DAAWO SAWIRADA: Isbadalka Nabada Iyo Hormarka Ah Ee Laga Dareemayo Muqdisho
Muqdisho (RBC Radio) Tan iyo markii ay ka baxeen magaalada Muqdisho ururka Al-Shabaab isla markaana ciidamada dowlada ay la wareegeen dhamaanba qaynaha kala duwan ee caasimada Soomaaliya, ayaa waxaa magaalada dib ugu soo laabtay dadkii horay kaga barakacay magaalada Muqdisho.
Magaalada ayaa haatan waxaa laga dareemayaa isbadal dhicyada amaan ah iyo hor mar ah, waxaadna moodaa in xiligaan dadka ay ku soo laabanayso rajada nabada ayna doonayaan in ay si nabad ah ku daganaadaan.
Waxyaabaha aadka isku badalay oo haatan la arkayo ayaa waxaa ka mid ah magaalada Muqdisho oo aanan la socon jirin xiliyada habeenkii ah ayaa haatan dadweynuhu waxay isku dhexmarayaan si caadi ah.
Wadamada Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho ayaa haatan ah mid si weyn isbadal looga dareemayo, isla markaana dadweynuhu ay u socdaan si isku mid ah maalin iyo habeen, waxaana sidaasi si la mid ah wadaasi oo ka mid ah halboolayaasha magaalada xiligaan ka socda ganacsi balaaran.
Dadka reer Muqdisho ayaa haatan si aad ah ugu faraxsan jawigaan ay ku dheehantahay hormarka iyo nabada, ee laga dareemayo caasimada Soomaaliya.
Magaalada Muqdisho ayaa mudo dheer waxay ahayd mid ay ka taagnaayeen dagaalo xoogan oo u dhaxeeyay ciidamada dowlada KMG kuwa AMISOM iyo kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh kooxda Al-Qaacida.
Gaarigaan waa nuuca ay raacaan dadweynaha wuxuu shaqaynayaa xili habeen ah, waxaana markii ugu horaysay oo magaalada Muqdisho lagu arko gawaarida dadweynaha oo shaqaynaysa dhowr sano ka dib.
Halkaan waa wadada Maka Almukarama ee magaalada Muqdisho Gaadiidka iyo dadweynaya ayaa wadadaan si isku mid ah u isticmaalaya ayaga oo aanan cabsanaynin.
Degmooyinka Qaar ee gobalka banaadir ayaa haatan waxaa laga dareemayaa ganacsi wayn, waxaana si isku mid ah goobaha ganacsi ay u furanyihiin xiliyada habeenkii ah iyo maalintii ah.
Waa qaar ka mid ah dhalinyarada magalaada Muqdisho oo xili Habeen ah isticmaalaya Internet isla markaana jooga goob Internet oo ku taala degmada Waabari ee gobalka Banaadir.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

























[...] Original post: DAAWO SAWIRADA: Isbadalka Nabada Iyo Hormarka Ah Ee Laga Dareemayo Muqdisho [...]
Nimankan raxan reeb aad iyo aad ayaan idiinla yaabbanahay. Waryaaya, af adan lahayni calool wax ma geeyo. War nimanyow waa idinka habeen iyo maalin Xamar noo xayeysiinayee, dalkiina maka quusateen. Miyeydaan damiir wadaninimo lahayn. Aawey dalkiinii? yaa ka nabad badan, yaa ka dhaqaala badan, yaa ka xorriyad badan, yaa ka qurux badan. Maxaad maalin walba Xamar iyo xeebeheeda noogu ammaaneysaan. Dal iyo dadba waa leenahay ee nimanyohow keena inoo ammaana oo dalkayagu nagu filane naga daaya Koonfur iyo shidadeeda.
Mshlaah waxaan filayaa In kuwii Qabyaalada Badnaa oo dadka xaasidi jiray in ay ka xumaadaan
waa kuwa Raxanreeb.ku dhaliila in ay Darbi cagsaar dheertahay Raxanreeb waa wepsate soomaaliyeed ogaada Garoowe iyo Boosaaso iyo I,W,M, LAGAMA XUKUMO
Yusuf Ibrahim Dhegataag ALLihii ku abuurtay Eed malahee. war dadka wepkan soogala Waxaan Ogaad In ay Badi yihiin Reer miyi Qabyaalad dishay ……………….war Banaadir waa goob soomaliyeed Maaha GAROOWE IYO I,W,M
asc raxab reeb waa mahadsantihiin sida wacan aad ugusohadashaan somalia meel walbo muqdisho waa murayadii somaaliya dadka uqdadhayso karaali ahaado somaaaaaaaaaaaliya somaaaalibaaa leh
Reer baadiye garoowe ka imaaday baa tahay ee iska aa mus.
