Faahfaahin: Xaalada Degmada Balcad Iyo Xiisad Ka Taagan Magaalada Jowhar


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Balcad (RBC) Wararka ugu dambeeya ee naga soo gaaraya degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM oo saaka la wareegay degmadaasi ay fariisimo ka sameysteen duleedka degmada iyadoo hawlgalo ay ka socdaan gudaha degmada.

Dad ku sugan magaalada ayaa Raxanreeb u sheegay in ciidamada Dawlada iyo AMISOM ay ku dhow yihiin tuulooyinka Gololey iyo Qalimow oo qiyaastii 8-km u jirta magaalada Balcad dhanka Jowhar, halkaasoo fariisimaha ugu horeeya ay dhigteen.

Xaalada degmada Balcad ayaa haatan degan inkastoo magaalada ay saaka xirneyd kadib markii ciidamada dawlada iyo kuwa AMISOM ay galeen magaalada. Waxaana xiran guud ahaan ganacsugii ka jiray degmadaasi iyadoo dadweynaha ay guryahooda ku sugan yihiin.

Taliyaha ciidamada Xooga Dalka Gen C/qaadir Sheekh Cali Diini oo wariyaasha kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in hawlgalka saaka uu ahaa mid guuleystay isla markaana ciidamadu ay si tartiib tartiib ah ugu sii socon doonaan degmooyinka kale ee gobolka.

Gen Diini wuxuu sheegay in maxaabiis ka tirsan Al Shabaab lagu soo qabtay saaka  degmada Balcad isla markaana lagu hayo xabsiyada ciidamada.

Dhanka kale waxay xiisad kacsanaan iyo cabsi ay ka taagan tahay magaalada Jowhar oo ah xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe kadib markii ciidamada dawlada iyo AMISOM ay la wareegeen.  Dad ku sugan Jowhar oo aan rabin in la magacaabo ayaa Raxanreeb u sheegay in cabsi weyn ay ka qabaan in magaalada lagu dagaalamo sidaasi darteed ayaa dadka qaarkiis waxay bilaabeen inay carruurta u kaxaystaan dhanka magaalada Mahadaay.

Saraakiisha Al Shabaab ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay la wareegitaanka degmada Balcad.

Muhimada Balcad

Degmada Balcad waxay magaalada Muqdisho dhanka waqooyi ka xigtaa illaa 30-km, qwaxayna degmadan ku taalla wadada weyn ee isku xirta Muqdisho iyo Jowhar sidaasi darteed hawlgalka ciidamada dawlada iyo AMISOM ee ku wajahan gobolka Shabeelaha Dhexe ayay muhim u tahay qabsashada degmada.

Sidoo kale degmada Balcad waxay noqoneysaa degmadii ugu horeysay oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe oo soo gasha gacanta DKMG ah.  Waxayna la wareegitaanka Balcad ku soo beegantay hal bil kadib markii ciidamada dawlada iyo AMISOM ay Al Shabaab ka saareen degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose taasoo ka dhigan in min 30-knm dawlada hadda ay banaanka uga baxday caasimada Muqdisho oo saddexdii sano ee la soo dhaafay ay ku koobneyd.

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Tags:

2 Responses for “Faahfaahin: Xaalada Degmada Balcad Iyo Xiisad Ka Taagan Magaalada Jowhar”

  1. Dhinac-raaca says:

    Amisom iyo dowlad ku sheega waa waqtigii malagooda galay oo xabaalahooda ayaa meesha ka qodan inshaallah – malcuuniinta

  2. ssc says:

    Lol muxuu ahaa kan alshabaabka ah!! Waar wakhtigiinii wuu dhamaaday ee is dhiiba abti

Leave a Reply