Kooxda Elman Oo La Wareegtay Hoggaanka Horiyaalka Kubadda Cagta Soomaaliya (Wabixin & Sawirro)
Muqdisho (RBC) Waxa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya si habsami leh uga socda tartanka horiyaalka 37-aad ee kubadda cagta Soomaaliya oo ay ku loolamayaan ilaa siddeed koox oo ah heerka koobaad.
Horiyaalka oo hadda socda ku dhawaad seddax toddobaad, waxa ciyaartii ugu xiisaha iyo xamaasada badneyd ku dhexmartay garoonka Jaamacadaha ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho kooxaha Elman FC oo ah kooxda difaacaneysa koobkan iyo naadiga FC Dekadda oo ka mid ah kooxaha ku jira kala horreynta horiyaalka Soomaaliya.
Ciyaartaas oo dhacday galabnimadii Isniinta wax afar iyo waxba ku badiyay kooxda Elman, waana guul daradii ugu weyneed ee soo gaartay kooxda Dekadda tan iyo markii horiyaalka 2012-ka uu fumay.
Labada koox inta aysan ciyaarin wax mid kasta uu lahaa min afar dhibcood, oo cida badisa waxa ay si toos uu xaar-xaaran lahayd hoggaanka horiyaalka.
Ciyaartaas oo ay ka soo qeybgaleen dad aad u fara badan, waxa ay ku bilaabatay jawi wanaagsan kuna soo dhamaatay.
Ciyaarta marka ay bilaabatay ayaa kooxda Elman FC waxa uu u suura galay goolkii koobaad taas oo uu dhaliyay daqiiqadii 46-aad, waxana dhaliyay weeraryahanka kooxda Elman iyo xulka qaranka Soomaaliya Sacad Saalax Xuseyn sidoo kale daqiiqadii 48-aad waxa goolkii labaad kooxda Elman u dhaliyay Maxamed Nuur Sharkey waana qeybtii labaad ee ciyaarta.
Dadaal kasta oo ay sameeyeen kooxda Dekadda waxa ay noqdeyn kuwa aan suuragalin wax goolal ah, taasna waxa ay fursad siisay ciyaaryan Sharkey in uu dhaliyo goolkii 3-aad iyo midka 4-aad, kuwaas oo kala dhashay daqiiqadihii 67-aad iyo 86-aad ee qeybtii labaad ee ciyaarta, sidaasna ay guusha ku soo dhamaatay ciyaarta Isniinta ee dhexmartay kooxaha Elman iyo FC Dekadda.
Labada weerar yahan ee u ciyaara xulka qaranka Soomaaliya Sacad Saalax Xussein iyo Maxamed Nuur Sharkey ayaa ilaa hadda afar gool dhaliyay ayaa hoggaaminaya kala horreynta horiyaalka labaduna waxa ay u ciyaaran kooxda Elman FC.
Laakin weeraryahanka kale ee xulka qaranka Soomaaliya Cabdi Caziz Maxamed Cali Hoomey oo qudhiisa ka tirsan Elman sanadkii horena horiyaalka Soomaaliya ku guuleestay gooldhinta ayaa iska leh ilaa hadda gool, ka hor inta aysan bilaaban ciyaartii Isniinta waxa uu saxaafadda u sheegay in uu dhallin doono ilaa afar gool, laakin taas ma hirgalin.
Horiyaalka kubadda Cagta Soomaaliya ayaa hadda noqday mid aad looga hadalhayo caasimada iyo deeganada ku xeeran, waayo dhallinta ayaa maalintii ku sheekeesanaya horiyaalka Soomaaliya habeenkiina horiyaalka kubadda cagta Yurub ee ka kala dhacaya Ukrain iyo Poland.
Sidoo kale magaalada waxa yimid dad badan oo horrey uga barakacay iyo qurba joog dalka dhowr sano ka maqnaa kuwaas oo ku faraxsan xaaladda caasimada oo soo hagaageysa.
RBC Radio
============
Xafiiska Wararka Muqdisho















[...] Read more here: Kooxda Elman Oo La Wareegtay Hoggaanka Horiyaalka Kubadda Cagta Soomaaliya (Wabixin & Sawirro) [...]
aaway garoonkii stadum mogadishu waata lagu dheelayee.garoon xaafadeedka