DEG DEG: Nabadoon Puntland Caan ka ah oo Shaaca Ka Qaaday in Waxgarad, Siyaasiyiin iyo Suxufiiyiinba Ay Isaga Bexeen Puntland Cadaadis iyo Shirqoolo Loo Maleegay Darteed


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Mid ka mid ah nabadoonada ugu caansan deegaanada Puntland oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ayaa Shabakada Raxanreeb u sheegay in waxgarad, siyaasiyiin iyo suxufiyiin intii joogtay Puntland ay isaga bexeen deegaanadaasi kadib markii cadaadis sii kordhaya ay kala kulmeen maamulka madaxweyne C/raxmaan Faroole.

Waxa uu nabadoonkan oo wareysi dhinacyo badan taabanaya ay la yeelatay Raxanreeb uu shaaca ka qaaday in siyaasiyiin fara badan iyo waxgarad ay isaga carareen magaalooyinka Boosaaso, Garowe iyo Gaalkacyo kadb markii ay ka badbaadeen falal iyaga lagu shirqoolayo oo fashilmay, iyadoo dadkaasi lagu eedeeyey inay ka hor yimaadeen siyaasada madaxweyne Faroole.

Wuxuu nabadoonku qeylo dhaan ka bixiyey in haddii xaalada Puntland ay sida ay hadda tahay ku sii socoto ay isaga haajiri doonaan dhamaan dadka aqoonyahanka iyo waxgaradka ah ee bulshada waxtari lahaa kuwaasoo hadda u baqoolay magaalooyinka Nairobi iyo Muqdisho si ay naftooda u badbaadsadaan.

Sidoo kale waxaa maamulka Puntland loogu baaqay inuu u caddaalad falo dadka siyaasad ahaan aan ku aragtida ahayn madaxweynaha oo hadda uu sheegay in si gaar ah loo beegsanayo.

Shabakada Raxanreeb ayaa la kulantay qaar ka mid ah siyaasiyiintan iyo waxgaradkan oo ka kala yimid Garowe iyo Boosaaso kuwaasoo ka sheekeynaya xaalada hadda Puntland ay mareyso.

Wareysigan iyo kuwa kalaba oo wata sawiro goordhow kala soco Raxanreeb.com haddii Alle idmo.

Use Facebook to Comment on this Post

Share

36 Responses for “DEG DEG: Nabadoon Puntland Caan ka ah oo Shaaca Ka Qaaday in Waxgarad, Siyaasiyiin iyo Suxufiiyiinba Ay Isaga Bexeen Puntland Cadaadis iyo Shirqoolo Loo Maleegay Darteed”

  1. galkacyo boy says:

    faroole kaankaro ayuu noqday war waxa kan yaa dadka ka qabta somali oo dhan ayuu naga horkeenay
    hadana wuxuu ku darsaday in dadkiisii uu baa.ba iyo hoog iyo kala carar u horseedo
    somalida oo idil maantay magaca puntlad way ka yaq yaqsoodaan mana maqli karaan
    waxaana na dhaxal siiyay arintaas faroole iyo kuwa ku hoos naban

  2. Daljir says:

    Ugu horayntii shabakada raxanreeb waymahadsanyihiin, lkn Nabadoonka caanka ah ee aad sheegteen miyuusan magaclahayn???? waa nin isqariyey isaga iyo weriyaha maqaalka sooqoray waxkasooqaadmaleh intuba .waa niman cuqdadaysan waxkasooqaadna maleh

  3. Amina says:

    Puntland ka haajir oo Muqdisho u haajir waa sheeko waalan,waxa fiicnaan lahayd inuu keeno sheeko u soconaysa haduu koley qoomiyad u tafa xaytey inuu cambaareeyo,malaha isgaa soo duday.

  4. fawziya says:

    kkkkkkkkkk adinka mucarad mahane muxaafid ma waraysatan miyaah wan yabaye

  5. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk.wuxuu siyaasad mooday in dadka la cabursho.

