DOOD FURAN: Madaxweyne Shariif oo Ka Hadlay Derejooyinka Oday Dhaqameedka ee Laga Been Abuurtay
Muqdisho (RBC) Madaxweynaha DKMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa markii ugu horeysay ka hadlay hadalheyn waayadan dambe ka taagan derejooyinka oday dhaqameedyada Soomaalida oo qaar badan ku soo biireen iyadoo ay soo bexeen odayaal ku cusub dhaqanka oo haddana da’ yar.
Madaxweynaha oo shalay booqday xarunta ay ku shiraan odayaasha dhaqanka ee magaalada Muqdisho ayaa halkaasi khudbad ka jeediyey isagoo ka hadlay in dawladu aysan ka warheyn odayaal aan ahayn dhaqankii rasmiga ahaa oo ku dhex jira odayaashashirka uga socdo magaalada Muqdisho.
“Annagu waxaan naloo sheegay in odayaasha hadda fadhiya ay yihiib kuwii rasmiga ahaa ama qaarkood wakiilo ay u yihiin odayaasha oo ama dan amni ama duruuf caafimaad u iman waayeywaana jirtaa in odaygu dad kale wwakiisho laakiin ma ogin cid aan dhaqankii soo jireenka ahaa ahayn oo ku jirta.” ayuu yuri madaxweynaha.
Wuxuu qiray inay jiraan beelaha qaaroo dhexdoodaisku heysta ninka nabaddoonka uah taasina ay tahay arin beelaha ku gaar ah laakiin dawladu ay la shaqeyneyso dhaqanka la yaqaan.
Madaxweynuhuswuxuu odayaasha kula dardaarmay inay hore u wadaan hawsha ay hadda u fadhiyaan oo ah soo xulista ergada ansixinta dastuurka kadibna ay guda gali doonaan xulista baarlamaanka cusub. Wuxuuna madaxweyne Shariif cadeeyay in cidii ay odayaashu keenaan dawladu tixgelin doonto.
“Cidii aad u aragtaan inay xildhibaan Soomaaliyeed noqon karto oo kartideeda iyo aqoonteeda leh soo xula markaas aan aragno ninkii idinku diida.” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.
Kaalinta dhaqanka
Wuxuu kaloo madaxweynuhu ka hadlay kaalinta odayaasha ku leeyihiin ka gudbida marxalada kumee;gaarla ee hadda wadanku ku jiro isagoo xusay in shaqada maanta ay qabtaan odayaal dhaqameedka natiijadeeda la soo xusuusan doono sanado kadib “Haddaad maanta go’aan wanaagsan qaadataan, waxaa la dhihi doonaa Soomaaliya markay dhibaatada ka soo baxaysay waxaa talada qaatay odayaasha”. ayuu yiri madaxweynuhu.
Dhanka kale hadalka madaxweynuhu wuxuu yimid iyadoo qaar kamid qabaa’ilada ay isku hayaan cida u mataleysa dhaqan ahaan isla markaana ay soo baxayaan eedeymo ka dhan ah wasaaradda arimaha gudaha oo ka masuul ah keenista odayaasha.
Haddaba sidee u aragtaa waqtigan dooda ka jirta arinta dhaqanka soo jireenka ah? ma qabtaa in siyaasiyiin ku lug leeyihiin dhaqanka sida dad badan qabaan?…. waa dood furan.
RBC Radio











Aniga waxay ila tahay shariifku wuu xujeeyay isimada wuxuuna ku xujeeyay dastuurka la qar qarinayo ayuu rabaa in uu yiraahdo isimadu shaqo ku malahan ee waa in ay inoo keenaan dadkii ka hadli lahaa dastuurka, hadii isimada oo aan arag dastuurka la an sixiyo odayaasha dhaqanku waxay u muuqan doonaan rag an sixiyay waxaysan aqoon. kadibna 100 sano ee soo socodta ayaa la nacladi doonaa iyaga iyo kuwii ay keemeem oo noqon doona dad xoogaa lacag ah la siiyo sidii ku wii Puntland Ansixiyay
Amiga shaqsiyan waxan u arka in an lajogin xili layirahdo aniga ama qabiilkeeyga. Odaygoodi saxa ahaa waxa lugu badalay oday kale mar hadii uu yahay kii saxa ahaa ama mid kale waxa ka muhiimsan in an helno dowlad iyo nabad taas aya muhiim ah looma dhama iyo odaygii reerka mid an aheey ayaa shirka ka qeeb galayo wa cudurkii sanado na dilooday wa somaliyeey illah ka cabsada oo iku xishooda war soow ma aragtiin caloosheena banaanka taalo bal marka hore inta adan ku doodin looma dhama iyo odaygii saxa ahaa mid aya lagu badalay bal fiiri halka manta somalivmareeyso away dhalinyaradeeni hoyooyinkii caruurti somaliyed qaar xabad baa dishay qaar bada qaar gaaja kuheeysa dakoodii hooyoviyo amni xumo qaarveaxey qaxootivkuyihiin caalamka markaas ayaadvku doovdeysaan waxvaan jirin war illaheey kacabsada oovdaayavsomali ayavlabadbainaya warvqofka doodayo lugahagavhoos u eegv
Anigu waan dhagaystay hadalka Shariifka mana ahayn hadal xun waxuu ahaa guubaabin iyo in hore loo socdo. Arinta uu ka dhowaajiyey ee la xiriirta odayaal la isku haysto waxaan aaminsanahay waxay ka timid maamulka Faroole oo rabo inuu odayaalkii soo jireenka ahaa ku badasho kuwo uu asagu samaystay kuwaasoo qaar badan oo ka mid ahi ay hadda la joogaan Addis Ababa. Haddii wanaag la rabo waa la yaqaan Isimka soo jireenka u ah inta badan 98% isimadii saxda ahaa reer Puntland waxay joogaan Muqdishu ee kusoo biiraan Islaam Ciise, Islaam Bashir iyo Suldaan Saciid Suldaan Cabdisalaam Cali Shire. Hadaan nahay reer Puntland waa in laga feejignaadaa wax kasta oo caqabad iyo khalkhal gelin kara dhaqankeena soo jireenka isla markaasna aan maanta odayaal dhaqameedka Muqdishu jooga aamina waxna la qaybsanaa Soomaalida Muqdishu uga xaajoaynasa masiirka ummadda Soomaaliyeed. Maanta waxaa la joogaa markii Soomaali la isu keeni lahaa waana laga tagayaa qofkii isku dhajiya gobolaysi amase qof jeclaysi waayo wax midnimo iyo qaranimo lagu waayey laguma heli karo gobol ama jeclayl qof siyaasi ah oo berri u safri kara meel kasta oo ka arko danihiisa.