Ma mudan yihiin reer South Africa in Soomaaliya lagu koolkooliyo?


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

ma mudan yihiin reer south africa in somaliya lagu koolkooliyo?
wardoon@journalist.com
Juunyo 23 2012

Soomaalida waa xoolo dhaqato reer guuraa noloshooduna inta badan soo gelida magaalooyinka iyo xiligan casrigaa ka hor waxaa ay ku tiirsanayd dhaqashada xoolaha, waxayna lahayd hab dhaqan soojireena deegaan walibana waxaa uu lahaa xeer iyo xaajo qaad u gooniya, inta badana waxaa ay marka dhibaato timaado xeerin jireen maxaa ka dambayn kara, waayo hadii aad deegaankaaga dhibaato ka gesatida beri waxaad mudan kartaa dadkii aad dhibaataysay, taasina in badan ayay bulshadaas ku xambaari jirtey in wixii maata dhaca laga xeer samaysto.

Nin reer cadale ah ayaa waxaa lasheegay in uu deegaankisa xoolaleey reer aadan yabaal ah ku xumeeyey, isaga oo daba maray xeerkii labadaasi deegaan, hawada ayaa loo marsiiyey tix shiriba oo loogu sheegayo xeer jebintiisa iyo in ay reer aadan yabaal mar uun hali doonaan waxaana lagu yiri USOO AROOR AADAN YABAAL ABAALNA KUUMA ERGANEE.

Qormadaydu waxay ku socotaa maamulka iyo howl-wadeenada DKMG ah oo naf iyo maalba u huray shakhsiyaad reer south africa ah oo afduub lagu hasto, su’aashuse waxay tahay ma istaahilaan shaksiyaad reer south africa in loo daadiyo dhiiga ciidanka somalida laguna kharash gareeyo hanti soomaaliyeed.

Abaal ninkii gudi karaa loo galaa, xiligii gumaysigu haystey south africa wanaagii iyo abaalkii somaliya u gashay maaha wax 1000 qormo xataa lagu soo koobi karo, waxayse taas noogu bedeleen inay muhaajiriinta somalida ah Gubaan, Gowracaan, Dhacaan, Xabsiyada dhigaan, una geystaan dhibaato heer waliba leh haday ahaan lahayd dowlada south africa iyo haday ahaan lahayd shecabkooduba.

Arintaana waxay ahayd i laga dhigo USOO AROOR AADAN YABAAL ABAALNA KUUMA ERGANEE. Imisa muwaadin soomaaliyeed ayaa sabab la,aan lagu dilay south africa, imisa hanti ah ayaa lagu dhacay imisa muwaadin soomaaliyeed ayaa xiliga yaala xabsiyada south africa maxaa qorshaa aa ay DKMG ah ee maanta labada shaqsi badbaadintoodu la weyn tahay ka leedahay dhibaatadaas baaxada leh ee joogtada u haysata muwaadiniinteeda.

wardoon@journalist.com

==========================================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

12 Responses for “Ma mudan yihiin reer South Africa in Soomaaliya lagu koolkooliyo?”

  1. [...] Read the original: ma mudan yihiin reer South Africa in Soomaaliya lagu koolkooliyo? [...]

  2. Qobey says:

    Ma waxaa rabtaa inaad isla meeldhigto habar iyo oday xoriyadoodii laga qaadey oo dhaqan walba nafarayo in la ixtiraamo oo waliba diin teena wanaagsan ee Islamka nala kubaray,Dadkaan aad leedahay waa soomali oo waxaa lagu wax yeeleyay South Africa waa runtaa lakiin ma is weeydiisay maxaa loo laayaa oo loodhacaa loo gubaa ? Markaa intaa baaritaan kusameyso Soosax qoraalkaaga, Waa ceeb dhaqan xumo in marwalba wa dankeena xeebahiisa lagu wax yeeleyo Dumar, Ciyaal & Odayal,

  3. Taleexi says:

    South Africa sidii aan ugu lisnay nooguma hanbeyn qaranka soomaaliya abaal kii uu kulahaa waxay noogu gudeen in ay dadkayaga dalkooda magangalyada ku jooga ku xasuuqaan oo Si waxashnimo ah u dilaan ayagoo qaar nolosha ku guba qaarna qasha oo xubnaha jidhka ugu muhiimsan kala baxa. Waxaan aaminsanahay in aan soomaaliya lagu koolkoolin dhiiga ciidankana in soo furashadooda loogu daadiyaa waa xaaraan. God Bless my beloved Somalia!!

