Gudoomiyaha Isbedel Doonka Puntland Muuse Cali Jaamac oo RBC Radio u Waramay Aragtidiisa Magaalada Muqdisho oo Ay Ugu Dambeysay 22-Sano Ka Hor (Dhageyso)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Gudoomiyaha ururka Isbedel Doonka Puntland Muuse Cali Jaamac ayaa wareysi gaar ah uu oo maanta siiyey RBC Radio wuxuu kaga waramay isbedelka magaalada Muqdisho oo markii ugu horeysay uu toddobaadkan dib ugu soo laabtay isagoo 22 sano ka maqnaa magaalada Muqdisho.

Muuse Cali Jaamac oo aan weydiinay bal waxa uu kala kulmay Muqdisho markii uu yimid ayuu sheegay in uu u yimid magaalo ay rajo ka muuqato oo nolosha dib ugu soo laabanaeyso.

“Magaalada Muqdisho waxaa iigu dambeysay 26/11/1990 markaasi magaalada waxay ahayd magaalo aanrajadeeda fiicneyn, waxaa jiray colaado, waxaa jiray rajiimkii dalka maamulayey 21 sano oo dadweynaha iyo maamulka ay is gansadeen, waxaa jiray colaado joogto ah, waxaa jiray gobolo qaarkood oo dawlada aaney ka talin… awooda markaan aniga baxaayey waxay ku aruursaneyd gobolka Banaadir.” Ayuu yiri Muuse Cali Jaamac.

“Muqdisho, hadda markaan ku soo laabtay 21 sano oo burbur ah kadib, Xamar markaan imid waxaanu imi meel rajo ka jirto, yididiilo leh, mustaqbal wanaagsan uu ka muuqdo..” ayuu hadalkiisa sii raaciyey siyaasiga Muuse Cali Jaamac oo maanta magaalada Muqdisho ugu waramay RBC Radio.

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

Muuse Cali Jaamac wuxuu ka sheekeeyay markii uu Muqdisho yimid goobihii caanka ahaa ee waayo hore uu garan jiray oo intuu ku dhex lugeeyey uu dib u xusuustay berisamadaadkii dalku nabadda ahaa.

“Waxaa ka mid ah bartamaha magaalada hotel karoojo del suud, Shineemo Xamar, Shineemo Shentaraale, hotel Curuba, aagagaasi oo ah aagag aadu bilicsan taariikhna leh. Masaajidka Arbaca Rukun, baarlamaankii hore waa aagag aniga dhalinyaranimadeydii markaan iskoolka dhexe sameynayey sanadihii 1960-maadkiiaan ku dhigtay magaalada Muqdisho.” Ayuu yiri Muuse.

Wuxuu sheegay inuu aad uga xumaaday markii uu arkay burburka soo gaaray caasimadii Soomaaliya hase yeeshee uu aaminsan yahay in dadka Soomaaliyeed ay kartidooda ku dhisan doonaan.

Ujeedada socdaalkiisa

“Ugu horeyntii waxaan u imi arimaha Soomaaliya, shirka Soomaaliya iyo masiirka Soomaaliya oo halkan loogu ballamay in wax looga qabto wixii waxgarad ah oo wax ku biirin karana inay yimaadaan.” Ayuu yuri Muuse oo ka jawaabayey su’aal ahayd ujeedada socdaalkan uu ku yimid magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay in ururka Isbedel Doonka Puntland uu u arko inay muhim tahay in laga qeybqaato sidii isbedel loogu soo dabaali lahaa wadanka guud ahaantiisa.

Muuse wuxuu wareysiga ku sheegay in toddobaadkan uu Muqdisho kaga qeybgalay markii ugu horeysay shir ay lahaayeen xisbi siyaasadeed oo madax bannaan kaasoo uu sheegay inuu aad ugu farxay inuu arko xisbiyo siyaasadeed oo dalka ka jira.

