Faah-Faahin Shariif iyo Siilaanyo Oo Maanta Kulan Albaabada U Xiran Ku Yeeshay Dubai
Dubai (RBC) Madaxweynaha DKMG ah Shariif Sheekh Axmed iyo kan Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta markale kulan ku yeeshay magaalada Dubai ee dalka isku tagga imaaraadka carabta.
Kulan oo ahaa mid albaabada uu xiran yahay ayaa la sheegayaa in labada madaxweyne ay ka hadleen heshiiskii shaley ay ku saxiixdeen magaalada Dubai.
Wasiirka gaashandhiga XKMG ah Soomaaliya Xuseen Carab Ciise oo ka mid wafdiga madaxweynaha la socday ee ka qeybgalay kulankaas ayaa u sheegay Radio Muqdisho in kulanka maanta uu ahaa mid lagu xoojinaayay qodobadii shaley ka soo baxay heshiiska labada dhinac ay kala saxiixdeen.
“Kulanka maanta waxa uu ahaa mid ay saxaafadda banaanka ka joogaan oo labada madaxweyne ayuu gaar u ahaa , waxa uu dhacay saaka, waxana looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin:
1- in la isku furo isku socodka labada shacab iyo ganacsiga oo uusan jirin wax is hortaag ah ama caqabad ah oo isku gooshi karaan labada shacab.
2- In la sii xoojiyo wadahadalada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.
3- In la iska kaashado la dagaalanka burcad-badeeda iyo argagixisada.
Kulanka ka dhacay Dubai ayaa la sheegay in uu codsaday madaweynaha DKMG ah, waxa la sheegayaa in aysan ka qeybgalin madaxweynaha Puntland Cabdi Raxmaan Faroole oo isaga sheegay in uu ka soo horjeedo heshiiska Siilaanyo iyo Shariif.
Si kastaba, waxa jirta in wali aan labada dhinac siĀ faahfaahsan aysan uga hadli wax yaabaha ay doonayaan oo ay ka mid tahay Somaliland in ay ka joogsado go’aankeeda ah in ay noqoto dal madaxbanaan, waayo madaxweyne Shariif Sheekh Axmed waxa uu doonayaa hadda in uu markale ku soo laabto maslaxa siyaasadda, halka madaxweynaha Somaliland uu doonayo in Somaliland ictiraafkeeda ay marka hore ka sasabtaan dowladda KMG ah ee hadda wax ka yer labo bil uu harsan.
RBC Radio
————————-
Xafiiska Wararka Nairobi












yaab waaye ani waxay nimankaan qarinayaan waan fahmi wayay kii shalana waxay lahaayeen waxaa lugu xoojinayaa kii London. say wax u jiraan maxaa la dabolayaa. ma arinta meesha taalo si toos ah looga hadlo oo samaliland la fasaxo ama lasoo celiyo sheekaduba waa intaa.
[...] Continue Reading: Faah-Faahin Shariif iyo Siilaanyo Oo Maanta Kulan Albaabada U Xiran Ku Yeeshay Dubai [...]
run ha sheegin beeen ha sheegin waxaad sheegto ha waayin sheeq shariif by by by wax aad sixiixi kartid maba jiraan 50 malmod baa kuu harsan mana soo noqon doontid reer hargeysa qaadkii aad cuni jirteen dib ugu noqda ama somalia soo raaca somali waa mid ama diiiida ama yeeeela
Waa un Jabhadihii aan horay usoo aragnay un baa meesha maraya USC iyo SNM, ama madaxweyneyaal haisku sheegaan ama guryo ha iskusoo xiraan haddaad doontaan Jabhadkiinii saddexaad u yeerta Ismaaciil Cumar Geelle oo guri saddexaad iskusoo xira MAYA da faroole un baa soconaysa SOMALILAND NO ICTIRAAF.
Nin aan talin jirin haduu taliyo,nin aan tegi jirin baa taga.War waxan wadanka loo dhiibey yaa dameerkiisii ku celiya,marba gacan ku dhiiglaa albaabka hoosta uga xidhanaya iyadoo laga hadlayo masiirkii dhamaa ee dalkiisa…Aaway dadkii muwaadiniinta ahaa ee dalkan u dhashay?,Dameer fooqal dameer.
Horta salan marka xigta somaliland ha godo ama ha iska dayso lakin inuu dal jira yay manta calamka ayaa og silanyo iyo sharif way siman madax ahaan qaadka ad ka hadlayso yaan cunin ma boosaso mayaal ayaad odhan mise muqdisho mayaal somaliland iyadaa is ictiraaftay cidna uma bahna waana dal jira ilove my country