Laascaanood: Garsoorihii Maxkamada Gobalka Sool oo Xalay La Dilay


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Wararka ka imaanaya Degmada Laascoonood ee Gobolka Sool ayaa waxay sheegayaan in halkaasi lagu dilay Garsoore Axmad Dhuun kalax

Wararka ayaa waxay sheegayaan in kooxo ku hubaysan bastoolado ay dileen Axmed Dhuun Kalax oo ahaa Garsoore ka tirsan Maxkamada gobalkaasi Sool.

Waxaa la sheegaya xiliga la dilayay marxuumkaan in uu ku sugnaa goob Maqaaxi oo lagu daawanayay ciyaar xiligaasi socotay oo ka tirsaneed ciyaaraha qaramada qaarada Yurub.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in ay halkaasi ka baxsadeen kooxaha dilka geestay, iyadoona aanan ilaa iyo iminka aanan la garanaynin.

Saakaay ayaa lagu wadaa Marxuum Axmad Dhuun kalax in lagu aaso degmada Laascoonood oo lasheegay inay tahay degmo siwayn loogu yaqaanay Garsooraha.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Tags:

3 Responses for “Laascaanood: Garsoorihii Maxkamada Gobalka Sool oo Xalay La Dilay”

  1. [...] Read the article: Laascaanood: Garsoorihii Maxkamada Gobalka Sool oo Xalay La Dilay [...]

  2. @ to raxanreeb. Degmada laascaanood ee gobolka sool. Maxaad uga jeedaan. Laascanood degmo ma aha ee waa gobol.
    Gobolka sool magaalada laascanood sidan ayaa saxa.

  3. qabqabsey says:

    YES
    Magaalada Madaxda Gobalka sool ee wadanka Somaliland

Leave a Reply