  4. Ali Soomali says:

    Haddii ay nagu abaal dhaceen ma aha inaan ka aar gudanno ee waa inaan tusnaa inaan ka bani’ aadasan nahay, oo markii horeba anagoon aqoon ayaan afrikaanimo iyo dhibaatadooda oo na dhibeysey asxaan ugu sameyney, maantana yaan ka shaleynin abaal aan geysaney ee aan danteena fiirsanno aan sameyno mustaqbal wanaagsan oo hadana ay noosoo muhan karaan.

  5. saidoow says:

    Waxaan filayaa ineey ku jawaabi lahaayeen Maamulka Dowlada iyo wasiiradooda hadalkaan Haa “waa istaahilaan sababtoo ah waa Dowlad walaalaheena ah iyo shacabkooda” marka damiir xumadda qofka soomaalida ayaa maanta meeshaas maraya, sababtoo ah waxaa weeye dhulka balaayada ka dhacday Soomaaliya ma jiraa maanta Qof soomaali ah oo xuquuq ku leh waddanka Somalia ? Meelkasta maanta Somalia qof soomaali xuquuqdiisa 100 % ku heesta maleh: Mid qabiil loo takooro, mid diin been laga sheegayo qoorta loogu jarro, mid la dhaho gabdhiisa mala guursan karo , mid la dhaho asaga dhan ba 4,5 kg xuquuqda aaway. Marka Soomaaliyeey ha sugina meel kale inaad xaquuq ku heshaan South Africa xayawaanka ayaa ka wanaagsan ruux soomaali la dilo. Daanyeer dhintay baa Channels laga sheegayaa suu u dhintay, Soomaalida almost 800 dhalinyaro ayaa lagu dilay ama ka baddan yaa ka gubtay cidna, ayagiina waa ku sii socdaan meesha lagu dhameenayo, marka cawaam hadaad utagto waxii kugu dhaco adaa ka masuul ah, oo cawaamna kuu taliso.

  6. dulmane says:

    MAYA ANIGA MA QABO IN LA KOOLKOOLIYO MANA QABO QOF MASKIIN AH IN LA DILO TAN DIINTA DIIN OGOL DULMI MA JIRTO SIDA AAN FILYO IYAGOO DIIN MASIIXI AH BAAN HAYSNAA AYAY DILAAN MAALIN KASTA DAD MASAAKIIN DIINTEENU WAA RAXMA BALSE S/AFRICA MA WANAAGSANA SHACAB IYO DAWLAD BA

  7. ahmedpunt---------- says:

