Horyaalka Soomaaliya Intee Lakala Marayaa


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Wararkii ugu danbeeyay horiyaalka Soomaaliya kooxda Elman FC oo ah horyaalka Soomaaliya ayaa wali laga loodin la’yahay hoggaanka horiyaalka, kaddib markii ciyaartii ugu dambeesay ay 3 iyo 1 ku dubatay kooxda Horseed, ciyaar ka dhacday garoonka Jaamacadda ee magaalada Muqdisho.

Labada koox waa kulankii afaraad ee ay ciyaaran horiyaalka 37-aad ee Soomaaliya tan iyo markii uu bilowday labo toddobaad ka hor, horiyaalka kubadda cagta Soomaaliya, sannadkan waxa uu wataa xiiso iyo xamaaso gaar ah, waayo waxa magaalada Muqdisho hadda ay tahay mid ka soo roonaaneyso siddii ay ahayd 21-kii sano ee la soo dhaafay.

Kooxda Elman waxa ay hadda aruursatay ilaa 10-dhibcood, iyada ayaana hoggaanka horiyaalka 37-aad daadihineysa.

Ciyaartii Elman ay la yeelatay Horseed waxa goolka koobaad u dhaliyay Elman weerar yahankooda Maxamed Nuur Sharkey laakin waxa barbareeyay Cabdi weli Maxamed Maxamuud intaas kaddib waxa uu dhaliyay Sharkeey goolkii labaad halka goolka seddaxaad uu Elman FC u dhaliyay weerar yahankeeda kale ee Saciid Saalax Xussen, sidaasna waxa looga badiyay kooxda Horseed.

Shaley oo Jimco waxa ciyaaray kooxaha Badbaado iyo Saxafi waxana ay ku dhamaatay 1 iyo 0 oo ay guusha ku raacday kooxda Saxafi.

Hadaba horiyaalka sidan ayaa loo kala hoggaaminayaa

 
Rnk   Team MP W D L GF GA +/- Pts
1  Elman 4 3 1 0 11 3 8 10
2  Heegan 4 2 2 0 5 3 2 8
3  Banadir 4 1 2 1 7 5 2 5
4  Sahafi Hotel 4 1 2 1 3 3 0 5
5  Ports 4 1 2 1 5 8 -3 5
6  LLPP Jeenyo 4 0 4 0 2 2 0 4
7  Horseed 4 0 3 1 3 5 -2 3
8  Badbaado 4 0 0 4 3 10 -7 0

RBC Radio

———————————————-

Xafiiska Ciyaaraha Bariga Dhexe

 

Share

Tags:

Leave a Reply