DOOD FURAN: Kulanka Sheekh Shariif Iyo Siilaanyo Muxuu Hiigsanayaa?


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Waxaa maanta markii ugu horeysay magaalada Dubai ee wadanka Imaaraadka Carabta ku kulmay madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweynaha maamulka labaxay Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.  Kulankan waxaa ka  horeeyay wadahadalkii ka dhacay deegaanka Kenta ee duleedka London 20-kii bishan June kaasoo ahaa gogoshii ugu horeysay oo ay isku arkaan wiufuud ka kala socota DMG Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

Dad badan waxay wadahadalkan ku fasireen talaabadii ugu horeysay ee dhanka dib u heshiisiinta loo qaaday ee ay ku dhaqaaqdo DKMG Soomaaliya oo in ka badan 10 sano dalka ka jirtay beesha caalamkuna gadaal ka riixeysay.

Madaxda DKMG ah min madaxweynaha, raysul wasaaraha illaa wasiirada waxay qabaan inaanu micne sameyneyn sida loo wada hadlayo, meesha lagu wada hadalayo iyo magacyada lagu wada fariisanayo- waayo dantu waa in la helo hannaan dib u heshiisineed oo ka hirgala dalka kadib in ka badan 20 sano oo colaad yo dhimasho ay dalka aafeysay.  Waliba si gaar ah waxaa muhim loo arkaa xilligan oo dhamaadka waqtiga ku-meelgaarka la taagan yahay,  qodobkan waa midka ay hadalhayaan xitaa siyaasiyiinta labada dhinac.

Markaasi ma fursad awood qeybsi ooo dhexmarta gobolka waqooyi (Somaliland) iyo gobolka Koonfureed si la mid ah awood qeybsigii dhacay 1-dii Luulyo 1960-kii?  mise arintu sidaasi way ka duwan tahay.

Illaa hadda waxay qodobada wadahadaladu dhaafi la’ yihiin ‘waan sii wadeynaa wada hadalka, waan taagaareynaa la dagaalanka burcad badeeda, argagixisada iyo baaqyo guud’.  Waxaa la iska ilaalinayaa ka hadlka  goosasho, midnimo, Soomaaliweyn oo dhammaan loo arko ereyo dacar ku ah wada xaajoodka ugubka ah -   Siyaasiyiintu waxay had iyo goor ka dhowrsanayaan ka hadalkaarinta dhabta ah laakiin raysul wasaare C/weli Gaas oo xukuumadiisu toddobaadkan sanad jirsatay wuxuu si cad u sheegay in SHACAB IYO QARAN Mid ah uu aqoonsan yahay!.  Dadka ka hadla siyaasadda Soomaaliya waxay ku fasireen ereyada raysul wasaaraha fasiraad muuqata oo uu ka bixiyey yoolka siyaasadeed ee DKMG ah amaba waa mowqifka guud ee Soomaaliweyn inteeda badan.

Xukuumadda Siilaanyo iyo taageerayaasheeda waxay sheekada ku micneeyeen  wada hadaladu inayba fursad u yihiin gooni u baxsadka Somaliland maadaama cida wax kala dhexeeyaan ay tahay DKMG ah, kuwa laga yaabaa inay dhaliilaan ayaase sheegaya in haddiiba ay sidaasi tahay weli timir lafbaa ku jirta.

Waxaa intaa dheer illaa hadda waxaa lagu wada hadlayaa oo la isku arkayaa waa caasimado shisheeye, taasoo dadka qaar ay saluugsan yihiin ayna sheegayaan inay liciifin karto miraha iyo natiijada laga fili karo wada xaajoodka.

Haddaba maxay noqon kartaa yoolka ama higsiga wadahadalada u bilawday labada dhinac? illaa xadkee bayna ku eg yihiin?

Siyaabaha ay siyaasiinta uga hadleen kulamada ma yihiin wixii dhabta ahaa mise waxyaabo la qarinayo ayaa jira?  Maxaa shacabka dan u ah? …  Waa dood furan.

