DOOD FURAN: Shirweynaha “Istanbul 2″ Iyo Isbedelka Xaalada Soomaaliya
Waxaa maanta oo Jimce ah maalintii labaad galay shirweynaha “Istanbul 2″ ee arimaha Soomaaliya looga hadlayo kaasoo madax ka socota caalamka, hay’ado iyo dhinacyada Soomaalida ay ka wada qeybgalayaan ee ka socda magaalada Istanbul ee wadanka Turkiga.
Shirka ayaa ujeedadiisu ku saabsan tahay dib u dhiska iyo deganaanshaha Soomaaliya waxaana si gaar ah diirada loo saarayaa xagga horumarinta dalka iyadoo waqtiga kumeelgaarka ee dawlada Soomaaliya uu sii dhamaanayo.
Xukuumada uu hogaamiyo raysul wasaare Rajeb Dyib Erdugan ayaa ahayd midii ugu horeysay oo si rasmi ah ugu soo jeedsata wax ka qabashada xaalada abaartii dalka ku dhufatay sanadkii 2011. iyadoo raysul wasaaraha Turkigana uu noqday masuulkii ugu horeeyey ee dawlad caalamka ka socda ee yimaada Muqdisho in ka badan 22 sanadood oo xiriir ah.
Natiijo weyn ayaa laga filayaa shirka gaar ahaan dadaalka dawlada Turkiga ay bixisay ee xagga dib u dhiska, ganacsiga iyo arimaha bani’aadanimada. Sabab kale oo weyn ayaa ah in dawlada Turkiga ay tahay dawlad Muslim ah oo marka loo eego danaha gaarka ah ee wadamada kale ka leeyihiin Soomaaliya in Turkigu uu kaga duwan yahay.
Haddaba waxaa la isweydiinayaa shirweynaha Istanbul 2 muxuu ka bedeli doonaa xaalada wadanka Soomaaliya?
Dadka Soomaaliyeed ma noqon doonaan kuwo ka faa’ideysta dadaalada dawlada Turkiga ka wado Soomaaliya, maadaama aynu ognahay inay jiraan dhinacyo kale oo doonaya inay fashiliyaan dadaalka Turkiga ee Soomaaliya?
Maxaa la gudboon Soomaalida shirka Istanbul kadib?
RBC Radio











[...] Original post: DOOD FURAN: Shirweynaha “Istanbul 2? Iyo Isbedelka Xaalada Soomaaliya [...]
Asc waxaan hambalyo udirayaa dhamaan umada somaliyeed 22sano bilaa xaqqa ahaa omaanta dib unoolaaday calankoodii iyo dawlad doodii lkn hada waxaa loogabaahanyahay dalkooda in aydhistaan dalalkakale aykaguuraan sida kenya south afrika dhaqaalhood galiyaan somalia sidad iyodalba uguriyaaqaan mahasanid
Asc/ shirka waa guul umada somaliya
Turkiga ilaahay ha barakeeyo iyo dhammaan umadda islaamka ahee somali wanaaga la jecel, Turkigu wu dadaalayaa balse wa in uu ku xisaabtamaa saamaynta 21 sano oo xukun keli talis miletery, qaybi oo xukun iyo qaraaba kiil ku dhisna iyo 21 sano oo dagaal ahli ah lagu bahaloobey oo laga dhaxlay bur-bur banii-aadamnimo sida jahli, faqri, shaqo-la’aan, balwado, baryo, bililiqo, burcad bad iyo berri, tahriib, dhaqan doorsoon and so on sammi wala xaraj. Haddaba anigu khatar weyn oo caqabad ku noqon karta ayaan arkayaa waxaana weeye Qabyaaladda, dhagarta dawladaha deriska ah iyo qabqablayaasha faraha badan ee u adeega danaha shisheeye iyo tooda khaaska ah haddii aan laga hortegin sida dadaalkaasi mira dhal u noqdaa wey adkaaneysaa, Xalka sida lagu heli karo masaalaxa caam ah (xitaa shabaab lala hadlaa), dalka oo la maalgeliyo, dadka oo shaqooyin loo abuuro wershedo, beero, macaadin, dib u dhiska xarumaha adeega bulshada iyo iyada oo talada dadka loo dhiibo ama xitaa at least lala wax laga weydiiyo dadka ahalka u ah waa culimada somaliyeed
