Mudanayaasha Baarlamaanka ee DF Gobolka Mudug u Matalaya waa in beeluhu iska soo xulaan W/Q Xuubsireed


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Mudanayaasha Baarlamaanka ee DF Gobolka Mudug u Matalaya waa in beeluhu iska soo xulaan
Xuseen Xuubsireed
spokesman.hussein@gmail.com
Juunyo 9 2012

MAQAAL

Gobolka Mudug ee Maamulka Puntlad ayaa waxaa jirtay in siyaasiyiin aad caan uga ah dhamaan Soomaaliya, kana mid noqday hogaamiyayaal dowladii dhexe, tii Puntland iyo tan Federaalkaba kaalin wayna ka qaatay dhisidooda inay ka soo baxeen, waxaadse moodaa in siyaasiyiintaasu ay xooga saarayeen dan guud oo Soomaalinimo, iyo waliba mid Puntlandnimo.

 

Xuseen Xuubsireed

Hadaba Gobolka Mudug ayaa waxaad moodaa haatan inuu dhinac walba oo horumar ah ee Bulsho uu ka liito, haday noqon lahayd dhinaca horumarka goobaha danta guud ee looga fadhiyo in maamulku uu wax ka qabto, sida wadooyinka, mashaariicda arimaha bulshada, siyaasada, dhaqanka, iyo waliba meel uga soo wada jeesashada arimaha caamka ah ee Gobolka.

Isimada Gobolku uu leeyahay ayaa waxaad moodaa in eeda badankeed ay iyagu leeyihiin, oo wada shaqayn la’aan iyo isqadarin la’aan dhexdooda ah aawadeed dantii guud ay u bur burtay.

Hadaba Maadaama Dowlad dhexe oo Soomaaliyeed dhawaan dalku yeelanayo, taasoo looga gudbayo kumeel gaarnimada, waxaa lama huraan ah in waxa danta guud ah ee la wada leeyahay sida Mudanayaasha Baarlamaanka ee Gobolka Mudug u matalaya dowlada dhexe ay beeluhu iska soo dhex doortaan, iyada oo jifa walbaa ay miiska keenayso ninka ay isleedahay jifada wuu matali karaa, kadibna raga jifooyinku soo xuleen ee musharaxiinta u ah xilka mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliyeed, loo qaado tartan, shakhsiyaadka ku guulaysta cod loo qaado, iyada oo loo eegayo, kartida, aqoonta, akhlaaqda, xilkasnimada, iyo sumcada uu shakhsigaasu bulshada ku dhex leeyahay, marka tartanku dhamaado oo la isku raaco shakhsiyaadka Gobolka Mudug ku matalaya Baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa lama huraan ah markaas ka dib in Islaanka Guud ee Beesha, Muxtarim Mudane Islaan Bashiir Islaan Cabdile Islaan Faarax uu qalinka ku duugo oo u gudoomiyo shakhsiyaadka la isku raacay ee noqon doona Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya u matali doona beeshaas Gobolka Mudug degta.

Hadaanay sidaas dhicin ee qaab fowdo iyo isdaba maryayna, iyo wakhtiga la doonayo in laga gudbo ee jabhadaynta ah lagu sii jiro, waxaa dhici doonto inuu halkaasi ka bilowdo kacdoon cabasha ah oo lagu diidan yahay inay fawdadu dabeecad u noqoto Gobolka Mudug, waana lama huraan in loo wada istaago in wax la saxo, oo danta guud laga wada qayb qaato.

Xuseen Xuubsireed
spokesman.hussein@gmail.com

==========================================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

61 Responses for “Mudanayaasha Baarlamaanka ee DF Gobolka Mudug u Matalaya waa in beeluhu iska soo xulaan W/Q Xuubsireed”

  1. Rashid says:

    Wordlord, Xuseen Xuubsireed! Ma garankartaa, cid kaloo Mudug dagan oo talada, Mudug wax kule! Qabiil iyo nin JECLAYSI, JAGO LAGUMO raadiyo!! Soomaali Qabiil waa ka gudubtay, Habkii aad ku shaqayn jirtayna, waa laga gudbay.. Ee Paltalk-gaagii isaga laabo!

    P.s Raxanreeb plz qadiriya oraahdayda, oo ha masixnina.. I am big fan of Raxanreeb >(Xuub sareed waa ninkii idaacada ka lahaa Al-qaida ayaan Garsoor ku jirta oo anagoo Puntladnd ah la dagaalameenaa, maantana, fikirkiisa qaldan buu rabaa Raxanreeb soo maraiyo)

  2. mudug says:

    kkkkkkkkk walhi war buu keenay xubsireed gobolka mudug ma beel kaliyaa dag taah asga dhahayeeh islan bashiir qalinka ku duugayahaa islanku beel buu islan uyahay ee dadkoo dhan islan uma aha marka umada yaa la isku dhex darin waa bur iyo biyeeh

  3. Waxaaan layaabanay ninka maqaaalkan qoray mudugoo dhan ma islaaan bashiir baad qataqaanaaan war wax fiican baa lasoo qoraaa ama waaa layska aaamusaaa

  4. Caqil Somaali says:

    waxaasi waa fawdo islaanku yaa doortay ? wuxuu wax usoo xuli karaa ama u saxiixi karaa jifidii dooratay mudugna beesha ugu yar ee dagta weeye qabiilo ayaana daga kibirka iyo af lagaadada aad meesha ku soo qorteen RAXAREEB ha ka fiirsato.

