Hadalheynta Qaranka: Muqdisho- Dhawaqa Rasaasta Waxaa Bedelay Dhawaqa Buriska iyo Miinshaarta


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Taliska ciidamada AMISOM ayaa faahfaahin ka bixiyey sida ay isu bedeleyso xaalada amaanka ee magaalada Muqdisho kadib markii DKMG ah oo ay caawinayaan ciidamada AMISOM ay si rasmi ah ula wareegeen magaalada iyo deegaanada ku hareeresan oo ay ku jirto degmada Afgooye.

“Dhawaqa rasaasta ee laga maqli jiray daaraha dhaadheer ee Muqdisho, waxaa bedelay dhawaqa buriska [dubbaha] iyo miinshaarta… dhexjoogida quracyada duleedyada caasimadana waxaa bedelay dhexjoogida geedaha cambaha ee Afgooye.” sidaasi waxaa shir jaraa’id ka sheegay taliyaha ciidanka lugta ee AMISOM Gen. Katumba Wamala.

Gen Katumba wuxuu sheegay in Muqdisho ay mashquul ku tahay dib u naashnaashida guryihii burburay iyo dhisida dabaqyo cusub markii ugu horeysay 21 sano ee la soo dhaafay taasoo muujineysa in niyada iyo rajada dadka ay dib u soo noolaatay.

Gen Katumba wuxuu sheegay in waqti badan iyo maal fara badanba uu ku baxay dagaal saddex sano qaatay oo xaafadaha Muqdisho la isku heystay kaasoo ugu dambeyntii keenay in caasimada ay gacanta u soo gasho Dawlada, haseyeeshee wuxuu dhanka kale walaac ka muujiyey sugida amaanka gudaha oo khatar ugu jira inay maleeshiyo beeleedka uga faa’ideystaan danahooda gaarka ah.

“Amaanka gudaha waxaa muhim u yahay hay’adaha amaanka ee DKMG ah” ayuu yiri taliyaha ciidanka dhulka AMISOM oo sheegay in Midowga Afrika ay qorsheynayaan inay ciidan boolis ah u keenaan DKMG ah si gacan loogu siiyo sugida amaanka gudaha.

AMISOM waxay kaloo si cad ugu digtay hogaamiye kooxeedyada hubeysan iyo maleeshiyaadkooda oo ay sheegeen in haddii ay isku dayaan inay awoodooda soo celiyaan ay u beegsan doonaan sidii Al-Shabaab oo kale.

Tan iyo wixii ka dambeeyay bishii Agoosto ee sanadkii hore, markaasoo ciidamada Al-Shabaab ay baneeyeen fariisimihii ay ku lahaayeen xaafadaha Muqdisho dhexdooda, dawlada iyo AMISOM waxay si muuqata isugu dayayeen inay soo celiyaan gacan ku heynta guud ah magaalada taasoo qiyaastii ku qaadatay lix bilood oo kale in hawlgalada Muqdisho ay sii socdaan.  Laakiin sida saraakiisha AMISOM ay sheegayaan hadda arinta kama taagna Muqdisho ee waa labada Shabeelle..

“Dagaalkii Al-Shabaab wuu ka baxay Muqdisho maantana waxaa lagu jiraa xuduudaha Shabeelooyinka..” sidaasi waxaa toddobaad ka hor wariyaasha u sheegay taliyaha ciidanka Xooga Dalka Gen C/qaadir Sheekh Cali Diini oo booqasho ku tagay degmada Afgooye.

Xarakada Al-Shabaab waxay horey ugu dhawaaqday in dagaalkeedii tooska ahaa ay ku bedeshay dagaal jabhadeyn ah [dhuumaaleysi] kaasoo ay u arkeen inuu uga khasaare yar yahay midka tooska ah isla markaana ay kaga adkaan karaan AMISOM iyo DKMG ah.

 

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Tags:

Leave a Reply