waxaa la gudboon soomaalida in ay ka faaiidaystaan walaalahood reer turki oo u heelan wax u bashada bulshada soomaaliyeed ilaa raas career ilaa raas kaanbooni fadlan soo dhaweeya walaalayaalhiin teeda kale dad baa hagardaamo ku wado iyagane il gaar ah ha loo yeesho
Anigu waxaan aaminsanahay inuu wax wayn ka badali doono xaalada soomalia sababtoo ah dadka soomaliyeed kama didsana turkiga oo waxay is leeyihiin dan gaar ah idinkama leh waa caawin un danta kaliya oo loo malayn karo turkigu inuu soomalia ka leeyahay waa inuu maalgashi ku samaysto taasna dad iyo dalkaba dan baa ugu jirta, tankale ee ah dadka somaliyeed maka faa,iidaysan doonaan taas waxaan ka aaminsanahay waxay ku xirantahay sida turkigu u maamulo howsha uu hayo hadii uu meelo gaar ah ku koobo mashaariicda taasi waxay keeni kartaa meelaha kale inay dawlado kale la xirtaan halkaasna habacsaan baa ka imaan karta. waa run way jiraan dawlado doonaya inaysan somalia halkaan ka dhaqaaqin taasina waxay ku xirantahay dadka somalida ah sida ay u wajahaan isku soo wada duu duuboo waxaan filayaa somali way daashay maantana caalamku waa usoo jeestay rajo wayn baa ii muuqata muqdisho waa la xasilyay dalna haddii caasimadiisu dagan tahay dalkoo dhan waa la dajin karaa khayr baan rajaynayaa dadka somaliyeedna waxaan ugu baaqayaa inay gacmaha is qabsadaa oo iska illaawaan waxii dhacay horumar isu tanaasul iscafis iyo inaan dalkeena dhisannaa inoo ballan ah by qoraa sar Mr cw gabax
Aad buu muhiim uyahay lkn soomaali meeqa shir ayaa loo qabtay illaahay waxaan kabaryayaa inuu kani noqdo kii lagaga bixi lahaa dhibka somali haysta somaliyey aan isku tashano cidna dowlad inoo dhisi mayseee
waxa somalida la gudboon in ay is wada cafiyaan Allah u soo noqdaan xaasidnima daayan, xiqdiga daayaan, xoolaha xaaranta ay xalaashadeen daayan, dhiiga muslimka walaalkod ay daadinaayan daayan cafisna Allah weydiistaan—-qofba qofka uu ka xukun jecel yahay waaka iiman yaryahay qofwaliba wuxuu raadinayaa in uu noqdo madax waxa uu u rabo in uu madax noqdo waa xoolo jaceyl war xoolahas xaaranta ah mar ayaa laga xisaabin xagey u guranayaan umada xoolohooda waxa kale oo la gudboon in dalka lagu dhaqo kitaabka Alle oo sax ah waxba inagama xumaanayaan….Forgive people so that Allah may forgive you asc
war qaarka hore ayey ka kacdaye ,saynta halawada qabto, yaan maanta loo kala harin ninkii dhiig somali kujiray, maanta fadhiguu ka istaagay,,
Salaan dhamaan,
