortooyada Sacuudiga waxaa si xiiso leh uga socda tartanka sanadlaha ah ee horyaalka kubada cagta Jaaliyada Soomaaliyeed ee Jeddah kaasoo sanadkan ay ka qeybgaleenkooxo fara badan oo ka dhisan gudaha dalkaasi.

Cayaarihii ugu dambeeyay ee maalmahan la ciyaaray waxaa kooxuhu isu arkeen sidan: Xiddigaha Ruweys VS Batroolka, Iftin stars VS Baanow Stars, Gololey VS FC Alba iyo Janaale VS LLPP .

Hadii aan ku horeyno ciyaartii dhexmartey kooxaha Kooxaha Xiddigaha Ruweys  iyo Batroolka Ciyaartaasoo aheyd mid lagu kala ogaanaayey labada kooxood ee kawada tirsan Group” D” midkii Kaalinta koowaad geli lahaa ileyn labada kooxoodba horey ayey usoo wada shaqeyteen kooxda Xiddigaha Ruweys  waxey laheyd 12 dhibcood iyo kooxda Batroolka oo iyana laheyd 10 dhibcood .

Ciyaarta waxey ku bilaabatey weerar iyo weerar celis, waxaana ilaa iyo hadda dhinacooda dhulka la dhigi waayey Kooxda Xiddigaha Ruweys waxey kaga adkaadeen kooxda batroolka 2 : 0 . oo Xiddigaha Ruweys ay kaalinta koowaada kusoo baxey Group kooda iyagoo uruursadey 15 dhibcood.

Ciyaartii labaad ayaa iyana waxaa fooda is darey Kooxaha Iftin Star  iyo Kooxda Baanow Stars runtii waxey aheyd ciyaar aad u adag iyagoo  labada kooxoodba ay soo bandhigeen ciyaar aad u sareyso oo dadweynihii daawanaayey ay aad u raali gelisey qeybtii hore ee ciyaarta ayaa kooxda iftin waxaa laga saarey ciyaaryahan Axmed oo difaaca ugu dheelaayey , hase ahaatee kooxda iftin Stars uma dhutinin ciyaaryahankii laga saarey waxey badiyeen dadaalkoodii waxaana u suurto gahsey inay 2 : 1 kaga badiyaan kooxda Baanow Star .

Ciyaartii Saddexaad ayaa Fooda isla galey Kooxaha Goleey iyo Kooxda FC-Alba iyadoo kooxda goley ay sanadkan ilaa iyo hadda dhinacooda dhulka la dhigin lana soo shirtaga Ciyaaryahano tayadooda sareyso , waxey kaga badiyeen kooxdii FC-Alba 2 : 1 .

Ciyaartii afaraad ayaa iyana waxaa wada ciyaarey Kooxaha Janaale iyo LLPP waxaana ay 1 – 0 guusha ku raacdey kooxda Janaale.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags:

3 Responses for “Ciyaaraha Koobka Horyaalka Jaaliyada Soomaaliyeed oo Si Habsami Leh uga Socda Magaalada Jeddah (Sawiro)”

  1. rooraaye says says:

    waa guul usoo hoyatay dhalinta soomaaliyeed hambalyo dhamaan asxaabta soo qabanqaabisay oojuhdi ugalay inay dhalintan soomaaliyeed oo qurbaha ku nool isu keenaan waxaan leenahay guul alle haydinku garabgalo dhamaantiiin

  2. abdalah says:

    waa guul usoo hoyatay dhalinta soomaaliyeed hambalyo dhamaan asxaabta soo qabanqaabisay bas waan niga codsan lahaa in aan kaciyaarnono jaliyadeena anagoo jacel ciyaarteen in oo la arko waxaan nahanay ciyaartooy ia aruursatay oo soomaaliyeed oo ku nool sacuudiga gar ahaan killo 2 xaafada sabiil waxaan jacelnahay in aad nasiisaan fursad aan ku cayaarno ama aan ku yeelano xiiir ciyaartooy waxaan nahnay dhalin yaro is gurub satay oo ciyaartooda aad ubogi doontaan insha’allah qof oo gacan nugu haayo eysan jirin waxaan jacel nahaya in aan hellno qof gacan nagu qaboto in an hlno waxaad illa soo xiriiri kartaan labar keega oo ah sidatan 0541152705 0096652705 waan jeclahay jwaab in aan niga hllo bye soomaali hanoolaaato

Leave a Reply