Yusuf Ibrahim dhegataag,
waxad ku hadleysid waa wax add loola yaabo,maxaad ka hadlaysa? Muqdisho sumaha capital of somalia,mamaxay dalka Kali aad sheegaysid..nin weyn oo saa u hadlya waa waxa laga naxo.
Reer baadiyahaan ka xun xamar hormarka laga sameeyey maxuu yahay
Reer baadiye xamar waa caasimada soomaliya ee ma aha Garoowe.
waxaan aad u jeedaan waa hanti dad laga dhacey kuwan idiin muuqada waa mooryaantii shaley isku dishey guryo ku yaaley warshada caanaha oo ay mooryaant isku dhameyeen maxaa looga hadli waayey hantida qaran iyo mida shacb ay heystaan mooryanta meeshan ku sawiran xamar waa meel laga guurey oo aan loo soo noqondonin oo ay haystaan mooryaan miciyo ku dhiigleh marka xamar waxba nagama galin ee ninkasta waa dhulkiisa ha dhisto ee mooryanta halgu caliyo gobolada dhaxe ay ka soo hayaameen guryaha ay isku dilayana ay baneeyaan waqtigii baa ka dabo yimid
war runta hala isu sheego Xamar wa dhul soomaaliyeed, Garoowena waa dhul soomaaliyeed waxay kula duwanyihiin waa isdhexgalka dadka
Sxbyaal haduu khaldamay waxa imiqata inaad idina khalad kale gasheen Maxay tahay (Mesha garowe maha) xamar wa magalo somaliyed garowana wa magalo somaliyeed ninka xamar caayey garowena usagu maleh damir lawe somaiyeed weeye ( somaliya inta. Dabinada shisheeyaha garanaysaa leh. Aqoon la,antuna Kaaba daranoo ( Dalkaaga amaan kulahaa dal an Somalia aheen midaan yeelanay kkkk
@ dhegataag ma aydaan garan meesha uu idinka kala hadlay wuxuu ku hadlayaa afkii ina faroole ina faroolana waxaa uu u haystaa in dalkiisu itoobiya yahay itoobiyana way neceb tahay qofkii yiraaha xamar waa nada iyo habeenbaa dalku socdaan marka raxanreeb maamulkeeda waxaan ka codsanayaa in ay dhega taag weydiiyaan dalka uu ka hadlayo, ma dal aan somaliya ahayn buu leeyahay haduuna saan sheegay itoobiyaan isku haysan tan kale dalku madaxa ayuu ka noo yahay madaxuna waa xamar. waadna ku mahadsan tihiin inaad horu marka umada usoo gudbisaan.
waxan halgan ugu mahad celinyaa raxan reeb oo ah web soomalyeed oo jacel midnimada soomaliyeed waxan leeyahy ninkaan ibraahim la dhaho waxad tahay nin aqlaaqda soo barin walidkisa oo qabil iyo xaasid nimo ka gashay qalbiga ee ninyahow laahow haku soo hadeeyo midka kale xamar waa caasimada soomaliya waana maxay dalka aad leedahay oo aan somalia aahen ma waxad i leedahay puntland waa dal madax baana xishow aqli yeelo caruurta aa ka aqli badan wlh
Yusuf Ibrahim Dhegataag walee afkii faroole waad kuhadlaysaa dalkiina ka hadla kulahaa ma dal aan
somalia ahayn ayaad leedahay war kuwan maxaa loo oran jiray waa il bax waaba dadka ugu badawsan somaliyee
dalka somalia waa isku mid caasimadiisuna waa muqdisho beenta ay idinka dhaadhiciyeen tigreegu run hamoodin waxay idiku dheheen isku dal ma,ahidine wax walba oo wanaag.ah oo muqdisho gaarto ka xumaada oo xaasida waa hadafkii cadawga laakiin waxaa ilaah mahadiis ah qof aan adiga ka ahayn oo fikradaas qaba oo meeshaan wax kusoo qoray maleh
viva xamar cadeey xamar oon bogsoon soomaaliya bogsoon mayso caasimada wadanku waa astaantiisa waar ka baxa containarka maamul goboleedada oo look at the big picture so what haday xamar burburtay london iyo paris ba waa burbureen dagaalkii labaad ee dunida. soomaaliyeey laysuma keen dhaamo aynu wixii dhacay ka dhaqano oo mustaqbalka eegno
viva soomaaliya soomaaliya ha noolaato
@prof piccolo iyo yusuf Ibrahim dhagataag@ run baad sheegteen,war hadaad Ilaah taqaanin hanagu celinina xamar mardame Ilaahbaa naga soo saaraye oo noo gargaareye,guryahayagii bay ilaa hada qori la hor fadhiyaan, ciyaalkaan meesha wax kusoo malmaluuqay xamarba may arag dhegtey ka maqleen,Ilaahow dhulkaay aabayaasheen ku dhasheen noo barakay.