Mar aan weydiinay dhaqdhaqaaqyada siyaasadda ee hadda kasocda Muqdisho, ayuu Muuse Cali Jaamac sheegay in loo baahan yahay in xooga la isugu geeyo sidii loo heli faw;ad ay hogaanka u hayaan dad damiir leh oo karti u leh hogaaminta dalka.

Wadahadalka DKMG iyo Somaliland

Muuse Cali Jaamac wuxuu niyadsami ka muujiyey wada xaajoodka u furmay DKMG Soomaaliya iyo maamulka Somaliland kaasoo uu sheegay inuu keeni karo isu imaatinka dadka Soomaaliyeed oo mar horaba ay kala qeybiyeen shisheeyaha.

Wuxuu rajo dhow ka muujiyey in la heli karo Somaliland oo diob ugu soo laabata midnimada Soomaaliya haddii buu yiri “la helo hogaan sax ah oo caddaalad iyo sinnaan u sameeya dhamaan Soomaalida”.

HALKAAN KA DHAGEYSO QEYBTA KOOWAAD WAREYSIGA GUDDOOMIYAHA ISBADEL DOONKA PUNTLAND MUDANE MUUSE CALI JAAMAC

F.G; Qeybta labaad ee wareysiga wuxuu Muuse kaga hadli doonaa xaalada siyaasadeed ee Puntland, waxaana soo gudbin doonaa goordhow.

 RBC Radio

Share

Tags: ,

7 Responses for “Gudoomiyaha Isbedel Doonka Puntland Muuse Cali Jaamac oo RBC Radio u Waramay Aragtidiisa Magaalada Muqdisho oo Ay Ugu Dambeysay 22-Sano Ka Hor (Dhageyso)”

  1. [...] Read More: Gudoomiyaha Isbedel Doonka Puntland Muuse Cali Jaamac oo RBC Radio u Waramay Aragtidiisa Magaalada M… [...]

  2. Asalamu Alaikum
    aad waxaan ugu mahad celinayaa mareegta RAXANREEB.COM oo ah mareeg ku shaqeyneysa damiir wadaniyada ku dheehantahay oo mar walbo u dadaalaysa muwaadininta soamliyeed.

    muuse cali jaamac waa nin muwaadin ah oo shacabka somaliyeed jecelyihiin isaga & walaalkiisa al-musharax jaamac cali jaamac oo ah shaqsiyaad af & caqli adeegsado ooo wax walbo jecel in wada hadal lagu xaliyo muse nooloow adiga & walaalkaada jamac cali jaamac
    soo dhowada
    RBC idinkana waxaan idin ka codsanaynaa inaad noo soo gudbisaan wareysigiisa puntland ku saabsan ee noogu soo dhaqsada waxaan rajaynayaa inuu kaga hadli doono rajiimka hada talada puntland gacanta ku haya muuse waxaan ka rajaynaynaa inuu nasiiyo maadaama aan dalka qurbe ka joogno waaqica puntland ka jiro runtii

  3. rooraaye says:

    adeerkey waa soomaali waxaana daacad ka ah siduu u damqadey wadankii burburka soo gaarey waxuu kaloo xusey in dadka soomaaliyeed ay ka gudbayaan inshaa allah marxaladan xasaagiga ah

  4. hogol says:

    si wanagsan oo aad u gadan ayuu u hadlay waxan oran kara wa siyasi-degan

  5. garsoor says:

    sxb ninkaan sow muuse maahan waana jaamac cali jaamac wl kiis sow mahan waad mahadsantahay sxb waayo jaamacba aragnay adiga muuse ahan waxaan kuu dhiibaynaa xafada cabdicasiis xamar gudoomiyaheeda

  6. dhakafaar says:

    Shalayna Ina afgaduud uu yiri Sool iyo Sanaag waa Somaliland ayaa noo sdoo geliseen. Marka anigu haddey sidaa tahay waxaanba taageerayaa Muuse waaba waddani, laakiin Raxanreeb la yaabay

  7. garsoor says:

    raxanreeb ma waxaad qortaan waxii pl waxka sheega xumaanteed kaliya mise waxii amaana iisheega waxa tihiin

Leave a Reply