 

 

RBC Radio

Share

Tags: ,

32 Responses for “DOOD FURAN: Kulanka Sheekh Shariif Iyo Siilaanyo Muxuu Hiigsanayaa?”

  1. runsheeg says:

    waxay ilatahay kulankan ka ku xiga inay ——-

  2. hogol says:

    absolutely waa la buun-buuniyay nimankan reer somaliland waxaysan ahayn aya laga dhigay hade waxan sugnaba wa puntland oo dhahda anaguna waan ka goosanay somali inteeda kale si loo soo sasabo tallow meeshu ma guribaa markii la doono laga baxayo markii la donana la gallayo

  3. Xaamud says:

    Shariif iyo cid kale toona awood uma laha iney yiraahdaan waxaan idiin ogolaanay goosasho. Afti dadweyne oo soomali oo dhan laga qaado kaliya ayey somaliland ku go’i kartaa. Marka yaan la isdaalin. Waxa meesha kasocda waa in somaliland loogu ogolaado iney kaligood ismaamulaan lakin ey hoostagaan dowlada fedaraalka.

  4. rooraaye says:

    waa wax lagu farxo inay soomaali oo aan loo kala turjumayn isla hadlaan kheyr iyo qasaaro heshiis iyo heshiis la,aan tan kale anigu lama joogin laakiin waxaad moodaa in meeshii hore laysaga dhaw yahay oo waxba waxbey dhaamaane waa laysu yimi waana dad ayagu siyaasad kala geysay wax walibaa waxay leeyihiin xal hadaan indhaha lays tirayn wax yaabo ka waa weyn ayaa la xaliyaa dhibaatada soomaaliya ka dhacday qof walibaa oo soomaali ah wey saameysay ama asga ama ehelkii marka waxaan anigu qabaa wixii khayr ah rabaa og ee allow waxa wanaagsan dhamaanteen haynoo diidin aamiin

  5. Mahiigaan says:

    Dooda hadaan fikirkayga ka dhiibto, anigu waxaan u arkaa inay wadahadaladu hada si fican u bilaabmeen, wixii intaa ka danbeeyana loo dhaadhici doono nuxurka shirka.
    kaas oo ah sidaad ka dhawaajiseen in lagu soo qaado xaqiiqda jirta oo ah Madaxbanaanida somaliland ama Midnimada Somaliya sidii laysula meel dhigi lahaa ee dhinac uun laysugu cago duwan lahaa.

    hadaba waxa isweydiin leh labada dhinac midba Cidhif ayuu taagan yahay qaar leh midnimada somaliya waa muqadas iyo somaliland oo jiritaankeedu yahay lama taabtaan. markay labada dhinac midba gees istaago beesha caalamku waxay isku dayi doontaa in laysu so dhaweeyo labadooda wax ay ku qanci karaana miiska la soo saaro.

    Su aasha markiiba caqligeena kusoo dhacaysaa waxay tahay waa maxay waxa labada dhinacba qancin karaa , hadaba ilaahay garad ayuu ina siiyaye , aynu isku dayno inaynu su’aashi ka jawaabno si caqliyaysan.

    Aniga waxay ila tahay sida tan in uu caalamku soo jeedin doono:
    1- in la sameeyo dawlad midnimo qaran mudo ku siman 2 ilaa 5 sano
    2-in madaxweynaha koonfur la siiyo raysal-wasaarahana waqooyi
    3-in wasaaradaha , dhaqaalaha iyo baarlamaanka loo kala qaybsado 40% ,60% waqooyi iyo koonfur sida u kala horeeyaan ah.
    4- in Caasimada Dhaqaalaha muqdisho laga dhigo , tan siyaasadana Hargeysa
    5- in Mudadaa laba ilaa Shanta Sano kadib laga qaado reer waqooyiga AFTI-DADWEYNE oo ay ku kala Dooranayaan inay soomaaliya kasii mid ahaanayaan iyo inay Gooni isu taagaaan

    qodobka danbe waa qodobka qancinaya qaybo ka mid ah dadka reer somaliland ee Midnimada raba waayo ma wanaagsana in cidna la jujuubo kuwa gooni ugoosadka rabana sidoo kale waa in la tixgeliyaa waayo somaliland 1960 waxay ahayd dal gooniya oo ay aqoonsadeen 49 dal hadu xoriyadiisa lasoo noqonayo aftidadweyne ayuu kula soo noqonayaa , iyada oo aan cidna la qasbay.

