Faah-Faahin: Qaraxyo La Diyaarinaayay Oo Laga Helay Beledweyne


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Beledweyne (RBC) Maamulka Gobalka Hiiran ee DKMG ah Soomaaliya ayaa ka warbixiyay qarxyo lagu diyaarinaayay xaafad ka tirsan magaalada Beledweyn oo la doonayay in lagu qarxiyo maamulka, dowladda iyo kuwa Ethopia.

Gudoomiye ku-xigenka dhinaca ammaanka ee maamulka gobolka Hiiran ee DKMG ah ee Soomaaliya Axmed Cusmaan Cabdalla ( Axmed Inji) ayaa shir jaraa’id oo u qabtay magaalada Beledweyn oo lagu soo bandhigay walxahaas qarax sheegay in laga helay guri burbursan oo ku yaalla xaafadda Kooshin ee magaalada Beledweyne.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay Axmed Inji in walxaha qarxa oo ay ku jireen rasaasta qoriga suugga, biro waaweyn oo kuwa shubka ah iyo fiilooyin loogu talagalay in wax lagu qarxiyo ay gacanta ku soo dhigeen.

Wuxu kaloo sheegay in ay gacanta ku hayaan ninka iskaleh guriga lagu diyaarinaayay waxlxaha qarxa, sidoo kalena ay ku raad joogaan ninkii diyaarinaayay qaraxaas.

Dhinaca kale, guddoomiye ku xigenka dhinaca ammaanka ee maamulka gobolka Hiiran ayaa sheegay in Magaalada Baladweyn iyo guud ahaan gobolka Hiiran in ay sii joogi doonan ciidanka dowlada Ethiopia

Wuxu sheegay joogitaanka ciidamada Ethiopia lagu adkeynaayo ammaanka gobolka.

Hadalka Axmed Inji ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay soo baxeyn ciidamada Ethiopia in ay ka bixi doonaan guud ahaan gobalka Hiiran kaddib markii dhawaan ay ka soo baxeyn degmada Ceelbuur ee gobalka Galgaduud.

Al-Shabaab ayay ciidamada dowladda KMG ah iyo Ethiopia ka saareen magaalada Beledweyne saddex bil ka hor, kuwaas oo amniga magaalada adkeeyay, inkastoo dilal qorsheysan ay ka dhacaan Beledweyne, kuwaas oo ay ugu dambeeyeen labo ganacsato ah oo caan ka ahn gobalka Hiiran.

Gobolka Hiiran waxaa hada ku sugan ciidamo kakala socda dowladaha Ethiopiaiyo Jabuuti .

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags:

Leave a Reply