Codeyn: Akhristayaasha Raxanreeb oo Codbixin Ku Taageeray in La Qaato Dastuurkii 1960-kii
Muqdisho (RBC) Codbixin ay qaaday Shabakada Raxanreeb oo ku saabsaneyd dastuurkii 1960-kii iyo midka cusub ee hadda ansixintiisu ay socoto ayaa lagu ogaaday in ka badan 40% bulshada Soomaaliyeed ay taageersan tahay in lagu dhaqmo dastuurkii 1960-kii ee dalku lahaa iyadoo tiro aad u yar ay soo jeediyeen in la isku daro labada dastuur.
Codbixintan oo socotay mudo ka badan bil ayaa dadkii ka qeybgalay oo ku sugnaa meelo kala duwan waxaa la weydiiyey hal su’aal oo ahayd “DASTUURKII 1960-KII IYO QABYO QORAALKA KEE BAA HABOON IN LA QAATO?”. Waxaana su’aashaasi ay lahayd illaa afar jawaabood oo kala ah;-
1- Dastuurkii 1960-kii
2- Qabyo qoraalka
3- Hala isku daro (labada dastuur)
4- Midna
Natiijada codeynta
Guud ahaan waxaacodeyntaasi ay suurtagashay inay ka qeybgalaan akhristayaal koru dhaafaya 3000 kuwaasoo in ka badan 38% oo u dhiganta 1,164 ruux ay u codeeyeen in la qaato dastuurkii 1960-kii Soomaaliya lahayd.
Codbixiyaal gaaraya 23% oo u dhiganta 699 ruux ayaa taageeray in lagu dhaqmo dastuurka qabyo qoraalka ee hadda ansixintiisa ay ka socoto magaalada Muqdisho. Halka 14% oo kaliya ay taageereenin la isku dhexdaro labada dastuur kadibna sidaasi looga soo saaro dastuur guud oo dalku yeesho.
Dad gaaraya 25% oo ka mid ah akhristayaashii codkooda dhiibtay ayaa diiday labada dastuurba in lagu dhaqmo.
Ujeedada codqaadista
Ujeedada cod qaadista akhristayaasha Raxanreeb ayaa ahayd in lagu ogaado aragtida ay qabaan bulshada Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan. Dadka ka qeybgalay ayaa isugu jiray Soomaali joogta gudaha dalka-(gobolada dalka oo dhan) iyo dibadda taasoo muujineysa in natiijadan ay tahay mid ka tarjumi karta aragtida guud ee bulshada Soomaaliyeed.
Waxayna cod qaadistan noqoneysaa midii ugu horeysay oo si toos ah dadweynaha Soomaaliyeed aragtidooda loogu weydiiyo habka online-ka iyagoo ka hadlaya arrin muhim u ah dadka oo dhan.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho











aad ayad ugu mahadsantihiin xog ururinta dalka
Soomaaliya hadda waxay leedahay Dastuur ku meel gaar ah. Madaxdii dalkuna waa saxiixdey. Haddii uusan Dastuurkani ahayn mid aan danta Soomaaliya ku jirrin, wuxuu maalin maalmaha ka mid ah hortaggi doonaa in dadweynahay Soomalida ah ay u codeeyaan. Marka, Hala sugo waqtigaas, haddanna horey haloo socdo.
maqaalka ma reer xamar baa soo qoray iyagaa diidan dastuurkan waxa uu leeyahay federalism hala qaado aniga waxay ilatahay waa kan ugu haboon in laqaato maxa yelay waa waxa keliya oo ay somali kuheshiin karto
U jawaabid Ahmed M. Yassin.
Fikradda ah:- hadda halla ogolaado, horayna haloo socdo, waa arrin fiican. Laakiin waxaa halis ah
in marka la oggolaado in la billaabo khayaanooyinka ku hoosqarsoon sida xuduudda badda oo
Roadmapka horay ugu jirtay oo laga saarayiyo hadda oo aan wali dastuurka ku caddeyn in xuduudaha aay nabad galayaan inta dastuurka la horgeynayo Ummadda Soomaaliyeed.
Arrintaan haddii xalkeeda la rabo waqti ma qaadaneyso oo toos baa loogu dari karaa saacad gudaheed ee waan la rabin in lagu daro oo waa laga leexleexanayaa, halisteeda ayeeyna leedahay.
maxaan uga baahannahay dastuur ,iyada oo allah mid samada nooga soo dejiyey,aan xad gudub iyo xagxagasho lahayn.
ma laga fekeray ciddii u codaysa dastuur inay gaaloobayso iyo in kale,waxaa wanaagsan intaan waxaba loo codayn horta inay ummadda u caddaato wuxu muxuu yahay haddii sharci uu yahay layku dhaqayo uma baahnin waayo waaba haysannaa ee ha la hirgrliyo,haddii aynaan mid haysanna dadka ha la waydiiyo.
thankz raxanreeb we love you, somalia hanoo laato dabadhilifkana ha dhaco