Kaba-Ku Tukade: Mooryaan Qabiilo ah,.. Hawiye, Daarood, Raxanweyn iyo Shayaadiin Ayaa Dalka Qabsan Doona (Dhageyso Hadal Ku Socda Qurbe Joogta)
Nairobi (RBC) Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise oo u magacdheer [Kaba ku tukade] oo ah gudoomiyaha Al-Shabaab ee gobolka Shabeelaha dhexe ayaa xalay hadal ku wajahan qurbe joogta Soomaalida ka jeediyey Paltalk iyadoo ay ku jireen dhalinyaro u badan kuwa taageera ururka Al-Shabaab.
Kaba ku tukade oo aad uga hadlay dagaalka ay Al-Shabaab kula jiraan DKMG Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM ayaa sheegtay in meelo badan ay guulo ka gaareen. Mar uu ka hadlay xaalada gobolka Shabeelaga Dhexe oo haatan ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM ku sii siqayaan ayuu sheegay inaysan Dawlada iyo AMISOM awoodi karin inay yimaadaan gobolka oo ay kala kuolmi doonaan dagaalo adag.
Wuxuu aad u dhaliilay dadka Soomaaliyeed ee qurbe joogta kuwaasoo uu sheegay inaysan gurmad siin Al-Shabaab sababo uu ku sheegay inay ka baqayaan in lagu caaamadiyo kooxaha loo yaqaano argagixisada Soomaaliya, in badan oo qurbe joogta ka mid ahna ay ganacsigooda iyo shaqadooda jecel yihiin.
Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!
Qabiilada
Kaba ku tukade oo ka hadlay qabiilada Soomaalida qaarkood iyo nidaamka awood qeybsiga ayaa yiri “Hadaan diinka ka tagno waxaa na maamuli doona mooryaan qabiilo ah Hawiye, Daarood, Raxanweyn iyo shayaadiin ayaa na maamuli doona”.
Wuxuu u sheegay dhalinyarada uu kula hadlay Paltalk in aysan dalka ku soo laaban karin haddii aysan gacan ka geysan dagaalka ay ku jiraan ururka Al-Shabaab.
Wuxuu sheegay in ciidamada Ethiopia ay bilaabeen inay isaga baxaan gobolada dhexe taasoo uu ku sheegay jab soo foodsaaray Ethiopianka.
Wuxuu ku tilmaamay dagaalka ay Al-Shabaab kula jirto DKMG ah iyo AMISOM mid u dhexeeya ummado, wuxuuna intaa ku daray in toddoba dawladood ay u soo dagaal tageen Soomaaliya.
Kama uusan hadlin wiil uu dhalay Sheekh Kaba ku-tukade oo lagu magacaabo Axmed Sheekh Kaba ku-tukade oo dhowaan ku biiray DKMG ah kaasoo meell fagaare ah ka sheegay in uu ogaaday in Al-Shabaab ay dad badan laayeen si xaq darro ah waxa ay ku dagaalamayaana aysan shaqo ku lahayn diinta.
Hadalka Kaba Ku-tukade uu ka jeediyey Paltalk ayaa ku soo beegmay xilli ururka Al-Shabaab ay baneeyeen degmooyin ka mid ah gobolada Shabeelaha Hoose, Hiiraan iyo Galgaduud isla markaana weeraro culus ay weli kaga imaanayaan DKMG oo kaashaneysa AMISOM, kenya iyo Ethiopia.
HALKAAN GUJI KANA DHAGEYSO KHUDBADII KABA KU-TUKADE
RBC Radio
















waani taagi jirey mar hore aniga….lakiin waxaad la soo baxdaan waji wax fool xun aaan la maqlin……. wiilkaaga ayaa markhaati ku ah……………Soomaliya maanta ka bacdi Dr Mahiga ayaa xukumayo dalka soomaliya
ma hada ayey ogaadeen khawaarijtu in ay ubaahan yihiin markii lalaha war kadaya muslimiinta dhiigooda wale taasi waxay cadaynaysa in ay jabeen hadi laga sii qabsadona kismayo iyo marka waa kudaayeen allahay haka qabto umada muslimiinta
Raxanreeb, qabiilka dadka commentiga dhiibtaa waa ka tirtaane maxaa habaar qabe kaba ku tukade qabyaaladdiisa u soo qoreysaan? Qabyaaladdu Somali lafaha ayey kaga jirtaa wadaad, mooryaan, sheikh, suldaan, madaxweyne, sarkaaill, kulli qabiilku waa ku abuuran yahay. marka iska daaya tirtirku waxba celin maayee. U soo qora dadka kalena qabyaaladda ay qorayaan. Bulshada Somaliyeed tabar kale ma hayso oo aan ka ahayn in qabiilka cay iyo afla gaaddo laga ciil beelo.
sheeqow horta diinta waxma kataqaan adigu?hadaad diin ilaahey taqaan maxaad wixii alla kufarey uhareer mareysaa oo hawadaadu kuu hogaamineysaa ?