  5. gubada'ay says:

    Islaan Bashiir Islaan Cabdile wuxu matala beel ka mid ah beelaha mudug dega marka wax ha isku khaldin oday mudug waa gobol aad u wayn beelo kala duwana waa degaan marka waxan jeclaan laha inaad tiraahdo hasoo xulo isinku beesha uu u yahay islaam ileen somali ugaasyada iyo islamada ma wadagaan e thnks

  6. Xildos says:

    sc wr wb

    waxaan aad u salaamayaa dhamaan bahda raxanreeb ee noo soo gudbiya wararka xaqiiqda

    Xuubsireed adeer nin weyna waa tahay hadana sidii qofaan ogeyn xaalada mudug baad u hadashay, Mudug hal isim keliya ma lahan islaan bashiir saxiixa haku duugo waa erey qaldan ee isa sax, islaan bashiir reerkiisuu isim u yahay xataa ========== uma ahan iska daa umada mudug wada degtee, marka adeeroow hadaadan mudug war u heynin umada ha qaldin, wiilkaan yar ee Cabdi weli intuu wacday xamar iska xaadiriyey xataa wuxuu u socdo aan garaneynin inaad tiraahdo markey reer mudug wax isla meel dhigaana ha u saxiixo waa wax aad loola yaabo ee yey reer muduga ku maqlin, teeda kale xuseen cumar ahaan aan kuula hadlo imisa isim baanu leenahay xisaabi ka dibna qiimee islaan bashiir muxuu ka ag noqon karaa ragaa, adiga reerkaad ka soo jeeda baa Amiir yeeshay hada marka adeeroow umada ha qaldin Mudug waxba lagama weydiiyo ninkaad sheegeyso, mida kale adeer adiga sow taad madaxtooyada somaliya afhayeen u eheed Aqoon miyaad u laheed shaqadaa heerkaa gaarsiisan, imisaa shaqadaa heysay aqoon u laheed maxey u qaban waayen oo aad adiga laguugu dhiibay, maanta inaad tiraahdo rag aqoon leh xilkas ah umada sharaf ku dhex leh haloo dhiibo waa ayaan daro adigaba ma aqoon baad laheed xilkas miyaad eheed mujtamaca miyaad sharaf ku dhex leheed bal suaalahaa is weydii ka dib waxaad qortay eeg, Mudug cidii dowladaa somaliya wax ka heleyso wey doonaneysaa loomana daba fariisanaayo isimkaad sheegeyso wey dhamaatay wixii hore wax isa saaran ma jirto,

    Kheyr iyo barako

  7. dalbila-valley says:

    somalidu markay hadlaysa ragu labo ayuu u kala baxa mid waa af garooc aan dhakso u helin erayada midna waa aftahan marka manta afgarooc aya nagu soo aadamay ayan oran kara xita qoraalka waxad mooda in ilmo laba jir ah qoray malaha waxaba dhaamay dhamay dhalintii maqallada soo qorijirtay ninkaan weynaaday ee xita islaamka magaciisa ku ciyaaray wuxu isleeyahay qabyalad ku taageer oo magac meeshaas ka raadi war sxb wakhtigaas waa lasoo dhafay katoos hurdada mesha niicda kala tag ama xikmad keen ama aamus period

  8. Qawdhan says:

    Waa siday Raxanreb horey usheegtaye, qoraalkaan aan soo wado waxay u gaarthay Qoraaga oo kaliye, oo Aniga!

    Xuub_Sagaaro, markii, uu Paltal-ga, Dayniile.com, Idim-Aakhiro.com, iyo Allpintland.com, caydii, iyo Qabyaaladii, uu kan faafin jiray, la aqrisan waayey, Buunta Raxanreeb.com suud usoo gashtay… Rag waa is yaqaanaa, Islaan Bashiir-na magaciisa Suuban, hasoo qaadin, Warlord yahow! Saxiixayaasha Mudug, waa layaqaanaa, Ciday yihiin! Siyaadsad danbe kaaga dhamaatay, Ogoon baad tahay..

    P.s Raxanreeb plz qadiriya ra yigayga, oo ha iga miirina oraahdayda

  9. suheyla says:

    waar maxaa dhacayoo xasaasiyada idinku kiciyey oo uxagxaganeysaan xuub sireed maaha nin uqalma xagxagasho iyo waxa aad kahadleysaane caga dhigta.madiidantihiin inbaarlamanka odayaasha shaqanku soo xulayaan,ooxaaladu isbadashey ,maogtihiinse inta dagmoo mudug leedahay,marka hadee degaankaaga ninwalbooba xagso gobolkana waa lawada daganyahay deegaankana sheegashadu weysoo galeysaa ee waa kunoolahay deegaana kuma lihi masoconayso .tirto koob dhabaa imaanaya oo sida loo daganyahay ah,waxaad haysato markaasaad ku gorgortameysaaye sug walaal haka hor dhicine.haa islaanku cidwalba maaha inuu wax usoo xulayo cidii asgauu islamuyahay buu uyahay waana nin siyaasad kacaagan una malaynmaayo inuu xildhibaano soo xuli doono,hadaan laga maarmi waayin ooaysan dani kuqasbin sidaan dhaqankiisii nsoo jireenka ahaa iyo taariiqdii islaamada kuhayo.

  10. ahmed says:

    kkkkkkkkk islaan bashiir beesha uu kasoo jeedo baa ugu badan mudug waa sababta gudoomiyaha gobolka iyo mayor ka galkcayo ay beeshiisu uyihiin mahaan wax cusub sida lookalo dagan yahay baa ilaa dowlada somalia looqaybsaday islaan bashir ciduu beshaas ahayn madooran karo beelaha kale waa gaaar ayagay utaalaa wuxuu kahadlayaa qoraagu waa beshaas

  11. Kk waa arin lala yaabo hadalka ka soo yeeray qabqable xuubsareed mudugna wax uu ka ogyahay ma jirto islaan bashiir waa isimada mudug hadana waa oday jifo uu dooran marka islaan hormarka gobolka waa looga baahan yahay laakiin shaqsigaan hadalkiisa waa qarow qabiilo balaaran baa mudug dago qalinka aad sheegayso ee islaanka uu qorayo ma ================ baa mise ============ ama ============ intuba islaanno kale bay leeyihiin sxb xuubsareedow adiga xil danbe oo qaran ma aad qabanaysid xamar agoonti baa joogto ee aad xasuuqday sxb muuse iyi maxamed dheere meesha sanadkaan looga tagayo baa ku xiran tahay ee galkacyo dowladaha hoose qayb gaada_yare haysto islaanka warqad codsi ah ka raadso

  12. suheyla says:

    ku rashiid oowalaal alshabaab hadeey garsoor joogtey ma alqaacidaa kamaqan soow labo ururoo wada shaqaynaya maaha maaynagaa alqaacidadii ajnabiga ahayd ee aduunku raadinayey wadankeena keenay soow alshabaab makeenin mise waxaad inkireysaa in alshabaab garsoor sanad kabadan dadka ku leeyneysey reer garsoorna kabisnis gareenayeen dhiiga walaalahood? taa iguma inkiri kartid aniga oo reer muduga dadkaa kale een ina garanaynin ka gad majeclayn intaa dibloogu noqdo lana xasuusiyo dadka reer mudug adaase keenee isaga har wadwadkeedaan ku oronlahaa…. cidba inaad eedaysaa kuuma eka .

