Khutbadii Dr. Maryan Qaasim iyo murugaday reebtay. W/Q Cabda


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Khutbadii Dr. Maryan Qaasim iyo murugaday reebtay
Cabda Cabdullaahi
cabda12@hotmail.com
Juunyo 08 2012

Waxaan dhegaystay Khutbad ay ka jeedisay Dr. Maryan Qaasim xaflad la yiri waxaa lagu maamuusayay urur la yiraahdo Tayo oo la sheegay inay Maryan u tahay guddoomiye.

Ugu horayntii waxaan Allaah SWT ka baryayaa inuu Xaqqa ina tuso oo inaku sugo, baadilkana ina tuso oo inaka fogeeyo.

Intaas ka dib waxaan jeclahay inaan wax yar is dul taago arrimo aan isleeyahay aad bay khatar ugu yihiin bulshada Soomaaliyeed oo muslimka ah guud ahaan, gaar ahaanna dumarka Soomaaliyeed. Cilmigu haddii si qaldan loo adeegsado waa ka khatar badanyahay jahliga. Qofkaan cilmi lahayni naftiisuu khatar ku yahay, laakiin qofka wax bartay ummadduu khatar ku yahay, waa hadduu u adeegsado aqoontiisa dhanka qaldan.

Waxaan bilaabay inaan dhegaysto khutbadda kor ku xusan, anigoo si wayn u xiisaynaya, inaan arko gabar soomaaliyeed oo dhakhtarad ah, diinta islaamkana wax badan ka garanaysa, wuxuuse xiisahaygii murugo isu badalay markay kusoo gabagabaysay khutbadeedii hadalada soo socda:

Waxay tiri Dr. Maryan, iyadoo la hadlaysa haweenka Soomaaliyeed, kana hadlaysa diinta islaamku xaqqa ay siisay dumarka, “waxaan hadda laydinka dhaadhicinayo iyo gurigiinna ku jira waa been”.

Waxay kaloo tiri ” markay ayeeyooyinkeen ka qayb qaadanayeen gobanimadoonkii waxba ma ay baran, sidee u aqbasheen maanta oo aan wax baranay oo aynu nimid Ameerika iyo Yurub in gadaal laydin mariyo oo guryaha ku jira laydin yiraahdo”, waxay ku celcelisay see u aqbasheen?

Waxay kaloo tiri inta gacan u taagtay meel aan u fahmay inuu fadhiyay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, hayeeshee aanan arkayn, “this is your chance, haddaad taageertaan waxaad arkidoontaan gabar Soomaaliyeed oo Madaxweyne ah, Ra’iisul wasaare ah iyo haween Soomaaliyeed oo saas ukala hagaya Soomaaliya”.

Intaas ka dib waxaa isqabsaday sawaxan, haween muraaqaysan baa kusoo yaacay oo isugu daray waxyaalo ay korka ka saaraan, dhunkashooyin iyo waliba isku duubid, iyagoo muujinaya siday ugu faraxsanyihiin hadalkeeda ah guryaha kasoo baxa. Gabar haweenka ka mid ahayd baa waxay tiri “doktooreesa cidlay naga heleen” waxaan u fahmay inay ka wadday ragga waxa cidlada ka helay!

Dr. Maryan Qaasim waxay hadalkeedii sii raacisay, “Nabigu CSS haweenka waa la baayactamay, waa run laakiin su’aashu waxaa weeye muxuu kula baayactamay? Waa tan aayaddii baycadii uu Nabigu CSS la galay dumarka (60:12) ee walaalayaal gabdhaha Soomaaliyeedow si fiican u dhuuxa macnaha heshiiskii uu Nabigeennu CSS la galay saxaabiyaadkii oo ay tahay inaynu ku dayanno. Maaha in diinta iyo hawadeennu iska keen dhex galaan, arrintaasi waa khatar adduun iyo aakhiraba!

Waxaan xusuusinayaa Dr. Maryan Qaasim, Allaah baa faray dumarka muslimiinta inay guryahooda ku sugnaadaan, kana reebay inay isu bandhigaan sidii is bandhigidii jaahiliga qur’aan (33:33). Nabiguna CSS sidaas oo kale wuxuu faray gabdhaha inay guryahooda laasimaan markay dan u baxayaanna iyagoo asturan baxaan. Ma Allaah iyo Rasuukiisaa CSS been sheegay?

Tan kale, labada tusaale oo aad u soo qaadatay si aad gabdhaha ugu qancisid inay guryaha kasoo baxaan, labaduba waxay tilmaamayaan in dumarka muslimiintu gurya ku jiraan; Balqiisa markay muslintay Nabi Suleimaan CSS wuxuu ku yiri qasrigaas (gurigaas) gal qur’aan (27:44), Umu Salamana Allaha ka raali noqdee, Nabi Muxammad CSS teendhaday ku jirtay buu ugu galay!

