Muqdisho Oo Maalinta Olombikada Adduunka Laga Xusay [Warbixin & Sawirro]
Muqdisho (RBC) Waxa magaalada Muqdisho lagu qabtay tartamo lagu maamuusayo maalinta Olombikada Adduunka oo ku beegan 23Jun oo sanadkastana aduunka laga xuso.
Muqdisho waa markii ugu horreysay ee lagu qabtay tan iyo burburkii dalka 1991-dii, sababtu waxa ay ahayd dagaalada iyo mashaakilaadka hareeyay caasimada.
Tartamada ka dhacay Muqdisho ayaa lagu bixiyay abaal marin qaali ah, kuwaas oo la siinaayay ciyaartooda ku guuleestay tartamada la qabtay.
Tartamadaas waxa ka mid ah cayaaraha fudud iyo qalamo rogad oo ay dhallin badan oo Soomaali ah ay aad u yaqaanaan kuwaas oo isugu jira wiilal iyo gabdho.
Soomaaliya waxa ay ka mid tahay dalalka sanadkan ka qeybgalaya tartanka Olombikada Adduunka oo bisha soo socota ee July ka dhacaya magaalada London ee xarunta dalka Britain.
Diyaargaroowgii ugu dambeeyay ayaa hadda socda oo ay wadana cayaartoyda cayaaraha fudud ee matalaya Soomaaliya kuwaas oo ka qeybgalaya tartankaas.












[...] Original post: Muqdisho Oo Maalinta Olombikada Adduunka Laga Xusay [Warbixin & Sawirro] [...]