Maxkamada Sarre Ee Mareekanka Oo Asxiyay Qorshaha Daryeelka Caafimaadka
Wanshinton (RBC) Madaxweynaha Mareekanka Barack Obama ayaa ku guuleestay qorshihiisa ahaa in daryeelka Caafimaadka ama ceymiska caafimaadka ee dalka Mareekanka uu helo qof kasta oo ku nool Mareekanka, kaddib markii shaley maxkamada sare ee dalkaas ay ansixiyay qorshahaas.
Qorshahan ayaa waxa watay madaxweynaha Mareekanka, waana guul weyn oo xibsiga madaxweynaha u soo hoyatay iyo dadka mareekanka ku nool.
Madaxweyne Obama Oo Ku Guuleestay Qorshaha Daryeelka Caafimaadka oo ka mid ahayd waxyaabaha uu ku taamayay.
Xubnaha Xisbiga Jamhuuriga ayaa sharcigan si weyn uga soo horjeeday waxana ay sheegeen iney racfaan ka qaadanayaan go’aanka Maxakamadda Sare.
Musharaxooda Mitt Romney ayaa sheegay in wax wanaagsan aysan aheen
“Waxa ay maxkamada sameesay maanta waxa aan dhihi waa wax xadgudub ku ah dastuurka, ma dhahayo Obamacare waa sharci wanaagsan ama siyaasad hagaasan, ee Obamacare waa siyaasad xun oo shaley ahayd, waana siyaasad xun oo maanta ah.” ayuu sheegay Romney oo aad u qaadacay go’aanka maxkamada sare ee dalka Mareekanka.
Wuxuu yiri in ka badan 20 million oo American ah ayaa luminaya caafimaadkooda ama la dilayaa shaqooyin xun oo ay rabeen ayuu intaas ku daray ninka doorashada madaxtinimada 2012-ka kula tartamaya madaxweyne Obama.
Si kastaba, madaxa cadaaladda Mareekanka John Roberts ayaa sheegay in ay tahay tallaabo wanaagsan oo wax u tareysa dadka ku nool dalka Mareekanka
Madaxweyne Barack Obama ayaa si weyn u soo dhaweeyay guusha lagaaray wuxuu yiri ” Dhamaan dadka ku nool dalkan nolashooda waxa ay ahaan doontaa mid hubaal ah, maxaa yeelay sharcigan maxkamada sare ay qaadatay ayaa kor u qaadaya.”
Sidoo kale wuxuu yiri go’aanka maxkamada sare waa mid qof waliba ku nool dhulkan uusan caafimaad daro u dhiman kara ama
“Maxkamada sare dhulkeeda ayaa hadlay, waa la sii wadi doonaa hirgalinta sharcigan waxana aan ka wadashaqeen doonaa siddii loo dhagan galin lahaa,” ayuu markale yiri Mr Obama oo ka hadlaayay White House.
Dadaka Soomaalida ee ku nool dalka Mareekanka ayaa soo dhaweeyay qorsha la magac baxay Obama Health Care kuwaas oo markii hore dhib badan ka mari jiray in ay helaan caafimaad bilaash ah ama lacag la’aan ah.
RBC Radio
==============
Xafiiska Wararka Minneapolis












[...] View post: Maxkamada Sarre Ee Mareekanka Oo Asxiyay Qorshaha Daryeelka Caafimaadka [...]