Xishoodka, waajibaadka iyo xuquuqda qofku isma diidaan. Haweenkii Maraykan iyo Yurub baa si badan u soo muslimaya, ee ma waxaad ugu yeeraysa gabdhaha muslimiinta ah inay u daba maraan hooggay kasoo carareen? Dumarka muslimiintu waxay xaqooda raadsanjireen iyagoo xishoonaya Qur’aan (33:35) (58:1-4) gabdho xaqoodii dalbaday bay ku soo dageen.

Dr. Maryaney ma qaadikartaa, maalinta Rabbi Wayne la hortagayo, dambiga dumarka aad ugu yeeraysid inay Allaah iyo Rasuulkiisa CSS khilaafaan qur’aan (16:25). Dumarka looma diidin inay adduunka ka qayb qaataan laakiin waa iyagoo gaws dambeedka ku haysta diintooda.

Dumarka Soomaaliyeed waxaan ugu naseexaynayaa, wakhti adag baa la marayaa ee aan aad isu ilaalino, Allaha inaka xafido duufaanaha dhacaya. Ilaah waxaan waydiisanayna inaynaan ka mid noqon qolada aayadahani ku rumoobaan (2:166-167). Cid kasta oo jidka Allaah jidaan ahayn inooku yeertaa waa halaag iyo hoog ee aan feejignaano walaalayaal!

Waxaa la yiri gabar yar oo iskuul dhigata baa macalimaddeedii waxay aad ugu dhibtay xijaab ay xirayd yartu oo lagu soo tarbiyadeeyay. Waxaa yiri maalin baa gabadhii yarayd adkaysanwayday oo iska oyday. Markaasay macalimaddii waxay si kulul u waydiisay maxaad u ooyaysaa? Waxay ku jawaabtay gabadhii yarayd “yaan maqlaa ma adiga mise isaga”? Markaasay tiri macalimaddii aniga la garaye waayo isagu? Waxay tiri gabadhii yarayd “WAA ALLAAH OO IFARAY INAAN XIJAABKA XIRTO”. Waxaa la yiri macalimaddii inta oyday bay iyadiina xijaabkii xiratay.

Sheekada gabadha yar iyo macalimaddeedu waxay tusaale u tahay sida qofku u qaldamikaro isagoo daacad ah. Sidaas daraadeed waxaan ugu naseexaynayaa walaashay Dr. Maryan Qaasim inay Allaah uga toobad keento qaladkaas wayn.

Waxaa kaloo wax lala yaabo ah, gabdhaha Soomaaliyeed ma guryo ay ku jiraan bay haystaan maanta! Sootii raggoodu ka saareen guryahoodii, oo sow kuwa dibed yaalka ah oo ku dayacan, iyaga iyo ubadkoodii, daafaha dunida!

Haddii u jeedadaadu tahay wax barta oo shaqeeya, adduunkoo dhan baa la yaaban kartida dumarka Soomaaliyeed, Allaah baana ku mahadsan. Waxaad ogtahay in dal iyo dibedba dadka Soomaaliya hayaa ay dumarka yihiin, wax barashadii inay kaga horeeyaan wiilasha. Arrintaasna waxaa sal dhig u ah islaamka oo ka ilaaliyay gabdhaha inay suuqyada macna darro u wareegaan.

Waxaan isleeyahay, dhibta u wayn ee haweenka haysataa waa iyagoo aan ku kalsoonayn haweennimadooda. Ninka mujrimka ahi wuxuu ku kalsoonyahay inuu nin yahay, maxaa dumarow inaka qaaday kalsoonidii? Tusaale, Dr. Maryan waxay iska dhigaysaa inay daafacayso xaqqa dumarka, laakiin waxay xayisiinaysaa nin iyadoo ku tumanaysa sharaftii Allaah iyo Nabigiisu CSS siiyeen dumarka?

Waxaa igala wanaagsanaan lahayd adigoo Dr. Maryaney yiraahda, haddaad Maxamed Cabdullaahi Faarmaajo taageertaan, wuxuu ku maamulidoonaa dalka shareecada islaamka, wuxuu ka shaqayndoonaa sidaad guryihiinnii ugu noqonlahaydeen. Gabdhaha Soomaaliyeed waxay baahi wayn u qabaan inay guryohoodii ku noqdaan oo dib u helaan meekhankii Allaah siiyay. Waxay ahaanjireen marwooyin la maamuuso oo midiidin u adeego maantana ….!!!

Kalmadda kale oo ah, this is your chance, gabdhaha muslimiinta ah fursaddoodu maaha qof ay doortaan ee waa dawlad islaam ah oo hogaanka qabata, sharafi ugama horayn dumarka soo saariddii Nabi Muxamemed CSS, ugamana dambayn dumistii Dawladdii islaamka.