    waan caraysnahay oo waan carooday waayo soowd afrika managa istaahilaan soodhaween iyo afrikaanimo walaalnimo ,midda kale waxaan markasta isweeydiiyaa dadkaan xoolaha camal maalinkasta loo’laynayo oo dukaamadoodii lagubayo oo dukaamadoodii ayagaoo hurda qaarkood lagu gubay oo ragii jiifay goor habeennimaa iyo hantidoodiiba la’isla gubay meeshaasna ku dambas beelay iyo kuwo kaloo ayagoo goorhabeenimaa dhex jiifa kontineerkii u ahaa dukaanka inta korka looga xiray dabadeedna baabuur lagu jiiday badda lagu riday iyo kiisas kaloo aad ooyayso haddii lagaaga sheekeeyo marka waxaan is’weeydiiyaa dadka soomaalidaa mawaalan yihiin war waxa maalin walba dhibta loogu sameenaayo oo sowd’afrikaan aan naxaynin oo aan aqoon qaxooti iyo afrikaanimo maxaa dadka soomaalidaa meesha kudhajiyay adduunku waa ballaaranyahay may waddankooda hooyo ee soomaaliya hormarshaan oo kashaqeeystaan ,marka su’aashaydii jawaabteedii waan helay markii aan fakaray waxayna noqotay ciidii hooyo ee soomaaliya baa habaartay ,waxaan anigu talo kusoojeedin lahaa imaan allaa uur buuxshee waddanka hooyo ha’la aamino oo si nabaddu iyo horumarku u timaado dadku hantida nayroobi lagu dhisaayo oo waan hubaa aakhirkii keenyaati baa kacayrsan doona iyo south’afrika iyo meelaha kaloo afrika iyo dubay intaba waxaan leeyahay soomaalaay wadani matihide waddani noqo ‘

  8. Abdihakim says:

    Aniga waxay ila tahay marnaba inayna mudnayn wax wanaag ah in loogalo bulshada south africa waa cadow aanan laga cadaw sanayn waana waraabe aanan xuquuqul insaanka aqoonin qof kasta ee soomaalinimo kujirtaayu hadii uu arki lahaa sida muhaajiriinta soomaaliyeed loogu xasuuqayo marna damiirkiisu masiiyeen inuu haba yaraatee u calool jileeco shakhsi koofur africa kasoo jeedo aniga hada waxaan joogaa south africa hadii aan wadankaygi hooyo kunoqdo qof south africa kayimid sidii aan u dhibaateeyaba waan dhibaatayn waligayna cafin maayo aanadoodana waa mid aanan harayn sagaashan sano ama boqol sano haduu uu allaah i gaarsiiyo caruurtayda xataa waan u dardaarmi inay ka aargoostaan hadaad arki lahaydeen qubuuraha soomaalida ee xaafada malabo magaalada port elizabeth waxaad garawsan lahaydeen xasuuqa south africa ay u gaysatay bulshadayada inuu ka weyn yahay midka itoobiya ay gaysatay waxaadna arkaysaa qubuuraha soomaalida inay magaalo aad u balaaran noqdeen kuwa lagubay iyo kuwa ladhacay iyo kuwo laqashayba nooc kasto oo gabood fal ah ayey kula keceen dadkayagii qaxa ku yimid halkaan marna anigu koleey aanadooda qalbigayga kama suulayso waanan aar goosanaynaa inshaa allaah

  9. Amina says:

    Soomaalida ka shaqaysata South Africa anaa tegey oo indhahayga ku soo arkay dhowr magaalo xataa waxan soo arkay Dukaan sedex wiil lagu dhex gubay ,dadku waxay kala yihiin dad dukaama kuleh magaagalada dhexdeeda oo ladan oo wax haysta dadkaas lama dilo lamana dhaco dukaamaduna waxay leeyihiin alram qaylinaya hadii la taabto markaasna policeku imaado,dadka ladilose waa dad dukaamo ka furtay meel magaalada ka baxsan oo cadaanku madowga deji,yaan oo layiraahdo location waa meel buulo buulo ah oo baaba’a oo aad ka naxeysid dadka ku nool say u dayanyihiin,meeshaas dadka gaajoonaya ay joogaan ayey soomaalidu Dukaano ka furtaan,dee nin gaajoonaya oo derbigiisa nin ajnebi ahi waxku gadanayo markaas ayey baangado soo qaataan dadkiina dilaan xoolohoodiina dhacaan policena ma iman karo oo amaan maleh cadaanku nin walba bastoolad buu haystaa gurigiisana alarm baa ugu jira,dadkaas madow gaana nolol xunbay ku nool yihiin oo shaqana lama siiyo cadaanka ayey booyiso u yihiin wadanka dhaqaalihiisana waxa kala haysta Holandes iyo British. Baadiyaha wadanka oo dhan silig baa ku wareegsan oo meel banaan ma leh oo ay beer ka qotaan dhamaan waxa iska leh wiil cadaana,sidaas ayaa soomaalida loo yaayaa

  10. Husni says:

    Walal dadka south africanka ah waa dad fiican, ee soomaalida ayaan usless ah, hadaad xaqiiqda rabto.

