War Saxaafadeed: Madaxda Dawlada Soomaaliya oo Wadajir Muqdisho Ugu Soo Laabtay (Sawirro)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho, June, 23, 2012—— Waxaa maanta Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho si gooni gooni ah ugu soo dagay madaxda ugu sareyso dowladda, Iyagoona si heer saro ah loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

Waxaana soo dhaweynta Madaxda ka soo qeybgalay Wasiiro,Xildhibaano, Saraakiil, gudoomiyayaasha degmooyinka Banaadir, Haween,iyo dad kale oo aad u fara badan.

Ugu horeyn waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ka soo degay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Dr. Cabdiweli Maxamed Cali, islamarkaana saxaafadda uga warbixiyay Shirkii saxiixayaasha ee lagu qabtay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, Wuxuuna shirkaasi ku tilmaamay Ra’iisul Wasaaraha in si guul ah uu ku soo dhamaaday islamarkaana looga hadlayay arrimaha Soomaaliya iyo sidii loo dhameystiri lahaa Roadmap-ka.

“Waxaa magaalada Nairobi noogu soo dhamaaday Shirkii ay ka soo qeybgaleen Saxiixayaashii Roadmap-ka, Wuxuuna shirkaasi ku dhamaaday si guul ah islamarkaana sidii loo derder gelin lahaa howlahaasi”.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Cabdweli ayaa garoonka ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo mas’uuliyiintii kale ayaa soo kormeeray Xafiisyada Garoonka diyaaradaha.Waxeyna warbixin ka dhageysteen Taliyaha Laanta Socdaal iyo Jinsiyadaha C/laahi Gaafow Maxamuud, Isagoona tilmaamay in Garoodka hormar fiican laga sameeyay.

“Mudane Madaxweyne, Garoonka hormar fiican ayaa laga sameeyay, Waxaan sameyney qalab lagu baarayo dadka iyo alaabta, Inaan hubino Passpord-ka, Waxaa kaloo muuqata in diyaaradaha ku soo degayo Garoonka ay aad u sii badanayaan oo diyaarado badan dalka ku soo dagayaan, Islamarkaana qorsheyney in xataa hadda ka dib habeenkii la shaqeeyo maadaama ay diyaarado badan ku soo dagayaan garoonka”.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa ugu mahadceliyaya Taliye Gaafoow hormarka balaaran ay ka sameeyeen Garoonka islamarkaana tilmaamay iney hormarka ka muuqato garoonka,balse Madaxweyne Shariif uu sheegay in hormarka garoonka marba marka kale uu ka sii balaaran doono,wuxuuna intaa ku daray in cid walba ay mas’uuliyad ka saran tahay hormarinta dalka oo aan dadka u adeegno islamarkaana aan u muuqano dad hiigsanayo hormar iyo Umadooda iney gaarsiiyaan meel wanaagsan.

—DHAMAAD—

Abdinor Abdikadir Mohamed(Daacad)

Deputy of Communication Director, office of the PM

Mobile: +252-615 244689

+252-699 070907

Mogadishu, Somalia

Share

1 Response for “War Saxaafadeed: Madaxda Dawlada Soomaaliya oo Wadajir Muqdisho Ugu Soo Laabtay (Sawirro)”

  1. [...] Read this article: War Saxaafadeed: Madaxda Dawlada Soomaaliya oo Wadajir Muqdisho Ugu Soo Laabtay (Sawirro) [...]

Leave a Reply