    AFEEF: dadbaa mardhaw odhan doona anagu somaliya kama go’ayno ama Maamul qabiil ku doodi doona .waxaan u sheegayaa haday aftida diidaan , maantaba somaliland quwad ciidan ayay xuduudaheeda ku sugtay, ee baryo kumay iman ee walaaltinimada iyo wada dhalashada dadka reer somaliland hala dhawro. waxa loo wada hadlayaana waa British Somaliland iyo Italian somaliland ee wax kale oo caalamku aqoonsan yahay ima jiro,.nternational borders iyo international law ayaa lagu kala baxayaa ee xuduuda tolkayo ayaa ka talaabsan caalamka ka jirto kuwa kilil 5 dagan ayaa somaliland iman laha ama reer jabuuti aya zaylac qaadan lahaa.

  6. prof Piccolo says:

    to/Admin jooji comment aad masaxeyso meesha waa hal dowlad iyo shaqalheeda dooda u fur dadka haka haqabeeleen beentii dhamtey oo somaliya ayey saf lagaleen xukun doon bay u badanyihiin

  7. DUURGALE says:

    waa iska cadahay ,siilaanyo iyo gruubkiisa waxbaa loo balanqaaday ku salaysan awood qaybsi,madaxwaynaha ayaa lasiinayaa reer somaliland, shaxdaasna waala dajiyey ,,,,ninkii og iyo ninkaan ogaynba….

  8. ahmed---------- says:

    waxay ilatahay in snm jaanis dawladnimo lasiiyay taas oo dhabaha u xaari doonta inay go’aan ayadoo sabab u tahay beesha caalamka qeeb katirsan iyo siyaasad xumo jirta dawladda kummeelgaarkaa aay sabab u tahay ,midda kale snm markaan leeyahay nacayb ma’iga aha laakin waxaan uula jeedaa in wax layiraahdo soomaaliland aaysan jirin oo aay tahay khiyaamo mar haddii dad dhan masiirkood oo meesha kamaqan lagu raadinaayo kagoitaan waa khalad in layiraahdaa soomaaliland waa xaq darro aan geed loogu soogaban waayo gobolo badan baan taageersaneen wax layiraado soomaaliland.dawladda soomaaliya oo shariif hogaaminaayana waa ila khaldanyihiin…sc

  9. somali says:

    Goosasho warkeeda iska ilooba hal qabiil oo kali ah somali inteeda kale kama goosan karo caqligu ha shaqeeyso oo caloolyoowga iska daaya jiritaanka dal weynahaha somaliyane reer puntland kaliya uma taalo oo soomaali oo dhan ayey u taal ee waa in sidaas loogoodaa.

  10. ali jibril says:

    KKKKKKKK XAQIIQDA HADI AAD DONAYSO SOMALILAND SIDA AYEY INAGU DAYSAY SABABTO AH INTI AY DOONAYEEN WAY HELEN OO AH IN SOMALILAND IYO SOMALIYA LOO FADHISTO INTI WA LA SAXEEXAY OO SOMALILAND IYO SOMALIYA AYA MEEL WALBA LAGU SOO QORAYA OO AAD U FAHMAYSID IN LABA DAWLADOOD AY NOQDEEN OO INGIRIS AYA WADA SHEEKADAN ISAGO KU DAGALAMAYA INU GUMAYSAN JIRAY OO DAGALKU WUXU KA DHAXEEYA ITALIYO IYO INGIRIS EE SOMALILAND IYO SOMALIYA WAY DHAFSIISANTAHAY ARINU . SOMALILAND WAXAY KU SOCOTA IN DAWLADAHA WAAWEYN MARKHATI LOGA DHIGO OO SIDA LAGU GOOYO MAR AY NOQOTOBA. SIDA DADBADANI QABAN SOMALILAND WAXAY KA GO DA SHACABKA INGIRISKUNA WU OGYAHAY EE AYAAN WAKHATI LA ISKA LUMIN.