  13. ceelbooc says:

    MAANSHE LAYIRI DUMARBAA UTALIYA,

    aderow hadalkaagu liitaa ma riyoonaysaa war waxu xataa qoraalka laqajilimaayo miyaa xuubsireed kula yaabi maayo ============================== lakin waxaan sugnaaba waa ==== gaalkacyo soo fariista asagoo shaati dowladeed wata hal guuto markay gaalkacyo soo soo dhawayn maayo walee ============ ninkii wax ku qabay waa u raadsan ======================= ====

  14. Mudug says:

    Waxaan la yaabanahay dadkaan in ay wax mucaaridaan isku dayaya. War ninkaan beeshiisa hoose buu la hadlay, kama hadlin cidkalena kama hadlin, ee qoraalkiisu beeshiisa ayuu ku jeedaa lakin waa maxay idinka takarta idin saaran… Yaab.. marka fahma waxaad rabtaan in aad faalo ka bixisaan ee xinka baas ee aad la soo boodaysaan iska daaya…

  15. Waxan layabanah nin weyn oo mida dheer siyasad ku dhexjiray mantana san u hadlaya runti wuxu meel oga dhaca 20qabiil o gobolka mudug dagta iyo isimadoda islaan bashiir wa islaan caan ka ah hobolka mudug wana lodorankara gudomiyah isimada mudug lkn hada waxan u aqaan islaan hal jifo ledahay xuub sireed marki hore tolkisa waji kama samaysan hadu dadkale waji karadsanaya lkn waxan oran laha sxb dadka kale oo gubolka dagan ha u gafin

  16. B Dharbaaxo says:

    Waxay umuuqataa inuu ka hadlayo ========== iyo waxii Maamulka =========== xubin ka ah. Raxanreeb baryahaan dambe aad bay u ilduufaysay sidaana dhexdhexaadnimo maahan.

  17. horta ninkan mudug dhahaayo wax halaga weydiiyo islaan gobolka mudug hadii runta laga hadlaayo waa in wax laga weydiiyaa sacad oo soo xulaan cidii u meteli lahaa dowlada waayo SACAD ayagaa gobolka ugu badan oona laga soo gaaray mudug waa hadii dowladnimo la rabo

  18. sulux says:

    ku xildos walaal horta islaam bashiir waad ugeftey nin waxuu usocdo garanwaayeyna maaha ,wiil dhalinyaraa ha ahaado laakiin dhalinyaradiisa waa nin ku miisaan culus kuna weyn waxaadna miisaankiisa iyo culeyskiisa kadareemi kartaa maalmuhuu xamar tagey sida dadweynaha iyo masuuliyiinta uu ula weynaa weli meyna arag mana soo dhaween isim laculeeys ah waxaad kadareemi kartaa hadaladii uu kasoo jeediyey madashii shirka odey dhaqameedka.soo dhaweeynta gobolka mudug sida ay ugu hayaan ixtiraam balnoosheeg isimka isku dhererin kara oo a/ad sheegayso ama raga uusan agtiisa wax ka ahayn aad sheegayso oo mudug ama meelkale jooga majin qarsoon oon laogeyn baa bal waa hebel carna dheh hadaad qoor iyo xero leedahay? hadalna iska dheh baa diley, hambana nabar dambaa diley adoo kale oon waxba qiyaasi karin baa hadal iska tuuraya war hadalku xeer iyo qiimo waa inuu leeyahay.

  19. qaali cudoon says:

    ASc, walaalayaal waxaan qoraalkaan u fahmay anigu in Xuubsireed uu uga jeedo oo uu lahadlayo Beesha ////////////// ee Gobolka Mudug iyagu daga iyo Jifooyinkooda hoose, ee aanay ahayn guud ahaan beelaha kala duwan ee Gobolka wax ka daga, beeshaas iyo Isimkooda guud ayuu la hadlayaa. Marka hadalka nuxurkiisa hadaad akhriso dadka u lahadlayo waa inta Islaan Bashiir Isimka u yahay, hadaadan ka mid ahayn dadkaas hadalku adiga kuuma dhacayo ee fariintu meel kale ayay ku socotaa.

  20. salafi says:

    waxaan la yaabanahay dadka xuubsireed hadalkiisa qabyaalada ku tilmaamaya oo iyagu isu qaba inay nadiif yihiin waxayna iska dhigayaan inay nadiif yihiin, xuub sireed wuxuu ka hadlay waa majority,ga dadka daga galkacyo islaan bashiir,na waa islaanka dadka majority,ga ah ee galkacyo dagan dadku qaarna waa doorteen qaarna waa ku khasban yihiin. dadka darafyada ka dagan galkacyana laga yeeli maayo inay dhahaan waa lawada dagaa.galkacyo dhaqaalaheeda looma sina dhismoyaasheedana looma sina difaaceedana looma sina waana taas mida lagu xisaabtamayo ama uu ka hadlay xuub sireed nin walaba awrkiisa ha fuulo.

  21. Amina says:

    @Ceel booc hada ka hor baan dhawr jeer ku arkay adoo soo qoraya nin hebel haduu Galkacayo iigu yimaado waan dilayaa, malaha waxad tahay kuwii shap shooterka ahaa guryaha korsaarnaa iyo sneperkii kii magaalada, waxas laguma faano Ilaahna ka baq carabkaagu yuusan naar kuujidine, dadku waa dad walaala ah Ilaah baana is baday hadana cay iyo af xumaa wadaa.

  22. Afhayeen says:

    Waxan salamaya Xuubsireed .

    Waxan kaloo salamaya dhaman raga commenta so baxshay iyo gabdhahaba .

    Marka iga waxan aad ii soo jiitey dadka Commentga so baxshay waxan idin su’aalaya .. Islaan Bashiir Iyo Isimada la midka ah ee gobolka u dhashay ma yeelan karan nin gudoomiye u ah ??? Tan kale maxa ku jaban ninkaan qoralka uu so direy haduu la hadlayo beeshisa maxa jira adeerayaal idinkaaba culumo u aha dadka see wax u jiran …

    Tan kale oo aan la yaabay waxa weeye war xuubsireed warka uu mesha ku soo qorey ma islaanka ka wakiil buu ka dhigtay oo ii hadal yiri .. Bal dadow hadii Ugaasku noqdo Gudoomiye Iyo Haduu Abtigiis u Doorto Gudoomiye maxa ku kala jaban maxa idinka qeylisiiyay ??? Mase og tahiin in isimadu ay hoos xirir gaar ah u leeyahiin nina u yahay hormuud wadana socda ilaa hada shirkii turkiga uu Islaan bashiir u aha Isimada Gobolka Mudug Hormuud Isimada kalena u doorteen .