Waxaad ku run sheegtay inay diinta islaamku siisay dumarka xuquuq aad u badan, sharaf wayna huwisay, laakiin sharafta waxaa ka mid ah inay ka dhawrsadaan wixii aan ku habboonayn abuurkooda.

Waxaad kaloo ku run sheegtay waa simanyihiin ragga iyo dumarku laakiin waa kala duwanyihiin adoo adeegsday “they are equal but not identical” markhaatiga ilaa wayn sinaantaas waa aayadan (24:6-9). Waxaadse Dr. Maryaney dhinac martay in sida abuurkoodu u kala duwanyahay xuquuqdooduna u kala duwantahay; qof walba meesha waajibkiisu ku culusyahay baa xaqqiisuna ku badanyahay, waxaa tusaale u ah hooyada xaqqa Allaah iyo Rasuulkiisu CSS siiyeen siduu uga badanyahay kan aabaha la siiyay.

Haddaan in yar jaleeco waxa dalkeenna ka dhacay, waa oraah caalami ah “haddaad aragtid nin wanaagsan naag wanaagsan baa ka dambaysa, laba nin oo laka saariwaayay naag baa kala saarta”. Waa run, laakiin ninka xun yaa isaga ka dambeeya? Lama inkirikaro inaan dhibtu halkaas gaarteen haddaan haweenka Soomaaliyeed ka qayb qaateen waxa dalkeenna ku habsaday.

Tan kale, waxaan aaminsanahay dulmiga gabdhaha laga galo hooyaduu ka bilawdaa; iyadaa kala hormarisa wiilka iyo gabadha. Isla waynanka hoosta ka qaawan oo wiilkana hooyaa kusoo barbaarisay, boqolow baad tahay, maxaase ka dhashay! Raggu haweenbay kasoo dab qaataan, ee haweenow ka bilaaba guryihiinna inaad bartaan carruurtiinna miisaanka Allaah oo ah, inaan lagu kala sarayn abuurka ee lagu kala sareeyo sida Allaha Sarreeya loogu kala dhawyahay (49:13). Ilaah uma abuurin labka iyo dhadigga inay tartamaan ee wuxuu u abuuray inay isku lamaanaadaan oo is kaamilaan, adduunkana sidaas ku camiraan, Allaah SWT baa ka dhigay wax kasta oo uu abuuray lamaane si ay manfac u yeeshaan.

Dr. Maryaney, waa su’aale goormay gabdhaha Soomaaliyeed guryo ku xiraanjireen? Runtii walaal wax badan baad is dhex yaacisay!! Malaha waxaa ku wareerisay siyaasad ku sheega Soomaalida oo aan madaxa iyo majaha lahayn!!

Xaqqa Allaha ina waafajiyo,

cabda12@hotmail.com

 

==========================================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

10 Responses for “Khutbadii Dr. Maryan Qaasim iyo murugaday reebtay. W/Q Cabda”

  1. Waayo-arag soomaaliyeed says:

    Maasha Allah
    Waa maqaal wax laga faa’idayo, Alle kheyr hakaaga abaalmariyo. Kuwa kale ee wax soo qora waxaan kula talin lahaa sidan oo kale wax u soo qora AMA iska aamusa.

  2. Yusuf Ibrahim Dhegataag says:

    Jihaadku markaasuu xaq yahay. Iyada iyo key wadato Farmaajo waa la og yahay waa dad diinta xataa aan ahayn kuwa ay qunyarsocodka ku sheegaa. Waa nin iyo naag fog. Waa in aannu ku jihaadnaa. Wallaahi dhallinyarada lagu goobtay markaasoo kale ayaan gar siiya jeclaadaana.

  3. Cuqba bnu naafic says:

    Jazaa kallah khayral Jazaa.mudane waa waa waano gacal Allaha SWT hanu gu anfaco.gabdhaha soomalida iyo dhamman musliminta xishood iyo xijaab Allaha ku arzaaqo. ALLAHUMA AAMIN.

  4. Aw Malaaq says:

    Is she a feminist zealot ?.

  5. mansha lahu walahi waa wax jira runtiina waa dhibato kale oo horle oo umada dibudhicii hore kadib timid waxan maqlijiray somaliya waxaa markaynabad noqoto kuso labanaya dad mactab qaba oo dhahay waxana hay so mali mantana tiiba soo sun sunaysa,
    Dr Maryan ilah ha wa fajiyo xaqa!!
    waxan kula dar dar mayah dhaman Hablaha somaliyaded ilah in uu fahansiiyo xaqa siiba kuwa joga qurbaha Yurub Iyo America waxa ay gadal maren xaji iyo xijabkiiba ilahow no gar gar yarabi ilaho la an tod ma jireyne no xafid ilaho hablahan ku dhaqanahee noo dhoowr