  11. NINA says:

    prof piccolo
    waa kugu raacsanahay aragtidaada meesha jagooyin bay reer snm u socdaan isagoo faysal cali waraabe ka dalbaday sheekh shariif in uu nin faysal inaadeerkiis ah oo kongo la yidhaahdo berisamaadkiina ka shaqayn jiray jaamacada carabta qaahira uu ka dhigo qunsulka safaarada soomaalida ee dubai siyaasiyiinta snm cida keliya eey been u sheegayaan waa shacabkooda oo ay been ku dhaqaan faroole iyo caalin na waxay u meerinayaan siilaanyo shirarkii dhaafay ee garowe1 iyo 2 iyo kii saxiixayaasha

  12. qafaal says:

    Somaliland waa ictiraafsa maxaa lo didaa waa umad tashatay

  13. Mursal says:

    Kanleh siil aayo quwad leh oo xuduud jooga adeer been baad isu sheegtaye dhulbahante iyo isaaq keebaa quwad badan

  14. muna says:

    asc horta Allah somali oo dhan qalbigooda ha isu soo jeediyo waa dad walaalo ah mana kala maarman…tankale somaliland goosashada ay sheegtan sow ma oga in dad dhulka la leh in ay daris la yihiin? danse ma u tahay in ay go’aan? caqliga ha shaqeeyo iimanka Allah haku sugo somaaliland. Reer khaatumo iyo Reer Maakhir ayagana mid baan leeyahay waxaan leeyahay ha gadanina shaqsiyadiina iyo sharafkiina iyo magaciina kan hadba dhinac looga bisleeynayo iska qabta somalilnadna mid baan oranayaa isma bixinkartaane is dhiiba oo somaliweyn waxla qeybsada.

  15. Darwiish99 says:

    Mahiigaan kkkkk asc dhamaan bulshada soomaaliyeed ee halkan fikirkeeda ka dhiibanaysa anigoo ku faraxsan qof waliba inuu fakarkiisa ka dhiibto laguna tix galiyo aragtidiisa hadaba anigu sida aan qabo mudo badan ayey soomalidu qas iyo jah wareer kusoo jirtay waxayna ku fashilantay hanashada hanaan dow ladeed dabcan caalamkuna door buu ku lahaa horayso iyo danbayso balse waxaa fulinayey arin kastaa somali bay ahaayeen hadaba tagtada aan udaayo wakhtigeedii aan dul imaado taaganta maanta waxaad moodaa dhamaaan ujeedooyinka socdaa waa kuwo awoodeeda leeyihiin caalamka inta ku howlan arinkani oo iyana danaheeda leh waxay u ekaayeen isasudhan midba mid la kor dhigay iyadoo cabsiyo la abuurayo lagaga faa iidaysanayo qaybaha soomaalida waqooyi iyo koonfurba hadaba waxaad moodaa in xiligii bisaylka midhaas la gaadhay sanad mudo ah beesha caalamkuna ay xaqiiqsatay in somalidu hada u bisishahay in talada lala yeesho wax badana lala wadaagi karo waa markii la keenay qorshaha (roadmap) hadaba waxaa gacanti bulshada caalamka ku dhacay taladii soomaalida iyadoo ay yartahay inta la fahmaysay roadmap waxaa loogu yeedhay waa afar qodob oo khuseeya 1 amniga 2 dhaqaalaha 3 dib uheshiisiinta siyaasada 4 inlaga baxo ku meel gaadhka dastuurkana la ansixiyo hadaba waxaa xiligaa la istic maalay hay adihii dhisnaa dhinaca siyaasada ama maamul ama dfkm marka laga reebo somaliland oo si dad ban loola dhaqmi jiray mudo ka bacdi waxaa iyana qayb laga siiyey ururada bulshada dhaqanka culimada aqoon yahanka iyadoo laysku wado baa waxaad moodaa in wax soo dhawaadeen xiligaas baa waxaa iyana soo galay s.land oo dadka ku dhawaaqay ay aaminsan yihiin inay ka goaan soomaaliya waxaa iyana xusid mudan xuduudo soomaliland sheeganayso iyo bulshooyin ku dhaqan inaysan aaminsanayn fikirkaa qaarna maamul ku dhawaaqeen cusub dhawaan horayna mid somalia aaminsan uga tirsanaayeen ay wax ka saluugeen balse ay ay si cad markii hore wax uga dhisteen qaarna ayba ka tirsanyihiin hada puntland sia bulshada suldaan siciid sulaan cabdi salaan hogaamiyo yaanan ku fogaane beesha caalamku wayba ogtahay hadaba somaliland qorshe noocee ah bay uga soo qayb gashay dadaalkaa ay beesha caalamku waday somaaliland waxay ka qayb gashay 2dii shir ee u danbeeyey ee somalida loo qabtay waxay qayb ka noqotay dhamaan qodabadii kasoo baxay oo xitaa la odhan karo kii turkiga waxaaba ugu horeeyey qodob burinaya mabaadiideeda balse 2daba waxaa ku jiray qodob iyada quseeya oo ah inay tfg la hadlaan iyo tan badali doonta wadahalkii london waxaa dhagaha loo taagayey inay 2 dhinac mid uun guul kala imaanaayo balse markaad eegto qodabadii kasoo baxay waxaa muuqata in somaliland lagu qanciyey qorshaha roadmapka waayo akhristow dib u eeg 8 qodob ee london waxay ka farcameen roadmap afartiisa qodob waana intii puntland gal mudug iyo tfg kala saxeexdeen garoowe dhagayso faxladii london wasiirka arimaha gudaha somalia qaabkuu isu waafajiyey roadmap iyo heshiiskii london ee uu hogaaminayey tfg da hadaba waxaa taagani maanta waa in waqooyi iyo koonfur wax loo qaybsadaa taasina waxa kaliya ee ay ku guulaysan kartaa iyadoo reer waqooyi isla gartaa habka loo marayo iyo sida xilalka baada ah ee foonkur laga qaadanayo loo qaybsanayo mana dhacayso caalamku inuu cid jajuubayoo 3sedexda gobol ee reer waqooyi buu jujuubi lahaa danaha uu leeyhay wuu garanayaa caalamku inta badan dhulkuu ka leeyahay hadaba intaan aragtidayda kaga gudbo abtigay mahiigaan kaftan aan kuu galiyee waxba xuduud tol adoon u ordin xuduuda aad sheegayso kuwii daganaa baan ogalayn tolkoodna waa tolkood soomalina cida saxda ah bay raaci jaaniska haynaga daayicin ama canbeheenii nin iyo qabiilkii ama 2 maamul oo reer waqooyiya baada aad doonaysana 2meelood u qaybsada oo dir iyo harti ah bye kaftan ilaahay umada ha isu soo hadeeyo