    Waxan ku talin laha cadiifada xun ha la iska daayo Gobolkeenu wuxu dadka ooga dib dhacay waa waxas oo kale .. Waxba ma kala nahin haduu Ugaasku Taliye iyo Haduu Abtigiis Taliyo Islaan Bashiir .

    Afhayeen.

  23. SABAAYAD says:

    KU XIILDOS
    WALAAL ISLAAN BASHIIR AAD AYUU UGU MIISAAN CULUSYAHAY CIMRIGIISA ISIM LA MIISAANANA UMALAYN MAAYO INAAD DEGAAMADEENA IIGA MAGACAABI KARTO. WAASE AYE NIMANKA AAD SHEEGEYSO OO ISKU DHERERIN KARA OOAAD TIRI AGTOODA WAXBA KAMUU AHA HADAAD QOOR IYO XERO LEEDAHAY OOD KU TAQAANO BEELAHA UU KASOO JEEDO BAL NOO SHEEG AAN KU MAQALNEE? MAXAADSE KAWADAA WUXUU USOCDO MAU AQOON OO Cabdiweli baa uyeerey? muxuu ka dooney ooloogu soo dhaweeyey sida madaxda ADUUNWEYNAHA KATIMAADA MARKUU XAMAR TEGEY HAduuna miisaan lahayn ama ninkaculus ina kujiro maynu hore u aragno cisiga iyo sharafku iyo heybadu waa wax eebe hibo ubixiyo nin walbana mahelo mana kaqaadi kartid ee xaqiraadaada liq sakiin bal orodoo xamar gee kuwaad sheegayso ineey wax yihiin markaasaad arkine mawaxaadse kaxuntahay inuu xamar tagey adeer islaamku isimada somaliyeed kuwooda ugu culus looguna jecelyahay talada somalina ubaahantahay aan geed iyo shaqsi tooni qarin karin ,siyaasadaha guracanna uadeegin ayuu ku jiraa,walowba asagu siyaasaba ka caaganyahay

  24. sabrie says:

    Xuubsireed, ereyadiisa waxa ka maqan, ereyga “Haween”.
    Miyeyna Reer Mudug, lahayn, hablo, marwo, u’ matali kari Barlamaanka cusub e soomaali wadaagi?
    Rag iyo Islaan kaliya ayaa danaha Reer Mudug, ka shaqeyn kara? Sida uu u’ qoraalkiisa uga tir tiray haween oo dhan, ragga oo og iyo Hooyo, Xaas, walaal, Soddoh, Ayeeyo, Hablahayaga, ay yihiin Haween, intee loo adkeysan kara in talinta arrimaha Somalia looga qatiya 50% shacbigeeda oo Dumar ah?
    Sabrie

  25. Yusuf Ibrahim Dhegataag says:

    Nin adduunka i ntuu ku noolaa qabiil iyo qabyaalad wax ku cunaayey ninna maaro u heli maayo. Miyuusan ogeyn xitaa reerkiisu inuu Islaamyo kale leeyahay waaba dad kalee. Maalin horena waan arkaayey oo qabiil ayuu afka ku taagaayey oo lahaa waxba la soo qodqodayaa. Waa ninkii qabyaalad awgeed afkiisu ku dhowaadey Allaha u naxariistee inuu Cabdullaahi Yuusuf sidii nebi u salaamo. Waxaan oran lahaa kala bax sheeg xumadaada beelaha walaalaha ah ha isku dirine. Meesha ummad ilaahay baa deggan reer malaha ee qabyaaladda iyo iska horkeenka jooji waxaan wax aqoon baad tahay, waxaan wax aqoonina waxbay kharibaan
    Wabbillaahi towfiiq

  26. Axmed says:

    Xuubsireedv magac waq baa bixiyaan maqlijiray oo looga jeedo allaah baa magaca qofka loo bixiyo u ekaysiiyay haduu qaato isga markaa sirtii uu kiu magacawnaabaa kasoo baxday aqoon tiina waxay tustay in uu xaqiro Bulshada badan oo dagan Mudug Isagoo ugu yeeray Beesha mudug dagta magacoodiina waa kariwaayay miskiin siyaasad maagay is ka dheh mudug adeer iyo taladiisaba rag ay kagodo oo aan ku aqoon baa jooga in shaa allaah dhaliilaha been abuurka ahna hakugu egaadeen dad reer mudugna waadad ayahooda garanaya isimadana waxba mabi in mana istaahilaan hadalka aad ku xanjaynayso waana dad xurma badan bulshada dhexdeeda kuleh

    Allaah haku soo uruur sho Xuub sireed,

  27. tawadaag. says:

    asc. wali waxaa moodaa soomaalidu iney wali ilbaxnimada iyo qabyaalada eysan ka gudbin.It seems to me waa in laga fiirsadaa waxyaalaha dadka ka dhaxeeya.

  28. hurgumo says:

    salafi@ goormaad galkacyo difaacdeen? wa wax aad loogu qoslo inaad maanta tiraahdo galkacyaan difaacay war miyiinaan 1991 ka cararin oo qaban garowe iyo meel baas markii rag rag dhalay magallada ku dirireen oo soo dhacsheen oo ilaa airportka ilaa kantrollada oo dhan hayeen oo iyaan kadib abdulahi yusuf kooxdisi dhalintii lacag iyo siyasad ku kala direen kadibna reerka hada haysta gacanta loo galiyay tan majorityga waxa kaa iri sxb xafad ayad ka degta magallada ee qunyar soco tan gudoomiyaan ka nahay magallada waxan kaa iri dee layaab maleh waayo waxa idin muraad qumiyay maamulka——– puntland balse haday cadallad jirto waa la ogyahya jagada aad magallada ka qaban lahayd

  29. kulayl says:

    Anigu waxaan kayaa banahay dka xuub sureed halalkiisa qaad qaadaya warnin kaan waa nin daad qaaday nin daad qaadayna xumba cuskay marka ha ubixinina Islaam kana waa qof caqli leh kana dharagsan wacyiga mudug ka jira xuduud uusan lahayna gudbi maayo marka kasoo qaada weer calaan viyay

