Madasha Daljir Oo ka Digtay In La Lumiyo Madaxbanaanida Iyo Qaranimada Wadanka (Warsaxaafadeed)
Muqdisho (RBC Radio) Talooyin lagu hagaajinayo habka looga bixi lahaa kumeel gaarka Madasha Daljir waxay weli taageersantahay in la soo afjaro xilliga kumeel gaarka ah waxaana u aragnaa in ay lagama maarmaan tahay in dalka la gaarsiiyo dawlad joogto ah oo haysta waqti ugu filan in ay wax ku dul dhisto guulihii laga gaaray arrimaha Amniga iyo horumaintaba saddexdii sanno ee la soo dhaafay.
Qarannimada & Midnimada Soomaaliya:
??Qarannimada iyo midnimadda Soomaaliya waa muqaddas, dadka Soomaaliyeedna ma aqbalayaan in dawladnimadooda loo beddelo maamul hoosaad. Sidoo kale waxaan diidannahay isku day walba oo lagu doonayo in lagu qaybiyo oo lagu kala googooyo Soomaaliya.
Qabyo qoraalka dastuurka & Golaha ansixinta dastuurka:
1. Qabyo-qoraalka dastuurka la sii daayey 2010kii oo ah kan keliya ee si rasmi ah banaanka ugu soo baxay siyaabo badan ayuu uga fiicanyahay Axdiga ku meel-gaarka ah ee dalka lagu maamulo.
2. Sidaas oo ay tahay, waxaan aragnaa in loo baahanyahay in wax laga bedelo qaybo ka mid ah qabyo-qoraalka dastuurkan iyo weliba habka la doonayo in si qarda jeex ah loogu ansixiyo.
3. Waxaan soo jeedinaynaa laba talo oo ansixin ku-meelgaar ah lagu gaarsiin karo Dastuurka.
a. In qabyo-qoraalka dastuurka ay ansixiyaan guddiga odayaashu u soo xulayaan (Constituent Assembly): Waxaan soo jeedinaynaa in talaabooyinka soo socda la tix geliyo si loo hubiyo in waqtiga loogu talo galay loogaga boxo ku-meel gaarnimada:
i. Qabyo-qoraalka dastuurka waa in loo soo bandhigaa Culumada Islaamka ee Soomaaliyeed lana siiyaa waqti ay talooyin wax lagaga saxayo ku soo jeedin karaan; talooyinkoodana lagu daraa qabya-qoraalka dastuurka.
2
ii. Sidoo kale, qabyo-qoraalka dastuurka waa in loo soo bandhigaa Odayaasha Dhaqanka fursadna loo siiyaa inay wax ka weydiiyaan guddiga khubarada dastuurka iyo guddiga madaxa bannaan ee dastuurka; kadibna talooyinkooda lagu daro dastuurka la horgayn doono golaha ansixinta dastuurka.
iii. Guddiga khubarada Dastuurka iyo Guddiga madaxa banaan ee dastuurku waa in ay doortaan qaybaha ugu xasaasiyadda badan qabyo-qoraalka dastuurka (6-9 qaybood) kana diyaariyaan sharraxaad la soo fududeeyey oo ay u soo bandhigaan odayaasha dhaqanka iyo golaha ansixinta dastuurkaba. Qaybwalba waa in ay cadeeyaan waxa ay ku fiicantahay iyo waxa ay ku xuntahay, dawladaha isticmaala nidaamkaas, waxa ay kala kulmeen, iwm. Tani waxay fursad u siinaysaa inay odayaasha iyo golaha ansixintu go’aamadooda ku dhistaan iyakoo haysta xog farabadan.
iv. Qaybaha dastuurka ee aadka ay ugu qaybsanyihiin bulshada Soomaaliyeed waa in dib loo dhigaa oo loo daayaa in Baarlamaanka cusubi uu ka doodo kana soo talo bixiyo.
b. In qabyo-qoraalka dastuurka ay ansixiyaan xubnaha baarlamaanka cusub inta ka horaysa August 2012:
i. Iyadoo la tixgelinayo in aan ilaa iyo waqtigan ayan qabyo-qoraalka dastuurka cusub ee dhamaystiran arag shacabka Soomaaliyeed, culumada iyo odayaasha dhaqanka;
ii. Iyadoo la tixgelinayo in xukuumadda weli ka sheeganayso dhqaale-xumo ku aaddan wixii lagu hirgelin lahaa ansixinta dastuurka;
iii. Iyadoo la tixgelinayo waqtiga kooban ee loogu baahanyahay in la soo bandhigo, lagaga doodo, wax looga bedelo, kumeel gaar ahaanna loogu ansixiyo dastuurka cusub inta ka horaysa August 2012;
iv. Iyadoo la tixgelinayo culayska abaabul ee ay leedahay in la maareeyo 825ka xubnood ee Golaha ansixinta dastuurka, looguna sharxo qabyo-qoraalka dastuurka iyo arrimaha la xiriira oo dhan; waxaan soo
jeedinaynaa sida soo socota:
1. Si loogu dhamaystiro ansixinta ku-meelgaarka ah ee dastuurka cusub inta ka horaysa 20ka August, 2012, odayaasha dhaqanka ha iska daayaan xulitaanka 825ka xubnood ee Golaha ansixinta dastuurka.
