DAAWO SAWIRO: Wasaarada Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha DKMG Oo Amaantay Ciyaaraha Heerka Koowaad oo Muqdisho Ka Furmay


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Wasiiru dowlaha Shaqada iyo Shaqaalaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha C/laahi Sheekh Cali Qaloocow oo waraysi gaar ah siiyay warbaahinta RBC, ayaa wuxuu ka hadlay ciyaaraha heerka koowaad ee Soomaaliya oo lagu wado in ay maanta ka furmaan magaalada Muqdisho.

Wasiiru dowlaha ayaa wuxuu sheegay inuu soo dhoweynayo ciyaaraha horyaalka Heerka Koowaad ee haatan ka furmaya magaalada Muqdisho, wuxuuna sidoo kale baaq uu u jeediyay dadweynaha daawada ciyaaraha ama xiiseeya asgoona ugu baaqay inay ciyaarahaan daawadaan.

C/laahi Sheekh Cali Qalocow ayaa wuxuu carabka ku dhuftay in ciyaarahaan ay yihiin kuwo wanaagsan wuxuuna sheegay in dowlada Soomaaliya ay garab taagantahay ciyaarahaan.

Wuxuu soo hadal qaaday wasiirka dhalinyarada Soomaaliyeed ee kubada Cagta ku ciyaara wadanka dibadiisa iyo waliba dadka dhiiragaliya, wuxuuna ugu baaqay dadkaasi in ay si gaar ah waajib isku saaraan, maadaama ciyaartoydaasi loo baahanyahay dadkana uu sugayo.

Ciyaaraha horyaalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa lagu wadaa inuu ka furmo garoonka Jaamacadaha ee magaalada Muqdisho, waxaana jira dad badan oo isku diyaarinaya in ay ciyaarahaasi daawadaan.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Tags:

Leave a Reply