  30. hogol says:

    Afhayeen@ runtii hadalkaagu wa hadal macquul ah ugaaska iyo islaamkuna haday is doortaan waxba kuma jabna balse waxa meesha ku jirta ninka maqaalka soo qoray sida uu hadalka u dhigay wuxu donaya inuu dad dhan magacooda dusha ka maro oo uu isleeyahay aad xaqirto taasna wax soconaya maha wa wixi mudug deganada kale maanta ka dib dhigay lakin waxba kuma jabna isimada mudugna wa dad wada socda balse waxan xanaaqa docka yeer kanoo kale ah markuu munaafaqad ka dhex bilaabo iyo waxan wanagsanayn dad walalo ah oo wada socda thnks anyway

  31. waxan idinsheegaya reer mudugo goor mad mucaradka iyo hadalka iska batay iskadaynaysaan oo dantiinii idinka habsamiyay iyo qabiilka iyo xafadba xafad cayga walahi waligeen danteena magarayno hadaanan iskaday nin fawdada iyo qofba qof ha xasdo iyo cidba cida kale haku duufto maant ninkii somali dhaha waxban uqabanaya waa nin waali gacantiisa kudoontay waayo marka hore wan doorana madaxdeena marka danbana wan dilna oo caynaa subxanallah midakale islanka iskadaaya waa islaan kiinii ama somaliyeey qabiilba qabiil haku mashquulo illahay kacabsada ayan idin leeyahay walahi malinta qiyaame waxba kuma tari karo qabiilgaga iyo midkan manta kufanayno waxan idinkaga tagaya cabsida illahay iyo midnimo

  32. Cabdulaahi says:

    Hadaan run la isu sheegin wax ka xun baa la isu sheegayaa waana run oo gobolkaan mudug beel baa taladeedu ka go,daa dadka kale oo wax ka dagana iyaga ha uga danbeeyeen waxba ka xumaan mayaane hadii kale waa la is bar bar yaacayaa

  33. wiil xarfo says:

    hadii aan in yar ka iraahdo qormada xuub sireed aqoontayda raxanreeb xor kadhiga dadka commentigiisa ama comatiga iskaba daaya.

    ugu horay waa run islaan bashiir waa muxtarim mudug oo kaliya maaha somali oo dhan ayuu muxtarim ka yahay, waayo waa duub dhaqameed aan hadal ku jirin intaasi waa aqoontayda islaanka aan u leeyahay intaasna u dhaafi mayo.

    xuseen xuub sireed waa kuma? dadka intaan ku aqoon aan ku baro, horta waxaad tahay nin reer bookh ah ee kursiga baarlamanka ka doono dhinacaas iyo bookh haku habsaamin mudug beelaha wada degana horaad isugu dayday inaad hadaladaas oo kale xumaan ku dhex dhigtid kuuna socon weydey.

    kkkkk xuseen maahayn inaad fikirkaaga raxanreeb soo marsiiso waayo rag ku garanayaa ku xiran oo saacad waliba daalacda, maxaa ku dhacay idamaale.com

    hadaan idin baro micnaha idamaale waa sumad ay xoolaha ku dhigtaan xuseen jifadiisu afka kuma dhufanayo anoo xeerinaya xeerka saxaafada. laakiin hadaan sii micneeyo kalimadu waa IDAMO oo lagu dhigo geela marka geelaas idamo ayuu leeyahay waa lagaranayaa baadi celintiisa.

    xuseen waa ninka qabyaalad heerka uu ka gaarey website uu rabo in umadi akhrisato ugu magacdaray geelooda sumadiisa ilaa wax gala la waayey. xuseen sxb meel kale ka wareeg mudug iyo isimada laga duubtay mid aan muxtarim ahayn kuma jiro mid mid marti u ahna majiree bookh iyo jiracle iyo dhankaas kililka ka wareeg mudug waa dad walaalaa hadalkaaguna beec kuma dhex laha.

  34. Marka hore waxan salamaya bahda raxanreeb.com marka xiga waxan oran laha walaalayal iska dhafa hadalka macna darada ah islaankana ha ugafina waxa xaquqo ah inu ka midyahay dadka gobolda puntland cisiga iyo sharafta ku leh runti islaan bashiir ani iyo tolkey midna ma doran hadu imatalana dhib uma arko wayo waxan amiinsanah inan anba matali karo dadka meeshu bugtana waxan oran laha hadina islaanka ku kalsonayn kena isinkina idinka o an cidna u gafin gobolka mudugna waqtigan laisma waydinayo dadka daga iyo cida difacday waxay ilatah hadi ad shala difacday manta shabaab kuma so hogamisen runti waxan idin shegaya inana xuubsireed iyo islaan bashiir midna ku jifa aheen lkn waxan ka xumada dadka hadalka badalaya

  35. puntlander says:

    Ader hadal ka xuub sagaro waxan u arka naac meel ayuna uga dhacey belaha daga mudug islanka mudug oodhan madoran beel aya doratay gackacyana waxay ka dagaan xaafad yaroo israac ladhoho oo waliba qayb lala daganyahay marka inu dad ka aflagaadeyo micne siyadin meysee naacda dadka kala tag wax ba lamadan shir imanine

  36. ha xaalayn says:

    asc soomaalidu waxay ku maah maahdaa nin walba garaadkiisuu hadlaa geedna mirihiisuu dhalaa marka xuub sireed layaabi mayno nin hamaynkii markuu seexdo qabiil ku qarwo weeye marka qoraalkiisa iyo mihnadiisa waa isku mid waana no thing islaan bashiirna sharaftiisa buu ku cayaaray ee reer mudug qoraalkaan waxna uma dhimin karo waxna kuma siyaadin karo dawaco ciday kasoo qaad, thanks all readers

  37. Mohamud says:

    Xuubsireed wali ma riyoonayaa, wuxuu yiri islaanka guud ee beesha degta mudug, kkkkkkkkk, waa tii hore oo uu yiri Qaxa qax baa ka horeyey isagoo sheegayana Mansab siyaasadeed……… adeer islaan bashiir aduu kuuu yahay isin adiga ha kuu saxiixo, Mudug waxaa dega in badan 50beelood beelkastaana isin bay leeyahayd ee war xumada iska dhaaf .

  38. Cadli says:

    Suhayla gabar baad tahaye dhiidhiibso!!

