Madaxweynaha Malawi Oo Qaadacday Ka Qeybgalka Shirka Midowga Africa (War-bixin)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

{Madaxweynaha dalka Malawi Joyce Banda}

{Madaxweynaha dalka Malawi Joyce Banda}

Lilongwe (RBC) - Madaxweynaha dalka Malawi Joyce Banda ayaan ka qeybgali doonin shirka madaxda midowga Africa ay ku yeelanayaan caasimada dalka Ethiopia ee Addis Ababa, kaddib markii ay sheegtay dalkeeda in uusan martigalineynin hoggaamiyaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir oo doon-dooneyso maxkamada dambiyada caalamiga ee ICC.

Banda, ayaa tan iyo markii ay awooda qabatay bishii April, ayaa isku dayeesa in soo celiso xiriirkii ay la lahayd reer galbeedka iyo deeq bixiyaasha kuwaas oo xiriir ka jartay markii sanadkii hore ay martigaliyeen Al-Bashiir.

Dhowr toddobaad ka hor ayaa ay weedisatay midowga Africa in ay ka manaacan hoggaamiyaha Sudan Al-Bashir ka qeybgalka shirka bisha July , sababto oo ah dhaqaale xumo ayuu ku keenaya Malawi ayey sheegtay .

Maxkamada ICC xubno ka mid ah ayaa shegay in ku tartasiiyay madaxda dalka Malawi in ay xiraan Al-Bashiis haddii dalkooda uu soo booqdo.

Midowga Africa ayaa shirka soo socoda u wareejiyay dalka Ethiopian kaddib markii ay diiday in Malawi ay qabato shirkaas.

” Waxa qadarinayaa go’aanka midowga Africa ay qaateyn oo ah in shirka Lilongwe loo badalo Addis Ababa, laakin anniga kama qeybgalaayo shirkaas ,” ayey ka sheegtay Banda oo shir jaraa’id qabatay.

Mar la weydiiyay sida ay u aragto go’aanka midowga Africa in la difaaco madaxweyne Al-Bashiis waxa ay tiri: ” Maskaxdeeda waxa ku jirtay in shirka uu ka dhaco Malawi si dhaqaalaha ay uga soo kabato waana sidaas waxa aan isku daayaay,.”

Hoggaamiyaha Sudan ayaa booqday Malawi sanadkii hore, marki madaxweynihii geeriyooday Bingu wa Mutharika uu awooda hayay, taas oo keentay dhaleeceyn xagga caalamka ka timid. Mutharika ayaa u dhintay wadno xanuun bishii April.

Waxa ay sababtay arrintaas in dhamaan hey’addihii gargaarka ay isaga baxaan dalka Malawi, waxana ay keentay 40% kiiba in ay weysay dhaqaale ballaran.

Al-Bashir ayaa waaran loo soo jaray 2009-kii markii maxkamada ICC ay ku eedeesay in uu ka dambeeyay dilka in ka badan 300,000 oo qof oo ku dhintay gobalka Darfur tan iyo 2003. laakin waa uu beeniyay eedeentaas.

Banda go’aanka ay qaadatay waxa taageeray hey’addaha xuquuqda aadanaha, waxana ku dayday oo qaatay go’aankeeda mid la mid ah hoggaamiyaasha dalalka Koonfur Afric iyo Botswana.

RBC Radio

============

Xafiiska Wararka South Africa

Share

Tags:

8 Responses for “Madaxweynaha Malawi Oo Qaadacday Ka Qeybgalka Shirka Midowga Africa (War-bixin)”

  1. [...] Read More: Madaxweynaha Malawi Oo Qaadacday Ka Qeybgalka Shirka Midowga Africa (War-bixin) [...]

  2. hogol says:

    war keedu war madaxweene uma ekee waa iska war dumar looool alla ra’yi xuma qoftu macawinadii aya nala ka goostay ku teh kkkkk

  3. Mohammed says:

    Brave women. Waxaa la yaableh in nin xasuuqay dad muslimiin ah ay muslimiintu difaacaan. Goormee horumar garnaa haddaan kala saari karin kan dambi Alle iyo aadane ka galay iyo kan kale ? Bashiir should be a man and face justice for the innocent he’s murdered over the years. Specially in Darfur.

  4. kkkkkkk hogol thank you sxb

  5. FARATELO says:

    ASCaleykum wa sidaas dal dumar xukumo ra’i malaha macawinada aay sheegeyso maxeey tahay wadan qani ah illaah SWT siiyey uma jeedo ganleydii jaalaha ahayd ayeey u baratay marka waa arin afrikoo dhan haysata midda kale aduunka maanta meel xun buu marayaa ninkii hadla waa argagaxiso ama waa qaswede sc.

  6. cadaalah says:

    hogol, la soco wadamadaan afrika ma aha wadama madaxbanaan soomaliyada dowlad la’aantana ma dhaamaan, inta un hey’adood oo kale baa ayagana u jooga oo dadkooda quudiya. halka wadan oo badalay qaabkaas wuxuu ahaa ‘sudan’ oo lakala jaray oo hadeerna loo hanjabayo. laakiinse hadii xaqiiqada laga hadlo bashiir wuxuu sameeyey qalad weyn markii uu arinta darfur ku timid, si xilkasnimo ah oo tartiib ah bey aheyd in uu u xaliyo maadama uu ogaa in dagaalkaas laga faa’ideysan doono.

  7. FARATELO says:

    @Mohamed magacaas waxba kama sheegi karo laakiin ninka wata waxaad tahay indho ku garaadle magaca bedelo ha ceebeyne sc.

Leave a Reply