Madaxweyne Shariif : Somaliland Iyo Shacabkeda Waa In Ay Isku Dhejin Rabitaankooda Ah In Ay Gooni Noqdaan


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Dubai (RBC) Madaxweynaha DKMG ah Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay kulankii shaley uu la qaatay dhigiisa Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Madaxweyne Shariif oo xaley ka qeybgalay xaflad ay jaaliyada Soomaalida ku qabtay magaalada Dubai ee dalka imaaradka carabta ayaa sheegay in kulankaas uu ahaa mid ah guul u ah immadda Soomaaliyeed, maadama uu hoosta ka xariiqay in ay la isku afgartay dhamaan qodobada lagu heshiiyay.

Madaxweynaha ayaa yiri ” Waxa aan ugu baaqayaa bulshada ku nool Somaliland in aysan isku dhejin rabitaankooda ah gooni u goosadka, maxaa yeelay dowlasdda KMG ah waxa ay diyaar u tahay xallinta waxa ay tabanayaan dadka ku nool waqooyi galbeed, Waxa aan dooneynaa in aad ka qeybqaadataan wadahadalada dhexmaraya Somaliland iyo Soomaaliya si aan u soo celino Soomaali weyn”

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay kulan xalay magaalada Dubai ee waddanka Isku tagga Imaaraadka Carabta uu kula qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool waddankaas.

Dhina kale, madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in dowladdiisu ay wax badan ka qabatay dhinacyada ammaanka, siyaasadda, dib-u-dhiska, hirgelinta qodobbadii Road-map-ka.

Wuxuu u sheegay jaaliyada Soomaaldia ee waddanka imaaradka caranta in dhawaan magaalada Muqdisho uu ka billaaban doono shirka ansixinta dastuurka, wuxuuna xusay in shirkaas kaddib ergada ay soo xuli doonaan baarlamaanka cusub, dalkana ka dhici doono doorashooyinka madaxtinnimada oo lagu wado in ay dhacdo 20-ka bisha August iyo wixii ka dambeeya.

Madaxweynaha Soomaaliya waxa kulankaas uu la qaatay jaaliyada Soomaalida ku wehlinayay wasiirka gaashaandhigga ee xukuumadda KMG ahna ra’iisul wasaare ku-xigeen Xuseen Carab Ciise.

Wasiirka oo hadal ka jeediyay goobta kulanka uu ka socday ayaa ugu horreyn Jaaliyadda faahfaahin ka siiyay howlaha ay ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ka wadaan dalka, taasi oo ay ugu dambeysay howlgalkii degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe lagu qabtay.

Xuseen Carab Ciise ayaa sheegay in ganacsatada iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Imaaraadka Carabta looga baahan yahay in ay garab istaagaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Si kastaba, wafdiga Somalilad ee uu hoggaaminaayay madaxweyne Siilaanyo, waxa ay iyagana kullan la qaateen jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan magaalada Dubai kuwaas oo ay uga warbixiyeen heshiiska ka dhacay halkaas.

Madaxweynaha Somaliland waxa ku wehlinaayay kulankaas wasiiradda arrimaha dibadda iyo gaanshandhiga Somaliland, iyo madaxweynihii hore Somaliland Daahir Riyaale Kaahin iyo Eng Faysal Cali Waraabe.

RBC Radio

==============

Xafiiska Wararka Nairobi

Share

Tags:

5 Responses for “Madaxweyne Shariif : Somaliland Iyo Shacabkeda Waa In Ay Isku Dhejin Rabitaankooda Ah In Ay Gooni Noqdaan”

  1. [...] Continue reading here: Madaxweyne Shariif : Somaliland Iyo Shacabkeda Waa In Ay Isku Dhejin Rabitaankooda Ah In Ay Gooni No… [...]

  2. Abdisnm says:

    Waa edeb daran yahay waar orod reer walaweeyn utali anaga wa naga dhexeeya maleh. Somaliland waa muqadas mana hoos tageeso koonfur. Kuwa mudaharaadayo waxaa laga dherjiyo muufo iyo calool. Dee waqtigiina ha seegina

  3. Sama_Kataliye says:

    Bahda raxanreeb iyo wariyayaasheeda qaaliga ah waxaan kula talin lahay in ay joojiyaan dhihitaanka badan oo ay dhahayaan madaxweyne sharif iyo dhigiisa madaxweyne silaanyo. Waa arrin gudbin karta “message” khaldan oo fiican in laga dhowrsado.

  4. najiib says:

    to abdi snm

    Waxaan kuu sheegayaa hadaad snm tahay awalba itoobiyaan baad ahayde oo kuu talinayaye orod oo aqoonsi ka raadso oo ha ku siiso itoobiya, mana matali kartid shacab soomaaliyeed,midda kale somaliland baa lay dhahaa wax kaa yeeli ma lahee waxaad la baxdaa isaaqland illen 3da magaalo ee burco hargeysa iyo berbera ayuunbaa magaca somaliland laga maqlaaye reer sool sanaag cayn iyo awdalba waa kuwaas warkooda cadeysteye walaalahooda soomaaliyeedna la ologga ahe.

    marka sxb qaddiyadda soomaaliyeed u afduubnaan meyso 3daas magaalo ee desertga ah anigu haday taladey tahay maanta 3daas magaalo ee sidii nebiyadii alle iska dhiga markey hadlayaan waaban ka jari lahaa soomaaliya haba is arkeen waxa ay yihiine. calaa kulli xaal itoobiyada aad daba nashleyneyso eed afka ka dhundhunkanaysaan hadaad snm tihiin ordaya oo aada dalkaan soomaali baa iska lehe.

  5. Aw Malaaq says:

    War isgiijinta iska daayee maslaxaddiina fiirsda ee Soomaalidiina wax la qaybsada.
    Hal beel dawlad ma noqon karto , cidna maanta lama qasbi karo.
    Beelna beel kale xoog kuma maquunin karto maanta. Nac haddad faysana aayar, jecelkaadana aayar.

Leave a Reply