Jubba airways markaan ka soo raaco Dubai oo aan u socdo Gaalkacyo waa 750 doolar markaan Xamar u socdana wa 650 halkaas cabirka ka qaata
yuusuf ibraahim saaxib muqdihso iyo gabalada kalaba soomaali baa leh. saaxiib hadii laguu soo sawiriri lahaa kenya hormarkeeda ama ethiopia waxaad oran lahayd hormar bay gaareen. saxib kashaqausiisii maskaxda midnimo kudadaal ahow wadani dalkiisu isku mid uyahay. akhyaarta kalana waxaan leeyahay guulaysta
ASC, dhamaan, qaasatan Raxanreeb Media oo ah, dad lilaahi oo xilkas ah. Een, waxaan rabaa in aan wax yar iraahdo walaalkey dhagtaag, Garowe, Xamar, Cadaado, iyo dhamaan Somaliya min raas caseyr ilaa raas kaambooni, waa dhul Soomaliyeed, waa dal Somaliyeed, oo aan jeclahay, Somalina loo baahan yahay in eey u wada sinaadaan oo eey si xor ah, oo eey dareemayaan in eey dhulkooda joogaan ugu noolaadaan. Waxaa ilaahey mahadiis ah, in dadka commentiga iiga horeeyay oo dhan, eey kugu raacsaneeyn fikirkaaga iyo waxyaabaha Somali oo dad walaalaha ah kala fogeeynaya. Ma ii sheegi kartaa, dalka aan Somaliya aheeyn oo caasimadiisu tahay Mogadisho oo aad leedahay? Thanks.
War meesha warka ayaa lagu hayaa fiiri sida aniga ii muuqata xamar waa ka dhamaatay aniga waa ku dhashay laakiin wax horumar ah uma jeedi maxaa yeelay shalay nin carab soomaaliyaa lagu dilay oo si xun loo galay yaa dilay kuwii hantidiisa heystay kuwii guryihii ku dagaalamay kuwa isbaarooyinka sharcii darada u taal adigu dhamaan isugay wax aan ku amaano caasimada ma jirto markaa sxbayaal marka hore aan aragno wax lagu faano
anigoo ah dhaqtar soomaaliyeed jecelna in aan dadkayga mar un an faco oo waxii ale ibaray ay kahaqabeelaan hadana dayaya in uu fursad mar un iisoo baxdo aan ku aado dalkayga hooyo ee soomaliya webkaana waxaan ugu soo xirmay dhax dhaxaadnimada iyo muuqaal uhadalka waayo bigjarka ayaa ah wax laqaadankaro oo kutusaya dalku wuxuu yahay iyo dadku xaalada ay kusuganyihiin markaan arko waan uhiloobaa mar marna waxaanba tusaa shaqaalaha ilashaqeeya oo uhaysta meel liidata in aan kasoojeedo wax isdhaama ay san jirin guryaha gawaarida iyo xeebta liido oo ay dayaru ku baashaalayaan oo wax baqdin ah aysan kamuuqan shucuurtooda in aan kufaano waxaa ii suutagaliyay raxanreeb mahad alaamutaystay inkufilan wabkaana aad iyo aad baan idiinmahadiyahaan waana idiin hanbalyaynayaah qaran nimo uhadalka iyo idinkoo sowrsano un shaqaynayay guul guul iyo garasho xeeldheer hanoqonina kuwo danbi qora intaas bacdigeed