  6. Subxaanalaah.
    Xaasidnimo iyo wax isu quurid la’aan ayaa Soomaaliya halkay taalo dhigtay. Dad buka oo qabiil la buka ayaa markasta isku dayaya inay xataa wanaagga xumaan u badalaan. Khudbada Drs. Maryam waxaa weeye khudbad haddii maskax caafimaad qabtaa daawato ay ku raaxaysanayso, laakiin qof jiran waa u xasaasiyo. Walaasheen Aayado iyo qisooyin ayay soi aroorisay, taariikho ayay ka hadashsy, cilmi baddan oo ay hayso ayay habeenkaad qaado ka dartay. Murugadda khudbaddu kuguma reebin ee xaasidnimo ku haysa oo sidda qoraalkaaga lagga dareemayo aad xisbigga iyo Faramaajo u hayso ayaa kugu reebtay. Gabadhana waxaad is leedahay usii mar xagaas, laakiin waxaad fahamtaa in nacaybku uu ninkiisa dhibo. Alle Subxaanuhu watacaalaa xaqa hakugu duwo. Allena ka xishood oo adoo dad colaynaya ha iska dhigin Inaad xaq bayaaminayso.

  7. Calasoow says:

    war waxaas anaga hanoo sheegina. dumarka somalida qayb weyn ayeey ka qaateen burburka iyo dhibaatada dalka……..bal fiiri ayeeyo Adna Aadan waxay ku hadlayso iyo siday caayda somalida ay ajanabiga ugu beerlaxawsaneeso

  8. gubada'ay says:

    waxay diintu ina faraysaa hadalka dhagayso oo intiisa wanagsan qaado marka drs maryan anigu markaan dhagaysay waxay iila ekayd qof dhanka diinta si wanagsan u istimalaysay wiliba waa qof asturan oo xijaab wayn ayeey xirnayd marka qoraaga hadalkii xoogaha inay cadifad qabil jirto ayan u qatay balse haday dhab ka tahay waxan leeyahay illahay hakaa ajarsiiyo qoraalkaaga niyadada say tahayna hakugu abaal mariyo

  9. Birjeex. says:

    @ Cabda Cabdullaahi:

    Inkastoo, aanan dhageysan hadalkii Dr. Maryan Qaasim, balse, aan ku kalsoonahay siddaad u xigatay.
    Qofka siyaasiga ah waxaa u muhiim ah siddii uu kursi ku fuuli-lahaa, Maryan-na kama duwana.

    Waa runtaa oo gabar soomaaliyeed nina guri ku xiri jirin, ama ha qabo, ama ha dhalo, ama ha la dhalato,
    wax kastana oo wanaagsan xor bay u ahaayeen, karaamo iyo sharaf-na ku lahaayeen.

    Hadalka Dr.Maryan wuxuu i xasuusiyey sheeko Soomaaliyeed: Waxaa la yiri nin jaahil ah ayaa aabbihi
    xaas da’yar oo dhaqmaad gal ah, oo dhowr sano ka hor uu xooggaa geel ah ka bixiyey, iyo tobaneeyo
    hallaad ayuu ka dhintay.

    Ninkii naagtii aabbihi ka dhintay ayuu damcay in uu xareysto oo naag ka dhigto,
    waxaa lagu yiri, ” Ma geydid naag-na kuuma noqon karto”, wuxuu ku warceliyey, ” Yaa yiri”, waxaa loogu
    jawaabay, ” Kitaab Alle”, Wuxuu ku warceliyey, ” Kitaab Alle dantay ma oga”, naagtiina waa xareystay.

    Ninkaas waxay la ahaan weydey in uu mid kale geel ka bixiyo iyadoo taasi joogto. Hadalka Dr. Maryan
    soo ma suureeyo sheekada ninkaas, ” Kitaab Alle dantay ma ogee mar uun kursi isaar”.

    Dumarka Soomaalieed Dr. Maryan ma khaldi karto, maxaayeeley, ( Cabda Cabdullaahi) oo miiran ayaa
    buuxa. Farmaajo waa sakhsi fiican waana u ololleyn kartaa, ayaduna damac waa yeelan kartaa oo taas
    waxba kuma jabna. Balse, luuq iyo laami kala fiican.

  10. mohamed osman says:

    anigu waxaay ila ahayd drs. maryan inay ka hadalaysay wax wanagasan. lkn intiina qabiil iyo qof jeclaysi wax ku mucaaradaysaa ama ku taageeraysaa allah ayaa qalbigiina og. ALLAH ha na waafajiyo mida san. anigu drs.maryan gabar somaliyeed oo muslim ah in badan oo idinka mid ah na ka badisa aqooonta diinta iyo maadigaba ayaan u arkaa amaba ay tahay. marka walaalayaal marwalbo aan xaga wanagsan wax ka fiirino. MAHADSANIDIIN.

Leave a Reply