Horta Dawladda Turkiga Allaha barakeeyo! Sidii Professor Abdiweli sheegayna Taariikhdu dib bay isu qodhaa markii oo soo qaatay taariikhdii hore ee turkiga!. Aniga waxay ilatahay in fursadaan Dahabkaa laga faa’iideysto! Somalia 22 sanno bay dhibaato dhexmushaaxaysay. Waa la daalay, oo dad ma noola, oo dal ma noola, waxaana aaminsanahay in hadda dadku dhibka ka daalay wax kastana wakhti aydhamaadaan bay leeyihiin! Enough is Enough! Tan kale oo ah fursada dahabkaa baa ah Dadkii Soomaali masiirkeeda loo duubatay oo dhan meeshay joogaan waana in lagu khasbanaado in la heshiiyo oo dulqaad, is cafis, iyo isu tanaasulba la sameeyo. Dadka Soomaaliyeed dhaqan ahaan waa dad wanaagsan ee shaydaan baa ka shaqeystay! waa dad yar waana dad walaalo ah oo labadii is heybsataa ay meel iska soo galeyso! Waxay heystaan dal barwaaqo ah oo dihin. Runtii aad baan ugu riyaaqay Professor GAAS khudbadiisii uu shirka ka jeediyey ee uu ku tiiqtiiqsaday inuu tuso Caalamka RUNTI waxay ay Soomaaliya tahay una sheegay aduunka inay ka qiimo weyn tahay waxa aduunku ka heysto! Maansha Allaah, Allaha barakeeyo professorku wuu asiibay arintaas! Waxaan ku soo koobayaa maadaama dadkaas Soomaalyeed oo gogoshaa turkigu fidiyey tagay aan is leeyahay masloxo dal iyo dad bay wada doonayaan waxaan ku boorinayaa inay la yimaadaan gogol laysugu yimid DHAQANKEED in lala yimaado taasoo ah in wax lagu furdaamiyo, wanaagna laga shaqeeyo, laguna heshiiyo waayo mar haday isu yimaadeen oo wada hadleen taasaaba GUUL ah waayo aan wada hadalno waa aan HESHIINO ! Ragga soomaaliyeed oo sabankaan u muuqda in qaar badan caqligoodii shaqeyn waayey waxaan sugeynaa in markaan uu caqligu shaqeeyo si soomaaliya masraxii ay aduunka ku lahayd ula jaan qaado! xataa waxaan ku talin lahaa kii shar wada oo sheydaan ku shaqeysanayo in la soo jiito waayo asba meel ma jidho oo waa qof soomali ah! Marka hadalkii oo kooban isma hudhooow is hagaagso oo dal barwaaqo ah baan haysanaaye aan ka faa’iidaysano, Salaam
marka hore salaan somaliyey marka xiga TURKIGA waxaan leenahay allaha barakeyo sidii ragii hore yiraahden taariikhda aan dib ugu laabano wax yar dawladii islaamka ahayd oo ladhihi jiray cismaaniyiinta waxaa laga xukumi jiray TURKIGA waxaana waxayna katalin jirtay aduunka oo dhan wax yar maahee taariikh daasna reer galbeedka iyo dawladaha shisheeye marabaan in dib loo soo nooleeyo taarikhdii islaamka hadii turkiga iyo somaliya isku xirmaana wax badan baa isbadalaaya taariikh badan oo islaamka ku salaysan baa soo baxaysa marka marabaan dawladaha shisheeye in ay isku xirmaan TURKIGA IYO SOMALIA mida kale waxaa la ogaday somalida iyo yihiin dad maskax badan oo lacag jecel oo wadaniyad lahayn qabyalad badan dad wadankoda neceb qofka somaliga ah hadii ladhoho lacagtan qado wadankana naga iibi uu leelaayo marka waxaan dhihi lahaa aan toobad keeno marka hore marka xiga nimanka hormoodka noo ah aan iska qabano we need to chenge 5 taan nin oo tuugada ah oo ladhaho saxiixayaasha thanks allaah guul ama geeri
