DEG DEG: Ciidamada Dowlada iyo Kuwa AMISOM Oo La Wareegay Deegaano Ka Tirsan Shabeelaha Dhexe
Muqdisho (RBC) Ciidamada dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa la wareegay deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobalka Shabeelaha Dhexe oo ay horay ugu sugnaayeen ciidamada Al-Shabaab.
Deegaanada ay maanta la wareegeen ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa waxaa ka mid ah Dekedii hore ee Ceel Macaan, Ceel dheer iyo garoonkii diyaaradaha ee Ciselay.
La wareegitaankaan ayaa wuxuu ka danbeeyay ka dib markii ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay weerar ku qaadeen deegaanadaan oo ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan Al-AShabaab.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in deegaanadaasi ay dagaalo ay ka dhaceen isla markaana ay khasaaro ay geysteen dagaaladaasi oo soo kala gaaray dhinacyadaasi.
Ceel Macaan iyo Cisaley ayaa ah labo goobood oo muhim ah marka loo eego dekeda iyo garoonka, waxayna sidoo kale noqonayaan goobihii ugu horeeyay ee Muqdisho ka xiga dhanka waqooyi oo DKMG ah iyo AMISOM ay u dhaqaaqaan tan iyo markii ururka Al-Shabaab ay ka bexeen magaalada Muqdisho bishii Agoosto ee sanadkii hore.
Wixii ku soo kordhaa kala soco Raxanreeb.com












[...] Read More: DEG DEG: Ciidamada Dowlada iyo Kuwa AMISOM Oo La Wareegay Deegaano Ka Tirsan Shabeelaha Dhexe [...]