Ha Moodin in Dhaartu Bilaash Tahay W/Q Dr Cabdullaahi Karaani


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Ha Moodin in Dhaartu Bilaash Tahay
Dr Cabdullahi Axmed Karaani
Karani38@aol.com
Juunyo 20 2012

HA MOODIN IN DHAARTU BILAASH TAHAY, WAA  LAGU XISAABIN ADDUUN AAKHIROBA!!!

“HA QAADIN XIL IYO MAAMUL DADWEYNE,  HADDAADAN FULIN DOONIN”

Dr Cabdullaahi Axmad Karaani

BERYAHAAN danbe, Somaali badan oo qaarkood madax ahaan jirey iyo kuwo kaleba’, ayaa isu diyaarinaya iney ka qeyb galaan tartanka loo geli doono dhowaan madaxnimada sare (madaxweynennimo iyo xildhibaannimo), ee dalkeenna ku soo foolleh. Dhibaato ma leh, in la haweysto ka qeybgalka tartankaasi oo sida Dastuurka ku qeexan, uu ka qeybgeli karo qof kastoo soo buuxiyey shuruudaha dhowrka ah ee ku qoran isla Dastuuurka ,iyadoo laga filayo odey dhaqameedyada loo xil saaray soo xulidda tartamayaasha, iney si caddaaladi ku jirto ay wax u soo xulaan.

Muddadan loogu magacdaray kala guurka ( sida naloo sheegay) oo loo guuri doono DAWLADNIMO RASMI AH ee Somaaliyeed , waxa habboon in dadka isa soo sharraxa-yaa ahaadaan kuwa wata SIFAAT aan caadi ahayn, si berrito qof kastoo loo soo doorto jagada madaxweyne ama Xildhibaan, uu u noqdo mid dantiisa ugu weyni tahay inuu u soo jeedo har iyo habeenba , gudashada xilkaas weyn oo loo soo igmaday,isagoo badbaadin doona qarankii Soomaaliyeed oo burburay, isla markaana u sii muuqda mid ku sii hoobanaya haadaan aan soo noqosho lahayn, oo markaa u baahan dad nafti hurayaal ah oon il gama’ siineyn ilaa ay haadaantaas ka badbaadiyaan dalkooda, ku dhowaad labaatan sano kala dhantaalmay oo musiibada weyni ku habsatey.

Ilama aha ama laga filimayo in madaxda dhowaan, la xulayaa noqon doonaan kuwo waqti u helaya iney isqabqabsadaan ama isaga soo horjeestaan waxyaabo yar yar, oon faa’ido u lahayn ummadda soomaaliyeed. Mar haddii loo guuray Dawlad rasmi ah , iyadana waxaan filayaa in Qarammada midoobey iyo Dawladaha kaleba kd. ay kaalmeyn iyo taakuleyn u soo dedejin doonaan dawladda curdanka ee soomaaliyeed.

Anigu muddo laga joogo dhowr iyo toban sano(1995),ayaa waxaan qoray bug yar oon ugu magacdaray “ Xusuus qorid iyo arrimo kale”. Buuggaas waxaan ku qoray waagaas,sifaat aan qof ahaan la jeclaa qofka madaxnimo sare ee soomaaliyeed haweysanaya. Waxaan is iri isla markaas , qofka intaan oo sifaat ah buuxiyaa , shaqadiisa iyo dadaalkiisa madaxnimo oo uu Dalka uu horseedi doonaa, waxay noqon doonaan kuwo Ilaah loogu mahdiyo, isagana u keena ciso iyo sharaf adduun iyo mid aakhiroba.

Tobanka sifadood oon tilmaamay inuu la yimaado haweystaha xil qaran ee sare, waxay kala ahaayeen kuwa soo socda;

1- Inuusan noqon mid lagu yaqaan keligi-talisnimo

2- Inuu yahay mid Dalkiisa iyo dadkiisa jecel

3- Inuu leeyahay waayo aragnimo siyaasadeed iyo maamul dawladeed,hufnaanna ku sifoobey.