  16. Orodord says:

    Orod orod hayiman af macana hay odan intii hore adaya. Sland did not come as gift it is earned.and we are in control. So stop you enving sland and try to sort your own house out instead of bantu africans doing it for you

  17. Khaatumaawi says:

    Siilaanyo wuxuu soo kaxeystay dhamaan beeshiisa snm oo waa nin aan isku kalsooneyn Madaxweyne Shariifna kaligii ayaa Jamhuuriyada Soomaaliya matalaya markaa waxaan anigu u fahmay beesha SNM iyo Madaxweynahooda oo kulmay wax micnoo intaas ka weyn malaha kulankan.

  18. Puntland boym says:

    Waxaaba qalada in beelaha Daga meeshii la Oran jiray British somlailand Beel kamida oo waliba gacan siin jirtay Gumeystaha in maanta la buunbuniyo, Faderalku haduu rabo hala shiro Snm ta laakiin yaan meel looga dhicin mujaahidiintii ka dheedhisay gumeystihii, Snm marnaba Soomali marabine ee meel walbaa ka sooxiran tay, Hadana waxaan u maleynayaa waa shaqo tag oo waxay ka socaraayaan hargeysa . Waxaad gashaan wepside ka puntlandi sheeko waxaan ku arakay qosola

  19. ismail says:

    WADAMADA AFRICA EE KALA GO.AY >> ZAIRE<< KONGO<> ERITIA>> SUDAN <<< DHAAMNTOOD AFTI DADWEYNE AYAA LOO QAADAY KKKK MARKA MA ==== OO KALIYA AYAA AFTI LOO QAADAYAA ILEEN KHAATUMO MAAKIR AWDAL DHAMAANTOOD WAXAY CODKA SIINAYAAN SOMALIWEYN SOW UMA EKA IN WAQOOYI GALBEED AY KU GORGORTAMAYSO RA/IISULWASAARE MANA HELAYAAN I THINK SO ANY WAYS SOMALI DHINACIINA KA SOO RAACA 1960 WAXAAD LAHAYDEEN OO KALIYA AYAAD HELAYSAAN

