Iska Horimaad u Dhexeeya Al-Shabaab iyo Beeralay oo ka Dhacay Agagaarka Janaale iyo Xiisad Weli Ka Taagan


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Janaale (RBC) Ugu yaraan labo ruux ayaa ku geeriyootay saddex kalana way ku dhaawacmeen kadib markii dagaal hub la isu adeegsaday uu shalay gelinkii dambe gobolka Shabeelaha Hoose ku dhexmaray ciidamo ka tirsan ururka Al-Shabaab iyo beeraley deegaanka ah.

Dagaalka ayaa ka dhacay tuulo ku dhow degmada Janaale halkaasoo ciidamada Al-Shabaab oo hoostaga maxkamad dhowaan Shabaabku sameeyeen  ay weerar ku qaadeen casarkii iyagoo sida la sheegay raadinayo beero ay sheegeen in dadkii lahaa laga qaaday.

Dadka dhintay ayaa labo ka mid ah yihiin beeraleyda dagaalka la gashay ciidamada Al-Shabaab iyadoo saddexda ruux ee dhaawacantay oo beeraleyda ka mid ah dhaawacooda loo qaaday degmada Marka, sida ay Raxanreeb u sheegeen dad ku sugan Janaale oo aan rabin in magacyadooda la shaaciyo.

Dagaalka dhexmaray labada dhinac ayaa salka ku haya go’aan dhowaan ka soo baxay maxkamada ‘Radul Madaalim’  oo micnaheedu yahay “Isu celinta waxyaaabaha la kala dhacay” oo Al-Shabaab ay dhowr bilood ka hor sameeyeen.  Go’aanka maxkamada ayaa amray in qaar ka mid ah beeraleyda Janaale iyo Qoryooley oo ka mid ah meelaha ay ku yaallaan dhul beereedka ugu badan gobolka laga qaado, sida la sheegayna waxay maxkamadu amartay in beerahaasi dad kale lagu wareejiyo.

Odayaal ku sugan gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku cawday in qaar ka mid ah saraakiisha Al-Shabaab ay maxkamada u adeegsanayaan inay dadka kaga qaataan beerahoda iyo guryahooda, sidaasi darteedna ay ku timid in dadka reer Janaale ay iska caabin sameeyaan maalintii shalay.

Xiisad mida Janaale la mid ah ayaa laga soo sheegayaa degmada Qoryoole oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Illaa hadda ma jirto wax war ah oo dhanka saraakiisha Al-Shabaab ee gobolkaasi ku sugan ay ka sheegeen dhacdadan, iyadoo weli wararka deegaanka naga soo gaaraya ay sheegayaan in xiisada weli ay taagan tahay ciidamadii Al-Shabaabna ay ku sugan yihiin meel magaalada Janaale u dhow.

 

RBC Radio

Share

Tags:

1 Response for “Iska Horimaad u Dhexeeya Al-Shabaab iyo Beeralay oo ka Dhacay Agagaarka Janaale iyo Xiisad Weli Ka Taagan”

  1. Aw Malaaq says:

    Beeraleydii dhulka lahayd ma aha ee waa kuwii xoogga ku haystey.Waa mooriyaantii gabanaysey ee dhul dad kale leeyay ku naallooneysey.
    Dhulkaas dadkii lahaa waa la gumaadey, la barabixiyey.Gabdhahooda, guryahooda iyo beerahooda xoog baa lagu haystaa. Indhacadde iyo maaryaantiis waxay ka baqayaan Alshabaab oo keliya oo Ilaahay ku soo sallidey markii loo caalwaayey. Alshabaab waa laga adkaaday ee
    wey u dhamaatey, masaakiintii xaqooda la biliqaystey ha la soo celiyo guryahooda, beerahooda, gabdhahooda , xoolihii laga dhacay iyo magtii dadkii laga laayey.
    Dadkii Soomaaliya sidan u galey Xamar bey dhoobanyihiin, TFG-da iyo Barlamaanka Mooryaanta iyagaa u badan yaa wax ka qabanaya oo cadaaladda horkeenaya????.
    Waxaan ka baqayaa in Mooryaantii uun loo kaalmeynaayo si ay u sii wadaan dulmigii..

    Taasi haddey dhacdo waxaanu leenahay, Ilaahow wax Alshabaab ka xun ku sallid.

Leave a Reply