DEG DEG AH : Kooxo Hubeysan Oo Goordhow Ka Afduubtay Shaqaale Cadaan Ah Xerada IFO


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Naiorbi (RBC) Wararka ka immaanaya xeryaha qoxootiga dalka Kenya ayaa sheegaya in goordhow kooxo hubeesan oo aan heybtooda lagaraneenin, ay weerar ku qaadeen gaari ay wateen shaqaalaha samafalka.

Warku waxa uu intaas ku darayaa in hal qof uu ku dhintay qof kalena uu ku dhaawacmey, sidoo kale afar qof oo cadaan ahna ay afduubteen kooxda weerarka geesatay, oo durba u baxsaday dhinaca Soomaaliya.

Goobjoogayaal ku sugan Xerada IFO ee gobalka waqooyi bari dalka Kenya ayaa u sheegay RBC Radio, in afarta qof ee la afduubtay ay ukala dhasheen dalalka Norwey, Canada, Pakistan iyo Philibiin, sidoo kale waxa la sheegay in qofka dhintay uu ahaa darawalkii shaqalaha la afduubtay iyo qof kale oo wardiya ah.

Xaaladda xerada IFO ayaa lagu soo waramayaa in ay kacsan tahay, waxana soo gaaray xerada ciidamo Kenyan ah iyo masuuliyin ka tirsan dowladda Kenya.

Ma jiro ilaa hadda cid ka hadashay afduubka iyo dilalka ka dhacay maanta xerada IFO ee gobalka waqooyi bari dalka Kenya, oo ay ku nool yihiin qoxootiga ugu badan dunidda.

Sida laga soo xigtay wakaalada wararka AFP, Kolonyo ay wateyn shaqaale ka tirsan hey’adda NRC Norwegian Refugee Council in lagu weeraray xerad dhadhaab ee gobalka waqooyi bari dalka Kenya.

Saraakiil ka tirsan hey’adda qoxootigaA Norwegian Refugee Council oo ku sugan Oslo ayaa u sheegay wakaalada wararka AP in waskaas uu yahay mid sax laakin ay isku dayayaan siddii ay warbixin uga heli lahaayeen qaabka uu dhacay weerarka.

RBC Radio

—————————–

Xafiiska Wararka Nairobi

Share

Tags:

1 Response for “DEG DEG AH : Kooxo Hubeysan Oo Goordhow Ka Afduubtay Shaqaale Cadaan Ah Xerada IFO”

  1. [...] See the article here: DEG DEG AH : Kooxo Hubeysan Oo Goordhow Ka Afduubtay Shaqaale Cadaan Ah Xerada IFO [...]

Leave a Reply