  20. Ali Soomali says:

    arrintan ma aheyn arrin madaxweynaha jamhuuriyadda somalia waqtigiisa uu ku lumiyo, waayo meeshan qabiil somalida ka mid ah ayaa ku andacoonaya inay dowlad noqon karaan taasi horey uma dhicin, waqtiga madaxweynuhu waa qaali hawlo badan ayaa sugaya marka asaga iyo mansabkiisaba ceeb ayey ku tahay qabiil somali ka mid ah uu horfariisto hadana wadan shisheeye oo loo arko riyada dad qaarkiis ay qabaan oo ah in laba dowladood ay shirayaan. nimankan iyo riwaayadoodaba waa inay xamar iska soo xaadiriyaan si loo dhageysto.

  21. Kismaayo33 says:

    Nacasnimo ka wayn ma jirto in shariif la hadlo mooryaanka Siilaanyo.,

    Siilaanyo is traitor and war criminal.

    La hadalkiisa waxay la mid ah iibiinta midnimada Soomaaliya.

    Qarannimada Soomaaliya waa midnimadeeda.

    SNM war criminals la hadalkooda waa dhaawacidda dareenka shacabka Soomaaliya oo marnaba aqbali karin qaybinta Soomaaliya iyo riyada qabyaaladeed ee SNM traitors.

    Waxaan warar hoose ku hayaa in shariif uu u bandhigay war criminal Siilaanyo in uu taageero madaxwaynimada shariif isagana oo siilaanyo ahna meel looga raadraadiyo maamulka dhexe ee Soomaaliya.

    Sharif is desperate wuxuuna isku dayayaa inuu xukunkiisa ku dheeraysto all kind of photo ops

    Woqooyi galbeed iyo Togdheer Somali baa iska leh

    Down SNM terror group

    Down down Siilaanyo war criminal

    Viva Khatumo State of Somalia

    Viva Somalia one nation under God

  22. Aw Malaaq says:

    Somaliland ma goosanee wey isgiijisey. Uurgumaarkii ay ka dhaxleen dagaalladii sokeeye, caro iyo ciil bey la erdhoobeen. Dawladdii milleteriga ahayd waxay samaysay bey Soomaalinimada ku naceen.
    Dagaalkaasi uma dhaxayn Koonfur iyo Woqooyi, wuxuu u dhaxeeyey dawladdii digtatooriyada ahayd iyo
    SNM. Xukunkaas wuu baaba’ay, Soomaali oo idil baa la dirirtey, hayeeshee eelkuu reebey baan weli la ildarannahay. Cid kasta dhibtu wey daabatey waxaase loo baahanyahay in la iska illoobo oo maslaxadda
    ummaddan laga shaqeeyo , qarannimadii iyo sharaftii loo soo celiyo.
    waa in loo tanaazulaa sharafta calankeena iyo qarannimadeena.
    Haddaba maxaa diidaya in midnimadii la soo celiyo oo taariikh dahab ah la reebo.
    Awoowyaasheen iyo aabbayaasheen miyey goblomeen oo dhaxalkoodi gabannimo maxaa rag hanta loo waayey mise dadkeenuba waa wada cawaan iyo jaantaa rogan?

  23. maxamed says:

    aniga waxay iltahay in aasan ahan heshiskii 1960 sababto ah Ummado isku jirta oo isku dhafan aya go’amiyey hadase amuurtan waxay umuqata mid shakiyo badaan keni karta,

  24. ahmed says:

    Wax qiimo loo yeelikaro kama soo baxayaan, waa niman doonaya iney Madaxnimo ku helaan Dad aaney u talin ama aaney wakiil ka ahayn, waxaanu aaminsanahay hadaanu nahay SSC ama Khaatumo in Siilaanyo matali-karo 2 Gobol Waqooyi galbeed iyo Togdheer, Sool, Sanaag iyo Cayn midkoodna aqlabiyad kama haysto, opo uma taliyo, waxaan u arkaa Sheekadooda (SHIMBIRAYAHAW HEESA)
    Sharifku wuxuu doonayaa inuu ku noqdo Sheekadaan mar labaad Madaxweyninimo, Odaga Siilanyna wuxuu qalqaalsanayaa Ra’isul-Wasaare, laakiin taas waxaa hor-istaagaya SSC iyo Puntland.

