Maamulka Gobalka Hiiraan Oo Beeniyay In Ciidamada Itoobiya Ay Ka baxayaan Gobalkaasi


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Maamulka Gobolka Hiiraan ee Dowlada KMG Soomaaliya ayaa beeniyay in ciidamada Itoobiya ay ka bixi doonaan gobalka Hiiraan ee Bartamaha Soomaalya.

Maalmihii ugu danbeeyay ayaa waxaa soo baxayay warar sheegayay in ciidamada Itoobiya eek u sugan magaalada Beledweyne ay qorshaynayaan in ay halkaasi iaga baxaan.

Axmad Cismaan Cabdala Inji oo ah gudoomiye ku xigeenka  maamulka gobalka Hiiraan ayaa beeniyay in ciidamada itoobiya ee jooga gobalka Hiiraan ay kanoqon doonaan.

Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Hiiraan Axmad Cismaan Cabdala Inji ayaa sheegay in waxba kama jiraan ay yihiin wararka sheegaya in Beledweyne ay ka jiraan dhaq dhaaqyo ay ku baxayaan ciidamada Itoobiya.

Wuxuu sheegay in ciidamada Itoobiya ay joogi doonaan gobalka Hiiraan ilaa laga saaro gobalkaasi kooxda Al-Shabaab ee ka soo horjeeda dowlada Soomaaliya oo wali ku sugan qaybo ka mid ah gobalkaasi Hiiraan.

Dhinaca Kale Inji ayaa kawarbixiyay in howlgalo ay kusoo qabteen Waxyaabo qarxa iyo Mid kamid ah dadkii wax kamaleegayay shirqoolka qaraxa.

Ciidamada dowlada KMG Soomaaliya ee gobalka Hiiraan ayaa shalay waxay gudaha u galeen guri kuyaala magaalada Beledweyne oo ay sheegeen in lagu abaabulayay walxaha qarxa.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

2 Responses for “Maamulka Gobalka Hiiraan Oo Beeniyay In Ciidamada Itoobiya Ay Ka baxayaan Gobalkaasi”

  1. [...] More: Maamulka Gobalka Hiiraan Oo Beeniyay In Ciidamada Itoobiya Ay Ka baxayaan Gobalkaasi [...]

  2. khaalid says:

    RAXANREEB WAXAAN IDIIN SHEEGAYAA CIIDAMADA JOOGO GOBOLKA HIIRAAN WAAA== CIIDAMADA MAAMULKA GOBOLKA HIIRAAN… SIDAAS WARKA USOO QORO WAAYO CIIDAMADA JOOGO BALADWAYNE WAA CIIDAMADA MAAMULKA GOBOLKA HIIRAAN. SIDAAS XAQIIQDA U QORA.. WAX CIIDAMADA DOWLADA FEDERALKA AH MA JOOGAN HIIRAAN. XAQIQDA WAA TAAS SOMALI WAA FEDERAL GOBOL WALBANA MAGACIISA AYAA KU MAGACAABAN MARKA SIDAS OGAADA.. CIIDAMADA MAAMULKA GOBOLKA HIIRAAN AYA JOOGO BELEDWEYNE

Leave a Reply