  6. Puntlandi says:

    Raxanreeb beenti la idinku yaqanay adaa wadaan,,,,,,,nabadonada,siyasiyinta iyo madaxda rr puntland waa isku isku hal mawqif orda dadka kala taga beenta iyo waxan la aqoon o ad lawaregaysaan

  7. Samafale says:

    Ascww
    Salaantaas Islaamka dabadeed,waxaan jeclahay inaan waydiiyo bahda Raxanreeb,ma waxaad u badasheen wacyi gelintii iyo nabad gelyada wanaageeda aad shacabka u tebin lahaydeen ,inaad Cabsi gelin iyo isku dir ka dhex bilawdaan shacabka reer Puntland???
    Waxaan idinka codsanayaa mar labaad anigoo horayna idiinka codsaday in kastoo aydaan soo daabicin maqaalkaygii oo aad daaqada ka tuurteen, inaad shacabka ku baraarujisaan nabada in wiil ku dhasho laakiin uusan wiil ku dhiman oo aad ka daysaan dadka cabsida iyo jaah-wareerka.
    Alle waxaan ka baryayaa inuu Somaliya qaranimadeedii iyo wanaageedii dawladnimo u soo celiyo.Dadka soomaaliyeedna quluubtooda burcad isu mariyo,Kuwii qaata na Alle ka dhigo hal ku dheggii Mudug caanka ku ahayd oo ahaa Xalay dhalay.
    WSCWW
    Samafale

  8. mahad says:

    Maxaa looqarinayaa Magaca Nabadoonka Xamar ayuu joogaa baa tiraahdeen Maisim buu is mooday mise cayda Puntland ayuu ku doonayaa Dhasqaale dadka cadowga u ah, waxaan u malayn waa afmishaar ee Maahan Nabadoon nabadoonada Shaqadooda waa layaqaan
    mahadsanidin

  9. salim says:

    War maad dadka beenta ka daysaan faroole mesha uu puntland garsiiyey qof gartsiiyey lama hayee dadka ciirta ka daya aad usoo bandhigaysaan

  10. ONKOD IYO HILLAAC says:

    Caan ahaantiisa dooni mayno ee iska haysta- waan sheegi karnaa kuwa ay yihiin, waana kuwa shariifka iyo cabdiweli kula heshiiyey xamar.Kuwaa xamar fadhiya waxaan u arrgnaa qaaxo ilaahay kawaday PUNTLAND oo shiddo iyo dhib kala tagey ee sidaas ha ogaadaan!!!!

  11. sing says:

    kakakakakak wa layaab raxan reeb horta puntland waa la saaraya talow maxay ka samaysay intaan arkayey raxanreeb puntland bay attak ku haysay lama arag ayadoo khary ka shegtay puntland waxan kula talin lahaa raxan reeb wxaaas ka waan tooba walaalakaa fadeexadiisa haraadin u astur haduu ceeb leeyahay beentana iskadaaya sharkana ha raad raadiniya

  12. mohamed says:

    aamina puntland maxaa yaala oo aan ool muqdisho oo ah magaala madax ay joogaan safaaradihii caalamka siyaasiyiintii, madaxdii wadanka iyo dhamaan bulsha wayntii soomaaliyeed oo isugu jirta rag iyo dumar dayar iyo duqoow culimo iyo caamo

    mida kale muqdisho dadku afkooda waa uxor laguma haysto rayigooda hadaan wax laqarbuday afka iyo rayiga waa laga hadli karaaaa

    muqdisho qofka wax ka sheegaya waa qof magaca uun kamaqlay oo aan aqoon ulahayn wanaageeda iyo nolosheeda iyo qof qabyaaladu madaxmartay oo muqdisho oo uu wax kuleeyay oo ah caasimadii dalka ah caadifad iyo qabyaalad darteed ucaayaya

    muqdisho waa magaala dadka kala qarin karta hadii dhinac dagaal kadhicijireen hada waa amaan xataa hadii muqdisho dagaalo kajiraan qayb kamid ah xamar qaybaha kale xabada xataa malaga maqlaayo 45 km dherer iyo 20 balc hadaba si aad u hesho bedkeeda isku dhufso kadibna ogoow masaaxada xamar

  13. raxandoon says:

    Ninka maanta xamar u qaxay in uu fiyowyahay iyo inkale bal orodoo ka wareeyso qoxootiga konfureed ee ku nool kana saqeeysta dacallada puntland oo dhan, Bosaaso, kalkacyo, garoowe illaa somaliland waxaa nabad ku nool qaxooti da konfureed iyo oromo mana aha wax la ii sheegay ee waa wax aan arkay . wallahi ma ahi nin u dhashay puntland ama somaliland ee beenta ayaan ka carooday. arrin shakhsi ah ayaan uu gaaray gobolladaas aniga oo aan somalia tegin 43 years ninka gurigiisa ee loo soo shaqo doonto ka tagey ma caafimaad qabo ee dhakhtar ha la geeyoo. fadkan war saxa qora somalida ha heshiisee ee cooladdii dhacday yaan la sii shidin,

  14. Ahmned Jama says:

    Raxanreeb aydaa ka masuul ah cidii ay warayanaaaniin laakiin waxaa ma hiim ah in la ilaaliyo samacada iyo aminga wariye aan puntland ahayn ama war aan u qalmin in lasiidaayo hadii ay raxanreeb sii dayso hadhow shacabka il gaar ah beey nagu fiiriyaa ee waa in taxadar la muujiyaa.Runtii qof puntlander ah ama ay ku jirto rajo puntland warkaa masoo qoreen.

