HADALHEYNTA QARANKA: Sheekh Shariif Iyo Axmed Siilaanyo oo Ereyo Isku Mid ah Shacabka ugu Hambalyeeyay Munaasabadda 26-ka June


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Addis Ababa (RBC) Madaxweynaha DKMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa markii ugu horeysay ereyo isku mid ah u adeegsaday hambalaya munaasabada 26-ka June oo ah maalintii ugu horeysay ee calanka Soomaaliyeed laga dultaagay ciidda Soomaaliyeed sanadkii 1960-kii.

Madaxweyne Shariif ayaa isagoo ku sugan magaalada Addis Ababa hambalyada munaasabada 26-ka June shacabka Soomaaliyeed hawada u mariyey, wuxuuna madaxweynuhu tilmaamay inuu rajeynayo in sanadka dambe dadweynaha Soomaaliyeed ay ku gaari doonaan midnimo iyo nabad.

Madaxweyne Shariif wuxuu sheegay inaan la ilaawi doonin munaasabadda 26-ka June qiimaha ay u leedahay dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan, wuxuuna si gaar ah u xusay Soomaalida reer waqooyi inay u tahay maalin farxadeed oo ay xusuusan doonaan halgankii ay u soo mareen xoriyada calanka Soomaaliyeed.

Dhankiisa madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa isagooku sugan magaalada Hargeysa sheegay in munaasabada maanta darteed uu hambalyo u dirayo dhamaan shacabka Soomaaliyeed isagoo si gaar ahna ugu hambalyeey dadka ku nool gobolada waqooyi ee dalka.

Siilaanyo wuxuu sheegay in waqti dheer iyo dadaal loo soo maray iska dulqaadista heeryadii gumeysiga Ingiriiska ee heystay gobolka Somaliland maanta ay mirahaasi gurteen dadka ku nool goboladaasi.

Hambalyeynta isku midka ah ee ay jeediyeen madaxweynaha KMG Soomaaliya iyo Axmed Siilaanyo ayaa ku soo beegantay markii ugu horeysay iyadoo wada hadalo ay u furan yihiin DKMG Soomaaliya iyo maamulka la baxay Somaliland.

 

RBC Radio

Share

Tags: , , ,

20 Responses for “HADALHEYNTA QARANKA: Sheekh Shariif Iyo Axmed Siilaanyo oo Ereyo Isku Mid ah Shacabka ugu Hambalyeeyay Munaasabadda 26-ka June”

  1. [...] Read the original post: HADALHEYNTA QARANKA: Sheekh Shariif Iyo Axmed Siilaanyo oo Ereyo Isku Mid ah Shacabka ugu Hambalyeey… [...]

  2. Abu Abdala says:

    sc sheekh shariif waa maalin taariikhi ah adoo haya xilka madaxweynaha yuusan wdanku kala go,in haday kuula muuqato in aadan isku hayn karin xilka iska wareeji sc

  3. somalilander says:

    kkkkkkkkk ha u malayn in hadal ka silaanyo yahay mid ah midaw waa habeenki xalay oo tagay in ay somaliland dib ugu noqoto south hana ku riyoonina .500000 ayaa igaga dhinatay ma ilaawi doono .fuck south nacala iyo qudhunka aadthiin waseeeeeeeeeeee

  4. mursal says:

    @ Somalilander
    Haddii aad tahay Somalilander ( inkastoo aanan u malaynayn) , cayda iyo af lagaadada jooji , sida aad u hadlayso waxa laga garan karaa aqoontaadu inta ay gaadhsiisantahay iyo enviromentka aad ku soo kurtay………..
    Reer Somalia siyaasad baynu isku haynaa , laakiin EVEN marka aynu kala go’no meel kala tegi mayno oo waa Somali aynu dadka iska xignu………… maantaba dadku wuu isku dhex jiraa oo Somaliland waad ogtahay inta reer Somalia ku nool…….. Haddii ad tahay nimankii aan aqaanay ee inta ay shaadhka Somaliland soo xidhaan dadka isku diri jirayna ( khatumo ) dee waad haysaa shaqadaadiiye halkaa ka hay……….

