Mareykanka oo Ka Digay Weeraro Qaraxyo ah oo Lala Beegsan Doono Magaalada Mombassa


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Nairobi (RBC) Sida ay shaacisay safaaradda Mareykanka ee wadanka Kenya waxaa muwaadiniinta u dhalatay Mareykanka looga digay inay tagaan magaalada xeebta ee Mombassa iyadoo saraakiisha dawlada Mareykanka ee joogta Mombasa lagu wargeliyey inay deg deg uga baxaan magaaladaasi.

Bayaan ay soo saartay safaaradda ayaa lagu sheegay in ay heleen warar sheegaya weeraro qorsheysan oo ay suurtagal tahay inay ka dhacaan magaalada Mombassa isla markaana ay bartilmaameed noqon karaan dadka u dhashay Mareykanka.

Digniinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in hawlaha saraakiisha Mareykanja ee gudaha Kenya la hakiyey illaa July 1-deeda sababo la xiriira dhanka amniga.

Digniinta ka soo baxday safaaradda Mareykanka ee magaalada Nairobi ayaa timid saacado ka dib markii booliska wadanka Kenya ay shaaca ka qaadeen inay xireen labo nin oo u dhashay Iiraan kuwaasoo lagu tuhmay inay gacan ka geysan rabeen weerar ururka Al-Shabaab ay ka fulin lahaayeen magaalada Mombassa oo ah meel ay ku badan yihiin dadka dalxiiska ee ajaaniibta ah.

Laakiin digniinta safaaradda Mareykanka ma sheegin in ragga ay booliska Kenya xireen iyo digniinta weerarka ay sheegeen ay yihiin kuwo isku xiriira.  Sidoo kale booliska Kenya ayaan ka hadlin digniinta cusub ee safaaradda Mareykanka maanta soo saartay.

Digniinaha noocan oo kale ayaa had iyo jeer ay soo saaraan safaaradaha reer galbeedka ee ku yaalla magaalada Nairobi, waxaana ay sababaan qalqal ku dhaca dadka rayidka ee ku nool meelaha ay ka hadlayaan.

 

RBC Radio

Share

Tags:

1 Response for “Mareykanka oo Ka Digay Weeraro Qaraxyo ah oo Lala Beegsan Doono Magaalada Mombassa”

  1. SomaliaTOOSA says:

    I want every Somali to watch this documentary on youtube.com to understand as to why there is sudden reconstruction of Somalia. documentary “Confessions of an? Economic Hitman”

Leave a Reply