4- Inuu yahay mid isu keeni kara ummadda soomaaliyeed, isla markaana soo celin kara sharaftii ummadda iyo Dalkaba..

5- Inuu yahay mid ummadda ku hagi kara dhabbaha shaqada, kala dambeynta, una horseedi kara siyaasad dibadeed oo caafimad qabta oon adduunweynaha kale kula dhaqanno.

6- Inuu noqdo mid ku dadaala kor u qaadidda Diinteenna, dumiyana caadooyinka xun xun sida qabyaaladda, dhaqan guurka,qaraabokiilka, Iwm. Una horseeda dadweynaha caddaalad, sinnaan iyo midnimo.

7- Inuu noqdo mid tashiila dhaqaalaha Dalka,oo la dagaallama musuqmaasuqa, saboolnimada,jahliga iyo cudurrada halista ah, kuna socda qorshe aan habawsaneyn oo wax u qabta reer guuraaga iyo xoolaha, beeraleyda iyo beeraha, Iyo kalluumeysata, kuwaasoo ah saldhigga dhaqaalaha soomaaliyeed.

8- Inuu yahay mid daryeela deegaanka soomaaliyeed, kana ilaaliya Dalka nabaadguur iyo xaalufka halista ah.

9- Inuu yahay mid daryeela, taakuleeya,dadka da’da ah, naafada, caruurta, hooyooyinka iyo wax-mahaysatada guud ahaan.

10- Inuu noqdo mid ka ilaaliya ummadda soomaaliyeed dagaal sokeeye oo danbe,una horseeda nabad waarta iyo dib-u-heshiisiin. dhab ah.

Sidaan horay u soo sheegay sifaatkani, waa kuwa aan anigu jeclaan lahaa iney ku sifoobaan haweystayaasha madaxnimada sare ee soomaaliyeed, ee ma aha kuwa dhowr ka ah ee lagu tilmaamay Destuurka. Waxa kale oo aad la socotaan in ilaa imminka, eeyan suurogal noqon in qofkastaa uu soo doorto madaxdiisa uu u rabo xilalka sarsare ee Dawladeed,marka sifaatkan aan kor ku qoray waxaan filayaa iney raalli gelin doonaan dadweynaha soomaaliyeed.

Ummadda soomaaliyeed waxay soo aragtay dhibaatooyin farabadan labaatankii sano oo la soo dhaafay, taasoo ay ka kororsadeen waayo-aragnimo ku saabsan in nabaddu tahay saldhigga nolosha banii’aadaanka..Markii, ummadi goosato iney horumariso dalkeeda iyo dadkeedaba, nabaddaas ayaa lagu dhisi karaa horumar kastoo qofku tiigsanayo.

Nin aan muddo dheer is naqiin oo saaxiib ah, oo dhowaan safar ku tegey caasimmadda soomaaliya, ayaa ii sheegay inuu Xamar ku soo arkay dad u bislaaday nabadda oo doonaya dalkooda, iney dhistaan,iyadoo qof kastaaba uu maanta u heellan yahay inuu dib u dhisto gurigiisii ku burburay dagaalladii sookeeye oo dhibaatadooda aan wada xusuusannahay. Wuxuu kaloo ii sheegay in dad badan oo qurbajoogta soomaaliyeed ka mid ahi, ay ku sii qulqulayaan Dalka iyagoo soo arkay waxay tahay qaxootinnimo iyo ku noolaanshaha dalal shisheeye oo farabadan.