YUUSUF IBRAAHIN DHAGATAAG WALAAL WAXAAN AHAY DHAQTAR WALALKAA AH OO OG WAXA AAD DHAXLIKARTO QAABKAAN OO KALE MARKAAD UHADASHO AMA WAX UNACDO DIGNIINTA KOOWAAD SIDAAN IN AAD UHADASHO DIINTAADU MAQABTO HALMANDAQADA OO DAD ISLAAM AH AY LEEYIHIIN ISKU AF AH ISKU DIIN AH ISKU DHAQAN AH IN AAD GOONI WAX USHEEGATO MABANAANA. MIDAKALE EEMAADIGAA NAXDIN MAALIN WALBAA WAAJIRO HALISA OO KUGU DHAWAYNAYSA WAALIN FANACUUDUBILAAH.HADII AAN KUU NASTEEXEENO IN TAAN OO QOF IN AY KAANAXDO KUUMAWA NAAGSANA YAA OG RUUX AWLIYAA IN KU JIRO YAA OG IN XILI SAMADUFURANTAHAY UU KU HABAARO OO LAGA AQBALO HADII AAD ISLEE DAHAY LAGUMA ARKO ALAA KU ARKA ILAAHAA ULAABO DADKANA ABALO JAYS SII NABADAY WARKII WAAN IDINKUBADIYAY RAALI AHAADA
YUUSUF IBRAHIM waxaan layaabay eraygaad isticmaashay eed raxanreeb kuleedahay mawaydaan dalkiina arag nabada kajirta sow muqdisho dalkayaga maahan hadaynu nahay rer p/land xamar iyo boosaaso waa wada dalkeena ee qabyaalada indha la, mafiicna ee qabyaalad yaysan kaa indho tirin in xamar yahay dalkaaga
allow xamar iyo dalkoo dhan noo nabdee inta shuushka iyo kala qoqobida wadana naga qabo amiin intaa ka dib walalka kor erayada ka dhanka ah dalkiisa iyo caasimadiisa qoray waxan leeyahay walale anagu hadaan nahay shacabka puntland wixi dhacay waan la socona balse muqdisho somali oo dhan aya iska leh kan djbuuti joga ilaa kan gariisa joga waa u siman yihin dadka aad ku riixayso gaar uma leh marka walale jooji waxan wayo ana dad kugu dhow hadanan ku qabsan cid kale ku qaban maysee waxas ha oran mar danbe
ismaa dhaantaad tihiiin labadiinuba tanade iyo dhagataag ,labadinuba qabyaalan baa idnka buuxda ,tanada growe nacayb baa ku jira oo hadalkiisa ka dareemayaa, dhagataagna isago warkiisa waa cadaystay , growe iyo muqdisho waa caasumado somaliyeed
Waan ka xunahay dadka cayda iyo qabyaaladda dhaqanka ka dhigtay sida ibraahim tallaabo ayaan ka qaadaynaa adinkuna raalli ahaada xamar waa dalkaygii hooyo garoowana waa lamid
TANADE walee adigana xaqiraad baa kaa muuqata kkkkkkkkkk maxaa ku keentay GAROWE oo somalia oo dhan matal ugu qabsan weyday ,mase ilawday in garoowe lagaa xukumo adiga.
isbaarooyinkii baa wali yaala meeshan. shalay sowtii guryo dadkii lahaa ay maqan yihiin ay isku laynayeen sow maaha.
”Inkastuu durdur galoo dashaasho doofaar abidkii ma daahiro ”
Meeshaan dadkii dhisay waa ka guureen
Nin baa laga sheegay ………waa ummul. Xanuunka soo mara markaba waa la illaawayaa. Wax taariikh ah oo laga hadlayaa ma jirto. Lays weydiin maayo maxaa shalay la soo maray. Wixii maanta laga bilaabo waxaan bqolkiiba boqol ku taageerayaa sheegashada reer Waqooyi ay ka sheeganayaan wixii loo geystey, waayo waa runtood. Waa taariikh dhacday. Dadkani waxay rabaan in wixii dhacay iyo waxa hadda dhacayaba in duub duub lagu liqo. Taariikhda waxaa loo bartaa waa in ay berri anfacdo. Dadka xoolihiisii iyo guryihiisiiba waa maqan yihiin. Anigu reer faroole maahi, laakiin waxaan ahay dadka Xamar xanuunku ka gaarey markii horena sida ba’an isu siiyey.