    Garsoor haddii shabaab joogay maxaa looga saari waayay?
    Maxaa keenay inaad hilfihiinna ka qaadataan oo aad cag soo d higi waydaan?
    Maxaa keenay inaad taliye police oo reer garsoor ah soo magacowdaan si markii kuwiinii ka huleeleen?

    Ar baaye raalli ahow shabaab haduu joogay ma dugsateene

  39. hurgumo says:

    wiil xarfo@ alla yacisak aad ayan ula dhacay sida xikmadaysan ee aad hadalka u dhigtay

  40. SABAAYAD says:

    ku cadli
    mawaxaad iga dhaadhicinaysaa wixii 100 kaban gaalkacyo kudiley qandaraaskaas garsoor kuma jirin oo gabaad masiineyn argagixisadii garsoor lagula dagaaley? weligood dadkaani wada dhashey gaalkacyo wey weda daganaayeen dhibina kamey dhexjiri jirine maxaa keenay indagaal dhaco oo weliba ladifaaco nin baay kasoo jeeda oo lagashekiyey soo qabashadiisa inlagu dagaalo oo hadaanwax jirinoowax ladabooleyn loogu diidanyahay dawladii dalka katalineysey oo lawada sameeystey. INEEY BAARIS KUSAMEEYSO.TAASOO KEENTAY DAGAAL AANWAXBA LAYSULA HARIN.

  41. suheyla says:

    ODAGA HABARTA WAX LOO SAAR WAR WIILKAAN XUUBSIREEDA WAXAA UU AHAA GEESIGII WAQTIGII AY UGU XUMEYD EE DOLADA SOMALI MAANTA SHEEGANAYSO 18SANO OO XAMAR DHIIGU QULQULAYEY OO ARGAGIXISO IYO WARLORD ISKU URUURSATEY CAGAHA XAMAR USOO DHIGAYE MASIDAAN INLOO XAGXAGTUU MUDANYAHAY WAA MAXAY SIDAANI? SOOMALI ABAAL MALEH MISE DABAGAALE QOORIHIISA LOOMA QUURAA LAYIRIYE RAGAANOW MASEEYR BAA IDIKA HAYA DADNIMADIISA IYO KARTIDIINA. KUWASE WAX KALA GURAYE EEN FILAYO INEEY REERP/LAND YIHIINOW MAXAAD KU DURTEEN WIILKAAN.? QORILE IYO BOOKH BUU KAYIMI WEDINKA LAHE WARYAA MUDDUG RAGA WAX LAGA WEYDIIYO SIYAASAD IYO DEGAANBA BUU HORMUUD UYAHAY NINA MARTI UGUMUU AHA MUDUGO DHAN WAAKEE NINKA WAX UGA YEERINAYA MUDUG XUBSIREED HASOO ISTAGO?DAMEERO DOCKAYEERRO AH BAA DHAMAANTIHIIN UHADAL EGTIHIIN. QAXA QAX BAA KA HOREEYEY KAN KU KALAAMEY HADUU YIRI MABEEN BAA? WARYAA DAWLADNIMADA IYO KALA DAMBEEYNTA NINKAAN DOONEEYNIN WAQTIGAAS OO QORIGA LA HORTAAGNAA DAWLAD SOMALI UCAGA DHIGATAA IN LAQAXIYO OO LADILO WAA MUDNAA,EEG WAXAY DHASHAY 6SANO KADIB BAAD ADIGU OGAATEY INUUSAN TUUGA WAAGAA LAQAXINAYEY OO LALA DAGAALAYEY SOMALI DAN UHEEYN.WAR KALA YAACA OO GEESIGA QARANKA HA XAGXAGANINA ,QARANIMANA MATAQAANIIN ABAALNA MALIHIDINE.

  42. sihaam says:

    @HURGUMO WAAAWAREEEY XAQIRAAD BADNAA QOFKANI MAXAATIRI C/HAA WAX KALA DIROO REER GACANTA UGELIYEY war reerku difaaceedey utaagnaayeene dhaaf beenta intiini kalaa meesha ka baxdaoo meelaad aadeen lawaayey hadaad meesha difaaceysey oo joogtey xagee aadey mameelaad gobolka fadhido la,arko yaa kaa faro maroojinkarey adeer gobolku difaac joogto ah buu ubaahnaa dadka kaliya oo utaagnaa oo ku baaba,ay markii dambena waxay ahaayeen reeraha degaanka mudug barigeeda kaga yimi gurmadka hadana magaalada ubadan eeyeynaan inagu been isu sheegin weys ogeene,war miinagii been isu sheegeyna waaba tii laydinwaayey melad kabaxdeen reermudugeenii kaloo dhami

  43. sihaam says:

    wiil xarfo islaamka maxaa kugu direy war markaad yareyd ee xarfo joogtey miyaad reer xarfuuba asba ahaaye weesada usoo dhaamin jirtey maxaa dhibkiisa islaam bashiir ku tusey ?

  44. Ifiye says:

    Xuub sareed uma qalmo inuu websitekan maqaal soo galiyo waayo waa qabyaaladayste…. Tankale waxaan layaabanay ninkaan dadka mudug dagan hal nin masuul ooga dhigay waxaan filaya jacaylkiisa ayuu kahadlay….. Meesha waxuu ka dhig allidamale.com oo nac nac iyo aflagaado lasoo galiyo

  45. Illahaw khayrka na wafaji wa dad qofkasta ay ku jirta rag iyo reer habal iska celi oo katagay run iyo rabi ka cabsi bal maxa hadalka xuubsireed logadalaya ninkan wa so shaqeye ila mujahidiinti s.s.d.f ila dawladi rajo socelinta dalka somaliya o u hogaminayay allah ha unaxariste c/lahi yusuf hadu wax qaldayna anaga hada saxayna islaan kuna koley asaga wa matala hadi usan idinka idin matalin afkina ka lexiya wiil xarfo waxan oran laha adeer wagaranaya waxa ka hadlinaya lkn sxb wa laiska samra ama waxba lasubiya cidla wax lagama ceye xuubsireed wuxu ka yimid bookh k k k k adeer aniga ka imid bookh iyo maneed hadana mudug cidna magan ogama nihin midakale waxad noshegtan garsoor hadi an shabaab jogin ya dadka ku laya qofki ladila waxa lagu dilay garsoor waxana kugu danbeeyay qaraxi bishan iyo dilki wariye farax jemis maxa xafadina halaqmareenka kadhigay..