waxay ila tahat turkigu in markii ugu horreesay meel wanaagsan ka billaabeensiyaasadda soomaaliya , taas oo ahayd muqdisho oo adduunku go’doon gashay oo laga dhigay meel lama galaana oo fadaraa bay indhaha caalamka hal mar waxay tuseen in soomaaliya aysan ahayn meel lama galaana oo aan latagi karin ,taas oo ardugaan iyo xaaskiisii uu kasoo dagay muqdisho indhihii caalamkana oo inkirsanaa soomaaliya in lacaawin karana uu tusay inaan soomaaliya la dayici karin loona baahanyahay in lacaawiyo dadka soomaaliyeed oo udhimanaaya macluusha iyo dayaca ka dhashay abaaraha taasoo aay sii adkaysay dawlad la aanta soomaaliya ka jirtay 22 sano ,runtii soomaali abaal hadday gasho waa taariikh lama illoobaana.tan kale waxay ila tahay shirkaan ka socdo caasimadda turkigana jaanis aan la dayici karin oo loobaahanyahay soomaalidu inay ka faa’iidaystaan dadaalka turkiga ,in kastooaay dawladda turkigu aay hoos galisay waqtiga ciriirigaa oo la rabo in la dhamaystiro hawlaha farabadan oo larabo in la dhameeyo agoosto, lana rabo in looga gudbo kumeelgaarka . waase in shaa allaahu guul guul guul guul guul
22 sano ,waa dhamaatay looma dhamme ,waa dhammaatay dad soomaaliyeed oo aay isugu darmadaan masiibo dabiiciya iyo dawlad la’aan waa dhamaatay shabaab dadqal waa dhamaatay qabiil is dilaaya oo dawlad kala celinaaysa jirin waa dhamaatay musuqmaasuq kaas wax yar baa u haray intii qabrigiisa laqodi lahaa in kastoo caalamku maramarsiiyo aay ka dhiganaayaan musuqmaasuqa.waxaan kusoogabagabeenayaa shirka waddanka turkiga kasocda waxuu yihay mid guuuuuuuuuuuuuuuuuul
22 sano ,waa dhamaatay looma dhamme ,waa dhammaatay dad soomaaliyeed oo aay isugu darmadaan masiibo dabiiciya iyo dawlad la’aan, waa dhamaatay shabaab dadqal, waa dhamaatay qabiil is dilaaya oo dawlad kala celinaaysa jirin, waa dhamaatay musuqmaasuq kaas wax yar baa u haray intii qabrigiisa laqodi lahaa in kastoo caalamku maramarsiiyo aay ka dhiganaayaan musuqmaasuqa.waxaan kusoogabagabeenayaa shirka waddanka turkiga kasocda waxuu yihay mid guuuuuuuuuuuuuuuuuul
ACWW:awalan waxaan salaamayaa soomalaida xaalasha ah eeda miirku ku jiro.Burburka Somaliya hadda ma bilaaban mana bilaaban 1969.burburku wuxuu na kowsaday markaan xoriyada qaadanay,ma oran karo oo afkaygu ma qaban karo ama soo tuuri karo gumaysi ayaa fiicnaa balse xaqiiqdu waxaa ay tahay inagoon si wanaagsan u diyaarsanayn ayaan xoriyad qaadanay,ka dib dawlado qabiil musuqmaasuq ah iyo kuwo askar military xukun jecel ayaa isaga kaaya danbeeyay.Hadaba maxay ku kala duwanaayeen kuwaa,kuwa civilaian ka ah musuqmaasuqoodu iyo dhaca hantida ummadda wu qarsoonaa oo kuwa dhacaayay wadanka waxaa ay u arkayeen marti in ay ku yihiin wax kastaa oo khaldan oo ay sameeyaana waa la qarin jirin tii milatrigana msuqmaasuq wuu jiray laakiin umaddu waa ogaan jirtay,tusaale ahaan maantadan dekada iyo dhaqaalaha dibadda laga helo halkee bay ka baxdaa?burburku intuu jiray parlamanka waxaa la horkeenay hal miisaaniyad maxaa