Hadanna waan hubaa inaan wanaag iiga soo socon. hase yeeshee, ragga ……. ee halkaan igu cambaareynaya ayaan kelmed oranayaa. Anigu waxaan ahayn haddii qabiil wax lagu helayo kan inuu wax ku helo ugu yar. Macnaha qabaa’ilka waxku hela kama mid ahi. Marka xanuunka Xamar iga gaarey oo idinka idin taaban ma garan. Laakiin dadkeenii ayaa sidaas alla ka dhigay oo aan taariikhdaba dib u raacayn.
Dadku wixii dhacay ilmahooda ayey barayaan si aaney berri dabinkaas ugu dhicin. Idinkuna yaanba laga hadlin ayaad taagan tihiin. Wiilka tanade la baxay, iyo kan Xarfo la baxay, waan hubaa magacyada aad sidataan ineeydaan idinku lahayn. Waayo nin waliba magacii uu doono ayuu soo sheeganayaa.
Hadalka waxaan ku gabagabeynayaa, ama tanade ahow ama xarfo ahoy, waad u warhaysaa in haddii lays laayey nin waliba gurigii hooyadiis nafta kula cararay. Dalka waa lakala leeyahay. Xamar anigu ma lihi ma yeelan doono waa dambe haddii ALLA idmo. Haddii maanta lay weydiiyana Hargeysa ayaa dani iigu jirtaaye Xamar maaha.
Waxaan rabaa Xarfo iyo Tanadaw, aqriya cinwaankaan isla raxan reeb ku qoran:
(aahfaahin: Maleeshiyaad Dharka Ciidamada DKMG Sita oo ku Dagaalamay Guri Dadkii Lahaa Maqan Yihiin).
Bilo ka hor Xildhibaan reer Gedo ah ayaa gurigiisii lagu diley aan cidi illaa hadda isweydiin. Kama dhacdeen Hargeysa taasi. Imisa ayaa guryohoodii, iyo beerahoodii xoog lagu haystaa oo waxaas aad arkaysaan iyo wax la mid ahi ku dhacayaan. Bal eega islaan koox caruur ah biileysey maxay ku dhimatay. Cidi isweydiin meyso oo waa neef baqtiyey. Bal xal ii sheega magaalo madax ummadi leedahay ay xamar ku noqon kareyso. Waa in runta la wajahaa oo aydin ilmihiina haadaan u horseedin ayaan idinkula talinayaa.
scw, dhamaan horta waxaa fiican in xornimada la ilaaliyo webkaan waligay waan ogaa inuu xag jir yahay laakiin isagaa xor ah, waana kuwii 1991 =============== noo jabiyay, ogaada banaadir inay goob ————- tahay somalina ay meelo kala duwan dagto maxaa nimankaa hawiye go aan looga qaadanwaayay sida nimankii ;;;;;;;;;;;;;;;;;; ..
War —————- sida isu dhaama
waa salmaantahiin dhamaan akhristayaasha raxanreeb.com, intaas ka dib xamar waa cinwaanka xadaaradda soomaalia iyo somalida iska daa in ay astaan u tahay somalida xorta ah ee xitaa waa muuqaalka Somaalida koonka ku dul nool haday ahaanlahayd somalia, somali galbeed, jabuti iyo wuqooyi bari Kenya, hadaan usoo laabto hadalada turxaanta leh ee lagawada gilgishay waxaan ugu jawaabi lahaa : WALAAL HADAAD PUNTLAND KA TIMID ANBA WAXAAN AHAY REER PUNTLAND WAXAANA SHARAF II AH IN AY XAMAR CAASIMADAYDA TAHAY WAANA KU FAANAYAA KHAYR IYO BARWAAQONA WAAN LA JECLAHAY MARKAAN SAAS LEEYAHAY WAXAAN KU DHASHAY DEGMO UGU YARAAN 2000 KM U JIRTA XAMAR (DEGMADA QANDALA, BARI) MARKA FIKRADAAS KULAMA QABNO.
