Lixda Saxiixe & Lixda Argagixiso ee la Raadinayo. W/Q Axmed Takar
Lixda saxiixe iyo Lixda Argagixiso ee la Raadinayo
Ahmed A.Takar
takar77@hotmail.com
Juunyo 26 2012
Inta la xasuusan yahay weligeeg kama dhicin somaliya hogaamiye somaliyeed oo inta fagaare soo istaaga cod dheer kaga dhawaaqa inuu fashilmay ama khaldamay, hogaamiyahaasi ha ahaado mid urur-diimeed amase mid hogaamiye kooxeed,ama mid hogaamiye beeleed , amase mid hogaamiye xisbiyeed ,ama hogaamiye guud (madaxweyne).
Hadaba Su,aashu Waxay Tahay :
Madaxda somalidu miyeysan asalba khaldamin ? Mise dhaqanka soomaalida ayey ceeb iyo meel-kadhac ku tahay in qofku qaladkiisa qirto? Mise khalad ay u jeedaan ayey mid kale oo kadaran ku saxaan? Waa su,aalo runtii u baahan jawaab waafiya iney ka bixiyaan madaxda soomaalidu kuwo hore iyo kuwo haatan joogaba.
Taariikhda ayaa na bareysa wax-qabadka ama fashilka qofkasta oo soo maray hogaaminta Soomaaliya oo hada taas ma doonayo inaan ku dheeraado.. waxaanse jeclahay inan wax iska weydiino xaaladda maanta taagan iyo ragga hor-boodaya.
Laba asbuuc ka hor ayuu Mareykanku soo saaray liiska ragga argagaxisada ah ee uu madaxooda dul dhigay malaayiinta doolar.. Raggaan oo ay haboooneyd iney somalidu iska qabato intaan mareykanba la gaarin ,, waayo rag fashilmay oo u taagan laynta iyo lugooyada ummada Soomaaliyeed.
Waxaa iyaguna jira rag kale oo aan kuwaas ka dhib yareyn oo isku magacaabay LIXDA SAXIIXAYAASHA, oo maalinba meel lagu shiriyo ,raggaan oo badankooda lagu eedeynayo lunsashada hantida ummada iyo iney yihiin rag fashilmay oo mid waliba jeebka ku wato dano u gooniya iyo dowlado shisheeye oo dabada ka riixaya.
Raqda kii dhigay iyo kii la yiri reerka orod caymi, Iyo dhagar-qabahan soo rucleyn iima kala roona.
Hadaba waa su,aale LIXDA saxiixe iyo LIXDA argagaxiso ee la raadiyo , keebaa u roon Soomaaliya?
Ahmed A.Takar
==========================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM















[...] Read More: Lixda Saxiixe & Lixda Argagixiso ee la Raadinayo. W/Q Axmed Takar [...]
Ina takar……Maxaa u geestey inuu Alshabab ku biiro…………haduu mardhow ka soo waan toobi waayo…Liiska argagaxisada ayaa lagu darayaa
Axmed A.Takar.–xoogaa shilimaad ayaa gaal kuu tuurayaa markaas ayaad habeenkii oo dhan heesaysaa.–Argagixiso-waa maraykanka aad shilimaadka ka qaadatid-argagixiso-waa Male zanawi
-Argagixiso waa ugandha iyo burundhi iyo kenya-iyo inta ushaqaysa sida shariif iyo gaas iyo inta ay isku kabo yihiin. kuwa aad argagixiso ku sheegaysid waa kuwa ugu khayr badan soomalida. markhaati waxaa u furay gaalada lacagta duldhigtay. lacagta la duldhigay laftigeeda ayaa markhaati ah.
Waa is raaci karaane allow yaa isla raafa waan ka raysan lahayne
AC
Marka laga reebo hal mas’uul, waase kee kaasi? Idinkay idin taal inaad heshaan kuu yahay mas’uulka qirtay qaladkiisii uu ka galay ummadda. Qaladka oo la qirtaa waa qofnimo, geesinimo ee maaha dadnimo xumo, waa arrin waafaqsan diinta islaamka sida TOOBADKEENKA.
Khayrka Allaha ina badbaadiyo,
Muslimah if you are single, will you marry me?
6 da saxiixayaasha ah dadkoodaa doortay mana dhuundhuuntan lkn 6 da argigixiso yaa doortay jwb sax ah wataas
lix xisabisayeh is xisaabih hada isu aragtay in aad saxsan tahay horta yaad daba socotaah yad daba socotay 22 sano oo tagay waxaan ubaah in aad u soo taagneyd danbiyo badan oo lagalayoh ood raali ka ahayd waaseh kula dagtay maantay ee wadada laguu jeexo raac waa iga talo
Asc. Lixda dolad ku sheega iyo lexda argagixisada lagu shegayba umada somaliyeed wax dan ah uma hayaan waxaan alle ka baryenaa nasri dag dag ah in uu na siiyo aamiin aamiin. Soomaaliya waxaa ka maqan cadalada iyo wadaniyada markii runta loo yimado wax alle ka cabsanayo ma jiraan inta alle kacabsiga uu naga maqan yahay nabaduna wey naga maqantahay somali oo dhan wey is dishay way is dhehen wey is kufsaden wey is boben wax ey isu rebteen ma jirto waxaas oo dhan alle wuu saamaxayaa hadii niyad saafi ah lala yimado lesna cafiyo allena loo noqdo qalbigana laga saro rer hebal iyo rer hebal markas alle wuu nacafinayaa ahdii alle idmo soomaali hadii UN iyo EUro aad nabad soomaali ku naloto ka sugeysaa wax badan waad sugeysaan illahey khuranka karimka ah ayuu nogu shegay in gaal usan rali ka noqaneynin ilaa isaga oo kale noqataa ama aad iska celisaa iska celis dhab ah kheer iyo nabad ayaan idiin rajenayaa soomaaliyey .