2. Odayaasha dhaqanku ha u gudbaan soo xulidda dad aqoontoodu sarrayso oo noqda xubnaha baarlamaanka cusub. Xildhibaanadan waa in dhakhso loo dhaariyo oo ay
iyagu horay u guda galaan hawshii guddiga ansixinta dastuurka kana mira dhaliyaan sidii lagu ansixin lahaa daastuurka cusub.
3. Xubnaha Baarlamaanka cusub ahna Golaha ansixinta dastuurka waa in lagu kabaa aqoonyahanno iyo khubaro dastuurka gacan ku siiya soo bandhigidda iyo ka doodista iyo faaiidada iyo khasaaraha ku jira waxa ay kala dooranayaan.
4. Baarlamaanka cusubi wuxuu xaq u leeyahay in uu wax ka bedelo qabyo-qoraalka dastuurka, ansixintiisuna waa hawsha ugu horaysa ee u taalla Baarlamaanka. Tani waxay keenaysaa in sida ugu dhakhsiyaha badan looga boxo xiliga kumeel gaarka ah.
Soo xulidda labad aqal ee Baarlamaanka cusub:
1. Tirada xubnaha baarlamaanka cusub waa in laga dhigo 275 oo ay kuligood soo xulaan odayaasha dhaqanka. Waa in ayan jirin xildhibaanno ay iskooda usoo xushaan saxiixayaashu.
2. Odayaasha Dhaqanka ee ku kulansan Muqdisho waa in ay noqdaan aqalka sare ee Baarlamaanka sababaha hoos ku qoran awgood:
a. Soo jeedintan ah in odayasha dhaqanku noqdaan aqalka sare waxaa isla qaatay ka soo qayb galayaashii shirkii bulshada rayidka ee Istanbul II ee Turkiga ka dhacay May 27–31, 2012, waxaana isla qaatay, odayaasha dhaqanka, culumada, aqoonyahnnada, dumarka, dhalinyarada iyo shakhsiyaad Soomaaliyeed oo la yaqaan.
b. Odayaasha dhaqanku waxay khibrad badan u leeyihiin arrimaha Soomaaliya iyo taariikhdeedaba, waxayna yihiin kuwo aad u daneeya badbaadinta Soomaliya iyo mustaqbalkeedaba; markaa ku-dhex jirkooda siyaasadda Soomaaliya iyo awood ku haboon oo la siiyaa waxay wax badan taraysaa ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan waqtigan lagu hawshan yahay sidii loo soo noolayn lahaa dawladnimadii Soomaaliyeed.
Waxaan aragnay in meelihii lagu awoodsiiyey Odayaasha dhaqanka ay nabaddii ku soo noqotay.
c. Soo xulidda guddiga ansixinta dastuurka iyo xubnaha baaralamaanku waxay khatar ku keeni karaan nolosha odayaasha dhaqanka hadii oodda laga qaado marka laga dhamaysto danihii qaranku ka lahaa. Waxay noqonaysaa mid aan cadaalad iyo caqlitoona ahayn in duurka lagu sii daayo odayaasha dhaqanka oo aan ognahay in ay qolyaha xagjirka ahi ku handadeen in ay ugaadhsan doonaan haday hawshan ka qayb qaataan.
4
d. Odayaasha dhaqanka oo laga dhigo aqalka sare ee Baarlamaanka waxay hubinaysaa in ay si xamaasad leh u dhamaystiraan waajibkooda qaran oo ah soo xulidda golaha ansixinta dastuurka iyo baarlamaanka cusub. Waxaan ognahay in qaar ka mid ah odayaasha dhaqanku ka cudur daarteen ka soo qayb galka shirka Muqdisho iyagoo naftooda u baqaya.
Guddiga Farsamada:
1. Guddiga farsamada waa in aan la siyaasadayn oo soo xuliddiisa loo daayaa Odayaasha dhaqanka.
2. Dad la yaqaan oo aan siyaasadda socota dan ka lahayn waa in loo doortaa hawshan. Halyeeyo Soomaaliyeed oo magacaabistoodu abuurayso in loo wada riyaaqo kalsoonina dadku ka qaado ayaa si sahlan loo heli karaa.