Dgegtaag waa reer miyi fooqal miyi goor maa lagatagay qabyaalad war anagaa ah rer puntland waana jecelnahay xamar iyo somalia oodhan wana ku farxayna horumarka webkana raxanreb na wa web soomaaliyeed ee sidaadoo kale cuqdad kuma jirto adi iyo wixi ku raacsan
Asc dhammaan shaqaalaha iyo akhristayasha. Raxanreb waa laydin amaanayaa lkn fadlan kaantarola commentsyada reebana waxa dadka somaliyed kala gaynka idinkana sumcadina xumaynkara, dhalintana waxaan leemyahay soomaliya waa mid ee hormarinta dalkeena aan ka shaqayno siguud, xamarna waa murayadii, madaxii dalkeena balaaran. Dhalinta xamar difaacday waad mahad santihiin idina ha xad gudbina, wayo waxaba laga yaabaa qofkaad u jawaabaysaan oo puntland ahaan ku xeerinaysaan inuusanba Somali ahayn. Idina Garowe waa magaaladiniyee shaqsi Somaliba iska saray ha u aflagaadeynina WBT
alla maxaa heer baadiye ka buuxa puntland iyo somaliland. waxaan halkaan ka cadeynayaa in dadka xama neceb ay kasoo jeedaan 70% somaliland 30% puntland war meesha waanala ku xasuuqa oo guryahatyagii waa nala kasoo ceyriya lakin cuqdad ma fiicna somali baanu naha waa in aan qaran suubsanaa oo is cafinaa ooo iska hilmaamnaa wixii dhacay 1991. xamar in nala kasoo ceyrsaday kama dhigna in nala kaleeyahay 70% guryaha reer puntland iyo somaliland ayaa iska leh xamar. dadka xamar daafaheeda daganaa oo hada guryahagii iska soo buuxiyay dan bay oga caraabin amarkuu caqligu shaqeeyo ee rajada yaan la dhigin oo somali ha isku soo dhawaato
War ileyn anagaa wax aragnay,Dadkani maxay lawada cabadayaan markii runta loosheegay,waa runoo Hargaysaan dhowr malmood joogayoo waxad moodaa inaa gurigii hooyaday joogo saan isku halayn iyo amaan aan u dreemayey Xamarna xataa mayeeleen diyaaradu ha kula dulmarto,soo meeshii aan ogaa maha anagoo ilma yar yara dhibkii aynoo geysteen iyo halaagii intay waxanu mood iyo maal lahayn naga furteen,baan doontaan kismaayo ka raacnana 8 maalmood bada nagulaxumaatay oo aanan biyo baad helin familkagii kalana doono la degtey oo dhinteen waxna xamar lagu laayey,hada cruurtayda ayaan uga sheekayaa qisadii na soo martay,waxay ilatahay ninkii aadaya xamar ha aado haduu amaan ku helaayo koley isagaa ka sheekan.
Maxaa si ka ah dhagataag guy. Muqdisho saaxiib waa dalkayagii
waana magaala madaxda somalia. Qabyaaladdan raqiiska ah meelaha kale
la qabo.
war xamar wey urtay waane laga guuray ee ninwaliba aad degmadaada ,xamar waxaa hadda kaalmeeyay illah kadibna reer putlan ee waligood xaarka ayeey cunilahaayeen ee haddii ay caqli leeyaheen 22 sano wax ayey hagaaginilahaayeen ,magaalo dhan baa loogatagy weyna kuxaareen ee hanoo ammaanin xamar ure.
ninkaan laleeyahay “dhaga taag” dhagta hakaa godo wax yahow xaasidka aha! Waddan kulaha! War miyaad soomali eheen adiga?
dhibkii xamar ka dhacay dad gooni ah ma saamayn soomaali oo dhan buu saameeyey weliba waxaa ku sii baaba’ay kuwa aan meel ay uga qaxaan haysan ee looma ooyaanka loo bixiyey iyagaana xamar weli jooga iyagoon nacayb u hayn aduunkana waa dhacdaa mar kasta tii xamar iyo soomaaliyoo dhan ka dhacday lkn dadku waa ka dhaqdaa oo horuu u socdaa muqdishona waa caasimadii umada soomaaliyeed oo dadkoo dhan ka dhaxaysa waa in si xadaari ah loo fekaro oo dhibka laga gudbo taasaa soomaaloo dhan u dan ah