  15. Hadii inta lacagta haystaa cararto dadka shacabka ah xagee looga tagayaa ee waliba u dheer tahay sixir barar maceeshada ah. Waxaan filayaa shacabku in ay sameyndoonaan. Kacdoon.

  16. saraaxi says:

    WAAD SALAAMANTIHIIN WAADNA MAHADSANTIHIIN FIKIKII AAN QABEY AYAANA IKHIYAARTU UBADATAY THANK YOU AGAIN , RAXANREEBNA WAXAAN LEEYAHAY WAA NIN SHEEGA MADHAAFTO,E NABADOONKII LIVE AH KA JAC-JAC SIIYA MAGACIISANA ISAGU HASHEEGO
    HADII KALE GARAB SIYAASI AH NOQDA OO RAXANREEB LAYIRAHDO,

  17. ahmedpunt---------- says:

    odaygaas runtii maahan odey nabadeed waa khaanul waddan waa naar afuuf waa kuwa waddanku kadagi layahay 22 sano oo dab ummadda kula dhex jira kawaas oo qaarkood lacago lagu siiyo burburinta laakin inshaa allaahu balaayo iyo shabaabul dadqal baa dhagta dhiig kuu dari doona oo gacantooda kibixi doontaa waayo qofku haddii uu kashaqeenwaayo maslaxada dadka muslimkaa ilaahay wax kaxoogbadan oo cudur leh baa qoorta loosuraa ,waxaanse shaydaanka oday kusheegaa aan leeyahay puntland ma burburin kartid runtiina nin madaxweeyne faroole dhaamaana puntland masoomarin dadka shacabkaana dibad iyo gudaba waa lagarab taaganyahay haddaba oday shaydaan puntland waa meel nabada waxii malagood galyna oo shabaab iyo wad kale aay heleena samir iyo iimaan gabagabadii oday sheeydaan dadka ha isku dirin

  18. samatar says:

    asc xaqa wuu dilaaca qofkii runta sheegaba hala dhaho puntland buu naceb yahay ama ===== buu nacebyahay , arinta sidaa ka duwan ee hada jaceshaihiin ka qabata ninkaa hor booda siyaasada puntland oo aan aqoon isin iyo aqoonyahan iyo dadka waxa ay isu yahiin dhan dhalasho deegan intaba hadaa jaceshihiin faroole ma xuma lakiin jaceelka waxuu kugu hagaa in aad saxdo qofka , maxaa rer puntlnad ninkaa siyaasadisa u saxi waayen? mise walalo mas wada qaniinay oo isu aamusay ayaan maqli jiray ma kuwaas ayaa tahiin

  19. rooraaye says:

    anigu waxaan oran lahaa wax ma hayno iska hadal waa laga fiican yahay anigu intaas ayaan leeyahay

  20. ahmedpunt---------- says:

    ninka raba in daacayad iyo shirqool beena kuraadinaya in puntland laga cararo iyo saxaafadda xumaha iyo dhibka utaagan oo jaanis siinaysa cadawga puntland .masalan RR waxay maalinkasta xayaysiisaa soomaaliland ,iyo muqdisha meeshii aay kasooleedana qori dable bay kula dhex jirtaa illaa maalintii dagaalkii xaafaddii garsoor,waxaa layiri doqon meeshii lagu hishiiyay ma’ogeen ee meeshii la’isku dagaalay beey ogeed ,,waa nasiib darro laakin ogaada dawladda puntland waxay haysataa taageero dibad iyo gudaba waligeedna inay siixoogaysato mooyee madumaysa oo waa hanqaraarac lug uuma dhutiyo ,balse waxaa fiican an saxaafaddu aay kashaqayso nabadda iyo horumarka baa fiican ee dadka soomaaliyeed u baahanyihiin,waxaan idin leeyahay runtii waad khasaarteen idinka iyo kuwii idin soodiray,puntland adeer runtii waa dhaqaaqday oo waan hubaa boqolkiiba boqol,oday sheedaana oo oday dhuusada ceshan karin iyo saxaafad ushaqaysa ama kusoolacag qaatay burburin masaconayso waana hoogteen oo ba’deen