kabakutukade waan hubaa oo waan hubaa boqolkiiba boqol iniinaan dal qabasaneenin waayo adduunku maahan sagaashmeeyadii 1990 faham ama hafahmin. marka waddanka iyo dadka u naxa yeesan niman dhufees raba inay idinka dhigtaan oo dal iyo dad kawanaagsan kasootagay yeesan hambada dadka soomaaliyeed kahartay sii baabi’inin oo dalka iyo dadka dhibu uma harine joojiya waxaad kujirtaan , ilaahay kacabsada shabaabow oo noqda mucaarad isusoosharaxa sida xisbiga ikhwaanulmuslimiinka masar oo kale—-asc
Al-shabaab waa xaqiiq iney guuleysanayaan, jabka hada ku yimidna waxay u qadanayaan lesson learn, ayagoo itaas ka xoog badan iney soo laabtaan ayaan idin tusin, WAR QOF DIIN KU DIRIRAYA GAAL KAMA GUULEYSAN KARO
Kaba Kutu Kade (KKK) maxaa loo weydiin waayay in wiilkiisa uu yiri waxa ey Alshabaab wadaan diin ma’aha, xasuuq beyna shacabka kuhayaan? Alshabaab kismaayo iyo marko hadii laga qabsado waa kudaayeen. Sanadka cusub ee soo socda waxaan rajeyneynaa in Alshabaab gabi ahaanba dalka laga ciribtiro insha allah.
Kabo-Ku-Tukade waxaad tahay dambiile weeyn oo xalaashaday Dhiiga ummadaha Ilaahay (swt).Haddii nolol lagugu qabtana dambigaagu waa in lagu jar-jaraa adigoo wali nool.Waayo adiga iyo inta kula rayi ahba way jar-jaraan dad an cidna wax u dhimin.Gacan ku dhiigle,shaydaan dhiigya cab
Somalidu nooca dawlad ee ay rabaan yaa sheegi kara?maamul shacbi ah waan soo aragnay tuugo tuugo lagu daray.maamul askari waan soo aragnay dil dil lagu daray maamul islami ah waan aragnay nabad iyo cadaalad caburin wadata laakiin caburintu maxay diinta ka qabtaa?waxaan nahay ummadda kaliya ee aan wadaniyad lahayn garasho aad yar leh qofka somaliga maba yaqaan maxaa dan u ah shaqsi ahaan marka haddaad diidaan diinta (shabaab ama suufi)amxaaro waxaad ka heshaan cidna wax haka siinina sababtoo ah damiir xumadeena wiil somali ah islam ah dalkiisii jooga iyo nin ajanabi gaal ah xoog ku yimid marnaba iskuma daalinayo kee saxan AMISON ha baxdo Itobiya ha baxdo shabaabow bedela oo joojiya waxa shacabka ka qaylisiinayo.Shacabow ogaada wixii ayaadka alle ku xusan gorgortan ma leh ee umada islam aha ayaad tihiine qaata aayaatka alle ama diinta ka baxoo ha la idin la macaalino sidii dad aanay khusayn diinta
Adaa sheydaan mujrim mulxid sindiiq mushacbid khawaarij ah in shaa Allah waa lagu qabamdoonaa mardhaw
qabiilada aad sheegeyso dalka ayaa iska leh, waxyahow hamatul hammaga ah, ayagana u dambeyn maamulkiisa iyo mustaqbalkiisa ee adigan calooshiis- u -shaqeysta ah maad ku quus-qaadatid sida ay xamar idinkaga reysatay, wanaagga iyo horumarka ka socda, magaalo walba oo gacantiina ka baxda sidaas ayey idinkaga reysaneysaa, ee maanlaaweyahow intay goori goor tahay yemen meel aad u marto raadso, haddi kale adoo waran ayey ku dawan doonaan dadkii aad ajartay. waa iga talo.
asc sheeqow waanu kaa qaadanay waanada ee ilaahay hakaa sawaabiyo ee sheeqow waxaan ku su’aaley ilaahay xaqiisa maahan inaad qabiilkeena magaciisa ku sheegtid sheydaan sow sheydaan ilaahay ma nacaladin oo ku yiri nacalatula calayk sow wax dhib badan maaha hadey sheydaan lagu sheego qabiilkeenu sow kaagana maad ku sheegtid inlee kaaga mooryaan baad ku sheegtay keena maxaad sheydaan ugu sheegtay miyaadan ilaahay ka baqeynin ,waxaa laga yaabaa inaad qabiilkaaga u taqaanid mooryaan laaakiin ilaah baa wax kaa oronaya waxaad nagu sheegtay ,
wa bilaahi towfiiq
Shiikhoow intii aysan ciidamadaan iman dalka 20kii sano ee sida
Xawayaanka Soomaliya qofba qofka kale cunayey, 30 isbaaro magaalada muqdisho
Amni la’aantu sidee kula ahayd?
150 askari dad ku caawiyey dal amnigiis soo celinteed waxay u yimadeen inay dal Qabsadaan
Ciddee baad u sheegaysaa shiikhow aayaadka diintu maaha La jiifiyaaba bannaan.
Meelo kale inaad u jihaad tagtaan ma Isku daydeen please
adigu kabawaynow horta yaatahay daarood iyo hawiye iyo raxanweyn waa dad somali ah adigu foolxumo badanow naacda orodoo bagastaan la aad wiilashaadii ayaa ku arkay in aadan waxba oqoonin oo aad tahay juhulo cawaan hadaad aqoon leedahay futadaad madow kudhaqo somali umabaahna odookale