CODSI KU WAJAHAN MADAXDA SOOMAALIYEED EE LA SOO XULI DOONO DHOWAAN:

WALAALAYAAL,BERRITO adinkaa noqon doona madaxdii soomaaliyeed, waxana idin saarmi doona xilweyn,adinkoo masuuliyadda dadka iyo dalkoo dhan garbahiinna saartay. ILAAH horti ayaad ku dhaaran doontaan,inaad ugu shaqeyneysaan ummadda, sida ugu habboon iyo intii awooddinna ah. Waxaad kaloo ku dhaaran doontaan inaad si caddaaladi ku jirto ugu maamuli doontaan Dalkooda baaba’san ee muddada dheer ku soo jirey dagaal iyo burbur joogto ah. Waxaad ku dhaaran doontaan inaad ummadda Soomaaliyeed gaarsiin doontaan meel sare oo sharaf leh, adinkoo soo celinaya Sharafteenni hallowday, Waxaad kaloo ku dhaaran doontaan inaad Ummadda soomaaliyeed midnimo u horseedeysaan ood qabyaaladda iyo qoloqloysiga kala dagaallameysaan Dadkeenna , si loo helo midnimo iyo isku duubni iyo nabad waarta. Intaa iyo in kaloo badan baad ILAAH horti ku dhaaran doontaan.

QORAALKANI waa xusuusin iyo digniin ku jeedda madaxda cusub oo dhowaan loo soo xuli doono maamulidda Dalka soomaaliya oo inaka wada dhexeeya. Haddaad ballan qaadaan oo misana ku dhaarataan oofinta ballantaas, OGAADA, in Ilaahii idin abuurteyna idiin jeedo oo idin xisaabin doono, asagaana ka gar naqi doona, sidaad Ummadda soomaaliyeed wax ugu qabataan iyo waxa iidaan qaban ood ka bayrtaan.

Taariikh,06/18/2012

Qore, A.A.karani

karani38@aol.com

Nairobi,Kenya

==========================================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Share

4 Responses for “Ha Moodin in Dhaartu Bilaash Tahay W/Q Dr Cabdullaahi Karaani”

  1. [...] Taken from: Ha Moodin in Dhaartu Bilaash Tahay W/Q Dr Cabdullaahi Karaani [...]

  2. Haad says:

    Mansha Allah!

    Waad mahadsantahay C. Laahi Karaani. Alow waxa San na garansii.

    Waxay ila tahay Cabdulaahiyow in dalkaba la haysto oo aan qof sifahaad sheegtay leh looba ogoleyn.

  3. khadija says:

    mudane Abdullahi Karaani aad waxaan ugu farax sanahay in aan arkay muuqaalkaaga 21 sani ka dib maansha allah ayaan leeyahay illahay hana siiyo midkaan nala jeclaatey waanu rabi lahayn mid sifahaas leh balse waa ku yar yihiin wakhtiga maanta la joogo dad sifahaas yeelan kara nin kasta wuxuu doonayaa inuu mar un kursigaas ku fariisto si uu wax u dhaco ee majiro nin dantii guud kursiga ugu fariisanaya Mudane maahan wakhtigaan wakhtigii aad adigu madaxda ahayd ee aad iska ilaalin jirtey xoolaha dadweynaha waan jeclaan lahayn in lahelo mid adoo kale ah waana jeclaan lahaa in maanta aad adigu tartameyso waayo waxaan aqaan shaqsiyadaada wanaagsan waana ku dooran lahaa hadii wax laiga kaa weydiiyaan waxa aad tahay iyo sida aad daacad u haanjirtey wakhtigii Daaqa Qaranka ayaan sheegi lahaa illahay hana siiyo mid adiga kula mida insha allah saan ku heli karnaaba iska yar adigana cimri dheer caafimaad cibaada suuban ayaa rabi kaaga baryayaa aamiin aamiin.

  4. sihaam says:

    alla muxuu shaqadiisa daacad uahaan jirey maxkamada galkacyo haduu yahay ninkii ushaqaynayey tolow mise walaalo ahaayeen koley ina axmed garaani auu ahaa marhore 79mise78 midayey ahayd

Leave a Reply