    Somalida ayadoo aad looga ixtiraamo South afrika gudaheeda ayaa waxaa halkaas gaaray sannadihii u danbeeyey, dad fowdo ah oo Madaxweynihii dhintay C.hi Yuusuf Xamar ka so caryriyey.
    Dabadaded dadkaas fowdo ku korka ah ayaa si xun oo qaab daro ah ul a dhaqmay dadkii wadankaas u dhashay, sida iyagoo dukaamo ku hor gooyey ganacsatadii south afrikaanka ahayd iyo iyagoo haweenkii ka faraxumeeyey. Markas aniga oo kunool south afrika waxay iigu muuqataa khaladka inaan annaga leenahay.

  11. Aw Malaaq says:

    Dadka aad la hadlaysaa ma dawladda Konnfur Afrikaa mise madowga cawaanta ah ee ku bahaloobey cadaadiskii iyo quursigii gumeysigii caddaanka?

    Dawladda Koonfur Afrika haddey tahay eed kama gelin qaxootiga Soomaaliyeed, iyo malaayiinka Afrikaanka ah ee ay u fasaxdey dalkeeda . Malaayiin reer Zimbabwe ah ayaa ku nool Koonfur Afrika oo maalin kasta waddooyinka lagu laayaa.

    Waxa dadka laaya ma aha dawladda ee waa shacab madaw ah oo ay cuqdadi ka buuxdo oo isir nacayb iyo xaasidnimo la ildaran. Waa dad aan aqoonin sida loo shaqaysto oo dulli ku noolaa weligood …

    waxay ka gubanayaan qaxootigan soo galootiga ah oo shaqo iyo beec mushatar kaga hormarey oo iyagii muwaadiniinta ahaa ka nolol fiican.

    Reer Zimbaabwe iyo qaxootiga Afrikanka ah oo idil waxaa loogu laayaa Koonfur Afrika si bahalnima ah oo Soomaalida ka daran.
    Sida xaafadaha madowgu degaan ee mareykanka oo kale booliisku kuma degdegaan xaafadaha madawga Koonfur Afrika. Waa dad khatar ah .

    Waa kuwaas wax ma garad ah kuwa aad abaalka u geysatey ee aan u soo dagaallamaynay inay xornimo gaaraan. Miyey ka warhayaan inaad beri uun u soo hiileysey ama jiritaanka wax lagu magaacabo Soomaaliya oo beri dawlad ahayd oo hiil iyo hooba la garab taagnayd markey gumaysiga ku jireen ?.
    Waa maya.!!!!!!!!
    Tan kale waa dembi weyn, waa cayb iyo asluub xumo inaad dad musaafir ah aad jidgooyo u dhigatid oo aad ku gumaadid dhulkaaga.Dhaqan Islaanimo iyo mid Soomaalinimo toona ma aha Qaadicu Taiiqnimada. In laga sii daayo inta ku jirta gacanta burcadda, cid kastaba ha ahaadaane, habkasta ha loo adeegsadee waa waajib diini ah.
    Saaxiib kala garo sax iyo qalad kala saar bad iyo webi….

  12. abdi says:

    somalidu iyaga dhiibta iskuguwacaan intaytageen dhuulshisheye ayay hadana ganacsigi dadka dulxarashayaan oo ay qimihi kirada duukaanku kukiraysna mulkilaha uga dhigayan labajibaar taas ayaa keentay in qoofki ganacsigisa dhuulka lalagooyey inu wax dilo taas hakawaantoban somalidu.

Leave a Reply