  5. asc madaxweeyne please and please soomaali waa mid waa ul & mayrax ee haqaybin u dagaalan midnimada somaaliyeed.

  6. aliyow says:

    @ Somalilander, walaalow go’oo haddaad doonto naga garqaado, ka tanaazul waxaan ========== ahayn, adoo reer ah sidaad ku doonaysaan u go’a. Haddaad tiraahdaan dad aan idin ahayn baannu khasbaynaa oo xoog iyo axsaan la’aan nagula go’aya oo goorta adduunkow nagu ictiraafa qarnigan 21aad baan wax gumaysanaynaa oo wax xasuuqaynaa oo waxaan doono ku samaynaynaa ee nagu kaalmeeya KKKKKKK taasu wax macquul ah maahee wax macquul la kaalaya goosashona maahee goosasho macquul ah la kaalaya haddii kale qaylada nagala tag meeshii lagaa keenay waseeeeee.

  7. waar saxafada kufsiga kadaya adeerayaal silanyo waxas ma odhane wanaga qoralkiisii melwalba ka akhrisane bentaa riyada ee midnimadaa bari hore ayaan midnimada lalnay viva somalilland

  8. prof Piccolo says:

    52 sanno ka dib somali calankeedii ayaa laga surey xaley Hargeysa oo somali maceedii aba dunda ka tagan oo somalidiidkii oo kala jabey qadiyada somaliya faysal warabe oo somali tagerey oo xil doon ah in wasiir uu helo vivvo somalia hanoolato

  9. hogol says:

    kkkkkkk caqli waqooyi yaal waa kaas @somalilander wata anigu waxan garan wayay waxa nalooga daba wado war shiekh shariif nimanka fasax saxaarahooda ariga haku raacdaan e wiliba dee mooskana aan ku qaaliyayno iyo qudaarta lol

  10. Khaatumaawi says:

    Siilyaanyo horjoogaha snm wuxuu xodxodanayaa jagada baarlamaanka Soomaaliya waayo sheekadii snm iyo gooni isu taagii wuu socon waayey markii uu taageero ka waayay dadka ku dhaqan gobolada Khaatumo iyo waliba Awdal.
    Iminka Xamar ayuu u socdaa sida wararku sheegayaan oo shariif sakiin booskiisa ayuu galayaa VIVA SOMALIA IYO 26ka JUNE

  11. M.wadani says:

    Kkk @somalilender af caytamay halkisa lakin waxa xaqiq ah shacabka aynu walalaha nahay ee daga waqoyiga inaysan rali ka ahan kala qoqobida somaliwaynta marka laga rebo qolyaha siyasiyinta ah walow xata aqonyahanada ay san ladhacsanen. Hadana dowlada silanyo waxay isku dhiri galine inay ka go’do somali inteda kale lakin alle ayan kabaryeynaa in wadahadalada hada socda ay mira wax ku ol ah laga gurto. Somalimidnimo.

  12. qabqabsey says:

    @M.wadani
    shacabku waa kuwa ku qasbay siyaasiyiinta somaliland in aan midow dambe aanu dhicin ,gooni istaagana waxa go aan saday shacabka somaaliland,
    waxa se aan odhan lahaa in ta aaydaan ku hadaaqin wadanka yaan la kala gooynin waar koonfur baan mid ahayn oo lix nin iyo mahiiga ka taliyaa ,walibana 15000oo ciidan gaalo ah ayaa jooga qaar magac diimeed ku qadhaabsanaya oo la yidhaa al shabaab,budhcad badeed,waar niman yahow somaliyeed ma waxa aad wadaan in aydun somaliland oo ah meesha qudha ee nidaam iyo nabadgalyo leh aad af libaax galisaan.waar naga xishooda dad bilaa caqliya ma nahine. bilaa caleeg

  13. Libaax Barri says:

    Somaliland wax gorgortan ah ma geleyso oo waa go’aan shacab, Somalia 21 sannay dambeeyaan markaa maxaan ku darsan ama la qaybsan karaa nin 21sanno iga dambeeya? asc.

