Madaxweyne Siilaanyo oo Caalamka ugu baaqay inay Somaliland uga soo gurmadaan Abaar ba’an oo ku habsatay


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Hargeysa(RBC):- Madaxweynaha Somalilan. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shaaca ka qaaday inay Abaar halis ku ah bulshada ay ka jirto gobollo Somaliland ka tirsan, sidaa awgeedna waxa uu Hay’adaha Qaramada Midoobay, kuwa Samaflka, Hay’adaha Caalamiga ah iyo Bulshada awoodda dhaqaale leh ee reer Somaliland ugu baaqay inay si deg-deg ah ugu gurmadaan dadka ku dhaqan deegaanno Abaarta ba’ani ku habsatay ee ka tirsan Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland, waxa uu sidaa ku sheegay qoraal uu isagu ku saxeexan yahay oo caawa ka soo baxay Xafiiskiisa, qoraalkaas oo dhammaystiranina waxa uu u dhignaa sidan:-

“RSL/VP/NDC/04-00203/0612                                                                23/06/2012

Ku: dhamaan Hayaddaha Dowladda

Ku: dhamaan Hayaddaha Qaramada Midoobay

Ku: dhamaan Haayaddaha safalka ee caalamiga ah iyo kuwa Wadaniga

Ku: Dadweynaha SL

Ujeeddo:  Baaq Gurmadka Abaaraha

Sidii la odorosay sanadkan horaantiisii roobkii gu’ga da’ay wuu ka yaraa guud ahaan intii la heli jiray xiliga guga. wuxuu ahaa teel teel aan sinayn, meelo si wanaagsan buu uga da’ay meelo wuu ku yaraa meelana maba helin, meelaha ugu daran ee roobku seegay waxa ka mid  jiida xeebaha  gobollada Awdal, Salal, Saaxil iyo Sanaag oo seddex sano oo isku xiga roob ka di’in.

Warbixinaha naga soo gaadhaya Maamulada deegaanadaasi, dadweynaha, hayaddaha samafalka  iyo wasaaraduhuba waxay tilmaamayaan in deegaanadaasi ku suganyanyihiin xaalad aad u adag oo ay ka taagantahay abaar ba’an, xaaluf, biyo la,aan, iyo cunto yari.

Waxa la xaqiijinayaa inay xoolihii badankoodu baxeen, dadka nafaqo daro iyo macaluuuli hayso, in badana barakacday oo ay ku soo urureen tuulooyinka deegaanadaasi sida, Garbo dadar, Gargaara, Waraqa dhigta, Calixaydh , Ceel la helay,  Fadhi xun, Ceelgaal, Fiqi aadan, Geerisa, Bulaxaar, xagal, Berbera, Beeyo dhaadheer, Raarida buur, Laasdhuure iyo  tuulooyinka Huluul xaga xeebta ka xiga

Dadka ay abaartu saamaysay waxa lagu qiyaasay inay gaadhayaan ilaa 20,000 (labaatan kun) oo qoys, Dadkaasi waxay u baahanyihiin gurmad degdeg ah oo iskugu jira cunto, biyo, daawo iyo hoyba, haddii aan si degdeg ah loogu gurmana waxa jirta cabsi  in badani gaar ahaan dadka jilicsan, sida caruurta iyo waayeelku u dhintaan  gaajo iyo haraad.

Sidaa darteed waxaan ugu baaqaynayaa, Hay’adaha Qaramada midoobay, Hay’adaha samafalka ee caalamiga ah, Hay’adaha wadaniga ah iyo dhamaan shacabka reer Somaliland-ba inay si degdeg ah ugu gurmadaan dadka ku tabaalaysan deegaanada ay abaarta iyo biyo la’aantu saameeyeen. Allaa Mahad Leh.”

RBC Radio

Xafiiska wararka ee Hargeysa.

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share

4 Responses for “Madaxweyne Siilaanyo oo Caalamka ugu baaqay inay Somaliland uga soo gurmadaan Abaar ba’an oo ku habsatay”

  1. Taleexi says:

    Kkkkkkkk gumadkaaba dhac ka sidaasey soomaalidiidku rabaan iney ku go’aan?? Kkkkkk ila qosol Ayaan u arkaa goosiga

  2. rooraaye says:

    war dadku waa soomaali halataageero macaluusha waa wax xun oo aad u xanuun badan ilaahay dhamaan dadka muslimka haka koriyo nin walboo muslim ah waxaad awoodo adigoo ula niyoonaya sadaqo waa walaalahaa muslimka ah siyaasada joojiya sxb

  3. qoslaye says:

    Dhamaan waxan salamayaa.dadka somaliyeed gaar ahaan dhalin yarada rag iyo haweenka somaliland ilaahay ayaan kabaryeyaa raxmaad degdeg ah tan xigta waxaan idiin sheegaya somali kala dhaqan ayey ahayd reer slnd dhaqan umalahay waxa khaatumo website keeda ku qorayaan oo been ta ah ilaa hargeysa iyo xamar hablahii joogay caayeen waxay sida u sanaynayaa waa qiiq isku qaris. Dadkay xaqdara kusoo layeen. Waana ceeb raadis

  4. qabqabsey says:

    Miskiin iska dhigaya in uu reer taleex yahay oo iska hadaaqayaad tahay.dhawaan waad arki sidaan dadkaa uga saarno abaarta gooni isu taaga somaliland waa geed ka go’an ama dilaac ama brooro sidii
    @@#*&x%

Leave a Reply