  25. Somali says:

    Waxay ila tahay in aad looga fiirsado
    Waxay ila tahay in aan xaq u leenahay hadaan nahay ummada somaliyeed in aan ogaano cidkasta oo matalaysa dowlada somalia oo la shiraysa walaalaha waqooyi
    Waa in aan ogaanaa
    *magacyadooda
    *taariikhdooda siyaasadeed iyo mid waxbarasho
    * xilalka ay u hayaan dowlada somalia
    *qabaailka ay ka soo jeedaan (optional)
    *fikirkooda ku aadan midnimada soomaalia i.w.m

  26. abdullaahi says:

    Nimankan shirkay wax wax so kordhin mayaan oo nin walba tantiisa gaarka ah uu ilaashan
    Shariif see mar labaaad madaxwayne u noqota uu niyada ku haya
    Siilaayana see madaxwayne Somaliland ama jaga wayn uga heshaa Somalia
    baa niyadiisa ku jirta
    LAAKIIN waxaan la yaabanahay Shacabka reer Waqooyi ee ay u muuqato
    waxii lagu shumay ee nimanki siyaasada xumaa u gaysteen
    ama wax maanta jira ee been beenta ah lkn aysan u muuqan waa shacabka reer waqooyi ye
    Waxa biri imaan doona
    Ayagoo og dowlado awood badan oo dhul balaaran in ay dhulka Somalida ku hareeraysan yihiin
    bay hadana u ooman yihiin in ay dhulka Somalia ka dhigaan Jazeerado yar yar
    oo ay u taliso Ethiopia iyo waxii la mid ah
    walaahi haddii sLAND go’do GO’I MAYSABE
    Koonfurtu waxay noqon wadan yar
    waqooyigu waxu noqon wadan yar
    Jabuutina idiinka sheekayn mayo
    Labada dhul ee maqana waa quusan
    kadib kuligood waxay hoos tagayaan WADANKA UGU WAYN EE BARIGA AFRICA KU YAAAL
    Xaqiiqadu waxay tahay Carabta waxa loo kala jar jaray waa danaha Isreal
    idinkuna hadaad isku jar jartaan Danaha wadan kale walaahi waa cajiib
    Somali hadaan nahay caqligii halku naga aaday
    war miyaana maskax lahayn

    Siyaasiyiin reer waqooyi ah oo waxa la i sheegayay Ethiopia iyo kenya ku yidhi
    Hadii qadiyadayada aan nagala shaqaysaan oo aan ku guulaysano
    dhulka aad haysataan cid dambe oo is waydiinaysa maleh

    Malez na waa ka siyaasad sareeya oo waxuu ka baqay haddii qadiyadan meel marto
    in Ethiopia ay kala dhaqaaqdo africa oo dhana ay saas noqoto
    marka cid meeshan cid kale dan u haysa maleh
    Somali oo mid ah uun baa africa iyo caalamka wax lagula qaybsan karaa

