Johnnie Carson oo Digniin Adag u Jeediyey Shakhsiyaad Ay Ka Mid Yihiin Wasiirada iyo Baarlamaanka Soomaaliya!
Nairobi (RBC) Kaaliyaha Waaxda Arimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Afrika Johnnie Carson oo shalay booqasho ku tagay magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyey wada hadalo uu la qaatay masuuliyiinta DKMG Soomaaliya.
Shir jaraa’id oo uu Carson xalay ku qabtay xarunta safaarada Mareykanka ee magaalada Nairobi ayuu ku sheegay in dawlada Mareykanka ay si cad ugu digeyso shakhsiyaad doonaya inay carqaladeeyaan hanaanka looga baxayo marxalada kumeelgaarka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in shakhsiyaadkaasi ay xitaa ku jiraan masuuliyiin ka tirsan dawlada Soomaaliya, gaar ahaan wasiirada iyo baarlamaanka.
“Waxaan cadeynay in aan marnaba aan loo dulqaadan doonin shakhsiyaadka doonaya inay ka horyimaadaan hanaanka nabadda ee looga guurayo marxalada kumeelgaarnimada, shakhsiyaadkaasi waxay noqon karaan dawlada dhexdeeda sida wasiirada iyo baarlamaanka iyo bannaanka dawlada intaba” ayuu yiri Carson.
Wuxuu intaa ku daray in talaabo cad laga qaadi doono cid kasta oo ka hortimaada hanaanka geedi socodka nabadda ee ku eg bisha Agoosto, waxaana talaabooyinkaasi ka mid noqon kara xayiraad dhanka fiisaha ah, xayiraada safarada ah iyo in la joojiyo dhaqaalaha shakhsiyaadkaasi ay leeyihiin.
Digniintan oo kale waxaa horey u soo jeediyey Qaramada Midoobay, IGAD iyo Midowga Afrika hase yeeshee tan Mareykanka waxaa ku cusub in dadka loo digay ay ku jiraan xitaa masuuliyiin ka tirsan DKMG ah ee hadda xafiisyada jooga, waxaana la hadalhayaa in ay arintan ay saameyneyso xafiisyada ugu sareeya dawlada.
Kulanka odayaasha dhaqanka
Johnnie Carson wuxuu cadeeyey inuu la kulmay xubno ka mid ah odayaasha dhaqanka Soomaalida ee shirka ku leh magaalada Muqdisho ayna ka wada hadleen geedi socodka diyaarinta dastuurka cusub.
“Waxay ii sheegeen in maalmo gudahood ama saacado gudahood lagu soo bandhigi doono dastuurka cusub” ayuu yiri Johnnie Carson oo wariyaasha ugu waramay safaarada Mareykanka ee Nairobi.
Mar uu kahadlay qaabka ay odayaasha u wadaan diyaarinta ergooyinka ansixinta dastuurka cusub iyo baarlamaanka inay tahay hawl muhim ah maadaama, buuyiri dalku uu ka baxayo marxalad kumeelgaar ah una gudbayo marxalad ka balaaran tii hore.
Safaarada Soomaaliya
Mar Carson waxaa la weydiiyey in Mareykanka uusan safaarad ku lahayn Soomaaliya wuxuuna sheegay in ay qorsheynayaan sidii ay u heli lahaayeen meel amni ah oo ay safaaradooda Muqdisho ka furtaan, haddii buu yiri, amaanka uu noo saamaxo.
Carson oo shalay tagay magaalada Muqdisho ayaa intii uu joogay caasimada Soomaaliya waxaa amaankiisa si weyn u ilaalinayey ciidamada AMISOM ee ku sugan xerada Xalane halkaasoo kulamo uu kula qaatay madaxda ugu sareysa DKMG ah ee Soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi












Ooh boy, Ooh Boy Farmaajo and company are in deep shit. Puntland was right when they said there are people in the government that is blocking the Road-Map. Now the Americans are on board, so Two Shariffs and Farmaajo company are on the spotlight……
Tuug la qabtay talo maleh, eey taagan tahay.
ACW ; Sheegi kara dadka loo digayo magacyadooda iyo Awoodoodaba waa ku wee kuwaasi? ma mogdisho uun bay joogaan mise maamulada kalae way ku jiraan maxaase laisku haystaa ,yaa ka dan beeya waxaan laga yaaban yahay?? fiicnaan lahaydaa in la soo gud biyo magacyada dad kaan dhiblaw yaasha ah’
macquulmatahay in laga gardaran yahay oo laba bahal isugu baaqday shaqyaadka la tilmaamayo madhicici karaysaa in dad wax garanaya la diidan yahay oo laga takhalusayo iyadoo wax magarato la rabo in lamaqaar saaro waxaas oo dhan faahfaahin baan uga baahanahay saxaafada iyo asxaabta ,Comments kaba mahadasanidin
waxa uu rabaa kaarsan reer puntland dadka madaxda ka ah oo kaba qaadka ah shacabka reer bari kama hadlayno kuwii itobiya keenay somalia hadana raba in malez zanawi uu adoonsado alla faroole iyo kooxda maamulkiisa maxay isbah dileen war madaxtinimo somali way u simantahay kaliya nasiibka ayaad ku hellee hadii rabi kuu qadaro dulinimo faroole ku ogow .