  21. ali says:

    puntland cay wax looga qaadayo ayaa iska yar puntland hore ayey usocotaa

  22. maanjor says:

    kk hadii faroole lasoo qaado ma qoomiyadbaao lasooqaday yab nin aduunkti ka joogow maxaa arag kuuu laban waxan orlaah saxaafada haday warsoo qoraan hala daay warkasta adiga kuu xun qof buu faxad ku reebaah aniga ahan faroole ina lamago majecli laakin wixi jiro halasheego

  23. Puntland boy says:

    Raxanreeb hadii qofkii criminal Ah ba aad dhageystaan Soona gud bisaan Rayigiisa ku saleysan Caadifada & xumaanta Mala dhihi karaa waxaa soo post gareysaan waa relabel ? Dad ka noocaasa oo cabsida xoogaas leh qaba hadiiba aad go aan sateen inaad soo post gareysaan what is there names ? Noosgeega, Faroole waa president Waxuu ku ligeen naga mudan yahay inaan howsha uu wado u fududeeyna waxaan ku nool nahay tough neighbor hood , markuu waqfigiisa dhamaadana oo laga adkaadana waa baxayaa sidii aay yeeleen ragii ka horreyay. Dowlad ma shaqeeyn karto hadii shacab keedu

  24. wiil xarfo says:

    xaalka puntland yaala
    Boosaaso burcad badeed+ P I S = baroon ordaaya bolis aan dhaamin bilaa aqoona boowe isdhiiba
    Qardho. qolo caraysan + Qilaaf aloosan = qiso layaab loo qarnigan joogta
    Garowe, gawaan banaana + gurya abuuris = ha u gabaabin hana gar qaadan amaba gowrac
    Gaalkacyo. gabano waalan+ guluf colaada= gurxan rasoo goor walba joogta

  25. Aw Malaaq says:

    XAQA SHEEG WALIGAA DACARBA HA KA QARAARAADE.

    Noolow Raxanreeb weligaa, waxaa tahay garyaqaankii xaqa iyo cadaaladda

  26. Runsheeg says:

    ugu horayntee dhamaan waad salaamantihiin, Nabadoonka la sheegayo oo hadan la sheeelayo muxuu yahay waa ,id aan jirin sidaan umalaynayo, qofku haduu wax qorayo waa inuu magiciisa iyo adress kiisa soo bandhigaa hadii kalena iska aamusaa,
    tankale qofka sheeganaya gaalkayo boy naag iyo nin wuxuu yahay magarana yee waxaan usheegayaa Madaxweyne Faroole waaligii waa ku fushanaanayaa Dameer aan fuushanahay Qaladiisu maxay iyeelaysaa

  27. Najmo says:

    ASCW, Salaan ka dib, Bahda Raxanreeb iyo Shacabka akhrisanaya warbixintan waxaan xusuusinayaa in ay caalamka ka jirto qadiyad oranaysa Saxaafadda waa inay wanaaga dalkeeda iyo bulshadeeda faafiso, qarisana wixii xumaan iyo khaladaad ah oo ka dhaca bulshadadeeda, dhinaca kale waa inay saxaafadu faafisaa xumaanta cadowgeeda qarisaana wanaaga cadowgeeda, mark waxaan bahda raxanreeb waydiinayaa miyaysan fiicnayn inaad qarisaan warkan xumaanta miiran ah haddiiba uu jiro, maba u malaynayo inuu jiro, Soomaaliya dagaal baa dalal shisheeye ku hayaan, dagaalkaas waxaa ka daran kan aan inagu isku hayno, tusaale waxaan inagu filan warbixintaan raxanreeb, iyo dadka aaminsan fikraddaha qaldan ee Puntlander, Somalilander iyo reer koonfur ee la isku caayo, waxan arkaysaa dadka qaar fikrad qaldan soo galinaya boga internetka oo caaya ama wax xun ka sheegaya deegaan ama dad ka tirsan Soomaaliya, marka waxaan talo kusoo jeedin lahaa dhamaan ummadda soomaaliyeed inay wanaaga isu ogolaadaa meel kasta iyo qof kasta, oo muujiyaa wanaagooda, xumaantooda qariyaan, si ay bulshada caalamka sumcad ugu yeeshaan, waxaadna ogaataa Soomaaliya waa hal dal,Soomaaliduna waa hal dad caalamku sidaas buu inoo yaqaan, marka meel ka mid ah soomaaliya aad dhibaato ama xumaan ka tabisaan (tusaale Qansaxdheere) oo aad caalamku u gudbisaan, dhibaatada ama xumaantaas kuma egaanayso Qansaxdheere basle Soomaaliya oo dhan baa loo arkayaa inay dhibaato ka jirto, Laakin adigu waxaad is leedahay Qansaxdheere xumee, adigaase xun ama Bosaso joog, ama Burco joog ama Beledweyne joog, ama Baydhabo Joog.

