MASAR: Maxamed Mursi oo Noqday Madaxweynihii Ugu Horeeyay ee La Doorto (Warbixin)
Qaahira (RBC) Musharraxa xisbiga Xoriyada iyo Cadaaladda Maxamed Mursi oo kasoo galay dhanka Ikhwaanul Muslimiin ayaa si rasmi ah caawa loogu dhawaaqay inuu ku guuleystay doorashada madaxtinimada ee wadanka Masar.
Guddiga doorashada Masar oo galabta shaaca ka qaaday natiijada doorashadii codbixinta ee dhacday 16-17 bishan June ayaa sheegay in Maxamed Mursi uu ku guuleystay 51.7% guud ahaan codadkii la dhiibtay taasoo u dhiganta in kabadan 13-milyan oo cod. Halka ninka la tartamayey Axmed Shafiiq uu helay 48.3% oo u dhiganta 12-milyan oo cod.
Dabaaldeg farxadeed iyo damaashaad ayaa isqabsaday magaalooyinka waaweyn ee dalka Masar oo dhan iyadoo dadweyne aad u farabadan oo hioreyba qaarkood u joogeen fagaarayaasha ay bilaabeen inay ku dabaaldegaan fagaarayaasha waaweyn oo uu ka mid yahay fagaaraha Taxriir ee magaalada Qaahira.
Gudoomiyahagolaha militariga ee wadanka Masar hadda ka arimiya Marshal Mushiir Dandaawi ayaa markii ugu horeysay u hambalyeeyey madaxweynaha cusub ee Masar iyadoo ururka Ikhwaankuna ay u hambalyeeyeen madaxweynaha cusub.
Sidoo kale ciidamada amaanka ee Masar ayaa isla caawa la wareegay amaanka madaxweynaha cusub ee Masar maadaama uu noqday madaxweynaha Jamhuuriyada Masar.
Dhanka kale bayaan caawa kasoo baxay ururka Ikhwaanul Muslimiin ayaa lagu sheegay in xubinimadii Maxamwd Mursi ee ururka uu baneeyay maadaama uu madaxweyne qaran u noqday dadka reer Masar oo dhan.
Madaxtinimada Mursi
Maxamed Mursi waa 60-sano jir, wax ku soo bartay wadanka Mareykanka, wuxuuna ku takhasusay cilmiga Injineeriyada.
Mursi wuxuu tan iyo sanadkii 1977 ka mid ahaa ururka Ikhwaanul Muslimiin oo horey looga mamnuucay wadanka Masar. Sanadkii 2000 ayuu markii ugu horeysay u tartamay baarlamaanka Masar oo markaasi tiro yar ay ku lahaayeen Ikhwaanka.
Hadda wuxuu noqday madaxweynihii ugu horeeysay ee doorasho ku yimaada madaxtinimada wadanka Masar, waana madaxweynaha 5aad ee Jamhuuriyada Masar.
Doorashadiisa ayaa dad badanu arkaanguul weyn oo ay gaareen dhaqdhaqaaqyada Islaamiga ee Bariga Dhexe si la mid ah wadanka Tuunis.
Mursi waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay nin ay ka go’an tahay dhismaha dawlad Islaami ah oo ka hirgasha wadanka Masar taasoo ku timid doorasho dadweyne, inkastoo baarlamaanka Masar oo aqlabiyad weyn ay ku lahaayeenurrka Ikhwaanka la kala diray.
Aragtida caalamka
Guusha Maxamed Mursi oo ah nin ka soo jeeda urur Islaami ah ayaa durba su’aal ka dhalisay sida uu ula dhaqmi doono caalamka. Si gaar ah waxaa loo hadalhayaa arinta Yuhuuda oo ay aad dadka reer Masar isu neceb yihiin.
Arimaha Falastiin ayaa sidoo kale la filayaa inuu aad muhimad weyn u siiyo.
Illaa hadda doorashadiisa waxaa u tahniyeeyey wadamo fara badan oo Carabta u badan kuwaasoo dhamaantood sheegay iunay soo dhoweynayaan doorashada Maxamed Mursi.
RBC Radio














mashaa allha gaaalooy jab waxa bilaamay xiligii muslimiinta gaalooy jab sxb aad baan u soo qowaynaynaaaaaaa
waa maalin qiimibadan oo aan waayadaan nasoomarin hadaynu nahay caalamka islaamka waxaa layska xooray heeryadii gumaysiga iyo cilmaaniyiintii saxariiriyay umada muslimkaa oo faceed kareebay waa arin bilow wanaagsana inkastoo dariiq dheer uu sugaayo iyo caqabado badan lakiin wuukadabaalandoonaa insha alaah
asc aad waxaan ugu faraxsanahay doorashada ,madaxwayne mursi waxaan u rajaynayaa khyr fara baan ,waxaan kula daardaarmayaa yuhuuda inuu ciqaabo
warsan walaal hadhihin gaalooy jab ee waxaad tiraahdaa ilaahaw soohanuuni waayo adduunku waa isu baahanyahay ,hal kalana ku darso haddii gaalo lawaayo waa adduunkii oo rogmaday tan labaad weelka aad wax ku cabto ama kucunto waa sheeyga ugu yar ee gaalo ay sameeyaan marka yaa weel kuusameenaaya haddii gaalo baabado adoon fiirin diyaarad ,baabuur ,warshad, hub ,daawo iwm haddii gaalo aay baaba’do yaa kuu sameenaya koobka kaffeega aad ku cabtid , illeen muslimkii adduunka waa ka hareen waxaana sabab u ah waxaad moodaa gaaladu inay qaateen habkii islaamka loogu talagalay oo ahaa in shaqada labadiyo iyo isadil la’aanta iyo waddan jecaylka iyo aamintinimada ,nadaafadda iyo iskaashiga, hubsamaysiga difaaca nafta,iyo daryeelka qofka wadanigaa iyo waxyaabo badan waddamada gaaladaa aay kaga hormareen muslimiinta oo ahaa waxii diinteena islaamkaa aay uugu talagashay dadka muslimiintaa ,haddaba intii wanaaga ahayd oo aan kor kuxusay wadamada muslimiintaa kama jirto ,waxaana aaminsanahay dhibaatada dadka muslimiintaa haysata in sabab u tahay xarigii ilaahay oo aay kaleexdeen ….ilaaahay hannoodambi dhaafo muslimkana ciqaabta allow kasaar aamiin aamiin