Gudoomiye Tarsan: Dareenka Dadka Muqdisho Waa In Midnimada Soomaaliyeed Aysan Geli Karin Wax Gorgortan Ah
Muqdisho (RBC) Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo maanta hadal dheer ka jeediyey dibadbax lagu taageerayay wadahadalka dhexmaray madaxweynaha DKMG Soomaaliya Shariif Seekh Axmed iyo madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa si weyn oo qiire leh uga hadlay bilawga iyo rajada laga fili karo wadahadalkaasi.
Tarsan wuxuu sheegay in dadka reer Muqdisho iyo guud ahaan Soomaalida ay ku faraxsan yihiin inay miis ku wada hadlaan Soomaalida iyo Soomaalida waqooyi oo mudo dheer kala irdheysnaa kadib markii siyaasiyiin ay kala geeyeen dadweynaha, laakiin wuxuu gudoomiyuhu tilmaamay inaan marnaba midnimada dadka Soomaaliyeed aysan ku jirin wax gorgortan ah.
“Dareenka dadka reer Muqdisho ee maanta isu soo baxay iyadoo wadahadaladu shalay ka dheceen Dubai waxay taasi muujineysaa sida dadkani u rabo in la heshiiyo oo loo abuuro midnimadii ummaddan, midnimada ummadda Soomaaliyeed marnaba wax gorgortan ah kuma jirto mana geli karto” ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Banaadir oo boqolaal dadweyne bannaanbaxayaal ah la hadlay.
“Waxaan rajo ka qabnaa inay soo laabato midnimadii, xoogii iyo wadajirkii dalkaanu lahaan jiray” ayuu yiri.
Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo cod dheer oo qiireysan ku khudbeynayey wuxuu sheegay inay ceeb tahay in markasta Soomaalida ay wada hadalsiiyaandawlado iyo shakhsiyaad shisheeye iyagoo heli kara inay Soomaali ahaan u wada hadlaan laakiin wuxuu sheegay in waqti dhow taasi ay dhamaan doonto.
Waqtigii xooga iyo xabbada way dhamaaday!
Tarsan oo ka hadlay khilaafaadka dheer ee ragaadiyey arimaha Soomaaliya ayaa tilmaamay in ragganimada iyo guushu ay ku jirto in wixii khilaaf ah looga wada hadlo miiska dushiisa, isagoo sheegay in adduunyada maanta usan ka shaqey xoog iyo in rasaas wax lagu raadiyo.
“Adduunyadu maanta kama shaqeyneyso xoog iyo xabbad baan wax ku raadinayaa ee waxaa shaqeynaya wada hadaliyo isfaham in wixii khilaaf ah lagu dhameeyo” ayuu yiri duqa magaalada Mudisho oo bannaanxabayaal u khudbeynayey.
Bannaanbaxa maanta ee lagu taageerayay wadahadalada curdanka ah ee u bilawday DKMG Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo dalka gudihiisa ka dhaca tan iyo intii ay bilawdeen wada xaajoodka oo kii ugu horeeyay uu ka dhacay magaalada London 20-kii bishaan June.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho














Sax
Tarsanow waan ku garanayaa waxaad ka xanuusatay mowqifka Faroole laakiin asaga toos ula hadal oo waxaad aaminsanayn haku hadlin
tarsan…halkeed joogta shalay marki siyad barre u diyaaradaha iyo madaafiicda
la dhacayay maatida…dadka SOMALILAND adiga iyo qayr ka noloshooda
iyo mustaqbalkooda waxba ka waydiin maayaane hadaad cudud ad ku muquunin
karaysid waxba ha la hadhin.
asc wr wb bahda raxanreeb oo wadaniyiinta ah oo aan aad u jeclahey jawaan shukulaato ayaan munaasabada kowda lkuulyo hawada idiin soo marinayaa salaan ka dib .
faroole waxan u bixinayaa magacyo bagab ee ila dhuuxa faroole=careysane ;faroole =taloxume xaasid ah faroole =wax walbo yaqaan boowe anagaa talada soomaaliya garaneyna kkkkkkkkkkkkk faroole=gacanyaraha sanaawi asagoo zenaawi la joogo buu yiri turkigu xalka soomaaliya ma wado subxaanallaah kkkk sanaawi miyaa xalka soomaaliya wado 2bil adis ugu xabisneyd inuu qaranka sidii loo dumuin lahaa kugu aqrinayey faroole=qarandiid waa jabhadii kulmis wuxu doonayaa in sidaa loo kala qoqoibnaado oo soo tarxiile shacabka wadiyiinta ah ee reer baay iyo bakool ileen reer qof reer galgaduud ah sooma taxiili karo kkkk iska fahma yaah raxanreeb qabiil ma yeeleyso reer galgaduud=indhoboodkuheydo kkk dadkii horaa ilaa fahmaayo dhalinta 20 sano u danbeysey shaqoguri u qaata faroole =waxa u umuuqata in sland ey soio daashey oo ay soo laabaneyso marka wuu ka ka hortegeyaa qas camal nooh ileen hada sadbursi uu meesha ku heystaa hadey sland imaado howsha reer koonfureed oo oo raaskanbooni ilaa maaulka faroole iskuqeyb ayey noqonayaan sland oo ay ku jiraan caasho cabdale caliqaliif galeyr reer reer awdal hal xubin bey hoos tagayaan waqooyi iyo koonfur baa loo qeybsanayaa waxa soo soo afjarmaya sedbursigii faroole inuu pland wax ku cuno cabdi welina uu matalo labo ceyn leyn denbe noo moor kkkkkk viva soomaaliweyn waxan soo dhawqeynayaa wadahadalada ka dhacey dubey insha allaah midfnimo iyo guuuuuuuuuuuuuuuuul xaasidku ha jabo inasha allaah soomaaliya oo mid ah ilaahey swc ka baryaa.