  28. shiinadheere says:

    asw
    waxaa uu yiri nin la oranjiray zuhayr bin salma
    ??? ???? ??????? ?? ??? ???? ???? ?????? ?????
    taas micnaheedu waxaa weeye ninkii ehelkiisa dad aan ahayn ka samaysta wanaag miciyo dhexdood ayuu galaa waana ka qoomameeyaa kaaba qabiilkaas ha isa sheego magaciisa
    anigu reer gaalkacyood ayaan ahayn mar nooga xanuu badan ma jirin maamulka faroole hadana ka bixi mayno puntland ,faroole iskama laha puntland . waqti ayuu qaadanayaa waana laga baxayaa

  29. Cajab cujeer says:

    Nabadoonka caanka ah magac Ayuu leyahay maxu magaciisa uqarinaya maxuuse isagu isagarebay dadka cadadiska lagu haayo qof walba waa ogyahay arinkas wax cusubna mahan

  30. waan idin salamay bahda raxanreeb . Salan kadib . Walalayal p/and maxaa dan ah oo idinkugu jira inaad cambaaraysan ama warxun ka baahisan war walalayalow waxas aan ka kaaftono anagu p/and baa dowlad noo ah 2shariif wax ay noo hayan ma jidhan marka xaqiiqda aan isku sheegno muqdisho nabadoonka u cararaya kuwa degaanada pl buux dhaafiyey oo dail ka soo qaxaya muu ku waano qaato rer tolkeyow mucaarad nimada iyo xaqiiqda . Kala saara p/and waxii neceb ana waan necbahay waana ogahay in malaayin somali necebtahay waxa loo neceb yahayna waa maxay u bur buri wayday

  31. king caamir says:

    kkkkkkkkkk kan waa mid xanuusan wuxu sheego miyu wayay kkkkk waa yaab adeer alle haku caafiyo wax kale ku oran meyne

  32. hassan says:

    KKKKKKKK
    Kadaroo dibidhal weeye sidii Aamino tiri, nin Puntland ka haajiray oo xamar nabad u raadsadey, weliba hadduu xamar joogo muxuu magiciisa u qariyey yuu ka cabsanayaa weli?

    Dadka Puntland ka haajiray waa burcaddii iyo Argagixisadii iyagaana magocooda qarinaaya.

  33. Falaago says:

    Nabadoon Af Guduud waa Reer Boosaasood Wax Dan ah oo uu Boosaaso u Hayana lama Arag Marka Laga Reboh Caruur Derbiyajiif ahayd oo uu Guri Dejiyey Danaha Qaswadayaasha buu Difaci Jiray Xamarna Jeebkooda bay u Tageen ee Dan Somaliyeed Uma Tegin Kuwas Dhaqan kusheega ah oo Suldaan Af Guduud Hormoodka u Yahay Ul Xun iyo Kofiyad Xun bay Arlada la Maraan waa Dulaaliin Dhinaca Siyaasada Madaxtoyada bay u Fara dhuudhuuban Yihiin Burcada Xeer Dhaqameedka Weyeh Nimankas Xamar Jogah

  34. dhakafaar says:

    Maxaad u qarineysaan Waxaan qoray. Raxan reeb ma waxay idinla tahay inaan INA AFGADUUD OO CABDIRAXIIM IBRAAHIM la aqoon. Ama qariya ama sheega dadka meelo badan ayaan uga sheegi karnaa.

    Tan kale sowtuu Hargeysa joogey, ma Xamar ayuu u cararay. La wada idinkaa waxaad siineysaan oge. Ninkuu Puntland mucaarida isagaa meel uga roon og.

  35. Darwiish says:

    NINKA HAYSTA PUNTLAND WAXA UU KU YIDHI QABIILOOYINKA ===== MIYAYDAN MAQAL IS KABADAA KUWA SOOMAALIYEEDE’ ==== FAKAAN WADAAGNAA?——-KURSIGA MAGEYAAN ===== WAA ARGAGIXISO.=====WAA KOOXSIYAASADA KU WAREERTAY ====== WAA SHABAAB IYO WAXKADARAN CAJIIB MADHAX XUMAA

Leave a Reply