Kulan Xiiso Badan Oo Ka Tirsanaa Horyaalka Soomaaliya Oo La Ciyaaray
Muqdisho (RBC Radio) Ciyaar ka tirsaneed ciyaaraha heerka koowaad ee horyaalka Soomaaliya ayaa la ciyaaray galabta waxaana ciyaartaasi ay ahayd mid xiiso badan.
Ciyaartaan ayaa waxay dhexmartay kooxaha Heegan iyo waliba Saxafi FC, waxaana ciyaartaan u soo daawasho tagay dadweyne badan oo ka kala yimaaday xaafadaha magaalada Muqdisho.
Ciyaartaan ayaa waqtigii loogu talagalay waxay ku soo idlaatay 1-0 oo ay guushu ku raacday ciyaartoyda kooxda Heegan, isla markaan looga adkaaday kooxda Saxafi FC.
Guusha ay gaareen ciyaartoyda Heegan ayaa waxay ka dhigaysaa in ay ka mid noqdaan hogaamiyaasha ciyaaraha heerka koowaad ee horyaalka Soomaaliya.
Naadiga Saxafi ayaa haatan waxay leedahay Labo dhibcood oo kaliya halka kooxda Heegana ay gaartay Todobo dhibcood, marka lagu daro sadaxda dhibcood oo ay galabta heleen.
Ciyaaraha heerka koowaad ee Soomaaliya ayaa haatan waxay marayeen meel aad u xiiso badan, waxaana ciyaarahaan daawada dadweyne badan oo ka kala yimaada deegaanada kala duwan ee magaalada Muqdisho.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho











[...] Continue Reading: Kulan Xiiso Badan Oo Ka Tirsanaa Horyaalka Soomaaliya Oo La Ciyaaray [...]