  46. wiil xarfo says:

    @ sihaam soo dhawoow markalana ku laabo commetiga aan ka qoray xuub sireed, waxaad iweydiisey islaamka maxaa kugu diray sihaam islaamka waxaan sheegay inuu somaliya oo dhan muxtarim ka yahay ee mudug oo kaliya aanu duub u ahayn masidaas ayaa wax ka sheega mise afka somaliga ayaa kugu adag oo aadan fahmin bal ii tilmaan meeshaad iga diidey ee islaamka aan wax ugu dhimay

  47. halgan says:

    Abdirisak allore @ SSDF waa tuma? kkk jabhadii ( sii orod – soo orod-oo diid furinta) miyaa sheegaysa mise mid kale kkk war xita waxa idin dhamay SNM saa wa rag dagaalamay idinku see xabashida aya markay dagaalamayso shaaha u karin jirteen ee magac kale meesha keen kkkk ceeb.com

  48. Godar waahis says:

    @SUHAYLA WAXAN MAQALI JIRAY GABAY AH CAWALKII LA DABAY OO MASAN MIDADA DABAXDA LOO WAYAY, JEENIGU DHULKA DIG KU SIYABA WAX UU QOTAY MIDIDA GAAREYADA. GABAR YAHAY ADIGNA GADAAS BAAD TAHAY WAAD IS GUNAANADIN. GORMU GEESI NOQADY XUUB SEREED MUQDISHO OO UJOGAY RAG BUU XINIIYOHOD KU JOGAY MARKA FAANKA WAA MA HERADINII LAYAB MALAHAN .

  49. Qulun baax says:

    @ suhayla goodir waahis waa ku tilaamay ee ha gees marin tan kale gabdhuhu raga markay kala adkaadaan ayay cida adkaata u mushxaradaan sangoow orodkaaga beri la sugo marka mushxatada u kaadso oo dhowr raga kii adkaada mida kale gabri reer malahee waxaa laga yaaba inaad ragan haad hada qonsanaysid uunsiga u shidid ee yarahe kaadso

  50. xuubsireed bookh says:

    xuub sireed ===== war xumadiisa ka yaabay markaasaay afka xabbad ka geliyeen
    mudug maxaa ka galay waa ethiepian e bookh buu dagaa mudugna maaha afka kala bax dheh

  51. puntlander says:

    War aniga waxaan layaabanahay wiilashan ku socelcelinaya garsoor shabaab aya jogta sowti la is bartay maqajilaysan bari iyo nugaal waa tii gurmaku ka imanaye maxaa looga saariwayay kkkk kkk war mardanbe yaan la iniga maqlin waxas shabab ba jogta gaalo aya garab uga tuugaysane waa layaqan cida jogta garsor waa darbiga inigu haya magalada

  52. Hanad Khaliif says:

    Walaalayaal waxaa hore loo yiri meeshii bugta iyo fartaa is og, waxaan la yaabanahay ragiinaan Xuubsireed iska maagaya oo jecel inay wax ka sheegaan, Hadii Islaan Bashiir uusan beeshaada Islaan u ahayn, hadee hadalku adiga kuma khuseeyo ee beesha uu Islaam Bashiir isimka u yahay ayay khusaysaa. Beeshaas uu ka hadlayo ayuu Xuubsireed ka soo jeedaa Islaam Bashiirna waa Islaamkiisii guud, marka marna guud ahaan Gobolka Mudug ayuu ka hadlay marna si gaar ahaan ah ayuu Beeshiisa hoose ula hadlay Xuubsireed. Ninka oran kara Xuubsireed qaranka Soomaaliyeed wakhti aad xaswaai u ah uma soo shaqayn car waa kee, ninka orankara Xamar oo bahala galeen ah si geesinimo leh intuu dhex istaagay ugama soo shaqayn oo uma babac dhigin dhurwaayo dalkii iyo caasimadii qaranka la degey waa kumo ninka urankara maya. Mida kale Xuubsireed inuu nin Reer Puntland ah yahay ayuu sheegtaa, wuuna ka soo jeedaa Puntland, car qofkee i orankara beelaha Puntland dega oo dhan mid kamid ah ayuu marna gacanta ku fiiqay. Waxaan u jeeday qoraalada qaarkood dad leh Garsoor beesha wax ka degta ayuu argagixiso ku sheegay iyo waa qabyaaladiiste, aan idiin cadeeyeyee Xuubsireed waxaad ku leexisaan aaminsantihiin inuu Websiteka Allidamaale iska leeyahay oo isagu wax ka qora, Xuubsireed mar ayuu yeeshay website la oran jiray Idamaale.com ee isagu malahan Aalidamaale.com, ufiirsada waxaad ka hadlaysaan oo aad qoraysaan, eeda aan micnaha lahayna iska daaya.

  53. qaali cudoon says:

    Xuubsireed wanaag iyo wax hala saxo ayuu ka hadlay, maxaa keenay dagaalka iyo xumaanta iyo wax ka sheega intaas faraha badan, Islaan Bashiir waa Isim muxtarim ah oo aad sharaf ugu dhex leh Isimada Puntiland iyo Soomaaliyaba, beesha uu Isimka u yahay ayaana isla hadlaysa oo Siyaasiga xuubsireed uu kamid yahay, Maxaa keenay xumaanta intaas tirada le’eg ee ka dhex guuxaysa raga qaarkiis. qaar baa leh Xamar wakhtigii uu Xuubsireed ka shaqaynayay ayuu Mar uu la hadlayay saxaafada wuxuu yiri Qaxa qax baa ka danbeeyay, taasu ma been baa, soow qaxii Xamar laga qaxay dowladii uu ka tirsanaa markay talada la wareegtay qax ka horeeyay oo dhacay 1991 majirin, Beelahaan Gobolka Mudug qaybta Puntland wada dega soow kuwii Xamar kasoo wada qaxay ma ahayn, sidee ala idiin galay, xanuunka idin hayaa magaciisu waa cuqdad, wiilka la baxay Xarfo xanuun kuu gooni ah oo aan cidi kula qabin ayaad qabtaa aniga iyo adiguna hoos baanu isu ognahay, laakiin Xuubsireed suldankaagii muusan dilin, waxa aad ku colaadinaysaana waan ogahay, garankaraana, adiguna kuwa cuqdada u dhimanayaad ku jirtaa, waxmatarayaal nagama tagayaal ayaad tahay, meeshay wax kaaga maqanyihiin si sharaf leh wax uga doono Xuubsireed ha xag xaganine, Ifiye walaal adiguna waad lunsantahay Xuubsireed websiteka Allidamaale iska lahan ee wax hubso, magaca Idamaale un baad daba socotaa, haday micnahaagu tahay Xuubsireed jufadiisaan maagayaan waa sheeko kale, laakiin aan ku saxo qof habeen ah ayaad u muuqataaye Xuubsireed webkaas isagu malahan, waa la yaqaan raga iska leh. Ceelbooc Xuubsireed Mudug wuu imaanayaa waliba Gaalkacyo anagaana ugu yeerayna, adigana waxba lagaama waydiinayo ee raganimo hadaad leedahay is hortaag, malaha dilaa Gaalkacyo looga cararay baad tahaye. Xildos ninka la baxay ma aqoonta Xuubsireed ayaad wax ka ogtahay, kooxda cuqdadaysan ayaad ka mid tahay, hadalkaagana meeshuu u dhacayo waa la dareemi karaa, Xanuunka ilaahay hakaa daaweeyo.
    Waxa Gobolka Mudug uu dib uga dhacay Gobolada kale ee Puntland waxaasaa kamid ah, Siyaasigii damca inuu isbadal caafimaad leh muujiyo kalmadihiisii ayay siday rabaan oo waliba xumaan ah u tarjumayaan, Mudug nin karbaash dheer u qaata sida Cabdullahi yuusuf ayay u baahantahay, wanaagana iyo horumarkoodana kadib u sheega, walee mudug walaaloow inaysan waxba ku lahayn xumaan jecelaa oo wanaag necebaa

  54. suheyla says:

    ‘@gudurwaahisi matiii gaalkacyo udheweyde een udabbaaltagi jirneybaa ,hadee maba aynu kala fogine maad wiilka xagxagashada nooga daysaan,cidana culimaad uahaydeene hanoqonina lugtii jeeniga dhaaftee ina adeer, yareha caga dhigtoo, alla bariga iyo werdiga reerka uhaya iska daaya siyaasadan baase idin wereerisee,uunsiga waa meeshiisee goormey gabari goob lagu hardamayo kamaqnayd dhawaanaha?

  55. halgan says:

    Hanad Khaliif@ xuub sagaaro illahay wana barray wuxu yahay adna maanta na bari maysid tii garsoor wuxu ka yirina waan la socona e hungaacada meesha kala tag

  56. Qoobey says:

    Anigu ninkaas ma aqaan magaciisana waligeey ma maqal, wax xumaana kama anaan arag qoraalkiisa maxaa dagaalla keenay & aflagaadada ? Islaan bashiirse waa isin kuleh ixtiraam & qadsrin Mudug, hadiise uu yiri waxii la gu soo hishiiyo Islaan bashiir hala war galiyo si uu qalinka ugu duugo maxumaanbaa ? Viva puntland & Soomalia

  57. Garsoorta hala gubo says:

    Su aashu waxay tahay Garsoortu waa xagee ? Koleey waa meel magaceede ma Galgalaa? waligeey meel kanasiib xun ma arag maxaa ka difaaceysaan jiritaan keedaba wax yarbaa u haree

  58. Hanad Khaliif says:

    Anigu aqoon wanaagsan ayaan Xuubsireed u leeyahay, waxaana wanaagsanaan Lahayd Jeneraal Axmad Taajir oo ay taariikh dheer oo saaxiibtinimo ahi ka dhaxaysay wakhtigii ay Muqdisho joogeen, hal meelna ay wada daganaayeen, ciidankooduna isku dhafnaa in laga waraysto maanta. Wiilal yar yar oo reer baadiyayaal ah oo aan xaaja rag waxba ka aqoon ayaa iska hadaaqaya, Xuubsireed haduu cuqdad qabo ama ay xumaani ku jirto maxaa Raxanreeb u keenay oo uu wax ugu darsadaa? mida kale raga Raxanreeb maamula waa rag saxaafada ku jira intaasna waxna qora, waxna uruuriyee Maxay u colaadin waayeen Xuubsireed oo ay waliba qoraaladiisa u diidi waayeen inay soo daabacaan. War hooy warkii Odayaashii dhaqanka beelaha ============ iyo nimankii xalaalaystay dhiiga beesha ==========ee Koonfurta Soomaaliya laga sifeeyay ha sii raac raacinina, Walee Hadaanu Xuubsireed iyo ragii lamidka ahaa ee masuuliyiinta ahaa ee Muqdisho ka sifeeyay ragaas aan tilmaamay aanay tagi lahayn oo aanay bur burin lahayn suuqii Bakaaraha, in aanay maanta Gaalkacyo nabad ku joogteen. War walaahi baan ku dhaartaye in aanu Xuubsireed arimaha Puntland hoos u galin, haduu galin qaab talo dhiibasho ah oo wanaag ka talin ah ayuu u galaa. War hooy colaada iska daaya, oo xumaanta iska daaya, oo gardarada iyo hubsiino la’aanta iska daaya.

  59. galdogobian-analyst says:

    Hanad Khaliif @ sxb siwanagsan ayad u hadashay siiba qoraalkaga danbe xaal qaado mudane

  60. hogol says:

    Garsoorta hala gubo @ sxb garsoor sowtii maha ado wata daraawiishta ciidankii madaxtooyada kuwoo dekeda kuwii police ka kuwii maryo calasta barqo cad kaa saray galkacyo oo aad kabahii karartay maha hada kuwan aad sheegayso oo garsoor gubahay ma dhuusay ku gubayaan ileen awood miinan reeban kk tan kale adeer garsoor gal-gala maha ee iska hubi cuqdada aad u qabto garsoorna godka un ayad la galaysa waxba kaga qaadi maysid indho-fiish fooqal indho-fiish

  61. Hadal nina si uyiri nina si uqaadey Xuubsireed waxa uu rabey inuu kahadlo Beesha Cumar Maxamud Hadalkaa Meesha lamaree waxkale hauqaadanina Tan Labaad Xuub sireed Xagee buu ku hilmaamey Garaad Maxamed + Caaqil Cabdiwahaab iyo Aniir Maxamud Islan Bashiir waxa uu Islan uyahay Kalia Wixii Omar Maxamud ah ee aan sameysan

Leave a Reply