  14. Kismaayo33 says:

    Nifaaqa siyaasadeed ee SNM meel gaadhi waa.

    Siilaanyo hambalyadiisa cid wax garanayso ama u naxaya qarankan adhaxda u jabay oo wax ka soo qaadi ayaa iska yar.

    Khiyaanada qaran ee SNM iyo Siilaanyo galeen waxay suganayaa dad Soomaaliyeed oo waddaniyiin ah oo ka jawaaba si dhab ah.

    Shariif hambalyadiisa qiimo badan malaha waayo waxaa uu yeelan waayey geesinnada uu ku odhan lahaa bugger off SNM thuggery claim. Hence. Somalia is, was and will be one.

  15. Kismaayo33 says:

    waxay sugaysaa

  16. as/c dhamaan bulshada somaliyeed malintan tariikh aha runtii waa maalin aad u qimo badan runtii wax xasusana tariikh dhereed la so gashay darwshita gumaystihi somalia tariikh sax somali ku faanto waa halkangii darwishta ninkan aqoon gabka aha ee wax ka sheegya khatumo waa darwish waa magac kaliya ku faanto somalida tariikh kale waan la socnaa umadaha qarkood inay u safnayeen qaar la jira gumaystaha iyo qarkale firka la qaba marka ninkan khatumo umadeed wax ka sheegya adeer reer khatumo waa la yaqaan wax ay yahiin waa hurmoodka umada somaliyeed labadan mamulka la jiranka waan la socnaa inay iyaga oo ka xun tariikh reer khatumo inay isku bahsyateen si dadkas loo dhibaayo una kashanaya gumaystayasha hada wadanka somalia ugu taliya sida dadaban malintii khatumo dhaltay waa taas umada somaliyeed isku so labtay oo dib loo midbooy taas aya wax walab marqati ka aha

  17. rooraaye says:

    s/dhamaan waxaan jeclaan lahaa inaan laga hordhicin wadahadalka sidoo roon rabaa og soomaaliyeey waxaan rabaa inaad weligiin fiirisaan marxalada ay ku jiraan dadka soomaaliyeed ducada badiya oo in soomaali ilaahey u naxariisto burcad badeed alqaacida qaswadayaal kuwa qabiil huwan dhamaan waxay ku herdamaayaan wadankii in kastoo dadka qaar ay dadaal wadaan inkastoo laga badan yahay markaa waxaa laga rabaa qof walboo soomaali ah inuu ka shaqeeyo waxa wanaagsan ilaah dartiis iyo wadankii dadka dhibaateysan oo wadanka ku nool

  18. xoghaye says:

    war mursalow dee dulqaadka iyo hagaag uhadalka ilaah hakuu kordhi taas bacdigeed midnimo waa muhiim hadii lakala go ana walaal nimo waa muhiim aad iyo aad baan kuugu mahadinayaah walal jira

  19. soomaal says:

    acs sual somaliya ma qaaradbaa maxaa loo kala goynayaa? intee ka le egtahay maraykanka baaxad alaahn iyo dad ahaanba? waa intee malyan somaliya? ….
    marka aad fiiriso somalidu sida ay u fakarayso iyo aduunka waxaad mooda in ay runtahay dark continental , naga daya habar habarta iyo oday odayga aad isku kala qaybinaysaan . waxad tihiin dadka afrikanka ugu qiimaha badan ugu firfircoon isku daya in aan ka fakartaan oo latartantaan aduunka. tustaan awoodina .
    suasha ugu danbaysa ..imisa somali ah aya xabsiyada aduunka ku jirta? yaase u dooodi kara. ileen habar habarta iyo oday odayga aad isku qaybiseen ayay ka midyihiin…

  20. Mahad says:

    Waxaa la yaab leh wadan dhan oo leeyahay mustaqbalkiisii baa laba nin qol hoosta uga xidhanaysa!!!!!
    What a joke!!!!!

Leave a Reply