3. Waajibadka iyo awoodda xubnaha guddiga farsamadu waa in la caddeeyo shacabkana loo soo bandhigo.
4. Dawrka ay leeyihiin xubnaha guddiga farsamadu, ee ay si gaar ah u soo xusheen saxiixayaashu, waa in uu si cad ugu ekaadaa hubinta aqoonta xubnaha Baarlamaanka ee odayaashu soo magacaabeen, dembi cad inay soo galeen iyo tirada dumarku inay dhamaystiran tahay. Waa in ayan guddiga farsamadu faragelin ku samayn doorashada odayaashu soo sameeyeen; una isticmaalin xilkooda inay ugu cad-gooyaan siyaasiyiintii booskan u soo magacaabay.
5. Gol-daloolka ogolaanaaya in dad aan dugsi sare dhamyn loo ogolaado inay Baarlamaanka xubin ka noqdaan oo sida lagu qiimaynayaa ay tahay mid aan cilimiyaysnayn waa in ayan tiradoodu ka badan boqolkiiba 5% xildhibaannada ka imanaya beelaha ee ku salaysan habka awood qaybsiga 4.5.
Warbaahinta Qaranka inay noqoto mid loo siman yahay:
1. Radiyo Muqdisho, Taleefishanka Qaranka Soomaaliyeed (SNTV) iyo Wargeyka Dalka waa hanti Soomaaliyeed oo dadka ka dhexaysa loona baahanyahay in si is le’eg looga faaiidaysto.
2. Murashaxiinta u tartamaaya xafiisyada sare ee dawladda ama ha ahaadaan kuwa markaa kursiga ku fadhiya ama kuwa cusub ee danaynaya in ay kuraastaas gaaraan waa in ay si is le’eg uga faaiidaystaan warbaahinta dawladda. Warbaahinta dawladdu waa in ay si isku-mid ah uga warrantaa hawlaha, kulammada iyo shirarka ay leeyihiin xisbiyada iyo ururrada siyaasadeed ee ay dawladdu isbahaysiga kula jirto iyo kuwa ayan kula jirinba.
5
Guddiga Madaxa bannaan ee Xalinta Khilaafaadka:
Guddi madax banaan oo ka kooban 25 oday dhaqan waa in ay yeeshaan awood buuxda oo ay xal ugu helaan khilaafaadka ka imaan doona xulidda xubnaha Baarlamaanka, doorashooyinka iyo wax walba oo dhamaystirka kumeel gaarnimada la xiriira. Guddigan oo kale waxaa si guul leh loogu isticmaalay Arta, Djibouti wuxuuna ka hortegi karaa dhibaato ku timaadda hawsha socota.
*** DHAMMAAD ***
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho











Waa talo soo jeedin macquul ah dowladana waxaan rajeynayaa iney ku dhaqmi doonto talooyinka fiicfiican ee dalku u baahan yahay sida tanoo kale.
Thank you Daljir Forum
waa in laisgu soobaxaa dhamaan shacbka somaliyeed meel ay ka joogan UK gaar ahaan London oo ah meesha ay gumeystaha uu ku kala qeybin doono waa arin sir laga heley London somaliya inlakala jaro baa ladoonayaa marka somalia somali baa leh marka cadowga iyo kuwa kabha u qaada oo ilkaha ay kawada daateen sidey mafrish ugu qayilanyeen oo ilmahoodii laga wada qaatey ayaa somali kala jarya wax aan qaadan karno maba ahn somaliya kacoy isku tiirsanada oo banaabax waa in laga abaabulaa sida ugu dhaqsaha badan somalidiidka oo hadda gacanta u galin rab gumeysi cusub somallia waa in laga hortagaa somalida ku badan London war kacaaaaaaaaaaaay war kacay
Waxa meesha wax ku qoray yaa doortay. Maxay tahay qaranimada ay ilaaliniayaan. Maxay rabaan dadka ineey Xamar ku celiyaan oo sidii ay ummadda u galeen mar labaad u galaan. Alla waxaa la yiri Weli laba jeer meel lagama wada qaniino. War maxay rabaan ineey mar labaad inta dalkayaga naga wadaan ay haddanna sidii noo galaan. Adeer ummaddu meeley joogtaba tashataye, dalkiinu haydin ku filaado.
Nabadeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeey koonfur
Qodobada qoraalka Daljir Forum aad ayey u fiicanyihiin. Waxaan rajeenayaa in madaxda ku hawllan qabyo-qoraalka ay ka faa’iideysan doonaan. Dhanka kale waxaan jecelahey kuwa ku hamiyaya kala
qeybinta Somalia in aan u sheego waxay Somali u horseedayaan waa gumeysi cusub oo ka socoda labadii qoomiyadood ee somalidu xaqiri jirtey oo laysku caayi jirey:- Addoonyohaw sanga-weyni” iyo Xabashi Injirle” Mayaaney arkayn in kuwaasi maanta yihiin Saadadaada oo maxadaadii firta-ug-yeeraya. Waar isqarwaaqsada oo ka tanaasula fikirka qaldan ee kala-qoqobnaanta. Somali waa midd, middaaseyna ahaandoontaa.