ku dhacay intii kale?aan u soo laabato anigu waxaan qabaa taageerada Turkey waa loo baahan yahay mase ahin kuwii ka faaiidaysan lahaa,waxaan sidaa u lee yahay kaba soo qaad dalka dhalo in laga dhigo ma ka hortagi karnaa in aan la burburin sababtoo umada dhaqankoodu xun yahay oo dhiig dhac ku faanta ayaan nahay MA JRIO GENERATION kii ka faaiidaysan lahaa fursadan oo kale wax badan ma soo kordhin doonto inta dagaal aan ku qarweyno ciladdeenu waa dagaal iyo musuq maasuq
Doodani waa ay wanaagsantahay laakiin waa haddii xaqiiqada dhabta ah la doonayao in laga hadlo, laakiin anaiga haddii aan sheego aragtidayda, soomaliya 22 sano oo dagaal sokeeye ah ayeey ku soo jirtay waa maxay sababta la isu dilayo, waxaan ku soo koobi karaa laba arrimood: 1- Qofdoonayo waxa uusan xaq u lahayn oo rabo inuu dadkale oo soomaliyeed waxooda xoog ku qaato. 2- Wadamada dariska ah oo ka shaqaynayo in soomaaliya aysan waliged degin. Haddaba si looga gudbo caqabadahaan waa in ugu horrayn la sameeya hal arrin ah oo hadda aad mooddo in soomali badan ama gobolo badan oo soomaaliyeed ay ku liibaaneen oo horumar ku gaareen. Maxay tahay arrintaas, dadkeenna soomaliyeed qof walbo ama qabiil walbo waa la yaqaannaa deegaankiis hadaba waa in qabiil walbo oo soomaliyeed uu gobolkiisa ama deegaankiisa ha u yaraado ama ha u weynaado waa inuu dib ugu noqdaa oo uu maamul u samaystaa, halkaas waxaa ka dhalanayo in gobolkaste uu nabad noqdo, waxaa markaas imaanaysa maxaa inoo wada dan ah, dantu waxaa weeye in la helo dawlad dhexe oo hogaamisa arrimaha siyaasadda dalka sida tan dibbadda, lacagah, ciidamada difaaca qaranka iyo wixii la mid ah. halkaas waxaa ka dhalanyo in uu meesha ka boxo xooggii wax lagu raadinayey isla markaasna la abuuro qaab maamul oo wadaag ah qof walbana wax ku leeyahay oo hoos laga soo dhisay korna loo soo dhisay, waxaadna ogaataa wixii aad gacantaada ku dhisato waxaa u haysaa lexojeclo ama ilaalin aad ka ilaaliso ina ay kaa barburaan marka qabiil walbo waxaa uu ku qasban yahay in uu ilaashado wixii uu dhistay ee maamul ah tusaale waxaa noogu filan Puntland, Soomliland iyo Galmudug. Arrinmahaas aan ka soo hadlay waxaa jira dad aan jecalyn laakiin waxaan filayaa inay tahay mid qasab ah waayo waxaa meesha ka baxay in gobol ama degma aadan u dhalan aadan maanta maamulan kai tusaale Afgooye hadda waxaa qabtay AMISOM ma u malaynaysaan in qabqablayaashii dagaalka markale ka talin doonaan Afgooye jawaabtu waa maya, dulucda mawduucaygu arrintaas ayuu ku qotomaa waana filayaa in soomalidu fahanto arrintaas
salaam waa arrin loo bahan yahay ummada somaliyeed inay ka faaidaysato
Guryaha xaaranta ah ayadoo laga baxin somali heshiin mayso marka turkiga cunto iyo dalxiis baa loo tagey marka laga soo laabto mooryaan waxey ku noqoneysaa hanti ay dhaceen marka shirka waxba kama soo baxi maayo waayo mooryaan oo xoolo ay dhaceen wali haysta