Madaxweyne Shariif: Caalamka Hubka Hana Siiyo Annaga Ayaa Ku Filan Burcad Badeeda


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Dubai (RBC) Madaxweynaha DKMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo maanta ka hadlay kulankii saddexaad ee burcad badeeda oo ay martigalisay dawlada Imaaraadka Carabta ayaa adduunyada weydiistay in la hubeeyo ciidamada dawlada Soomaaliya si ay wax uga qabtaan burcad badeeda.

Madaxweyne Shariif ayaa hadal dheer oo gabagabadii shirka ka jeediyay ayaa sheegay in caalamka uu xalka arimaha burcad badeeda ka raadiyey meel aanu jirin kadib markii, buu yiri la iska indhatiray in dhibaatada laga soo xaliyo dhanka beriga.

“Burcad badeedu kuma noola badda kamana soo dhalan badda dhexdeeda waxay ku nool yihiin dhulka Soomaaliya, cida ugu wanaagsan ee la dagaalami kartana waa cidii dhulka joogta.” ayuu yiri Madaxweyne Shariif.

Madaxweyne Shariif wuxuu kaloo sheegay inuu jeclaan lahaa inuu arko ciidankii badda ee Soomaaliya oo ka mid ahaa ciidamada qaaradda ugu awooda badnaa kuywaasoo dib lo dhisay lana qalabeeyay, isagoo sheegay in markaasi aysan dhici lahayn wax burcad badeed ah oo xeebaha Soomaaliya ka shaqeysata.

“Dawlada Soomaaliyeed waxauy diyaar u tahay inay si buuxda u ciribtirto dhibaatadan, inkastoo ay jirto tasiilasd aad u yar oo aan heysano.  Waxaanacaalamka weydiisaneynaa inay na qalabeeyaan oo hubka na siiyaan annaga ayaa ku filan inaan burburino burcad badeeda”ayuu yiri madaxweynuhu.

Mar uu soo hadalqaaday dhalinyarada Soomaalida ee ku biiray burcad badeedu wuxuu madaxweynuhu sheegay in ay tahay sababtii ka dhalatay shaqo la’aan iyo wax kale oo ay waayeen dhalinta arintaasoo ah natiijada dawlad la’aanta Soomaaliya ka jirtay 21 sano ee ina dhaafay.

Xatooyada kheyraadka dalka

Madaxweynaha KMG Soomaaliya wuxuu tilmaamay in maraakiibta caalamka ay xatooyo ku hayaan kheyraadka badaha Soomaaliya  halka qaar kalana ay sunta ku aasaan xeebaha dalka, wuxuuna caalamka ka dalbaday inay gacan ka geystaan sidii loo joojin lahaa.

Shirweynaha saddexaad ee burcad badeeda waxaa ka soo qeybgalay in ka badan 400 ergooyin oo ay ku jiraan dawlado iyo ururo caalami ah oo la socda arimaha burcad badeeda iyo kuwa iska leh maraakiibta waaweyn ee ganacsiga, waxaana shirka ujeedkiisu ahaa in la darso xalka ugu wanaagsan ee wax looga qaban karo burcad badeeda.

Gabagabadii shirka ee maanta ayaa wasiirka arimaha dibadda Imaaraadka Carabta wuxuu ku dhawaaqay in dhaqaale gaaraya hal milyan oo doolar dawladiisu ugu deeqday dib u dhiska ciidamada badda Soomaaliya.

Shirkan ayaa dhanka kale muhimad weyn saaray taageerada hay’adaha dawlada ee heer wasaaradeed wixii ka dambeeya Agoosto 2012 oo ah waqtiga uu dhamaanayo xilliga ku-meelgaarka ee hadda dalku ku jiro.

 

RBC Radio

Share

Tags: ,

2 Responses for “Madaxweyne Shariif: Caalamka Hubka Hana Siiyo Annaga Ayaa Ku Filan Burcad Badeeda”

  1. mohamed says:

    dowlada ani ha i shaqaaleeyaan oo ha iga dhigaan wasiirak la dagaalanka burcadbadeeda iyo argagixisada anaa askar xitaa uhayo oo waxaas oo dhan sifayn lahaa lkn lacag ma quraan 3 bilood halmar mushaar ah ani kuma shaqaynkaro.

  2. ismail says:

    WAAN TAAGEERSANAHAY BURCADBADEEDA WE SPORT PRITES DHIBKA AY MARAAKIIBTA SHISHEEYE DHULKEENA KU HAYAAN BAL QIYAAS INTA MARKAB EE LA QABTAY OO TANGER AH IYO KUWA DHAHAAYO WAXBAAN ILAALINAYNAA

Leave a Reply