  27. Lagama hadlin arinkii loo kulmay waxase lagu heshiiyay in kualmo dhawra layku arko says:

    Fikirkayga kulankan labda gobol madaxdooda ee waqooyi iyo koonfur kamay wada hadlin waxii laysgu yimi waana laga warweeragayaa mana bilaabi karaan iyagu in qolo sadexaad soo dhex gasho mooyaane siday u muuqato..
    waxaase laysku afgartay in kulamada la badiyo iyo wacitaanka halkaas oo telfoonada lagu kal qortay si hoos looga soo jilciyo waxa isu keen keenaya,,
    Arintan aragtidayda ma cusla haddii in laysu yimaado daacad laga yahay taasoo ah ina gobolada u doodaya waqooyi aanay ahayn sida hada ay yihiin sidii waqooyi loo yiqiinay…ay yihiin beelo kala fadhiya maamulona aan wadaagin…soomaaliland marka ay ka hadlayaan horta bal iyagoo soomali landa ha yimaadeen oo hasoo fariisteen kursiga ay kula doodayaan koonfurland..
    hadase waxa moodaa aan wax qalano midyahan qarsano”inay tahyay.
    midana yaan la iloobin heshiis aanya Soomaaliyi u dhamyna waliba inta ay khusayso in uu yacyacood yahay cidna aanu u cuntamayn waxuun ahaanayaa khad warqad lagu qoray.
    heshiiskan waa bilow lakiin deg deg badan baaku jira ood moodo in cid lagala dhuuo manyo.
    waxa kaloo iyana aan meesha marka laysgu yimaado aan laga hadlin waxii ay hayd in laga doodo ee iyadoo laysu qosalyo ayaa gacmaha laysi saarayaa lna saxeexayaa hashiisyo aan shaqo ku lahayn waxii loo yimi meesha …burcadbdeeda, kaalmada ,ladagaalanka argagixisada waxaasi waxaa iska leh haydaha caalamiga ah ee bixiya dakhliga .
    aynu runta u nimaano …heshiiska soomaliya u baahan tahay beelahoodu wax ka duwan uma baahna beesha waqooyi…Soomaali dagaal sokeeye baa ka dhacay haday maamul la iman yaan mida buuxa oo waqooyi iyo koonfur lama iman ee mid fadraal oo kan galmudug , puntland bay hada haystaan ama khaatumo oo kale.
    ha la heshiiyo waa wax wanaagsan ee ha ka baxeen xuduudaha beelaha ay dagaalka ku ahayaan…
    argtidaydu waa taa aan ka qabaa salaantii iyo gacanqaadkii labad TFGiyo siilaanyo

  28. Qaran doon says:

    Aniga waxaan qabaa in la siiyo madaxbanaani buuxdo soomaliland laakiin sharuud lagu xiro goosashadooda, sharuudaas waa inay ahaatoo, waa inay ka tanaasulaan gobolada sool iyo sanaag, waxaan qabaa somaliland iyada ayaa u baahan soomaliya ee soomaliya uma baahna soomaliland, haddi sidaa la yeelo wey soo dabcayaan waxayna u soo fariisanayaan inay soomaaliya inteeda kale ay la wadaagaan hab federaal ah oo is maamul hoose ah. waxay raadinayaan xaquuq dheeri ah oo ay helaan, runtii waa inay ogaadaan in aan la siin doonin wax xaquuq dheeri ah sida hargaysa oo lag dhig caasimad ama caasimad labaad oo joogto ah iyo raiisal wasaare joogta ah ama madaxweyne joogta ah, arrimahaas oo dhan waa waxa ay raadinayaan lamana aqbali karo arrimahaas

  29. dalnuurshe says:

    aniga waxeey ila tahey m.w-faroole asaga ayaa jaaniska siinayo nimankaan soomaaliland wuxuuna dhumiyey miisaankii puntland ama ======= waa in laga hortagaa hadala ummada puntland eeyna raaliga ka aheen uu idaacadaha la taagan yahey runtii sumcadii iyo siyaasadii puntland meel hooseeyso ayuu geeyey runti soomaaliya dhexdeeda waa ummad lagu ixtiraamo dhinac walbo hadeey ahaan laheed marka fadhiga halaga kaco siyaasadaan faroole ma qurux badno guul puntland

  30. Kkkkk buunbuunin maxaya soomaliland may kaa baryaysaa mida kale suura gal matahay in hargaysa calanka soomaliya laga luula mise burco mise boorama maya dhimasho ayaan ka xiga in mardanbe layga xukumo muqdisho iyadoo muqdisho layga xukumo waxa iidhanta raga hargaysa usoo dagalamay halkay mareen ana ka daba maraa waxan kawada dhimasho (+love somaliland)

  31. farah says:

    waxan Hada wadanka Haysta waawada juhalu inshaa Allaah Markii Aqoonyahanii Somaliyeed Wadanka Qabsadaan Waxayka Talin Doonaan Aayaha Somalia Eedana Waxaale Dhamaan Waxa Maddax Isku Sheega Ah Eehada Wadanka Haysta Marka Weynu Sugaynaa Wadda,Niyiin Somaliyey Ooxumaha Ka,Dhiidhiya Sheikh Sharif Faroole Silaanyo All Nothing Calooshooda usha Qaysta Yaal Weeye

Leave a Reply